Home Blog Page 1639

Madaxweynaha CAF oo soo gaaray Muqdisho

0

Waxaa soo gaaray magaaladda Muqdisho 57-sanno jirka dhawaan loo doortay inuu hoggaamiyo xiriirka kubbadda cagta qaaradda Afrika ee loo soo gaabiyo CAF Mr Ahmed Ahmed.

Garoonka dayaaradaha dalka ku soo dhaweeyay masuuliyiin ay ka mid tahay wasiirka Wasaarrada Dhallinyarada iyo Cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carrab.

Madaxweynaha kubbadda cagta Qaaradda Afrika, ayaa lagu waddaa inuu soo kormeero goobbo muhiim u ah cayaaraha sida Garoomada Cayaaraha ee ku yaalla dalka.

Tani waxa ay noqoneysaa booqasho taariikhi ah, waxanna ay u gogol xaareysaa booqashadda madaxweynaha FIFA oo isna lagu waddo inuu yimaado Soomaaliya bilaha soo socdo.

Mr:- Axmed Axmed oo u dhashay Madagascar, ayaa la doortay 16-kii bishii hore, waxanna uu helay codad gaaraayo 34 halka Ciisa Xayaatu oo xilkaasi horay u hayay oo la tartamayay uu helay isna codad dhan 20.

Dalka Imaaraadka Carabta oo bilaabay olole lagu taageerayo dadka la ildaran abaaraha ee Soomaaliya

0

Madaxa Golaha saree e Hey’adda Samofalka dalka Imaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin C/lla Al-nuceymi ayaa sheegay in la bilaaay olole lagu uruurinaayo kalmooyin dhaqaale oo loogu talagalay malaayiin  dad ah oo ay ku habsadeen abaaraha ka jira gudaha Soomaaliya.

Tallaabadaan ayaa ka dambeysay fulinta amar ka soo baxay madaxweynaha Imaaraadka Carabta sheekh khalifa bin Zayid Aala nahyaan, kaas oo sheegaya in la uruuriyo lacago kaalmo ah oo lagu gargaaro dadka Soomaaliyeed ee ay waxyeeladu ka soo gaartay abaaraha.

adaxa Golaha saree e Hey’adda Samofalka dalka Imaraadka ayaa xusay in sida ugu dhaqsiyaha badan kaalmooyin dhaqaale loogu diri doono dadka Soomaaliyeed,iyadoo laga duulayo saaxiibtinimada qotoda dheer ee u dhaxeysa labada dal.

Dhinaca kale Duqa magaalada Abuu Dabi Cuweyda Murshid Almarar ayaa isna ka dhawaajiyay in barnaamoj ceelal qodis ah ay ka bilaabayaan gudaha dalka Soomaliya,si ayuu yiri ay wax uga taraan dhibaatooyinka biniaadanimo eek u soo noqnoqday dadka Soomaaliyeed

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

0

Maxamed Xashi Carabeey Madaxweyne Kuxigeenka GALMUDUG  ayaa kulan kula qaatay Safiirka Dowlada Turkiga Ufadhiya Somalia Waxayna Kawada hadleen Sidii Dowlada Turkiga GALMUDUG ugala shaqayan Laheed Kabayaasha Hormarka sida waxbarshada Cafimaadka iyo Biyaha.

Safiirka ayaa u balanqaaday Madaxweyne kuxigeenka in uu Garab siin doono isla markaan Dowladiisa ay ka qeyb qaadan doonto hormudka Galmudug.

Ra’iisul Wasaare kheyre iyo Madaxda dowlad gobolleedyada oo warbixin ka dhageystay Guddiga Gurmadka Abaaraha

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Madaxda Maamul Gobolleedyada, Puntland, Jubbaland, Koonfur-Galbeed, , Ku-simaha Madaxweynaha Galmudug, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha, waxana ay warbixino la xiriira wax yaabihii u qabsoomay ay siiyeen madaxda.

Sheekh Nuur Baaruud oo ku hadlayay magaca Guddiga gurmadka abaaraha ayaa tilmaamay in mudadii saddexda bilood ee guddiga shaqeynayay lacagihii ay qabteen badan keeda ay gaarsiiyeen dadka dhibaataysay, wuxuna si gaar ah mahad uga celiyey cid walba oo gacan ka geystay gurmadka.

Qaar ka mid ah Madaxda maamul gobolleedyada ayaa ku ammaanay Guddiga gacanta ku haya gurmadka Abaaraha sida ay u dhawrayaan ammaanada loo dhiibay, waxayna sheegeen in loo baahan yahay guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay isku tashadaan si looga maarmo kaalmo shisheeyo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay muujiyeen isku tashi, isagoo tilmaamay in gurmadkani uu ka turjumayo soo noqoshada kalsoonidii ay isku qabeen bulshada Soomaaliyeed.

“Si looga tabaabusheysto inay soo laabtaan abaaraha, xukuumadu waxay abuuri doontaa mashruucyo lagu horumarinayo beeraha iyo wax soo saarka, sidoo kalena waxay sameyn doontaa biyo xireeno, si looga faa’iideysto xilliga jiilaalka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka hadlayay markii uu soo dhamaaday kulanka.

Madaxweynaha iyo R/wasaaraha oo Xidigle Faa’isa u balan qaaday Caafimaad Dibadda ah

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane maxamed C/laahi Farmaajo iyo R/wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay Xidigle Faa’isa C/rashiid oo u baahan gar gaar caafimaad oo dalka dibadiisa ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo R/wasaaraha ayaa u balan qaaday Faa’sa in la gayn doono wadan kasta oo ay ka helayso caafimaad.

Xidigle Faa’sa ayaa aad ugu mahadcelisay Madaxda dalka, waxayna sheegtay inay ku Faraxsantahay in maanta Madaxweynaha iyo R/wasaaraha ay balan qaadaan in Wadanka dibadiisa loo qaadi doono ay u hesho caafimaad taam ah.

Qaar ka mid ah shaqaalaha hay’adda dowladda oo tababbar uga furmay Muqdisho

0

Tababbarkaan Tayeynta shaqaalaha Dawladda ayaa waxaa ka qaybgelaya in ka badan 100 Shaqaale oo ka kala socda qaar ka mida hay’adaha Dawladda, waxaana uu soconayaa muddo shan cisho, iyadoo ay si Wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Dawladda Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka.

Xiriiriyaha  Mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dawladda Cumar Maxamed Cabdi ayaa sheegay in tabbarkan uu yahay mid lagu xoojinayo aqoonta shaqaalaha, ayna joogteyn doonaan siminaarada nuucaani oo kale ah.

Wasiirudawlaha Wasaaradda Waxbaarashada hidaha iyo Tacliinta Sare Cabdiraxmaan Maxamuud Cabddulle Jaabir ayaa sheegay in Wasaaraddu ay door muhiim ah ka qaadan doonto tayaynta iyo sare u qaadidda aqoonta shaqaalaha hay’adaha dowladda.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac oo furay tababarka ayaa kula dardaarmay ka qaybgalayaasha in ay ka faa’iideystaan tababbarka muddada shanta cisho ah ee uu socon doono.

tababarada nuucaani oo kale ayaa ah kuwa dhiiri gelin u noqon kara shaqaalaha hay’adaha dowladda,

Wasiirka Amniga oo xariga ka jaray hab-raaca qaadashada baasaboorka

0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray hab-raaca cusub ee qadashada Baasaboorka Soomaaliya.

Wasiirka oo maanta kormeer guud ku sameeyay xarunta bixinta basaboorada Soomaaliya ayaa mid mid u kormeeray xafiiskayada hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, Sida Xafiiska Hubinta Muwaadinimada, Xafiiska Qaadashada baasaboorka, Xafiiska Daabacaada, Xafiiska Keydka iyo Xafiiska Shaqada iyo shaqaalaha.

Hab-raacan cusub ee qaadashada Basaboorka ayaa ah mid lagu kontoroolayo dadka qadanaya Baasaboorka in ay yihiin dadka xaqa u lahaa iyo sidoo kale in dib loo soo celiyo sharafta Basabooka Soomaaliya uu lahaa.

Wasiirka amniga ayaa warbixin ka dhageystay Taliyaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Maxamed Aadan Koofi, isagoo uga waramay sida ay hay’adda u shaqeyso iyo qorsheyaasha ay hiigsanayaan.

Mudane Maxamed Abuukar Islow Wasiirka Amniga gudaha ayaa bogaadiyay howlaha ay qabato hay’adda, waxaana uu kula dar daarmay inay sii dar dargeliyaan howlaha loo igmaday.

Howlgalka Ciidammada NISA ee Degmada Wadajir (Sawirro)

0

Ciidammada  Nabad Sugida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta toogasho ku dilay labo nin oo madaafiic ka riday degmada Wadajir, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka.

Labada Nin ee la toogtay ayaa la sheegay in mid ka mid ah uu isku dayay inuu ciidanka iska caabiyo ka dibna uu galay Guri ku yaala degmadaasi Wadajir, iyadoo markii danbe ay toogteen Askartu.

Saraakiisha Ammaanka ayaa sidoo kale SONNA u sheegay Gaari ay wateen Ragaan oo ay ku xirnaayeen walxaha Qarxa in Ciidamadu ay qabteen hayeeshee markii Danbe uu Qarxay Gaarigaas.

Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa sheegay in shacabka ay la shaqeeyeen ciidanka ammaanka taas oo suurta gal ka dhigtay in laga hortago maleeshiyadaan caadaysatay inay shacabka Soomaaliyeed ay dhibaato u gaystaan.

Xalay ayay ahayd markii ciidammada ammaanka ay degmada Xamar Jajab ku qabteen labo nin oo qaf shacab ah ku dilay degmadaas, waxaana muuqatada Ciidammada ammaanka inay haatan xil wayn iska saareen sugidda ammaanka Caasimadda.

    

  

Baydhabo: Maxkamadda ciidamada qalabsida qeybta 60aad oo xukunno riday

0

Maxakamada Ciidamada Qalabka sida Soomaaliya qeybta 60aad ayaa maanta xukun dil ah ku riday Askari ka tirsan Ciidanka Booliska gaarka ah ee Koonfur Galbeed oo dhawaan bartamaha magaalada Baydhabo ku dilay qof shacab ah oo ka mid ahaa Ganacsatada magaalada Baydhabo.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa shan sano oo xabsi ciidan ah ku riday nin lagu eedeyey in uu ka tirsanyahay maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaasi oo ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada amniga.

Guddoomiyaha Maxakamadda ciidamada Qalabka sida Soomaaliya ee Qeybta 60aad Sheekh Aadan Abuukar Maxamed ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda.

 

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir oo Xalay Si ramsi ah xilkii ula Wareegay

0

Munaasabadan oo uu Xilka Kula wareegaye Gudoomiyaha Cusub ee Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Taabit cabdi Maxamed ayaa waxaa kasoo qeyb galay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Fedraalka Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre Wasiira katirsan xukuumada Xildhibaana katirsan Aqalka sare iyo Golaha shacabka Gudoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir Saraakiil katirsan Ciidamada qalbka sida Fanaaniinta ubaxa Boondheere marti sharaf iyo dadweyne aad u tira badan kaas oo ka dhacday Aqalka dowlada Hoose ee Xamar.

Masuuliyiinta kala duwaneed ee munaasabada ka hadlay ayaa Gudoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir ku amaanay da’daalka uu ku bixiyay hormarka Magaalada iyadoo dhanka kale sheegay in ay garab istaagi doonan Gudoomiye Taabit,

Gudoomiyihii Hore ee Gobalka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo munaasabada ka hadlay ayaa aad ugu mahad celiyay shacabka soomaliyed iyo maamulkii ay isla soo shaqeeyen.

“ waxaan  aad iyo aad ugu mahad celinaaya dhamaan shacabkii Soomaliyed iyo Maamulkii iyo shaqaala weynaha Dowlada hoose mudadii koobned sida ay iila soo shaqeeyen oo ay iigu garab siiyeen howsha adag ee la taaban karo ee laga qabtay magaalada Muqdisho waxaan idin lee yahay idinma hilmaami doon”

Gudoomiyaha Cusub ee Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed ayaa dhankiisa sheegay in maamulkiisa uu xooga saari doono Hormarka iyo xasiloonida caasimada.

“ xamar cadey waxey horey u aheyd magaala qurux badan oo xasiloon maamul keyga waxuu waxbadan ka qaban doono sareenta sharciga xasilooni iyo wax qabad sidoo kale waxaan doorka koobaad ka dhigi doona ilaalinta nafta iyo hantida dadweynaha”

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Taabit ayaa dadka kasoo qeyb galay munaasabada ka dalbaday in ay ka qeyb qaatan tabarucaada loogu gurmanaayo dadka soomaliyed oo ay abaaruhu saameeyen kuwaas oo qaar kood kusoo barakacay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dowlada Soomaliya Mudane Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa kula dardaarmay Gudoomiyaha Gobalka Banaadir  in uu kasoo dhalaalo balad qaad yadiisa.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo munaasabada ka hadlay waxa uu ka dalbaday umada Soomaliyed in ay wax waliba ka hormariyaan Soomalinimada islamarkaana ay Dowlada diyaar u tahay in lala xisaabtamo.

Munaasabada marka ay soo gaba gabootay ayaa waxaa shahaadooyin la gudoon siiyay qaar kamid ah masuuliyiinta iyo howl wadeenada Dowlada Hoose ee Xamar.