Ra’iisul Wasaare Khayre oo dib-u-daah furay Kuliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah-furayey Kuliyadda Cilmiga Warbaahinta iyo Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, taas oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, waxaana ka soo qeyb galay Wasiirro, Xildhibaano iyo qaar kamid ah madaxda warbaahinta madaxa banaan.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ka hadlay muhiimadda ay warbaahinta iyo Saxaafadda u leedahay kuliyaddan oo markii ugu horeysay lagu daray Jaamacadda Umadda Sanaddii 1979-dii, wuxuna tilmaamay in soo noolaynta kuliyadani ay tahay astaan wanaagsan oo muujinaysa sida ay Jaamacadda ummadda Soomaaliyeed uga go’an tahay in kor loo qaado xirfadda saxafiyiinta.

“Waxaan halkaan uga mahad celinayaa cid walba oo ka shaqeysay dib-u-soo nooleynta Kuliyadda Cilmiga Warbaahinta iyo Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda, Ardayda nasiibka u heshay kuliyaddan waxay astaan u yihiin soo celinta sharafkii iyo karaamadii qaranka”Ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in saxaafaddu ay tahay muraayadda keliya ee laga daawan karo qaran shaqeynaya , taasoo kobcisa garaadka iyo fikirka bulshada fayow.

“ Saxaafaddu waxay dhiirrigelisaa horumarka, hiigsiga himillada wanaagsan, tayeynta maamulka wanaagsan iyo xil gudashada madaxda qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxayna soo saartaa bulsho isku xiran oo leh hal hadaf oo mideysan” ayuu raaciyey Ra’iisul Wasaare Khayre.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo shaxaraad ka bixiyey ahmiyadda uu warbaahinta iyo suxufiga Soomaaliyeed u leedahay Kuliyaddan oo ah mid ay baahi weyn u qabaan Saxafiyiinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...