Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda India ayaa maanta heshiis ku kala saxiixday caasimadda India ee New Delhi.

Date:

Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda India ayaa maanta heshiis ku kala saxiixday caasimadda India ee New Delhi.

Arrimaha kale marka laga soo tago heshiiskani wuxuu u saamaxayaa Dowladda Soomaaliya in iyada lagu soo wareejiyo 118 maxbuus oo loo heysto dembiyo la xiriira burcad badeed oo hadda ku jira xabsiga Taloja ee magaalada Mumbai ee dalka India ka dib marka uu xukun ku dhaco.

Heshiiskaasi wuxuu qorayaa in maxaabbiistaasi ay xukunka ku dhammeystaan dalkooda si ay ehelkooda iyo saaxiibbadood ay u soo booqan karaan.

Midkii raba in xukunkiisa dib u eegis lagu sameeyo sida uu heshiisku qorayo waxaa go’aanka dib u eegista leh Dowladda India.

Laakiin haddana waxaa uu heshiisku qorayaa in labada Dowladooda ee Soomaaliya iyo India ay mid kastaa iskeed cafis ugu fidin karo maxaabbiista iyada oo waafijneysa shuruucda dalkeeda.

Maxaabbiista Soomaaliyeed ee India ku xiran oo dacwaddooda la qaaday, waxaa la filayaa 15-ka ugu horreeya in Maxkamad ku taalla Mumbai ay berry ku dhawaaqi doonto xukunkooda.

Aniga iyo xubnaha kale ee wafdiga Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Axmed Cali Daahir iyo mas’uuliyiin Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ay ka mid tahay Danjiraha Soomaaliya ee New Delhi, Ebyan Maxamed Saalax (Ebyan Ladane) berri ayaan u amba bixi doonnaa magaalada Mumbai.

Waxaan aad ugu mahadcelinayaa dhammaan inta gacan ka geysatay daba socodka howshan, diyaarinta iyo dib u eegista nuqulka heshiiska, waxadaaxjoodka iyo taageerada iyo dhiirri gelinta howshaan guusha ku dhammaatay.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisal Wasaaraha, Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka, Wasiirka Caddaaladda, Xasan Xaaji, oo heshiiska naga hubiyay talana ka bixiyay iyo dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada.

Waxaa kale oo aan u mahadcelinayaa Agaasimaha Aasiya ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Shirwac Cabdullaahi Ibraahim oo howshan muddo soo waday haddana ka mid ah wafdigeyga, Agaasimaha Waaxda Sharciyada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Cusmaan Abshir Cigaal oo howlgeliyay nuqulka heshiiska iyo Xoghayaha Koowaad Axmed Maxamuud Maxamed Xiish oo ah sarkaalka Safaaradda Soomaaliya u qaabbilsan kiiska Maxaabiista Mumbai.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf ayaa isaguna fagaare Madaxweynaha Qaranku fadhiyo ku ballan qaaday in uu bixin doono kharashka dayaaradda lagu soo celinayo Maxaabbiista  haddii ay Dowladdu ku guuleysato in ay India ka soo deyso.

Dhammaantood waan uga mahadcelinayaa iyaga iyo inta kale ee samaddoonka ah ee mar warlba howshan nagu garab taagnaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...