Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Puntland Ugu Hambalyeeyey 19 Sano Guurrada Aas Aaskooda

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa u diray Hambalyo shacabka iyo dowladda Puntland isaga oo ugu hambalyeeyey sanad guurrada 19aad ee kasoo wareegatay markii Puntland la aas aasay.

“hor iyo horaan aniga oo ku hadlaya magaceeyga, magaca Guddoonka Golaha Shacabka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan Hambalyo leeyahay Shacabka iyo dowladda Puntland oo aan ugu hambalyeynayo 19sano guurrada aas aaskooda, waxaan leeyahay Hambalyo Hambalyo Hambalyo” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Guddoomiye Jawaari.

“marka hore Hambalyo sanad guurrada aas aaskiina , marka labaadna waxaan idiinkugu hambalyeynayaa hormarka,nabadda iyo dimuqraadiyadda aad ku tallaabsateen mudada 19ka sano ah, waxaad tusaale u tihiin Soomaaliya oo dhan, waxaan Alle subxaanahu wa tacaalaa idiinkaga baryayaa in uu idiin siyaadiyo hormarkaas aad ku tallaabsateen” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” waxa uu u rajeeyey shacabka iyo dowladda Puntland ee Soomaaliya nabad, hormar iyo barwaaqo.

—DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...