Soomaalida ku nool Sacuudiga oo ka cabanaya lacago canshuur ah oo lagu soo rogay

Date:

Wasaaradda Maaliyadda ee dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa lacago canshuur ah ku soo rogay dadka ajaanibta ah ee ku sugan dalka Sacuudiga, waxaana ay tani saameysay Soomaalida ku nool dalkaasi.

Qadro Axmed Biid oo ka mid ah gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka Boqortooyada Sacuudiga oo la hadashay Radio Muqdisho

“Lacagaha ay Wasaaradda Maaliyadda boqortooyada Sacuudiga ku soo rogtay waxa ay tahay in bishiiba ay bixiyaan $25 dolar, iyadoo ay bixinayaan inta ka dhiman bishaan sanadkan, waxaana ay intaa ku dartay in lacagtan laga rabo oo kaliya dadka heysta sharciyaddda Boqortooyada Sacuudiga” ayay tiri Qadro.

Qadro Axmed Biid ayaa xustay in sadka xiga ay Wasaaradda Maaliyadda ku kordhin doonto lacagta hadda laga rabo oo ay noqon doonto $50 dolar, halka sanadka xigana ay noqon doonto $75 dolar.

Qadro ayaa sheegtay in dadka aan heysan sharciyadda Boqortooyada Sacuudiga loo qabtay kal hore muddo 90 cisho, taasi oo ay sheegtay inay mar hore soo dhamaatay, waxaana ay xustay in dhibaato badan ay ku qabaan Sacuudiga, isla markaana aysan heysan waddo kale oo ay sameeyaan.

Qadro Axmed Biid oo ka mid ah gabdhaha ku nool dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in cabashadooda ay u gudbiyeen Safaaradda Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga, balse aysan ka helin jawaab.

Qadro ayaa ka codsatay dowladda Soomaaliya inay soo daad gureyso Soomaalida ku dhibaateysan dalka Sacuudiga, si ay dib ugu soo laabtaan waddankooda Hooyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...