Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo

Date:

Qaraxan oo ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa ka dhashey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kadib markii gaari nuuca raaxada ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu ku qarxay goob lagu qaxweeyo oo kutaala magaaladasi.

Wariyaha warbaahinta qaranka Aadan Max’ed Salaad ayaa SONNA u sheegay in  ilaa 17 dhaawac ah inta la xaqiijiyay la dhigay isbitalka magaalada Kismaayo, waxaa sidoo kale jira qasaare dhimasho ah wallow aan la ogeyn tirada rasmiga ah.

Dhinaca kale Afhayeenka wasaaradda Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wakaalada wararka SONNA u sheegey in hay’adaha amaanka ay ka war heleen  in gaarigaasi laga soo buuxiyay walxaha qarxa balse kooxaha nabad diidka ee Alshabaab ay qarxiyeen markii la ogaaday kadib.

Goobta qarax uu ka dhacay ayaa ah goob ay inta badan isugu yimaadaan bulshada magaalada Kismaayo waxaana xiligaasi ku sugnaa dad badan oo shacab ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...