Dowladda oo xaqiijisay howlgal lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Date:

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in howlgalka ay sida wadar jirka ah u fuliyeen ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada  uu ahaa mid lagu bartilmaameedsanayay horjooge ka tirsan Al-Shabaab.

Wasiirka oo u waramay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in howlgalka uu u dhacay sidii la rabay, isla markaana ay dowladdu aaminsantahay in howlgalkaasi lagu qaarajiyay Horjooge Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal).

“Howlgalka waxa uu ahaa howlgal qorsheysan oo dowladda Federaalka ay u fasaxday ciidamadeena iyo ciidamada aan saaxiibada nahay ee nalaga qeyb qaata ciribtirka Al-Shabaab,  howlgalka waxa uu ku soo dhamaaday si guul ah, waxaa aad loo bartilmaameedsanayay horjooge ka mid ah kooxaha argagixisada Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal), waxaana la aaminsanyahay in howlgalkaasi lagu qaarajiyay horjoogaha lagu bartilmaameedsanayay, walow wixii dheeraad ah laga soo sheegi doono gadaal).

Wasiirka Eng, Yariisow ayaa xusay in horjoogaha howlgalka lagu bartimaameedsaday uu argagixisada Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada ka dhaca caasimadda, isagoo intaa ku daray in tallaabada ay qaadeen ciidamada ay tahay guul u soo hooyatay shacabka Soomaaliyeed.

Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa hoosta ka xariiqay in howlgalka laga fuliyay deegaanka Toora toorow ee gobolka Shabeelaha Hoose uu ka duwanaa howlgaladii hore, isla markaana uu ujeedku yahay in howlgallada lagu ugaarsanayo argagixisada ay ahaadaan kuwa qorsheysan oo aan wax dhib ah ka soo gaarin shacabka.

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliya deegaanno ka tirsan Gobollada dalka, kuwaasi oo bartilmaameedsaday argagixisada Al-Shabaab ee inta badan dhibaateynaya shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...