Home Blog Page 1631

SNTV iyo Jubbaland TV oo Heshiis ku kala saxiixday Muqdisho

0

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane C/raxmaan Cumar  Cusmaan “Yariisow”  Agaasimaha  Maamulka   iyo  Qorsheynta  Wasaaradda  Warfaafinta,  Agaasimaha  Wakaaladda Wararka ee  SONNA iyo  Agaasimaha waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada ee Wasaaradda ayaa goobjoog  ka ahaa kulanka ay heshiiska ku aadan iska kaashiga oo ay kala saxiixdeen Agaasimaha TV-ga Qaranka iyo Agaasimaha TV-ga Jubbaland.

Agaasimaha TV-ga Qaranka Liibaan Cabdi Cali ayaa sheegay maadaama Telfeshinka Qaranka uu yahay midka ugu wayn TV-da Soomaalida inuu TV-ga Jubbaland ka caawin doono dhinaca Tababarada Shaqaalaha iyo sidoo kor loogu qaadi lahaa Xirfada.

Yuusuf Xasan Cadaani oo ah Agaasimaha TV-ga Jubbaland ayaa heshiiskaan ku tilmaamay mid muhiim ah, isagoo u mahadceliyay wasiirka warfaafinta iyo guud ahaan maamulka wasaaradda.

Heshiiskaan ayaa sidoo kale dhigaya in labada TV ay isdhaafsadaan Barnaamiyada iyo fariimaha wacygalinta ah ee muhiimka ah.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta iyo isgaarsiinta maamulka Puntland  C/raxmaan Jaamac Warsame oo isna goobjoog ka ahaa heshiiska labada TV ay ku kala saxiixdeen Muqdisho ayaa sheegay inay Arrintaan u gogol xaarayso inay xiriir wanaagsan yeeshaan Warbaahinta Soomaalida oo dhan.

Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow Wasiirka Warfaafinta  Dhaqanka iyo Dalxiiska  ayaa kula dardaarmey Agaasimayaasha Telefishinada SNTV iyo Jubaland iney fuliyaan qodobada ay ku heshiyaan.

Shirka Golaha Amniga Qaranka oo Muqdisho ka Furmay

0

Muqdisho, 5ta Luulyo 2017- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta guddoomiyey shirka Golaha Amniga Qaranka oo muddo labo maalmood ah ka socon doona xarunta Madaxtooyada.

Shirkan ayaa lagu lafo gurayaa qodobo ay kamid yihiin dib u habeynta laamaha amniga, wada shaqeynta hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo mideynta qorsheyaasha lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ah.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo warbaahinta la hadlay keddib furitaanka shirka ayaa sheegay in uu shirkan daba socdo shirkii bartamihii bishii Abriil ee sanadkan lagu qabtay Madaxtooyada Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya. shirkaas ayaa looga dhawaaqay Golaha Amniga Qaranka iyo qorsheyaal kale oo ay kamid ahaayeen dib u dhiska ciidamada qalabka sida iyo xoojinta dagaalka lagu jiro kooxaha argagixisada ah.

Waxaa ka qayb galaya shirkan xubnaha Golaha Amniga Qaranka oo ka kooban Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka, Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo dalka dib ugu soo laabtay

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Yuusuf Garaad Cumar iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kuwaas oo ka soo qeyb galay shirka hoggaamiyeyaasha Midowga Africa oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Ajendaha ugu weyn Shirka waxa uu ahaa in la maalgeliyo dhalinyarada ku nool qaaradda afirka si ay u noqdaan dhalinyaro wax soo saar leh, ujeedkuna yahay sidii looga hortagi lahaa kooxaha xagjirka ah in ay ka faaiideystaan dhalinyarada shaqo la’aantu hayso, Sidoo kale waxaa shirka warbixin ku aadan sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa midowga afrika looga dhegeystay Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame.

Waxana intii uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ku sugnaa Addis Ababa uu la kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina oo kala hadlay in dhalinyarada Soomaaliyeed ee shaqo la’aantu haysado loo abuuro fursado shaqo. Isla markaana ay ka faaiideystaan barnaamijyada horumarinta ee Bangigu sameeyo, sida barmaaijka ‘Enable Youth’ oo ka shaqeeya 8-wadan oo kamid ah qaaradda Africa, wuxuna soo dhaweeyey Madaxweynaha Bangiga horumarinta Africa sida wanaagsan ee isla xisaabtanku ku jiro ee ay u shaqeyso dawladda Soomaaliya.

Dhanka kale, Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii ay ku sugnaayeen Addis Ababa waxay kulamo la qaateen madaxdii Shirka ka soo qeyb gashay, gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Ethiopia oo dhamaantood ay isla soo qaadeen fulinta qodobadii horey loogu heshiiyey . Waxana iyadoo la fulinayo qodobadaas ay dawladda Itoobiya kusoo wareejineysaa dawladda Soomaaliya 120 maxaabiis Soomaali ah oo waddankaas ugu xiran dambiyo kala duwan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar kamid ah madaxdii shirka ka qeyb gashay waxana ay dhammaatood ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalkooda iyo Soomaaliya, iyadoo dalalka qaar ay isla soo qaadeen maxaabiis ku xiran dalalkooda sidii dib loogu soo celin lahaa Soomaaliya.

DHAMMAAD

Midowga Afrika oo sheegay in uu wafdi u dirayo jasiiradda Dumeyra oo ay ku muransan yihiin waddamada Jabuuti iyo Eritrea

0

Guddoomiyaha Midowga Afrika, Muusa Faki Maxamed ayaa shalay ku baaqay deganaan isagoo dhinaca kale tilmaamay in wafdi ay u diri doonaan Jaziiradda Dumeyra oo ay ku muransan yihiin labada dal ee dariska ah ee Jabuuti iyo Eritrea.

Eritrea ayaa lagu eedeeyay in ay degdeg ciidamo ugu dirtay deeganka buuraha ee Dumayra kaddib markii Qadar ay kala baxday ciidamadii nabad ilaalinta ee halkaas ka joogay.

Qadar ayaa labada dal dhexdhexaadineysay muranka u dhexeeya Jabuuti Eritrea, waana tan keentay in ay ciidamo geyso Jaziiradda Dumayra kaddib markii uu dhacay heshiiskii xabbad joojinta sannadkii 2010-ka.

Dalka ku yaalla Khaliijka ayaa ciidamadiisa kala baxay kaddib markii labada dal ay la safteen Sacuudiga iyo seddax dal oo kale oo carbeed oo xiriirka u jaray dowladda Qadar.

Qadar ayaa la baxday ciidamo gaaraya 450 askari oo nabad ilaalin ahaa kaddib markii xiirka loo jaray xukuumadda Dooxa. Eritrea waxa ay sheegtay in aysan xog ka heynin go’aanka Qadar sidaas waxaa sheegtay wakaaladda wararka Reuters.

Barlamaanka Masar oo kordhiyey muddada xaaladda degdegga ee dalkaas ka jirta

0

Barlamaanka Waddanka Masar ayaa Talaadadii shaley meel mariyey go’aanka madaxweyne Cabdifataax Al Sisi uu ku soo rogay xaaladda degdegga ee dalkaas, waxa ay kordhiyeen muddo seddax bilood oo kale oo dheeri ah, sidaas waxaa sheegay afhayeenka baarlamaanka Cali Cabdelaal.

“Go’aanka xaaladda degdegga waa mid sii soconaya sidaas darteed waa in aan kordhinnaa”ayuu u sheegay afhayeenka barlamaanka xildhibaannada shaley joogay fadhigga.

Muddada xaaladda degdegga ee la kordhiyey ayaa socon doona illaa seddax bil oo ku eg bisha April ee sannadkan, waxa ay tallaabada dababa socotaa kaddib markii la qarxiyey labo kaniisad oo ay ku dhinteyn ugu yaraan 45 qof.

Dhinaca kale, seddax boolis ah ayaa dhintay qarax miino oo dhulka la galiyey oo ka dhacay deeganka Siinaay, sidaas waxaa sheegay sarkaal ka tirsan booliska.

Ilo wareedyo xagga caafimaadka iyo ammaanka ayaa laga soo xigtay in 10 kale ay ku dhaawacmeyn qaraxaas.

Qaraxa ayaa ka dhacay deeganka Cariish ee caasimadda waqooyiga gobalka Siinaay.

Qaraxa ayaa lala eegtay kolanyo ay la socdeyn ciidamada, waxaana askarta dhaawacantay la geeyay Isbitaal ay ciidamada leeyihiin oo ku yaalla magaalada Cariish.

Telefishanka qaranka ee Masar ayaa xaqiijiyey askarta ku dhintay weerarka balse ma sheegin xilalka ay hayaan iyo magacyadooda. Sidoo kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Masar.

Kooxda ISIS ayaa xoojisay weerarada ay ku qaadeyso saldhigyada ciidamada iyo kaniisadaha Qibdiyiinta dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, waxaana ay dileyn ku dhawaad 100 ka tirsan dadka qibdiyiinta tan iyo bishii December, Ma jiro illaa hadda koox sheegtay mas’uuliyadda qaraxii shaley.

Wasiirka Warfaafinta oo Faah Faahin Ka Bixiyey Shirka Golaha Amniga Qaranka Ee Muqdisho Ka Furmaya Maanta

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisoow) oo wareysi siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey shirka Golaha Amniga Qaranka ee maanta ka furmaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka.

Shirkan oo uu shir guddoomin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa waxaa kasoo qeybgalaya Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo saraakiisha ammaanka Soomaaliya.

“Shirkan Golaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu shir guddoominayo waxaa looga hadlayaa qodobbo ay ka mid yihiin hirgelinta qorshayaasha amni ee ay dowladda Soomaaliya wado, qodobadii kasoo baxay shirkii London ee Soomaaliya lagu taageerayey waxaana shirkan uu yahay gogol Soomaaliyeed oo uu dhigay Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo”ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisoow).

Ajandayaasha shirka waxaa sidoo kale qeyb ka ah bandhigista guullaha laga gaaray qorshaha xasilinta amniga Caasimadda Dalka iyo dhameystirka qodobbo looga hadlay shirkii Golaha Amniga Qaranka ee kan ka horeeyey oo ay ugu horeysay dhismaha Ciidan Qaran oo isku dhaf ah.

Wasiirka Maalliyadda Soomaaliya oo Ka Hadlay Arrimaha Shilinka Soomaaliga Ee Ka Taagan Gobollada Dhexe ee Dalka

0

Wareysi uu siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr C/raxmaan Ducaale Bayle ayuu uga hadlay xiisadaha ka aloosan gobollada dhexe ee ku aadan diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga ah.

“cabashooyinka aan hada maqleyno waa in lacago cusub oo lasoo daabacay ay dadku ka biyo diidsan yihiin anaga lafteenu waa ka biyo diidsannahay waxa aan u sheegeyno dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa soo daabacay lacagtan waa iney ka waantoobaan ficiladan oo shacabka Soomaaliyeed lagu dhibaataynayo waana nasiib daro talaabooyinka noocaan ah”ayuu yiri Wasiirka Maalliyadda Soomaaliya.

Wasiirka Maalliyadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Bayle oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in daabacaada lacagahan oo sharci darada ah ay ka mid tahay dambi la galo kuwooda ugu waaweyn waayo kuwa ku kacaya waxey dhibaateeynayaan malaayiin shacab Soomaaliyeed islamarkaana xukunnada ka dhalan karta ay dil ka mid tahay.

Wareysiga waxa uu sidoo kale Wasiirka Maalliyadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Bayle kaga hadlay qorshaha Wasaaradda Maalliyadda ee ku aadan shilinka Soomaaliga iyo in ay waajib tahay in dalka uu yeesho lacag cusub.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo madax kala duwan la kulmay

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre oo Soomaaliya ugu qeybgalay shir madaxeedka midowga Afrika ayaa kulan la yeeshey mas’uuliyiin kala duwan oo shirka ka qeybgalaysa.

Mudane Xasan Cali Kheyre, ra’iisul wasaaraha dalka ayaa bartiisa TWITTER-ka ku soo qorey in dowladda Seychelles isku afgarteen in ay saxiixdaan heshiis ku aadan soo wareejinta maxaabiista Soomaaliyeed ee dalkaas ku xiran kuwaas oo loo heysto dambiyo burcad badeednimo ah.

“Waxan ku heshinay dawlada Seychelles in an wada saxiixano heshiis si ay noogu soo wareejiyaan maxabiista Soomaalida ah ee ku xiran wadankooda” ayuu yiri mudane Kheyre.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in uu la kulmay wasiirka arimaha dibadda boqortooyada Sacuudiga Caadil Al-jubeyr ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaruhu waxaa waxaa uu madaxdii uu la kulmay kamid ahaa madaxweynaha jamhuuriyadda Jabuuti  mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo kor u qaadista taageerada Soomaaliya ee Jabuuti.

“Waxaan la kulmay Madaxweynaha Djibouti. Waxaan ka wada-hadalnay xoojinta xiriirka walaaltinnimo iyo kor-u-qaadidda taageerada Soomaaliya,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Mudane Xasan Cali Kheyre ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale magaalada Adis Ababa kulan kula yeeshay dhigiisa dalka Maurituis, waxayna isla gaareen in maxaabiista Soomaalida ah oo wadankaas ku xiran lagu soo wareejiyo Soomaaliya.

 

“Waxaan sidoo kale RW Maurituis  isla gaarnay in ay nagu soo wareejiyan maxabiista Soomaalida ah ee ku xiran wadankiisa,” .

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxaa uu kulan la yeeshay madaxweynaha dalka Uganda.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Axmed Jaxash

0

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Imaamka, Ugaasyada, Duubabka iyo Malaaqyada beesha Mudulood ayaa tacsi u diray Qoyskii iyo Eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Nabadoon Axmed Cali Cabdiraxmaan (Axmed_Jaxash).

Nabadoonka ayaa xalay ku geeriyooday Muqdisho kaddib markii isaga oo ka soo baxay Masjid ay dishay gacan ka xaqdaran.

Allaha u naxariistee Nabadoonka ayaa dhamaan Mas’uuliyiintan waxa ay Alle uga baryayaan in uu ka waraabiyo Janadii fardowso ahayd.

 

INAA LILLAAHI WAA INAA ILAAHI RAAJI CUUN

R/wasaare Kheyre oo Siishalis kala hadlay siidaynta Maxaabiista Soomaalida

0

R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa magaalada Addis Ababa ee Dalka ethiopia kula kulmay Madaxweyne ku xigeenka Siishalis.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa wuxuu kala hadlay Madaxweyne ku xigeenka xaalada maxaabiista Soomaalida ee ku xiran dalkaasi Siishalis.

R/wasaare Khayre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u baahantahay in maxaabiistaasi lagu soo wareejiyo.

Wariyaha warbaahinta Qaranka Nasra Bashiir Cali oo ku sugan Addis Ababa ayaa soo sheegaysa kulanka ka dib in labada Masuul ay kala saxiixdeen heshiis is afgarad ah oo ku aadan arintaan.

Arintaan ayaa ku soo aadaysa iyadoo dowladda Ehiopia ay sii daysay 120-Maxaabiis Soomaaliyeed ah ka dib markii labada dowladood ay ka heshiiyeen.