Home Blog Page 1630

Madaxweynaha oo furaya kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka

0

Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo Dugsiga Tababarka Ciidamada Booliska ee Jeneraal Kaahiye.

Furitaanka Kalfadhiga ayaa waxaa ka qeyb galaya Xildhibaanada Golaha shacabka, waxaana sida uu sharciga dhigayo si rasmi ah u furaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulllaahi Maxamed Farmaajo, isagoo ka jeedin doono khudbadiisa dastuuriga ah.

Waxaa si aad ah loo adkeeyay Nabadgelyada xarunta uu ka dhacayo shirka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la caweeyay qaar ka mid ah bulshada Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka  duulaya qorshaha Xukumadda ee ah in ay ku shaqayso  rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ayaa  qaar ka mid ah Hoteeladda Muqdisho kula caweeyey dad shacabka Soomaaliyeed  si uu u ogaado  baahida ay qabaan, talooyinka iyo Tabashooyinka ay  u hayaan Dowladda ee ay doonayaan in wax laga qabto.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa  shacabkii uu la kulmay mid mid u waydiinayey   dhaqaalalaha , amaanta ay u hayaan Xukuumadda iyo  waxyaabihii muhiimka ah ee ay  doonayaan in  si dhaqso ah wax looga qabto.

Mudane Xasan Cali  Khayre  Ra’iisul Wasaaraha dalka aya su’allaha ugu  jawabiyey   dadka Shacabka ah, iyagoo waydinayey  su’aallo la xariira go’anada ay Xukumadda horay u qaadatay iyo  arrimo ay aad u danaynayeen inay wax ka ogadaan si ay u helaan xog dhab ah ama xaqiiqada arriimahaasi.

Qaar ka mid ah dadkii la kulmay Ra’iisul wasaaraha oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin la kulanka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayna ku dhiiri gelinayaan ka warqabka xogta bulshada, iyagoo xusay in tani ay qeyb ka tahay sida Ra’iisul Wasaarayaasha caalamka u shaqeeyaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre  ayaa door biday in uu dhex galo bulshada Soomaaliyeed intii uu fadhin lahaa xafiiskisa  si uu ogaado baahida iyo  in uu dhageysto talooyinka wanaagsan ee ku jira shacabka Soomaaliyeed, waxaana kulankan uu qeyb ka ahaa arrintaasi.

Maamulka Gobolka Benaadir oo amray in la joojiyo lacagaha lagu galo Beerta Nabadda

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maamulka Beerta Nabadda ku amray inay joojiyaan lacagaha laga qaadayo dadka galay Beerta Nabadda, maadaama uu maamulka sheegay in Beerta Nabadda ay tahay goob Hanti guud, isla markaana uu maamulka Gobolka uga Mahadcelinayo ganacsatada sida ay u dhiseen.

Wareego ka soo baxday Xafiiska Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Benaadir Marwo Maluuka Dheere Cabdiqaadir ayaa lagu sheegay in wixii maanta ka dambeeya ay Beerta Nabadda noqon doonto mid lacag la’aan ah.

Halkan ka Akhriso wareegtada Maamulka Gobolka

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud oo ka hadlay dad ay xirxirteen Al-Shabaab

0

Kooxda Al-shabaab ayaa Dad shacab ah ku xirxiray deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud kuwaasi oo ku qasbaya in laga bixiyo lacago madax furasho ah.

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Maxamed Cali Cilmi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay bilaabeen inay dadka xabsiyo dhigaan isla markaana ay waydiisteen lacago  baad ah, isagoo intaa ku daray inay soo gaartay cabashada ay qabaan ehelada dadka ay xabsiyada dhigeen.argagixisada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa xusay in sidoo kale ganacsatada deegaanno ka mid ah Gobolka Galgaduud ay Maleeshiyaadku ku amreen inay hub iibiyaan.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud ayaa waxa uu ka hadlay saamaynta ay reebtay lacagaha la diiday ee Shilin Soomaaliga, taa soo saamayn ku yeelatay bulshada ku nool gobollada dhexe ee dalka, isagoo ka dalbaday ganacsatada ugu baaqay inay wax ka qabtaan caqabadaha ay keeneen lacagaha la diiday.

Shir looga hadlayey la xisaabtanka 157 shirkadood oo aan bixin canshuurta oo ka dhacay Garoonka Aden Cadde

0

Shir ballaaran oo lagu wargalinayey bixinta canshuuraha in ka badan 157 shirkadood oo isugu jira Ajaanib iyo Soomaali oo ku dhex ganacsada xerada Xalane ayaa lagu qabtay garoonka Aden Cadde. Waxaan shirka ka soo qayb galay Wasiirka Maaliyadda XFS, Wasiiru dowlaha Maaliyadda, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirada Ganacsiga, Wasiirka Gadiidka Cirka iyo Dhulka, Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeeynta. Iyo Wasiirada Dekedaha.

Ugu horreyntii Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Cabdiraxman Ducaale Bayle ayaa soo bandhigay alaabo ka kooban raashin, Mac-macaan, Khudrad iyo Caano oo ay shirkadaha ka shaqeeyaa Xalane ay canshuur dhaaf ku soo galiyeen dalka.

“Waxaan haynaa cadaymo kala duwan oo muujinaya in raashin, mac macaan, khudaar, iyo caano ay keenaan shirkadahaan saldhiga u ah xerada Xalane, waxaana dalka lagu soo galiyaa canshuur dhaaf, waxaana loo soo dhaadhicyaa suuqyada dalka, waan sharci daro, waxayna culays ku tahay ganacsatada Soomaaliyeed ee bixisa canshuurta” ayuu yiri Wasiir Bayle.

Dhanka kale Wasiiru dowlaha maaliyadda Maxamud Xayir Ibraahim ayaa sheegay in uusan shirkaan ahayn aqoon is weydaarsi iyo kulan iska caadi ah, ee uu yahay kulan lagula hadlayo shirkadaha shisheeye iyo kuwa Soomaaliada ah ee dagan gudaha Xalane, wuxuuna wasiirku si adag u sheegay in shirkaan uu yahay mid loogu cadynayo shirkadahaan in ay bixyaan canshuurta ku waajibtay.

Wasiirka Warfaafinta oo saxaafada la hadlay markuu shirku soo idlaaday ayaa yiri “Waxaa dowladu faraysaa dhamaan shirkadaha ka howl gala garoonka diyaaradaha in ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay, arinkaana uu daba socodo go’aankii madaxda qaranka oo ahaa in dalka uu ka dhaco isla xisaabtan iyo hufnaan, hadana laga si aan ganbasho lahayn ugu wargalinayno bixinta canshuuraha ku waajibtay, hada kadibna cidna laga aqbalayn in arinkaan uu sii socdo, isla markaana uusan jirin qof ka sareeya sharciga.

Wasiirada ka soo qayb galay kulankaan ayaa cabasho weyn soo hordhigay shrikadaha ganacsiga ku dhex leh xerada xalane, waxaana ka mid ahaa shaqaale faro badan oo jaanib ah oo qabta shaqooyinkii ay qaban karaan Soomaalida, qaar aan haysan ruqsad shaqo, Ganacsiga aan ka diwaan gashanayn wasaaradda ganacsiga, shirkado dhismo oo aan la ogayn dhulka ay dhisaan xiriirna la soo samayn Wasaaradda Howlah Guud iyo Guryeeynta, iyo Wasiirka maaliyadda oo ka soo jeediyey shirka cabsho xoog leh oo ku aadan in shirkadahaas marka laga reebo 9 shirkadood mooyee intooda kale aysan bixin canshuur.

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo dalka dib ugu soo laabtay

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo maanta Dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Adan Cadde ku soo dhoweeyay Guddoomiye ku-xigeenada koowaad iyo labaad ee Golaha shacabka, Xildhibaanno iyo howl wadeenada Golaha Shacabka.

 Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo labadiisa ku xigeen ayaa kulan gaar ah oo ay kaga hadlayeen dar dar gelinta howlaha golaha shacabka oo kalfadhigiisa labaad dhawaan la filayo in uu furmo Muqdisho ku yeeshay qeybta nasashada ee Garoonka.

Xoghayaha Golaha Shacabka Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari iyo labadiisa ku-xigeen ay ka wada hadleen shirka Golaha Shacabka oo furmayo 8- bisha July oo ah maalin sabti ah

Madaxweyne Farmaajo “ Sheekh Shariif Cabdinuur wuxuu ahaa caalim ku xeel dheer diinta Islaamka, kaalin mug lehna ka qaatay faafinteeda.”

0

Muqdisho, Luulyo 06, 2017:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Al Callaamah Sheekh Shariif Cabdinuur Shariif Xasan.

Marxuumka oo xalay ku geeriyooday magaalada barakeysan Makka Al Mukarrama ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya waxa uu ka mid ahaa culumada ugu miisaanka culus Geeska Afrika, cimrigiisa oo idilna ku bixiyay faafinta diinta Islaamka.

“Inaa lilaahu wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan tacsi u dirayaa guud ahaan ummadda muslimka ah, gaar ahaan qoyska iyo qaranka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Al Callaamah Sheekh Shariif Cabdinuur Shariif Xasan. Sheekhu waxa uu ahaa caalim ku xeel dheer diinta Islaamka, kaalin mug lehna ka qaatay faafinteeda.”

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay Sheekh Shariif Cabdinuur inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna sabar iyo iimaan ka siiyo.

DHAMMAAD

W. Amniga Gudaha oo amarro cusub soo saartay

0

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay awaamiir cusub oo ku aadan amniga, iyadoo fartay Shirkadaha gaarka loo leeyahay inay soo diiwaan geliyaan Ilaaladooda.

Amarkan oo uu soo saaray Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa waxaa loogu baaqay shirkadaha gaarka loo leeyahay in muddo 30 cisho gudahood ku soo diiwaan geliyaan Ilaaladooda.

Wasaaradda Amniga ayaa dhowaan soo saartay amar loogu wargelinayo  Masuuliyiinta dowladda, sida Wasiirada iyo Xildhibaannada in ay muddo 15 cisho gudahood ku soo diiwaan geliyaan Ilaaladooda iyo hubka ay wataan.

Awaamiirta ka soo baxay Wasaaradda Amniga ayaa qeyb ka ah howlaha sugidda amniga caasimadda, iyadoo Ciidamada xasillinta ay wali ka howl galayaan qeybo ka mid ah magaalada.

Wasaaradda Awqaafta ee Soomaaliya oo ka tacsiyadeysay geerida Sheekh Shariif Cabdinuur

0

Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeysay geerida Marxuum Sheekh Shariif Cabdinuur Shariif Xasan Shariif Aadan oo saakay u geriyooday dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo dhamaan howlwadeenada Wasaaradda waxa ay tacsi u dirayaan Ummadda Soomaaliyeed iyo dhamaan Musliimta geerida ku timid Sheekha caalimka ah, oo casharo Diini ah ka bixin jiray dalka Boqortooyada Sacuudiga iyo Masjidka Xaramka Barakeysan.

“Waxaan Alle uga baryaynaa Ehelka Sheekha iyo Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed in uu Alle samir iyo Imaan ka siiyo, Asagana Kheyrkii uu sameeyay ugu bedalo Janno iyo Abaalmarin wanaagsan” ayuu yiri Wasiirka Awqaafta Dr Iimaan Cabdullaahi Cali.

Wasaaradda ayaa ka codsatay dhamaan Imaamyada Masaajidda dalka inay ku tukadaan Salaadda Jinaasanada xiliga Salaadda Jumcada kaddib beri oo Jimco ah.

Maleeshiyaad Shabaab ah oo duleedka Kismaayo lagu Xasuuqay (Daawo Muuqaal)

0

Ciidanka Jubbaland ayaa maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ku laayay deegaanka Lugloow oo dhinaca Waqooyi magaalada Kismaayo ka xiga qiyaastii 17-KM.

Saraakiisha Jubbaland ayaa warbaahinta u soo bandhigay Maydadka Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo lagu laayay dagaalka ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo iyo Hubkii ay siteen.

Sidoo kale Saraakiisha Jubbaland ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dagaalkaas ay ku dileen 12-ka mid ah Maleeshiyada Nabad iyo Nolol diidka ah ee Al-Shabaab.

Axmed C/laahi Ciise (Gaas) oo ah Taliye ku xigeenka hay’adda Nabadsugidda Jubaland ayaa sheegay in ciidamadu weerar qorsheeysan la beegsadeen maleeyshiyaad ka tirsan Shabaab oo isku abaabulay howdka deegaanka Lugloow, kuwaas oo doonayay inay dhibaateeyaan shacabka Jubbaland.

Madaxweynaha JFS ayaa horay ugu baaqay dhalinyarada ay qaldeen Maleeshiyada Al-Shabaab in la cafinayo hadii ay isku soo dhiibaan dowladda Soomaaliya.

Waxaa jira in ka badan 50-dhalinyaro ah oo ay dagaalada iyo dhibaataynta Shacabka u adeegsan jireen Al-Shabaab oo iyagoo ka faa’iidaysanaya Cafiska Madaxweynaha isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya.