Wasaaradda Haweenka oo tababbar u soo xirtay shaqaale ka tirsan Wasaaradaha dowladda

Date:

Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta tababbar u  soo xirtay qaar ka mid ah shaqaalaah Wasaaradda iyo xubno kale oo ka kala socday Wasaaradaha dowladda.

Tababbarkan ayaa ujeedkiisu ahaa awoodsiinta habka diyaarinta heshiiska caalamiga ah ee xuquuqda carruurta, iyadoo ay bixinayeen dad aqoon u leh howshaasi, waxaana munaasabaddii xiritaanka ka qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan iyo marti sharaf lagu casuumay.

Qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha tababbarka ayaa ku booriyay Wasaaradda inay dhimeystirto heshiiskasi,  kuwaasi oo xusay in axdigan uu yahay mid caalami ah, isla markaana ay Wasaaradda looga baahanyahay inay dhaqan geliso, maadaama uu xoogga saarayo dhowridda xaquuqda carruurta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka Deeq Suleymaan Yuusuf ayaa sheegay in ka qeyb galayaasha looga baahanyahay sidii ay u diyaarin lahaayeen waajibaadka ka saaran Axdiga xaquuqda carruurta.

“Ujeedka siminaarka waxa uu ahaa sidii loo badbaadin lahaa, loona heli lahaa xaquuqda carruurta, waxaan rabnaa inaan isla eegno saameynta ay nagu yeelan doonto heshiiskasi ay Soomaaliya saxiixday” ayuu yiri Agaasimaha Guud.

Wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo lagu horumarinayo dhameystirka heshiisyada horyaala.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...