Wasiir Cabdi Xoosh iyo Amb Francisco Madeira oo kulmay

Date:

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa la kulmay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Francisco Caetano Madeira, kulanka oo ka dhacay Xarunta Dhexe ee Hawlgalka AMISOM ee Muqdisho ayaa waxaa Wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeeyr.

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen taageerada AMISOM ee Dowladda Federaalka, si ay guul ugu soo dhamaadaan wadatashayida qorsheysan ee baaxadda leh ee ka dhici doona dhamaan gobollada dalka kuwaasoo ku saabsan Dastuurka.

AVV Xoosh ayaa Danjire Madeira u sheegay in Dowladda Federaalka ay rajeenayso taageero ay ka hesho Midowga Afrika oo ku aaddan dhameeystirka Dastuurka.

“Midowga Afrika waxa ay qiimo badan ku bixiyeen xasilinta Soomaaliya, aad ayaanna uga mahadcelinaynaa arintaa, taageerada dhanka amniga ah oo kaliya ma xallin karaan dhibaatooyinka aan qabno, waxa aan ka rajeenaynaa in Midowga Afrika ay naga taageeri doonaan kulamada wadatashiga Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka oo ka qabsoomi doona dhamaan deegaanada dalka” ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambayn, Wasiir Xoosh ayaa u sheegay Danjire Madeira in dib-u-eegista Dastuurka lagu soo gaba-gabeeyn doono muddo labo sanno ah, taasoo ku suurtageli doonta wadatashiyo ballaaran oo la la yeesho shacabka Soomaaliyeed.

—–DHAMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka oo deeq raashin ah kala wareegtay Hay’adda bisha Cas Turkiga

-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa maanta shixnad gargaar ah...

Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci-Darrada ah oo soo dhaweeysay Cunaqabteynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya

Lataliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Xakameynta Qulqulka Hubka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah-furay Shirka hannaanka wadashaqeynta waaxaha Dowladda Hoose ee Xamar

:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadirahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen...

Maxay uga dhigan tahay qaadista Cuneqabateynta Hubka Soomaaliya? (WARBIXIN)

Fadhi ay yeesheen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa...