Wasiir Cabdi Xoosh iyo Amb Francisco Madeira oo kulmay

Date:

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa la kulmay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Francisco Caetano Madeira, kulanka oo ka dhacay Xarunta Dhexe ee Hawlgalka AMISOM ee Muqdisho ayaa waxaa Wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeeyr.

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen taageerada AMISOM ee Dowladda Federaalka, si ay guul ugu soo dhamaadaan wadatashayida qorsheysan ee baaxadda leh ee ka dhici doona dhamaan gobollada dalka kuwaasoo ku saabsan Dastuurka.

AVV Xoosh ayaa Danjire Madeira u sheegay in Dowladda Federaalka ay rajeenayso taageero ay ka hesho Midowga Afrika oo ku aaddan dhameeystirka Dastuurka.

โ€œMidowga Afrika waxa ay qiimo badan ku bixiyeen xasilinta Soomaaliya, aad ayaanna uga mahadcelinaynaa arintaa, taageerada dhanka amniga ah oo kaliya ma xallin karaan dhibaatooyinka aan qabno, waxa aan ka rajeenaynaa in Midowga Afrika ay naga taageeri doonaan kulamada wadatashiga Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka oo ka qabsoomi doona dhamaan deegaanada dalkaโ€ ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambayn, Wasiir Xoosh ayaa u sheegay Danjire Madeira in dib-u-eegista Dastuurka lagu soo gaba-gabeeyn doono muddo labo sanno ah, taasoo ku suurtageli doonta wadatashiyo ballaaran oo la la yeesho shacabka Soomaaliyeed.

โ€”โ€“DHAMAADโ€”โ€“

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...