Wasiirka Maaliyadda oo ka Warbixiyay horumarka laga gaaray dhinaca dhaqaalaha (Daawo Muuqaal)

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay waxyaabaha ugu waa weyn ee u qabsoomay tan iyo markii uu la wareegay Wasaarada Maaliyadda.

Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in guulo waa weyn la gaaray mudada kooban oo ay shaqeynayaan, iyadoo ay u suura gashay wasaarada inay keento dakhli ku filan mushaarka shaqaalaha dowlada.

“Wax badan baa mudadaas kooban inoo qabsoomay, waxaa ka mid ah inay noo suurta gasho inaan isku keeno dakhli ku filan in mushaarooyinka la bixiyo, Mida ugu horeysa aniga waxaan leeyahay waxaa inoo suura gashay inaan dakhligii soo galay u habeyno si dadka Soomaaliyeed ee ka shaqeeya wasaaradaha, Ciidamada, Baarlamaanka iyo wasiirada shaqada ay wadaan inaan ku bixino wixii lagu lahaa”

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ayaa xusay in ay u suura gashay isku jaangooynta waxa soo galaya iyo waxa baxaya, taasoo hirgalisay in la ogaado in waxa la bixinayo ay yihiin wax la og yahay meesha ay ku baxayaan oo la isku gartay.

“waxaa kaloo inoo suurta gashay inaan isku jaangoyno waxa ina soo galaya iyo waxa baxaya, taasoo micnaheeda yahay in waxa la bixinaya ay yihiin wax la og yahay meesha ay ku baxayaan tusaale waxaan sameynay in qof kasta oo mushaar qaadanaya uu Akoon furto si loo ogaado in qofkaasi akoonkiisa lacagta ku dhacday”

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in guulaha la gaaray ay ka mid tahay in Muqdisho lagu balaariyay Maaliyadda, isla markaana dowlad Goboleedyada ay wada kulmeen, taasoo suurta galineysa in lagu hamiyo dalka oo dhan in Bajadkiisa la diyaarino sidoo kalena aan mideyno Canshuuraha dalka soo galaya meel kasta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacadda Ruwaanda oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo dhinacyada waxbarashada

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) iyo Jaamacadda Ruwaanda (University of...

TALIYAHA CIIDANKA XDS OO SHIR GUDDOOMIYAY SHIRKA SUBAXLAHA EE TALISKA GUUD EE CIIDANKA

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...

Safiirka JFS ee Dalka Liibiya oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Liibiya, Mudane Cabdifataax...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Jowhar Casho Sharaf ugu Sameeyay Saxafiyiinta iyo Hobollada Qaranka Waaberi

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe),...