Home Blog Page 1632

Shirka Golaha Amniga Qaranka oo Muqdisho ka furmaya

0

Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka socda qaban qaabada shirka looga hadlayo Amniga Qaranka Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qaybgalaya Madaxda dowladda federaalka iyo Madaxda dowlad gobaleedyada, waxaana shir guddoomin doona madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed c/laahi Farmaajo.

Shirkaan ka furmaya magaalada Muqdisho ayaa wuxuu socon doonaa mudo labo maalmood ah, sida ay xaqiijiyeen Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Horjoogayaal Al-Shabaab ah oo lagu duqeeyay Shabeellaha Hoose

0

Diyaarado Dadaal ayaa duqeeyay deegaan ka tirsan Gobalka Shabeellaha Hoose iyadoo la bar tilmaameedsanayo Saraakiil ka tirsan Nabadiidka Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Duqaynta ay ka dhacday deegaanka lagu magacaabo kuunyo Barow, waxaana Duqaynta si gaar ah loola beegsaday Kolonyo ay la socdeen Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab.

 

Wali lama shaacin magacyada horjoogayaasha Al-Shabaab ee weerarkaan lagula bartilmaameedsaday.

Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaanan wali wax war ah ka soo saarin Duqaynta ka dhacday Gobalka Shabeellaha Hoose ee lagula weeraray Maleeshiyada Xiriirka  la leh Alqaacida.

Al-Shabaab ayaa dhibaatooyin badan waxay ku haayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada ay xooga ku haystaan iyagoo u diiday Nabad iyo Nolol.

Ra’isulwasaaraha oo ku guuleystay in lagu soo wareejiyo Soomaaliya maxaabiis boqol ka badan oo ku xernaa Ethiopia

0

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa ku guuleystay in maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnaa xasabsiyada dalka Ethiopia lagu Soo wareejiyo Dowladda Soomaaliya,isagoo dhinaca kalena kulammo kula qaatay qaar ka mid ah madaxda Africa magaalada Addis Ababa ee caasimadda Dalka Ethiopia.

Ra’isulwasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo safar shaqo ku jooga dalka Ethiopia ayaa ku guuleystay in xabsiyada dalkaasi laga sii daayo maxabiis Soomaaliyeed oo sanado kala duwan ku xirnaa xabsiyada dalka Ethiopia islamarkaana lagu soo wareejiyo Dowladda Soomaaliya,iyadoo dowladda Ethiopia fulinaysay heshiis horay uu Ra’isul wasaaraha Xasan Cali Khayre la galay.

Maxabiistaan o danbiyo kale duwan loo haystay ayaa tiro ahaan garaya 120 Muwaadin waxa ayna bilow wanaagsan u yihiin hirgalinta qorsha Xukuumadda Soomaaliya ay ku doonayso in ay ku soo dayso Muwaadininta Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada Caalamka,

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ethiopia Maxamed Cali Nuur oo la hadlay Warbaahinta qaranka aya sharaxaad ka bixiyey goorta maxabiistan la gaynayo Soomaaliya .

Ra’isulwasaaraha dalka ayaa sidoo kale kulammo kala duwan kula qaatay Addis Ababa Madaxweyne ku xigeenka dalka Masar , Madaxweyne ku xigeenka Botswana waxa ayna dhammaan ugu hambalyeeyeen dowladda Somaaliya horumarka ay samaysay muwadii yarayd ee ay jirtay ayna ka go’antahay in ay xoojiyaan xariirka kala dhexeeya Soomaaliya,

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhaca kale kulan muhiim ah waxa uu kula qaatay Addis Ababa Madaxweynaha bankiga horumarinta Africa waxa uuna kala hadlay in bankiga uu qayb ka qaato horumarka dalka Soomaaliya gaar ahan sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa dhalinyaradda Soomaaliyeed , dhismaha wadooyin iyo Iskuul wax lagu baro ubadka Soomaaliyeed.

Nasra Bashiir Cali Addib Ababa Ethiopia

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo booqday kaydadka mucaawinooyinka raashinka

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay waheliyaan Wasiirka Cadaalada Xasan Xuseeen Xaaji, Wasiir ku-xigeenka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xildhibaan Cilmi Cumar Ceynsane iyo Gudiga Abaaraha Soomaaliya ayaa si wadajira maanta u booqdey bakhaarada ay ku jiraan raashin mucaawino ah oo ay ku deeqdey Hay’adda Bisha cas ee dalka Turkiga,taasoo loogu tala galay in la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Gargaarka Cilmi Cumar Caynsane ayaa warbaahinta u sheegay in raashinkan oo dhan 12500 oo tan kana kooban noocyo kala duwan, ayaa loogu tala galay in loo qaybiyo dadka Soomaaliyeed kuwooda ay saameenta xoogan ku yeelatay abaarihii dalka ka dhacay,qof walbana goobtiisa lagu gaarsiin doono.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa u mahad celiyay dowlada Turkiga sida ay u garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed mar walbana ay la qayb sato xaaladaha adag sida abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ee nolosha iyo amniga.

“Waxaa loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay dhiri galiyaan waraabka beeraha si loo abuuro noocyada kala duwan ee dalaga ka baxa dalkeena, taasoo noo sahlaysa inaan helno cunto aan anagu abuuranay ugana baxno baahida dowladaha shisheeye”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in si cadaalada loo qaybin doono raashinkan,waxuuna tilmaamay in shaqadan ay si wada jira u maamuli doonaan madaxda WasaaradaGargaarka iyo Gudiga Abaaraha Qaran.

DHAMMAAD

Shaqaalo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta oo la Abaal Mariyay

0

Wasaaradda Warfaafinta ayaa maanta Abaal marisay qaar ka mid ah Howlwadeenada Wasaaradda kuwaas oo ku mutaystay Shaqo wanaag sida ay sheegeen masuuliyiinta Wasaaradda.

C/raxiin Ciise Cadow oo ah Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada ayaa sheegay in 7-ka mid ah Howlwadeenada Wasaarada lagu Abaal mariyay Shaqadooda aad u wanaagsan darteen.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in Shaqaalahaan ay Abaal marinta ku mutaysteen ilaalinta Waqtiga ay shaqada soo galaan iyo waqtiga ay shaqada laga baxo.

SHAQAALAHA LA ABAAL MARIYAY.

  1. Ismaaciil Muqtaar Cumar (Orange)
  2. Axmed C/qaadir Axmed (Qays)
  3. C/risaaq Maxamed Faarax (Shiine)
  4. C/najiib Xasan Cigaal.
  5. C/salaan Cali Mataan.
  6. Xafso Axmed Caamir.
  7. Aamina Shariif C/qaadir.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane C/rixmaan Sheekh Yuusuf Cadaala ayaa sheegay in shaqaalahaan lagu soo xushay hab saxan oo cadaalad ah oo ay ka soo wada shaqeeyeen Guddiyada Anshaxa iyo Goob shaqo.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee wasaaradda ayaa sheegay in marka laga soo tago Shaqaalaha la Abaal mariyay ay jiraan kuwa kale oo mutaystay Ganaax ka dib markii ay ka soo bixi waayeen shaqooyinkooda.

“Waxaa jira Shaqaalo badan oo u qalma in la Abaal mariyo laakiin dadka oo dhan hal mar Abaal marin lama wada siin karo, Arintaan waxay mudan tahay ku dayasho, waxaana loo baahanyahay shaqaalaha oo dhan inay sameeyaan shaqooyin wanaagsan si ay u helaan Abaal marin.” Ayuu yiri Mudane C/rixmaan Sheekh Yuusuf Cadaala.

Xildhibaan Muno Cumar Xasan oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid ahayd masuuliyiinta ka soo qaybgalay munaasabaddan ayaa sheegtay inay muhiim tahay inay isku xirnaadaan Dhamaan Bahda Warbaahinta ee Wasaaradda oo markasta la xasuusto xubnihii muhiimka ahaa ee u geeriyooday iyagoo haaya shaqada Warbaahinta Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xaquuqul Insaanka Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf oo ka hadashay Munaasabadda Sheegtay in shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ay shaqeeyaan waqti badan xaqna u leeyihiin inay helaan Xuquuqo dheeraad ah.

Ugu Danbayntii Wasiirka wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Eng. C/rixmaan Cumar Cismaan “Yariisow” ayaa sheegay inay sii socon doonto Abaal marintaan oo la qabanayo Saddexdii Bilba Mar, isla markaan la siindoono Qof kasta oo qabta shaqo wanaagsan.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa kula dar daarmay dhammaan Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska inay sii laba jibaaraan shaqooyinkooda, maadaama Warbaahintu si wayn oga qaybqaadato hormarka dalka.

Wasiir Bayle ”Bil walba inaan shacabka u gudbino horusocodka W. Maaliyadda waxay qayb ka tahay barnaamijka daahfurnanta Dowladda”

0

Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Cabdiraxman Ducaale Bayle ayaa saxaafada uga warbixiyey barnaamijkii bilaha ahaa ee Wasaaradda Maaliyadda, kaas oo looga hadlo waxyaalaha u qabsoomay wasaaradda iyo caqabadaha u baahan in la xaliyo.

Wasiirka ayaa warfidiyeenada u sheegay in arinkaan uu ka hadlo bil walba uu daba socdo balanqaadkii Madaxweyne JFS mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare XFS mudane Xasan Cali Kheyre oo ahaa in siyaasada dowladda saldhig u tahay daah-furnaanta, isla xisaabtanka iyo la dagaalanka musuq-maasuq, sidaas daraadeedna ay waajib ku tahay Wasaaradda Maaliyadda in bil kasta usoo bandhigto Shacabka Soomaaliyeed warbixino ku salaysan dakhliga iyo kharashaadka dowladda.

Ugu horeynta Wasiirka ayaa ka hadlay heerarka kala duwan ee ay soo martay Misaaniyadda Sanadka 2017, taas oo aad uga duwan habraacii loo qoondeeyey in ay ku socoto miisaaniyadda dowladda.

“Misaaniyadu waxa ay ka turjumaysaa waxa ay dowladdu qaban karto iyo qaabka ay u qabanayso. Habraaca miisaaniyada dal loo samaynayo waxaa ugu horeyn in la isu keenaa baahiyaha dalka horyaala sanadkaas, markaas ayaa la yiraahdaa misaaniyada nagu filan sanadkaan waa intaas. lakiin inaga xaalka dalkeena ku sugan yahay hadeer arinku saas waa ka duwan yahay sababtoo ah waxa na soo gala ayaa aad u yar, waana dakhli kooban waxa soo gala dowladda, isku celcelis bishii waxaa u soo xarooda 11 milyan, waxaan u baahanahy bil kasta 17 milyan si aan misaaniayda yare ee noo qoondaysan aan u daboolno” ayuu yiri Wasiir Bayle,

Wasiirka oo sii hadlayey ayaa sheegay “Miisaanyidii sanadkaan bartankiisa ayaan ku jirnaa, sanadkan wuxuu ahaa mid dowlad cusub timid, qorshahana wuxuu ahaa in sanadkii hore aakhirkiisa la ansaxiyo, tani waa ka duwnayd oo laba dowaladood ayaa kala wareegayey.

Qanuunka maaliyaddu waaxaa uu sheegayaa in lagu sii shaqayn karo misaaniyadii hore mudo sadex bilood ah, waxaana horgeeynay golaha Baarlamaanka 31, March, 2017 weyna ansixiyeen si aan u isticmaalno qoondadaan. Waxaana lagu heshiiyey in misaaniyadda inta sanadka ka dhiman aan horgayno Baarlamnaka, hadan waxaan sugaynaa furitaanka golaha shacabka maalmaha nagu soo aadan”

Dhanka kale Wasiirka ayaa sheegay in dalka u baahan yahay soo celintii Astaanka Qaranka oo ahayd lacagta Shilin Soomaaliga ah, samaynta lacagtaasna waxaa ay qayb ka tahay shuruudaha ay IMF ku xirtay sidii Soomaaliya daynta looga cafin lahaa, waxaana laga rajo qabaa in lagu guulaysto dhamaadka sanakdaan in dib loo soo daabaco lacago shilin Soomaali ah oo cusub.

“Daymaha faraha badan ee nalagu leeyahay waa kuwo naga hortaagan inaan dib u dhis ku samayno kaabayaasha dhaqaalaha dalka, waxaan hada ku guda jirnaa tirkoobka daymahaas, horaanta bishii June ayaan kala saxiixanay IMF qaabkii nalooga cafin lahaa daymahaas” ayuu yiri Wasiir Bayle

Ugu danbayntii Wasiirka ayaa ka warbixiyey shirk ka dhacay dalka Isutaga Imaraatka Carabta bartamaha bishii hore kaas oo looga hadlayey nidaamka xawaaladaha dalku ku shaqeeyaan.

“Lacago faro badan ayaa xawaalad ahaan lagu keenaa dalka, waxyna badankoodu ka yimaadaan dibadaha waan nolosha shacabka Soomaaliyeed, waxaana hada qarka u saaran yihiin in la joojiyo, waxaana aduunku ka soo horjeedaa qaabka lacagtaas ku baxdo, waxaana loo baahan yahay in helo qaab lagu ogaan karo ilaa qofka u danbeeya ee lacagtaas ay gaarto. Waxaana cid walba kala hadalanay in lacagaahaas aan la jarin, waana lagama maarmaan ah in dadka laga rabaa qof kasta inuu samaysto aqoonsi uu lacagta ku qaato, waana arin socoto qaabkii loo wajihi lahaa” ayuu yiri Wasiirku

Xuska 1-da Luulyo oo lagu qabtay Gothenburg ee dalka Sweden

0
Gebo gabadii waxaa markii uu kulanka soo idlaaday ka qeyb galayaasha la guddoonsiiyay abaalmarino kala duwan iyo koobab,

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Addis Ababa uga qeyb galaya shir Madaxeedka Midowga Afrika

0
Ra’iisul wasaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Addis Ababa uga qayb galaya dhir madaxeedka Midowga Africa oo sanadkaan diirada lagu saarayo horumarinta Dhallinyaradda Africa iyo is badal lagu samaynayo Wakiiladda Midowga Africa.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdigii la socday ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay, waxaana uu ka qeyb galayaa shir Madaxeedka Midowga Afrika, waxaana arrimaha shirka looga hadlayo ka mid ah dib u habeynta Ururka Midowga Afrika iyo bajadka uu ku shaqeynayo.
Nasra Jabiiba

Wasiirrada Arrimaha Dibedda Soomaaliya & Maser oo Addis Ababa ku kulmay

0

Wasiirrada Arrimaha Dibedda Soomaaliya iyo Maser ayaa kulan ku wada yeeshay magaalada Addis Ababa, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dowladood iyo arrimo kale o muhiim ah.

Yuusuf Garaad Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya iyo Saamix Shukri wasiirka Arrimaha Dibedda Maser kulankooda waxa uu dhacay inta lagu guda jiray shirka wasiirrada Arrimaha Dibedda dowlaha Africa oo ka dhacay magaalada Addis Ababa, labada wasiir wada hadalkooda waxa ay xoogga ku saareen  sidii loo soo celin lahaa iskaashigii labada dal u dhaxeeyey ee dhinacyada Ganacsiga, horumarinta Kalluumeysiga, isdhexgalka ganacsatada labada dalka iyo sidii dowladda Maser  u xoojin lahayd arrimaha Waxbarashada oo ay Soomaaliya ka taageerto.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa dowladda Maser uga mahadceliyey sida ay uga go’antahay taageeridda waxbarashada iyo horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, waxa uu sheegay in si dhaqsi ah loo howlgelin doono Ganacsigii dhoofinta Xoolaha Soomaaliya loo Iib geyn jiray dalka Maser.

 

Ra’iisul wasaare Kheyre oo Addis Ababa shirka Midowga Africa uga qeyb-galaya

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaasoo noqonaya safarkii labaad oo uu ku tago muddo bil gudahood.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ka qeyb galaya shir ay leeyihiin Midowga Afrika, kaasoo looga hadlayo arrimo kala duwan.

Shirka Midowga Afrika ayaa sanadkiiba labo mar la qabto sida bilaha Janaayo iyo July, iyadoo sida caadada ah shir madaxeedka uu ka dhaco magaalada Addis Ababa, halka shirka labaad uu magaalo kale ka dhaco.

Hase ahaatee shirka July ee Midowga Afrika ayaa lagu waday in lagu qabto magaalada Kigali ee dalka Rwanda, balse loo soo wareejiyay Addis Ababa.

Arrimaha shirka looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah dib u habeynta Ururka Midowga Afrika iyo bajadka uu ku shaqeynayo

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ku aaday Addis Ababa ayaa noqonaya kii labaad uu ku tago dalkaas, sidoo kale waa safarkii saddexaad ee uu dibadda ugu ambabaxo, tan iyo markii xilka Ra’iisul Wasaaraha loo magacaabay dhamaadkii bishii February.