Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Soomaaliya oo olole cusub ku dhawaaqday “DAAWO”

Date:

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday olole cusub, iyadoo ay isu diyaarineyso munaasabadda Maalinta Dhalinyarada Adduunka oo beegan 12 bishan August.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa iclaamisay olole loogu magac daray “WEYDII SAAXIBKAA”, kaasoo loogu horumarinayo wada shaqeynta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay inay ku soo fool leedahay maalinta dhalinyarada Adduunka oo ay xustay inay tahay maalin mudnaan gooni leh, kuna weyn dhalinyarada Soomaaliyeed iyo dhalinyarada Adduunka.

“Weydii saaxibkaa waa olole loogu talagalay in lagu hormariyo wadashaqeynta Dhallinyarada Soomaalyeed iyo Dowladda JFS uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) laguna xusayo Maalinta Dhallinyarada Adduunka, kaasoo ogolaanayo in la maqlo niyada iyo rajada dhalinyarada eey ka leeyihiiin horumarinta dawladnimo, kahortagga qabyaalada iyo xasilinta amniga”ayay tiri Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Mar ay sharxeysay qaabka uu u dhacayo barnaamijka weydii saaxibkaa ayaa xustay inuu yahay nidaam shaqsi walba oo dhalinyaro uu weydiinayo saaxibkiisa su’aalahan.

Sidee Dhallinyarada Soomaaliyeed Ugu Qeyb Qaadan Kartaa:

  1. Horumarka Dowladnimo
  2. Ka Hortagga Qabyaalada
  3. Xasilinta Amniga.

Wasiir Khadiijo ayaa tilmaamtay in ololaha uu bilowday maanta oo bishu tahay 8 Augusto, isla markaana socon doono illaa 31 Augusto sanadkan, waxaana ololahan uu ka dhici doonaan Soomaaliya oo dhan, iyadoo ay ka qeyb qaadan doonaan dhalinyarada qurbaha ku nool.

“Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga waxay ku howlan tahay horumarinta Dhalinyarada Soomaaliya, Si dhallinyaradeenu u helaan Qorshaha lagu hormarinaayo mustaqbalkooda oo ay diyaarisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Mudane Xasan Cali Kheyre”ayay tiri Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

Ugu dambeyn Wasiirada ayaa soo bandhigtay cinwaan loogu soo gudbin karo fariimaha la xiriira ololaha Weydiid Saaxibkaa, waxaana uu yahay sidan ict@moys.gov.so   iyo youth@moys.gov.so


Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...

Guddoomiyaha BFS oo dhambaal hambalyo ah ka helay Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Boqortooyada Baxrayn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...