Home Blog Page 1600

President Farmajo congratulates President Uhuru Kenyatta on his re-election for a second term

0

H.E. President Mohamed Abdullahi Farmajo congratulates H.E. President Uhuru Kenyatta on his re-election as the President of the Republic of​ Kenya for a second term.

“President Kenyatta is not only a close friend and brother but also a development conscious and diligent leader.”

President Farmajo is confident that the re-election of President Kenyatta would foster further cooperation on bilateral and diplomatic relations between Somalia and Kenya.

“President Kenyatta and I share a common vision of peace, stability and economic growth for our two countries and the region as a whole”

Somalia has had strong economic and diplomatic ties with Kenya, which were further strengthened after President Farmajo made his maiden state visit to Nairobi in March this year.

Somalia remains committed to promote peace, open trade and economic cooperation with Kenya.

END

Madaxweyne Farmaajo oo ugu hambalyeeyay Madaxweyne Kenyatta guusha uu ka gaaray doorashada

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta oo mar labaad dib loo doortay.

Madaxwyenaha ayaa yiri “Madaxweyne Kenyatta ma aha saaxiib qura, balse waa hoggaamiye dadaal badan oo dareen horumarineed leh. Waan ugu hambalyeynayaa guushiisa.”

Madaxwyene Farmaajo waxa uu kalsooni weyn ku qabaa in dib u doorashada Madaxweyne Kenyatta ay sii xoojineyso xiriirka wanaagsan ee haatan ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

“Aniga iyo Madaxweyne Kenyatta waxaan wadaagnaa hiraal ku dhisan nabad, xasillooni iyo koboc dhaqaale oo dhexmara labadeenna dal iyo guud ahaa gobolka.”

Soomaaliya waxaa kala dhaxeeya Kenya xiriir dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed oo qotodheer, kaas oo sii xoogeystay keddib markii Madaxweyne Farmaajo uu booqday Nayroobi bishii Maarso ee sanadkan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay hormariso nabadda, ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale ee ay la wadaagto Kenya.

(Daawo) Barnaamijka kulanka todobaadka oo uu marti ku ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee X. F. S.

0

Barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qarabka ayaa looga hadlay xaaladda maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xirxiran dalalka dibadda iyo qorshayaasha dowladda ee ku wajahan soo deynta maxaabiistaasi.

Barnaamijka waxaa marti ku ahaa wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Yuusuf Garaad oosi faah faahsan uga hadlay arrintaasi isagoo dhanka kalena ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay wasaaradda.

Qarax ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar

0

Qof naftii halige ahaa  iyo askari katirsanaa ilaalada xabsiga  Dhexe ee Muqdisho ayaa ku geeriyooday kadib markii  nin isku soo xiray waxyabaha qarxa uu isku dayay in uu isku qarxiyo taliyaha  Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed..

Sareeye Gaas  Xuseen  Xasan Cusmaan oo ah taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed  oo lala beegsaday qaraxasi ayaa SONNA u xaqiijiyay in uu bad qabo, balse waxaa halkaasi ku dhintay  hal askari oo kamid ahaa  ilaalo xabsiga Dhexe.

Dhanka kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa SONNA u sheegey in uu halkasi ku shahiiday askari katirsan ciidamada Amniga oo ka hortagay dhagar qabahaasi in uu hadafkiisa gaaro.

Falkaasi is qarxinta ahaa ayaa ka dhacay banaanka Masjid ku yaala Xabdiga Dhexe ee Xamar, saraakiisha hay’adaha amaanka ayaa wada baaritaano ku aadan falkaasi.

Ciidamada Amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa goobtaasi ka wada howlo baaritaano ah waxaana halkaasi gaaray mas’uuliyiin iyo saraakiil kale.

Wiil Soomaaliyeed oo lagu dhaawacay K/Afrika

0

Wiil dhallinyaro oo Soomaali ah ayaa dhawaan weerar ay ku qaadeen qowlaysato u dhalatay Wadanka Koonfur Afrika ka soo gaaray dhawaan, kadib markii ay xabad ku dhufteen isagoo markaasi xirayay goobtiisa ganacsiga, kaasi oo hadda lagu daweynayo Isbitaal ku yaalla Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika.

Wiilka la dhaawacay oo magaciisa la yiraa Amiin Axmed Calasow oo loo yaqaan Amiin Xagaleey ayaa falkaasi uu ku dhacay isagoo markaasi doonayay inuu ka rawaxo goobtiisa Ganacsi ayay Koox hubeysan Xabad kaga dhufteen meel ka hooseysa Caloosha, islmarkaana waa ay ka baxsadeen goobtii ay falkaasi ka geysteen.

Amiin Xagaleey oo ay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA kula xariirtay khadka Telefoonka isagoo ku sugan Isbitaalka ayaa sheegay in Dukaankiisu oo ku yaal Magaalada Khalisha Xaafadda Sey bii ay goor habeen ah soo weerareen Niman hubeysan, islmarkaana ay xabad ku dhufteen.

“habeen 3- saac ayay aheyd waxaan rabay in aan dukaanka soo xiro, balse waxaan la kulmay Niman dibadda jooga, dood ka dib waxay igu dhufteen xabad, markii ay I arkeen inaan dhulka ku dhacay ayay iga carareen, kadib waxaa ii gurmaday oo dhaawaceyga keenay Isbitaalka Dhalliyaro Soomaaliyeed”, ayuu yiri Amiin Xagleey.

Mar ay SONNA waydiisay xaaladdiisa Caafimaad hadda waxa uu sheegay in Ilaah mahaddii qalliin kadib ay hadda xaaladdiisa caafimaad aad u fiican tahay.

Ma aha markii ugu horreeysay oo Dad Koonfur Afrikaan ay dil, dhaawac iyo boob hantiyadeedba u geystaan Dadka Ajnabiga ah, gaar ahaan Soomaalida.

Dowladda Soomaaliya” Dhawaan waxaa la soo deynayaa maxaabiista nooga xiran xabsiyada India iyo Seyshells

0

Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Federaalka Soom aaliya Mudane Yuusuf Garaad Cumar oo lahadlayay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay guulihii dhinaca diblomaasiyadda ay ka gaartay dowladda Soomaaliya.

Dadaalka Dowladda Soomaaliya ay ugu jirto sidii loo soo deyn lahaa maxaabiis badan oo Soomaaliya uga xiran xabsiyo kuyaal daafaha caalamka ayaa ka mid ah talaabooyinkii ay Dowladdu qaaday, iyadoo ay soconayaan qorshayaal kale.

“Dhawaan waxaan heshiis la soo saxiixanay madaxda dalka India kaasi oo ku saabsan sidii loo sii deyn lahaa maxaabiista xabsiyada dalkaasi kujirat, waana la soo deynayaan, sidoo kale  waxaan maamulka Jasiirada Seyshells aan madaxdeeda kala hadalnay sidii xoriyadooda loo siin lahaa maxaabiis Soomaaliyeed oo kujirta xabsiyada dalkaasi xukunkoodina ay Soomaaliya ku dhameystaan”, Ayuu yiri Yuusf Wasiir Garad Cumar.

Waxaa uu sheegey Wasiirku in horumar ballaaran laga sameeyey dhanka siyaasadda arrimaha dibadda oo uu ku tilmamay mid ku dhisan qunyer socod iyo wax wada qabsi iskaashi ku yimaada.

Mar uu soo hadal qaaday wadamada deriska la Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegey wasiirka arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya in xiriirka kala dhexeeya wadamadaasi uu yahay mid sii xoogaysanaya, taasi oo keentey in Dowladda Itoobiya ay Dowladda Soomaaliya ku soo wareejiso maxaabiis farabadan.

Mudane Yuusuf Garad ayaa xusey in wadadamad Liibiya iyo Yeman ay dad Soomaaliyeed dhibaatooyin ay kala kulmaan, isagoo xusay in Liibiya ay adagtahay meelaha qaar maadaama ay gacanta ku hayan kooxo falaago ah, balse ay sameyndoonaan dadaal kasta oo muwaadiniinta Soomaaliyeed bad baado u ah.

“Dowladda Soomaaliya waxay ku guuleystay in hay’ado caalami ah la kaashato sidii loo aasi lahaa meydadka muwaadiniintii Soomaaliyeed oo dhawaan lagu dilay dalkaasi Yeman, maadaam goobahaasi ay gacanta ku hayeen kooxaha mucaaradka”, Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Natiijada rasmiga ah ee doorashada Kenya oo la filayo in maanta lagu dhawaaqayo

0

Guddiga doorashada dalka Kenya ayaa lafilayaa in uu dhawaan ku dhawaaqo natiijada rasmiga ah ee doorashadii ka dhacday  dalkasi, ayadoo shacabka Kenya ay sugayaan natiijadaasi.

Maalintii shalay ahayd ayaa Guddiga doorashadu waxey sugayeen ilaa iyo 170 form oo ka imaanayay 290ka deegaan doorasho ee Kenya, iyo ilaa iyo Kun form oo kale oo Iyana ka imaanayay 40, 883 goob codbiin si loo dhameystiro dhamaan documentiyada.

Wafula Chebukati  oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo xuduudaha ee Kenya ayaa sheegay in dhamaan dukumintiyada ay sugayaan ay soo gaarayaan maanta, markaa ka dibna ay ku dhawaaqi doonaan natiijada rasmiga ah.

Ilaa iyo haatan sida ka muuqata natiijooyinka horudhaca ah ee codadka ilaa iyo hadda la tiriyay, waxaa ku horeeya madaxweynaha talada dalkaasi haayo Uhuru Kenyatta.

Wararka ka imaanaya magaalada Nairoobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in ay halkaasi ka socoto qaban qaabo ku aadan sidii guddiga doorashooyinka uu u shaacin lahaa natiijada rasmiga ah, waxaana lafilayaa in gelinkii dambe ee maanta ay gaarto.

Dhanka kale hogaamiyaha xisbiga Mucaaradka NASA Raaila Odinga ayaa si weyn uga soo horjeeda habka ay u dhacday doorashadaasi isagoo ku tilmaamay in wax la musuq maasuqay.

Shir jaraa’id uu ku qabteen magaalada Nairobi isbahaysiga mucaaradka ee NASA ayay ku sheegeen in musharaxooda Raila Odinga uu heley codadka ugu badan, iyaga oo ugu baaqay in guddiga doorashooyinka ee IEBC in ay ku dhawaaqaan in Raila uu ku guuleystey madaxweynenimada Kenya.

Kormeerayaasha caalamiga ah ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in doorashadaasi ay u dhacday habkii loogu talagalay islamarkaana ugu baaqay musharixiintu in ay aqbalaan natiijada doorashadaasi hadii la shaaciyo.

Xigasho: SONNA

Shirkii Guddoonada baarlamaanka Africa oo ka furmay K/Afrika

0

Kulanka Guddoomiyaasha Barlamaanada dalalka Qaaradda Africa ee ka furmay xarunta Baarlamaanka Africa ee magaalada Johansbeg ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo wefdi uu hogaaminayo, Safiirka  Soomaaliya u fadhiya Dalka South AfricaJamaal Maxamed Barrow.

Sida uu ku soo waramayo wariyaheena C/llaahi Maxamuud Amiin C/laahi Qorshe,Kulanka waxaa looga hadlayay arrimo muhim ah oo quseeya qaarada Africa gaar ahaan dhalinyarada Africa sidii loogu diyaarin lahaa hogaaminta Siyaasadda Qaaradda iyo maamulka dhaqaalaha iyada oo la siinayo fursadahii ay kula wareegi lahaayeen howshaas iyada oo la siinayo fursado waxbarasho.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh CusmaanJawaari ayaa hadal ka jeediayay kulankaasi“bulshada Soomaaliyeed 70% in da’dooda waxay ka hooseeysaa 30 jir halka 42%da’doodi u dhexeyso 14 ilaa 29 kuwaasi oo ay horyaalaan arrimo badan oo xal u baahan”, Ayuu yiri Jawaari.

Xog-hayaha guud ee golaha Shacabka Soomaaliyeed Cabdikarin Xaaji Cabdi Buux ayaa warbaahinta qaranka waxaa uu u sheegay in kulanka diirada lagu saaray arrimo badan oo quseeya Dhalinyarada qaaradda Africa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed M.ne Muxammad Sheikh Cusmaan “Jawaari” ayaa waxaa uu sheegay in dhalinyarada looga baahan yahay in garab laga siiyo saddax dhinac.

Kulanka ayaa waxaa la filayaa in lasoo gaba gabeeyo waxaana la filayaa in geba gebadiisa laga soo saaro qodobo dhowr ah oo muhim ah dhalinyarada Qaaradda Africa sidii loogu diyaarin lahaa hogaaminta Qaraada .

Madaxweyne Farmajo oo amray howgal qorsheysan oo lagu dilay horjooge Al-Shabaab ka tirsan

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmajo) ayaa amray howlgal qorsheysan oo ay nala fuliyeen saaxiibada caalamka ee ShaashWeyn oo bannaanka gobolka Benaadir ah halkaas oo lagu dilay horjooge sare ee kooxda maleeshiyaadka argagaxisada Al-Shabaab.

Horjoogahan kooxda argagaxisada ka tirsan ayaa mas’uul ka ahaa qorsheyaasha lagu fulinayey qaraxyada iyo dilalka qorsheysan eek a dhacayey Muqdisho oo lagu dilay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Labadii usbuuc ee u danbeysey ayaa geesiyaasha ciidanka Soomaalida ayaa bartilmaameysanyey kooxaha argagaxisada jid-gooyooyinka ay lacagaha baadka uga qaadaan shacabka, oo weliba weeraradaas mid ka ah lagu qaarajiyey horjoogihii Muqdisho u qaabilsanaa argagaxisada Al-Shabaab oo lagu magacaabi jirey Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal).

Madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa ayaa ay ka go’antahay in kooxaha argagaxisada ah laga ciribtiro dalka, so shacabka looga badbaadiyo qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, tanoo shacabka Soomaaliyeed, kuwa Afrikada Bari iyo Caalamkaba dan u ah.

DHAMAAD

Ciidanka Ammaanka oo Fashiliyay Qarax la doonayay in lagu dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed

0

Ciidammada ammaanka ayaa ka hortagay Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa oo la doonayay in lagu dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ciidammada ayaa wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho ka dib markii ay ogaadeen in Wadada la dhigay Gaari ay ku xiranyihiin Waxyaabaha Qarxa.

Waxaa la hakiyay Dhaq dhaqaaqyada Dadka iyo Gaadiidka ee qaybo ka mid ah Jidka Maka Almukarama iyadoo ugu danbayn Ciidanka ay Qarxiyeen Gaariga Cadowga ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan Shacabka.

Ciidammada Ammaanka ayaa saacad kasta heegan buuxa ugu jira sidii ay u bad baadin lahaayeen Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda Soomaaliya.