Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Itoobiya oo faah faahin ka bixiyay sii deynta maxaabiista harsan

Date:

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Itoobiya Mudane Maxamedd Cali Nuur oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaliyeed ee SONNA ayaa faah faahin ka bixyay heshiiska Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku aadan siideynta Maxaabiista ku harsan  Xabsiyada Dalkaasi.

Safiirka ayaa sheegay in dhawaan uu dhaqan geli doono heshiiskaasi, isla markaana uu socdo hanaankii loo sii deyn lahaa maxaabiistaasi, kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasna Cali Khayre uu khadka telfoonka kula hadlay dhiggiisa Dalkaasi Hailemariam Desaleng.

“Runtii horta halkan waxaa ku xiran maxaabiis tiradoodi ay badan tahay,waxayna u xiran yihiin dembiyo kala duwan, sida in ay sharci daro  ku soo galeen, hadda waqti xaadarkan ah waxaa soo dhow in la sii daayo maxaabiista harsan oo uu kujiro Boqorka Bartamaha, mabda’iyan way dhamaatay arrintaasi balse, waxaa dhiman oo kaliya hanaankii loo mari lahaa sida in Dukumiintiyadooda la soo uruuriyo”, Ayuu yiri Danjire  Maxmed Cali Nuur.

“Wallaahi run ahaantii Dalkan Itoobiya waxaa ka jirta dareen weyn oo ah in Soomaaliya ay kajirto Dowlad weyn oo shacabkeeda daryeeleyso,wixii dembiyo lagu haystana lagu aamini karo dowladda in ay iyada go’aan ka gaarto, iyo in uu sii kordhayo xiriirka ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya siweyn ayaa loo soo dhaweeyey”,. ayuu markale hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyntii wuxuu ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed qofkasto oo ehelkiisa tabaayo in uu ku xiran yahay dalka Itoobiya in ay la soo xiriraan Dowladooda si loogu soo gudbiyo safaaradda, taasi oo uu ku tilmaamay in ay fududaynayso in qofkasto uu fursad u heli karo in uu ogaado qofka ka maqan iyo meesha uu ku xiran yahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata kaarka codeynta

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...