Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Itoobiya oo faah faahin ka bixiyay sii deynta maxaabiista harsan

Date:

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Itoobiya Mudane Maxamedd Cali Nuur oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaliyeed ee SONNA ayaa faah faahin ka bixyay heshiiska Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku aadan siideynta Maxaabiista ku harsan  Xabsiyada Dalkaasi.

Safiirka ayaa sheegay in dhawaan uu dhaqan geli doono heshiiskaasi, isla markaana uu socdo hanaankii loo sii deyn lahaa maxaabiistaasi, kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasna Cali Khayre uu khadka telfoonka kula hadlay dhiggiisa Dalkaasi Hailemariam Desaleng.

“Runtii horta halkan waxaa ku xiran maxaabiis tiradoodi ay badan tahay,waxayna u xiran yihiin dembiyo kala duwan, sida in ay sharci daro  ku soo galeen, hadda waqti xaadarkan ah waxaa soo dhow in la sii daayo maxaabiista harsan oo uu kujiro Boqorka Bartamaha, mabda’iyan way dhamaatay arrintaasi balse, waxaa dhiman oo kaliya hanaankii loo mari lahaa sida in Dukumiintiyadooda la soo uruuriyo”, Ayuu yiri Danjire  Maxmed Cali Nuur.

“Wallaahi run ahaantii Dalkan Itoobiya waxaa ka jirta dareen weyn oo ah in Soomaaliya ay kajirto Dowlad weyn oo shacabkeeda daryeeleyso,wixii dembiyo lagu haystana lagu aamini karo dowladda in ay iyada go’aan ka gaarto, iyo in uu sii kordhayo xiriirka ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya siweyn ayaa loo soo dhaweeyey”,. ayuu markale hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyntii wuxuu ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed qofkasto oo ehelkiisa tabaayo in uu ku xiran yahay dalka Itoobiya in ay la soo xiriraan Dowladooda si loogu soo gudbiyo safaaradda, taasi oo uu ku tilmaamay in ay fududaynayso in qofkasto uu fursad u heli karo in uu ogaado qofka ka maqan iyo meesha uu ku xiran yahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...