Wafdi ka socda Soomaaliya oo ka qeyb galaya Aqoon isweydaarsi ka Furmay Shiinaha

Date:

Muqdisho (SONNA) Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa saaka ka furmay Kulan aqoon is weydaarsi ah oo ay ka qeyb galayaan Wafuud ka kala socota 10-dal oo Afrikaan ah oo Soomaaliya ay ku jirto, kaasoo ay soo qaban qaabisay Xarunta Tabaradda Caalamiga ah ee Dowlada Shiinaha.

Soomaaliya waxaa uga qeyb galaya Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Shiikh Yuusuf Cadaala oo ay wehlinayaan Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Cabdullaahi Shiikh Cabdiraxmaan Heybe, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalmiga ah Cabdiraxmaan Axmed Xuseen iyo Madaxa Kormeerka iyo Qiimeynta Wasaaradda Warfaafinta Ifraax Cabdulaahi Cabdi.

Kulankan aqoon isweydaarsiga ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa si kor loogu qaado Xiriirka soo jireenka ah ee Dowlada Shiinaha iyo Dalalka soo koraya oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Inta uu kulanka socdo waxaa lagu baran doonaa sidii Dowladaha soo koraya ay kaga faa’iideysan lahaayeen Kheyraadka Dabiiciga ah iyo ilaha Dhaqaale ay leeyihiin, isla markaana ay hormar badan u sameyn lahaayeen Bulshadooda, si dalalka soo koraya ay u tiigsadaan Hormarka dhaqaale uu sameeyay Dalka Shiinaha.

Sidoo kale waxaa la is dhaafsan doonaa Qibradaha ay leeyihiin Wadamada soo koraya iyo Dowlada Shiinaha, iyadoo la soo bandhigi doono sida ay hormarka balaaran ku sameysay Xukuumadda Beijing, Caqabadaha horyaala Dalalka soo koraya, sida ay kaga gudbi karaan iyo Isbedelada dhaqaale ay rajeyayaan inay sameeyaan.

Aqoon isweydaarsigan oo furmay maanta ayaa wuxuu socon doonaa ilaa iyo 19-ka bishan, iyadoo la filayo Wafdiga Dowlada Soomaaliya u matalaya kulanka inay la wadaagi doonaan Dalalka soo koraya iyo Dowlada Shiinaha sida Soomaaliya ay kaga go’an tahay inay ka faa’iideysato Kheyraadkeeda Dabiiciga ah oo ilaah uu ku maneystay, isla markaana ay u sameyso isbedel balaaran oo dhinaca dhaqaalaha ah iyo hormarka Bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...