DHAGEYSO: Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Itoobiya oo faah faahin ka bixyay sii deynta maxaabiista harsan

Date:

Muqdisho(SONNA) Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Itoobiya Mudane Max’ed Cali Nuur oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaliyeed ee SONNA ayaa faah faahin ka bixyay heshiiska Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku aadan siideynta Maxaabiista ku harsan  Xabsiyada Dalkaasi.

Safiirka ayaa sheegay in dhawaan uu dhaqan gelidoono heshiiskaasi, islamarkaana uu socodo hanaankii loo sii deyn lahaa maxaabiistaasi,kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasna Cali Khayre uu telfoonka kula hadlay dhiggiisa Dalkaasi Hailemariam Desaleng.

“Runtii horta halkan waxaa ku xiran maxaabiis tiradoodi ay badan tahay,waxayna u xiran yihiin dembiyo kaladuwan, sida in ay sharci daro  ku soo galeen,hadda waqti xaadarkan ah waxaa soo dhow in la sii daayo maxaabiista harsan oo uu kujiro Boqorka Bartamaha, mabda’iyan way dhamaatay arrintaasi balse, waxaa dhiman oo kaliya hanaankii loo mari lahaa sida in Dukumiintiyadooda la soo uruuriyo”, Ayuu yir Safiir Maxmed Cali Nuur.

Wakaaladda SONNA ayaa weydisay  Danjiraha,wadahadaladii Telfoonka ahaa ee dhexmaray Ra’iisul Wasaarayaasha labada Dal iyo sida looga dareemey Dalka Itoobiya wuxuuna yiri.

“Wallaahi run ahaantii Dalkan Itoobiya waxaa ka jirta dareen weyn oo ah in Soomaaliya ay kajirto Dowlad weyn oo shacabkeeda daryeeleyso,wixii dembiyo lagu haystana lagu aamini karo dowladda in ay iyada go’aan ka gaarto, iyo in uu sii kordhayo xiriirka ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya siweyn ayaa loo soo dhaweeyey”, Ayuu intaasi ku daray Safiirka.

Ugu dambeyntii wuxuu ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed qofkasto oo ehelkiisa tabaayo in uu ku xiran yahay dalka Itoobiya in ay la soo xiriraan Dowladooda si loogu soo gudbiyo safaaradda, taasi oo uu ku tilmaamay in ay fududaynayso in qofkasto uu fursad u heli karo in uu ogaado qofka ka maqan iyo meesha uu ku xiran yahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...