Home Blog Page 1601

Guddoomiye Jawaari iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo ka wada hadlay iskaashiga baarlamaanada labada Dal

0

Muqdisho(SONNA) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh  Cusmaan (Jawaari) iyo  Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya oo xalay ku kulmay magaalada Muqdisho ayaa  kawada hadlay xoojinta iskaashiga Baarlamaanada labada Dal.

Kulankaasi uu dhexmaray Guddoomiye Jawaari iyo Danjire Olgan Baker waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabddalla Cawad,muddadii uu socoday kulankaasi ayaa waxaa ay kawada hadleen mas’uuliyiintani iskaashiga Baarlamaanada labada Dal,iyo matanaynta guddiyada labada baarlamaan.

Mudane Max’ed Sheekh Cusman (Jawaari) guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ayaa sidoo kale Safiirka Turkiga u fahdiya Soomaaliya kala hadlay sidii loo dedejin lahaa dhismaha xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa warbaahinta Qaranka uga warramay waxyaabihi kulankasi ka soo baxay.

“Guddoomiyuhu wuxuu safiirka kala hadlay arrimaha iskaashiga baarlamaanada labada dal,mataanaynta  guddiyada labada baarlamaan,sidoo kale safiirka wuxuu warbixin ka siyay guddoomiyaha qorshaha dhismaha xarunta golaha shacabka,waxaana la isku afgartay in dhismo KMG ah laga sameeyo xarunta Villa Harggeysa,halkasi oo lagu shaqeynayo dhismaha xarunta baarlamanka ilaa 6 bilood ayay qaadanaysaa, ilaa intaasi halkan ayaa lagu shaqeynayaa”, Ayuu yiro mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Dowladda Turkiga ayaa kaalin muhiim ah ku leh taageerada Soomaaliya,sida dhinacyada siyaasadda dhaqaalaha,amaanka iyo dib u dhiska,waana Dowladda Kaliya oo ka mid ah Caalamiga ah oo wax muuqda ka qabtay dalka.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo booqday deegaanka Goobweyn

0

Wefdi uu hogaaminayay Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland, Suldaan C/qaadir Xaaji Maxamed (Lugadheere) ayaa kormeer ku tagay deegaanka Goobweyn oo hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, gelinkii dambe ee Talaadadii, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Ujeeddada socdaalka Mas’uuliyiintani ayaa la xiriirta sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaaladaha amni iyo baahiyaha dhanka adeegyada bulshada oo ay qabaan shacabka kunool deegaankaasi,waxaana mas’uuliyiintu ay kormeereen qeybaha uu deegaankaasi ka koobanyahay,si looga hirgeliyo mashaariic horumarineed.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa shacabka kunool deegaanada dhaca Waqooyiga Kismaayo ugu baaqey in ay ciidamada Ammaanka kala shaqeeyaan sidii loo sugi lahaa amniga.

“Goobweyn muhiimad gaar ah ayay inoo  leedahay,marka waxaan idinka codsanaynaa in ciidamada aad kala shaqeysaan nabadgeliyada,Dowladda ha lataageero,meeshaan waad garanaysaan waqtigii hore sida ay ahaan jirtay,maamulka deegaankana la shaqeeya si amniga loo sugo”, Sidaana waxaa yiri Suldaan Lugadheere.

Waxaa socdaalka Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Suldaan C/qaadir Xaaji Maxamed (Lugadheere) ku wehliyay Wasiiro iyo saraakiil ka tirsan Jubbaland,waxaana booqashadan imanaysaa iyadoo dhawaan, maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen xero ay lahaayeen ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland, iyadoo mas’uuliyiintan ay shacabka ugu baaqeen in ay ka qeyb qataan ka hortaga dhagarta cadowga.

Guddoomiye Jawaari iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo ka wada hadlay iskaashiga baarlamaanada labada Dal

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh  Cusmaan (Jawaari) iyo  Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Baker oo xalay ku kulmay magaalada Muqdisho ayaa  kawada hadlay xoojinta iskaashiga Baarlamaanada labada Dal.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabddalla Cawad, waxaana ay kawada hadleen mas’uuliyiintani iskaashiga Baarlamaanada labada Dal iyo mataanaynta guddiyada labada baarlamaan.

Mudane Maxamed Sheekh Cusman (Jawaari) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale Safiirka Turkiga u fahdiya Soomaaliya kala hadlay sidii loo dedejin lahaa dhismaha xarunta Baarlamaanka Soomaaliya oo ay kal hore balan qaadeen.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa warbaahinta Qaranka uga warramay waxyaabihi kulankasi ka soo baxay.

“Guddoomiyuhu wuxuu safiirka kala hadlay arrimaha iskaashiga baarlamaanada labada dal, mataanaynta  guddiyada labada baarlamaan, sidoo kale safiirka wuxuu warbixin ka siyay guddoomiyaha qorshaha dhismaha xarunta golaha shacabka, waxaana la isku afgartay in dhismo KMG ah laga sameeyo xarunta Villa Harggeysa, halkasi oo lagu shaqeynayo dhismaha xarunta baarlamanka ilaa 6 bilood ayay qaadanaysaa, ilaa intaasi halkan ayaa lagu shaqeynayaa”, Ayuu yiro mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Dowladda Turkiga ayaa kaalin muhiim ah ku leh taageerada Soomaaliya,sida dhinacyada siyaasadda dhaqaalaha,amaanka iyo dib u dhiska,waana Dowladda Kaliya oo ka mid ah Caalamiga ah oo wax muuqda ka qabtay dalka.

 

Maamulka G/ Banaadir oo daahfuray Wajiga 1aad ee Barnaamijka shaqo abuurka Dhalinyaradda

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta Aqalka Dowladda hoose ee Magaalada Muqdisho ka  furay Wajiga 1aad ee Barnaamika Shaqo abuurka Dhalinyarada Gobolka Banaadir, kaasi uu lagu shaqaaleysiinayo dhalinyaro gaareysa 1000 qof oo isugu jira Rag iyo Dumar, waxaana barnaamijka furay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi, oo ay wehliyeen Masuuliyiin Maamulka Gobolka ka tirsan.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed,  oo ka hadlay barnaamijkaasi ayaa sheegay in maanta ay daahfureen Barnaamijka lagu shaqaaleysiinayo 1000-ka qof, isagoo  usheegay dhalinyarada in ay ka faa iideystaan fursada shaqo ee Maamulka Gobolka banaadir uu usoo bandhigay, si looga baxo shaqo la’aanta dhalinyaradda Soomaaliyeed heysata.

Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in barnaamijkan uu shaqo abuur yahay, si simanna loogu qeybiyey Degmooyinka Gobolka Banaadir, isagoo xusay in dadka shaqaaleysiinta loo qaadanayo ay ka ka howl gali doonaan xafiisyadda kala duwan ee  maamulka Gobolka Banaadir.

Todobo xubnood oo loo magacaabay maamulka doorashada Kenya iyo muran weli taagan

0

Muqdisho(SONNA) Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in guddiga madaxa bannaan ee doorashada iyo xudduudaha Kenya (IEBC) uu toddoba xubnood u magacaabay maamulka doorashada madaxtinnimo ee ku celiska ah ee loo asteeyay inay qabsoonto 17ka bisha soo socota.

Talaabadaasi waxaa ka horyimid Railla odinge oo hogaamiya, isbahaysiga mucaaradka NASA ayaa ka biyo diiday,waxayna hore ugu hanjabay inaysan ka qayb gali doonin doorashada ilaa is beddel dhab ah loo sameeyo si dastuuri ah.

Arintani ayaa ka dhigan jahwareer siyaasadeed oo haatan ka taagan Dalka Kenya,Madaxweyne Uhuuru Kenyatta ayaa diiday is wax laga bedelo qaab dhismeedka guddiga doorashooda dalkaasi.

Maxakamadda sare ee Dalkaasi Kenya aya dhawaan go’aamisay in dib loogu noqdo doorashadii dhacday, kadib markii ay laashey natiijada, madaxweyne Kenyatta ayaa dhaliilay go’aankaasi balse uu xusay in uu ixtiraamayo sharciga.

Dadka odorooso arrimaha siyaasadda dalka Kenya ayaa ka deyrinaya xaaladda siyaasadeed, maadaama uu haatan is mari waa uu ka dhextaagaynyahay Dowladda iyo Mucaaradka.

Blse dhinaca kale waxaa si xowli ah u soconaya ololaha ballaaran oo mar kale labada dhinac ay isugu diyaarinayaan in ay kaga qeybgalaan doorashada ku celiska ah,balse waxaa loo fadhiyaa sida lagu xaliyo muranka ka taagan qaab dhismeedka guddiga doorashada.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland iyo saraakiil amni oo booqday deegaanka Goobweyn+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA)Wefdi uu hogaaminayay Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Goboleedka Jubbaland, Suldaan C/qaadir Xaaji Maxamed (Lugadheere) ayaa kormeer ku tagay deegaanka Goobweyn oo hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, gelinkii dambe ee Talaadadii, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Ujeedadad socdaalka Mas’uuliyiintanii ayaa la xiriirtaa sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaaladaha amni iyo baahiyaha dhanka deegyada bulshada ah oo ay qabaan shacabka kunool deegaankaasi,waxaan mas’uuliyiintu ay kormeereen qeybaha uu deegaankaasi ka koobanyahay,si looga hirgeliyo mashaariic horumarineed.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa shacabka kunool deegaanada dhaca Waqooyiga Kismaayo ugu baaqey in ay ciidamada Ammaanka kala shaqeeyaan sidii loo sugi lahaa amniga.

“Goobweyn muhiimad gaar ah ayay inoo  leedahay,marka waxaan idinka codsanaynaa in ciidamada aad kala shaqeysaan nabadgeliyada,Dowladda ha lataageero,meeshaan waad garanaysaan waqtigii hore sida ay ahaan jirtay,maamulka deegaankana la shaqeeya si amniga loo sugo”, Sidaana waxaa yiri Suldaan Lugadheere.

Waxaa socdaalka Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Suldaan C/qaadir Xaaji Maxamed (Lugadheere) ku wehliyay Wasiiro iyo saraakiil ka tirsan Jubbaland,waxaana booqashadan imanaysaa iyadoo dhawaan,maleeshiyada Shabaab ay weerar ku soo qaadeen xero ay lahaayeen ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland,iyadoona mas’uuliyiintan ay shacabka ugu baaqeen in ay ka qeyb qataan ka hortaga dhagarta cdowga.

Shirka dib u hishiisiinta Puntland iyo Galmudug uga socda Gaalkacyo oo maalintii labaad galay “Sawirro”

0

Muqdisho(SONNA):-Maalintii labaad ayuu galay Shirkan oo ujjeedkiisu uu yahay  in Xal waara looga gaaro Colaadda inta badan dhex marta Maleeshiyaadka kala taabacsan Maamulada Dariska ah ee Galmudug iyo Puntland ayaa ka dhacay Magaaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug ee Bartamaha Dalka.

Waxaaa goob joog ah madasha shirkan dib u heshiisiineed madaxweyne ku xiggeenka Galmudug Max’ed Xaashi Cabdi, Madaxweyne ku xiggeenka Puntland C/xakiin Xaaji C/llaahi Cumar, Odayaasha dhaqanka iyo Culimada diinta, kaasi oo la filayo in laga soo saaro go’aano ku aadan nabad ku wada noolaanshaha Shacabka Magaaladda Gaalkacyo wada dega.

 

 

 

Maamulka G/ Banaadir oo daahfuray Wajiga 1aad ee Barnaamijka shaqo abuurka Dhalinyaradda “Sawirro”

0

Muqdisho(SONNA):– Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta Aqalka Dowladda hoose ee Magaalada Muqdisho ka  furay Wajiga 1aad ee Barnaamika Shaqo abuurka Dhalinyarada Gobolka Banaadir, kaasi uu lagu shaqaaleysiinayo dhalinyaro gaareysa 1000 qof oo isugu jira Rag iyo Dumar, waxaana barnaamijka furay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi, oo ay wehliyeen Masuuliyiin Maamulka Gobolka ka tirsan.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed,  oo ka hadlay barnaamijkaasi ayaa sheegay in maanta ay daahfureen Barnaamijka lagu shaqaaleysiinayo 1000-ka qof, isagoo  usheegay dhalinyarada in ay ka faa iideystaan fursada shaqo ee Maamulka Gobolka banaadir uu usoo bandhigay, si looga baxo shaqo la’aanta dhalinyaradda Soomaaliyeed heysata.

Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in barnaamijkan uu shaqo abuur yahay, si simanna loogu qeybiyey Degmooyinka Gobolka Banaadir, isagoo xusay in dadka shaqaaleysiinta loo qaadanayo ay ka howl gali doonaan xafiisyadda kala duwan ee  maamulka Gobolka Banaadir.

 

 

Guddoonka Golaha Shacabka JFS oo shaaciyay xilliga uu furmayo kalfadhiga Golaha

0

Muqdisho(SONNA):–Guddoonka Golaha Shacabka ayaa shaaciyay in Maalinta Sabtida uu furmayo kulamada Baarlamaanka, si loo sii dar dargeliyo howlaha Golaha horyaalla.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikariin Xaaji Buux oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in maalinka Sabtida ee soo aadan uu furmayo kalfadhiga Golaha Shacabka Soomaaliya.

 

“Dhamaan Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa la ogeysiinayaa in waqtigii dib loo bilaabayay fadhiyada uu bilaawday, sababtoo ah muddadii fasaxa ee Xajka wuu dhamaaday, marka Sabtida haddii uu Alle idmo waxaa furmaya kalfadhiga Baarlamaanka” ayuu yiri Cabdikariin Buux.

Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka ayaa ka daldabay Guddiyada joogtada ee Golaha Shacabka inay soo xaadiraan kulanka Khamiista soo socoto oo looga hadlayo sameynta iyo dhameystirka ajandayaashi lagu hagi lahaa kalfadhiyada Golaha.

Wasiiro ka tirsan Galmudug oo soo booqay xarunta SONNA, dhiiro geliyayna howlaha ay hayso

0

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Mudane Cawil  Xirsi  Xasan (Goladiid) iyo Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Mudane Daahir Faarax Fiidow oo safar shaqo ku jooga magaalada Muqdisho, ayaa soo booqday Wasaaradda Warfaafinta Gaar ahaan Wakaaladad Wararka SONNA,iyagoo bogaadiyay horumarada ka socoda Wakaaladda.

Mas’uuliyiintani ayaa la kulmay maamulka iyo shaqaalaha Wakaaladda SONNA,waxaana ku sugnaa kulankaasi Agaasimaha Wakaaladda Filimada Qaranka Soomaaliyeed Saalax Shire,Taifaftiraha Guud ee Wakaaladda SONNA C/araxmaan C/llaahi Maxamed (Kanafa) iyo Madaxa wararka SONNA Cali C/qaadir Cali iyo qaar kamid ah shaqaalaha, oo warbixin ka siiyay mas’uuliyiintaasi howlaha ay bulshada  u hayso Wakaaladda SONNA.

Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Mudane Daahir Faarax Fiidow ayaa ku amaanay maamulka iyo shaqaalaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA doorka ay ka qaataan had iyo jeer Hormarka Dalka iyo sida ay ugu heelanyihiin Baahinta Xaqiiqooyinka ka Jira Guud ahaan Dalka.

“Marka hore waan idinkaga hambalyaynayaa dadaalka horumarineed oo ay sameynayso Wakaaladda’Wakaaladdu dowr muhiim ah ayay ku leedahay horumarka dalka,qofkii ka shaqeeyana waxaan aaminsanahay in uu dhaqsi horumar gaarayo,anaka muddoayaan ka soo howlgalnay warbaahintan,waana soo dhaweynaynaa isbedelada maamul ee dhacay,waxaan u soo jeedinayaa SONNA in ay nagala shaqeyso horumarka Galmudug.Ayuu yiri Wasiir Fiidow.

Ugu dambeyn Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cawil Xirsi Xasan (Goladiid) ayaa sheegay in warbaahinta Qaranka ay dowr muhiim ah ku leedahay horumarka dalka,gaar ahaan Wakaaladda SONNa, wuxuuna sheega in muhiim ay tahay in dib loo soo celiyo xafiisyadii Gobolada ay ku lahayd Wakaaladad SONNA si loo soo celiyo dowrkii ay ku lahayd u adeegista bulshada.

Wasiiradan ayaa ka mid ahaa howlwadeenadii soo maray warbaahinta qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan Wakaaladda SONNA ,iyagoo ku bogaadiyay shaqaalaha in ay sii kordhiyaan dadaalkooda,ayna ka faa’idaystaan Tiknolojiyada casriga ah ee xiligan jirta.