Guddoomiye Jawaari iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo ka wada hadlay iskaashiga baarlamaanada labada Dal

Date:

Muqdisho(SONNA) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh  Cusmaan (Jawaari) iyo  Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya oo xalay ku kulmay magaalada Muqdisho ayaa  kawada hadlay xoojinta iskaashiga Baarlamaanada labada Dal.

Kulankaasi uu dhexmaray Guddoomiye Jawaari iyo Danjire Olgan Baker waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabddalla Cawad,muddadii uu socoday kulankaasi ayaa waxaa ay kawada hadleen mas’uuliyiintani iskaashiga Baarlamaanada labada Dal,iyo matanaynta guddiyada labada baarlamaan.

Mudane Max’ed Sheekh Cusman (Jawaari) guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ayaa sidoo kale Safiirka Turkiga u fahdiya Soomaaliya kala hadlay sidii loo dedejin lahaa dhismaha xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa warbaahinta Qaranka uga warramay waxyaabihi kulankasi ka soo baxay.

“Guddoomiyuhu wuxuu safiirka kala hadlay arrimaha iskaashiga baarlamaanada labada dal,mataanaynta  guddiyada labada baarlamaan,sidoo kale safiirka wuxuu warbixin ka siyay guddoomiyaha qorshaha dhismaha xarunta golaha shacabka,waxaana la isku afgartay in dhismo KMG ah laga sameeyo xarunta Villa Harggeysa,halkasi oo lagu shaqeynayo dhismaha xarunta baarlamanka ilaa 6 bilood ayay qaadanaysaa, ilaa intaasi halkan ayaa lagu shaqeynayaa”, Ayuu yiro mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Dowladda Turkiga ayaa kaalin muhiim ah ku leh taageerada Soomaaliya,sida dhinacyada siyaasadda dhaqaalaha,amaanka iyo dib u dhiska,waana Dowladda Kaliya oo ka mid ah Caalamiga ah oo wax muuqda ka qabtay dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...