Home Blog Page 1599

Sida looga hadlay weerarkii London Bridge

0

Weerarkii ka dhacay bartamaha magaalada London oo ay u dinteen 6, qof ku dhowaad 50 kalena ay ku dhaawacmeen, hoggaamiyeyaasha dunida qaar ayaa siyaabo kala duwan uga hadashay dhacdadaasi..

Wararkii ugu dambeeyey waxa ay sheegayaan in Boliiska London ay toogasho ku dileen rag la rumeysan yahay in ay yihiin kuwii geystey weerarkii ka dhacay London Bridge.

Duqa magaalada London, Sadiq Khan, waxa uu ku tilmaamay fal wuxuushnimo ah, isla markaana London aysan u joogsaneyn kuwa caadeystay dhibaateynta dadka masaakiinta ah

Ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May, ayaa sheegay in weerarkii London ka dhacay uu ku filan yahay Uk, iyadoo soo qaadatay Kalmadda. ‘Enough Is Enough’.

Sidoo kale waxa ay  si cad u sheegtay in falkaasi argagixiso uusan hakin doonin doorashada guud ee khamiista soo socota ka dhici doonta dalka Britain.

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa yiri “US waxa ay sameyn doontaa wax walba oo karaankeeda ku aaddan taageerada UK kaddib weerarkii London Bridge ka dhacay iyo kuwii Manchester”.

Madaxweynaha cusub ee Faransiiska, ayaa tilmaamay in dowladdiisa ay cambaareyneyso Falkii London ka dhacay.

Laammaha amniga Britain, ayaa ku shirsan London, si loo qaado tallaabooyin adag oo amniga ka xiriira, xili toddobaadka soo socda ay dalkaasi ka dhici doonaan doorashooyin guud.

 

Wasaaradda Arimaha Guddaaha oo sheegtay in ay muhiim tahay in la qorsheeyo doorashada 2020.

0

Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa sheegtay in loo baahanyahay in laga heshiiyo qaabkii wax loo dooran lahaa Sanadka 2020.

Xoghayaha Jooogtada ah ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Prof Yaxye Cali Ibraahim ayaa xusay in doorashooyinkii hore ee dhacay ay ahaayeen kuwa ku dhacay qaabab kala duwan waxa uuna xusay in ay muhiim tahay in la qorsheeyo doorashadda Soo Socoto.

Prof Yaxye Cali Ibraahim ayaa si gaar ah hoosta uga xariiqan in il gooni ah loo yeesho meealaha aysan maamuladooda dhameys tirneyn isaga sheegay in ay muhiim tahay in loo dajiyo qorsho cad oo lagu wajihi doono doorashadda 2020.

Banaanbax lagu taageerayo dowladda oo ka dhacaya Muqdisho.

0

Waxaa maanta lagu waddaa in Magaalada Muqdisho lagu qabto Banaanbax uu soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir.

Banaanbaxaan ayaa waxaa lagu taageeraya 100-kii maalmood ee ay shaqeynaysay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

Waxaa lagu waddaa Banaabaxaasi in ay ka qeyb galaan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka gobolka Banaadir.

Banaanbaxaan ayaa waxaa lagu qaban doonaa garoonka Banaadir Studium ee  degmada Cabdicasiis.

Faahfaahin Dheeri ah oo ka soo baxayo weerarkii ka dhacay London.

0

Booliska Ingiriiska ayaa xaqiijiyey in lix qofood ay ku dhinteen 30 kalana ay ku dhaawacmeen kadib laba weerarar oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada London.

Weerarada ayaa mid ka mid ahi loo adeegsaday baabuur lagu jiirsiiyey dad marayey buundada London Bridge ee bartamaha magaalada London, oo ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan magaalada London ee caasimada dalka Britain.

Weerarka kale oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa toorreey ayaa lagu midiyeeyey dad rayid ahaa, meel aanan ka fogeyn halka uu ka dhacay weerarka baabuurka loo adeegsaday.

Raysalwasaarahada Britain, Therasa May oo la hadashey warbaahinta ayaa sheegtay in weerarkan ay u tixgalinayaan mid argagixso.

Ciidamada Ammaanka ayaa sidoo kale waxa ay toogasho ku dileen ragg looga shakisan yahay Weerarkaasi.

Dadka Shacabka ayaa loogu baaqay in aysan guryaha kasoo bixin inta laga xaqiijinaayo Xaaladda.

Labo todobaad ka hor ayaa Weerar ay ku dhinteen dad ka badan 22 qof , waxaa uu ka dhacay Magaalada London.

Dowladda Soomaaliya ayaa Faahfaahin ka bixisay Halka uu maraayo howlgalka Xasilinta caasimadda Soomaaliya.

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Eng C/raxmaan Yariisow oo ka hadlay howlgalka Xasilinta Caasimadda ayaa sheegay in la diyaariyey Ciidamo 1500 oo askari oo isku dhaf ah oo isugu jiro Boolis , Nabadsugid iyo weliba Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladaan ay tahay Dowladd ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed waxa uuna sheegay in howlgalka Xasilinta  Caasimadda in uu ka dhashay codsiga iyo rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed ee ahaa in la nabadeeyo Caasimadda iyo guud ahaan Dalka.

Eng Yariisow ayaa sheegay in ay jiraan dad yar oo ka biya diidsan in la qaado hubka waaweyn waxaana uu xusay in aan dhag jalaq loo siin doonin isla markaana go’aan ay ka tahay Dowladda Soomaaliya aruurinta hubka Waaweyn si loo xasiliyo Caasimadda iyo Guud ahaan Goboladda Dalka.

Dharkeynleey oo u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka

0

 

Habeenkii Toddobaad ee tartan ciliyeedka warbaahinta Qaranka ee uu taabagelinayo maamulka Benaadir, waxaa ku tartamay degmooyinka Kismaayo oo ka tirsan Jubbada Hoose iyo Dharkeynleey oo ka tirsan gobolka Benaadir.

Labada degmo, waxaa loo gudbiyey toddobada su’aal ee tartanka, qeybta hore waxaa  lagu hakiyey min afar su’aal kaddib waxaa lagu soo bandhigay qeybta nasashada warbixinnadii ka hadlayey taariikhda labada degmo ee Kismaayo iyo Dharkeynleey.

Natiijada Guddiga.

Kismaayo waxaa la weydiiyey toddobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen hal su’aal Lix waa ay iska qaldeen,  wax ka faa’ideysi ahna ma helin, sidaas ayeey laba dhibcood ku heleen.

Natiijada Dharkeynleey.

Tartamayaasha Dharkeynleey, waxaa la weydiiyey toddoba su’aal toddobada su’aal midna kama jawaabin, si ka faa’ideysi ah ayeey saddex su’aal u heleen, sidaas ayeey ku uruursadeen Lix Dhibcood, sida guddiga shaaciyeyna Dharkeynleey ayaa u gudubtay wareegga labaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka habeenkii toddobaad.

Habeen dambe sida guddiga sheegay waxaa tartami doona degmooyinka Xamar Jajab iyo Wadajir oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.

 

 

 

 

 

Diyaarad ku burburtay garoonka Garbahaarey

0

Wararka naga soo gaaraya gobalka Gedo ayaa sheegaya in diyaarad Xamuul ah oo u rarnayd hey’adda Qaramada Midoobay ee WFP ay ku dhacday Garoonka diyaaradaha magaalada Garbahaareey xarunta gobolkaas.

Guddoomiyaha gobalka Gedo ee maamulka Jubbaland Maxamed Maxamuud Maxamed ayaa SONNA u xaqiijiyay in diyaaradaan ay saarnaayeen labo qof oo kaliya iyo raashin gargaar ah, isla markaan ay ka bad baadeen labada qof ee saarnaa diyaarada.

Xuseen Maxamed Cabdi oo ka tirsan maamulka degmada ayaa sheegay in diyaaradda burburisay guriyihii ka ag dhowaa garoonka diyaaradaha oo ah halka ay diyaarada ku dhacday maanta.

Gudaha magaalada Garbahaareey ee xarunta gobalka Gedo ayaa waxaa laga arkayay uuro iyo Dab ka baxaya diyaarada oo marka ay dhacday ka dib qabsaday, ilaa iyo hadda lama xaqiijin sababta keentay burburka diyaaradan.

Dhowaan ayaa sidoo kale, garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhacday duyuurad ka diiwaangashan dalka Mareykanka isla markaana u rarneyd shirkad AMISOM taageerta.

Qoysas danyar ah oo afurin loogu sameeyay Caabudwaaq iyo Balanbale

0

Barnaamijka Afuri Dadka aan awoodin ee danyarta ah oo ay iska kaashadeen Hay’adaha O.I.C. iyo WAAT ayaa magaalooyinka Caabudwaaq iyo Balanbale loogu sameeyay Afur soconaya Bisha barakaysan ee Ramadaan qoysas gaaraya 800 oo qoos.

Eng-Bashiir Axmed Jalaato iyo Xasan Aw-faarax oo wakiil uga ahaa Hay’adda soo sadaqaystay Afurkan loo samaynayo bisha Ramadaan  Dadka Danyarta iyo Barakacayaasha ayaa sheegay in Raashin bisil ay heli doonaan dadkan, kaasi oo socon dooni inta ka dhiman bisha barakeysan ee Ramadaan.

Cabdifitaax Daahir Xirsi oo ah Madaxa amniga degmada Balanballe ayaa ka maamul ahaan uga mahadceliyay hay’adihi ku soo sadaqaystay Dadka aan awoodin afurka Raashinka Bisil.

Qaar kamid ah dadkii ka faa’iidaystay Deeqdaan Afuri walaalkaa ayaa ka mahadceliyey Afurka loo sameenayo maalin waliba inta lagu gudo jiro Ramadaan.

       

Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay 27 May – 03 June 2017

0

Mogadishu, 03 June 2017 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin;

Madaxweynaha oo guddi u xilsaara soo qiimeeya xaalada Xabsiga Dhexe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa 30kii May 2017 Guddi Khubaro ah u saaray oo soo qiimeeya Xaaladaha ay ku suganyihiin, kiisaska ay ku eedeysanyihiin iyo tirada Maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho. Dowlada Federaalka ayaa wada dadaal muwaadin kasta loogu raadinayo xuquuqdiisa aasaasiga ah, tallaabadan ayaa keeneysa in maxaabiista oo dhan ay helaan xaquuqdooda aasaasiga ah si marka ay xabsiga ka baxaan ay u noqdaan muwaadiniin dalkooda horumarkiisa ka shaqeeya.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo dhagax dhigay dayactirka jidka 30ka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa 28kii May 2017 dhagax dhigey dhismaha Jidka Soddonka oo is ku xirta dagmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Banaadir, waxaana dhaqaalaha ku baxaya iska kaashanaya maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka Soomaaliyeed. Godoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Thabit Cabdi Maxamed oo furitaanka Wadada ka hadlay ayaa tilmaamey in shacabka Muqdisho looga baahan yahay inay la shaqeeyaan dawladda, ayna ka qeyb qaataan horumarka ka socda caasimadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka hadlay furitaanka dib-u-dhiska Jidka Soddonka ayaa sheegay in dhismaha wadooyinka caasimadda ay ka qayb qaadanayaan xasilinta aminiga Muqdisho, isla markaana bilow u tahey in shacabku helaan adeegyadii ay dawlada uga baahnaaayeen sida Caafiimad, Wadooyin iyo Amni.

Somalia iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiisyo horumarineed

Dowlada Federaalka iyo Midowga Yurub ayaa 27kii May 2017 Muqdisho ku kala saxiixday Heshiisyo lagu hirgelinayo mashaariic horumarineed oo ku baxeysa 48.4 milyan oo dollar. Mashaariicdan aya ku saabsanaa horumarinta dhaqalaha, dowlad wanaagga iyo kaalmeynta farsamooyin kala duwan kuwaa oo ay dhamaan Midowga Yurub ka fulin doonto Soomaaliya. Heshiiska waxa Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Qorshaynta Horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga, Jamaal Maxamed Xasan halka uu Midowga Yurubna u saxiixay Agaasimaha guud ee Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Midowga Yurub.

Wasiirka Maaliyada oo soo bandhigay waxqabadka 2dii bilood

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa 31kii May 2017 shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay waxqbadka Wasaaradda labadii bilood ee la soo dhaafay, kordhinta dakhliga dowladda, sare u qaadista isla xisaabtanka, deymaha dalalka caalamka ay Soomaaliya ku leeyihiin iyo hanaanka canshuuraha dalka. Qorshahan shacabka loogu soo bandhigayo waxqabadka ayaa ah tallaabo lagu kobcinayo maamul wanaaga, isla xisaabtanka iyo furfurnaanta. Ugu dambeyntii Wasiirka Maaliyadda dalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay ayna dhankooda ilaalin doontaan amaanadaas

Golaha Wasiirada oo dardargelinaya Hindise Sharciyeedyada loo baahanyahay

Xubnaha Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa 29kii May 2017 yeeshay kulan aan caadi aheyn oo looga hadlay dardargeinta Hindise Sharciyeedyada muhiimka u ah howlaha Dowlada. Wasiirada ayaa sheegay in shuruucda ay diyaariyeen, qaarna ay weli wadaan wadatashi, iyadoo la isku raacay in shuruuc ka badan 20 ay diyaar yihiin, Hindise Sharciyeedyadaas oo ay ka mid yihiin;

‪1. Isgaarsiinta,

  1. La Dagaalanka Musuqmaasuqa
  2. La-Dagaalanka Argagaxisada
  3. Runta & Dib u Heshiisiinta
  4. Dawladaha Hoose
  5. Dambiyada Kufsiga
  6. Muwaadinimada
  7. Dadka Baahiyaha Gaarka qaba
  8. Kalluumeysiga & Kheyraadka Bada
  9. Badda
  10. Kheyraadka Biyaha
  11. Tamarta
  12. Maareynta Maaliyada
  13. Istaatiistikada
  14. Xeerka Saxaafada
  15. Waxbarashada
  16. Nidaamka Hay’adaha Samafalka
  17. Sharciga Beeraha
  18. Gudiga Muftida Culumada

Horjooge Al-Shabaab ka tirsan oo ciidanka XDS isu soo dhiibay

Horjooge ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab oo la yiraahdo Bishar Mumin Farah ayaa 1dii June 2017 isu soo dhiibay ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Hiiraan. Janaraale Axmed Maxamed Tareedishe oo ah Taliyaha ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliya Qeybta 52 ayaa sheegay in horjoogaha is soo dhiibey uu ka faa’iideystay cafiskii Madaxweynaha Soomaaliya, isla markaasna uu sheegay in uu u dulqaadan waayey falalka guracan ee naxariis daradda ah ee kooxda shabaab kula kacayaan shacabka Soomaaliyeed sidaana uu u go’aansaday in uu si cad uga soo horjeesto kooxda Al-shabaab.

Dhismaha Jaamicada Galgaduud oo xariga laga jaray

Munaasabad xariga looga jarayay Dhismaha Cusub ee Jaamacada Galgaduud ee Caabudwaaq ayaa 31 May 2017 waxaa ka soo qayb galay Wasiiru dowlada Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Muxamuud Cabdulle, Guddoomiyaha Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed Maxamed Axmed Jimcaale, Senator Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex, Xildhibaanno ka tirsan Maamulka Galmudug, Maamulka Degmada, Ardeyda Jaamacadda, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale. Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliin sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Muxamuud Cabdulle ayaa sheegay muddadii uu ku sugnaa magaalada Caabudwaaq uu ku arkey horumar, dhanka waxbarashada ah oo laga sameeyay magaalada.

Ololaha Nadaafada oo la dardargeliyey

Degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa usbuucan waxaa la sii dardargeliyey Ololihii Nadaafada oo lagu soo celinayo bilicda caasimada dalka ee Muqdisho. Degmooyinka Hammarweyne iyo Heliwaa ayey olalahu si xoogan uga socdeen. Dowlada Federaalka iyo Maamulka G/Benaadir ayaa mudnaan gaar ah siiyey nadaafada kana codsaday shacabka inay kaalin weyn ka qaataan soo celinta bilixda dalka.

DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta

media@moi.gov.so

Ciidammada Ammaanka oo Qabtay Qaraxyo la soo dhigay Degmada Waabari

0

Ciidanka Ammaanka ayaa degmada Waabari ku qabtay labo qarax oo la doonayay in shacabka lagu dhibaateeyo, iyadoo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Mid kamid ah Qaraxyada ayaa la dhigay albaabka hore ee Iskuulka Almasal oo ku yaala dugsigii 21 Octoobar, halka midka kalana la dhigay maqaayad yar oo ku taala meel aanan ka fogayn Iskuulkaas.

Saraakiil ka tirsan hey’adaha Ammaanka ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah Qaraxyada la fur furay, halka midka kalana ciidammadu ay ayagu qarxiyeen oo aan wax khasaare ahna geysan.

Cabdifitaax Cumar Xalane, oo ah afhayeenka gobalka Benaadir ayaa SONNA u xaqiijiyay in wax khasaaro ah aysan ka dhalan qaraxa ciidamadu ay qarxiyeen.

Wariye ka tirsan Wakaaladda SONNA ayaa soo sheegaya markii Ciidamadu ay qabteen qaraxyada in dadka laga saaray guryaha iyo goobaha kale ee ku dhow halka lagu qabtay qaraxyadaan.