Arday dhan 50 oo deeq waxbarasho ka helay Shiinaha oo la sagootiyey

Date:

Muqdisho(SONNA)-Waxaa maanta oo Arbaca ah xaflad sagootin ah loo sameeyey arday gaaraysa 50, oo deeq waxbarasho ka helashay dalka aan saaxiibka nahay ee Shiinaha,kuwaasi oo maalmaha na soo aadan u ambabixi doona waddankaasi.

Agaasimaha Guud ee Wasaaarada Waxbarashada Soomaaliya, Ismaciil Yusuf Cisman ayaa sheegay in ay deeqdani tahay tii 2-aad ee ay Wasaarada maamusho, si wanaagsana ay u maareeyeen.

“Deeqdan waxbarasha waxaa nasiib u helay arday ka kala socota maamulada dalka ka jira sida Somaliland, Puntland, Galmudug, Hirshabelle, K/galbeed, Jubbaland iyo gobalka Benadir, waxana ardada u sheegaya in qabiil aysan ku helin ee ay Somaliya ku heleen, ayna jiri karto arday ka mudnaa,balse iyaga nasiib  u helay, sidoo kale waxan u sheegayaa in daruufaha ay u adkaystaan waxna bartaan oo aysan khasaarin ama tahriib ku fekerin”, Agasime Cisman ayaa sidaa yiri.

Shirwac Ibrahim, agaasimaha waxda Asiya ee W/Arrimaha Dibbada ayaa sheegay in Shiinaha iyo Somaliya ay wadaagaan xiriir saaxiibtinimo oo fog soona bilawday 14 bishii December, 1960-kii, wuxuna intaasi ku daray in Somaliya ay kamid ahayd dawladihii doonayey in Shiinaha uu kamid noqdo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

” Waa deeqdii uga badnayd ee Waxbarasho heer sare ah oo ka helno Shiinaha, dawlada kale baa jira balse waxbarashada sare Shiinaha ayaa uga horeeya, waxaa nahay laba dal oo saaxiib ah”, Shirwac ayaa sidaa yiri.

Qin Jian, Safiirka Shinaha uga fadhiya dalkeena Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyey in deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan Soomaaliya laba laabi doonaan, isagoo xusay in ardada ay wax ku kala baran doonaan jaamacadaha waaweyn ee ku kala yaala magaalooyinka dalkaasi oo ay caasimada Beijing ku jirto.

Wasiirka Waxbarashada Dawladdda Federal-ka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Daahir Cisman ayaa uga mahad naqay dawlada Shiinaha yabooha waxbarasho, wuxuna ka codsaday in ay kordhiyaan deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan Soomaaliya.

“Kuliyado Muhiim ah oo ay kamid tahay caafimaad-ka(Medicine), Engineeriyada, iyo Beeraha ayaa kamida waxa ay ardadan fursada u heleen, waxan kula dar-daarmayaa in ay ka faa’idaystaan, wixii ay bartaana ay beri dalkooda kula soo noqdaan”, Wasiirka  ayaa sidaas aradada kula taliyey.

Waxaa sidoo kale xaflada sagootinta ka hadlay ardada iyo waalidiinta oo dareen farxad leh ku soo dhaweeyey fursadan waxbarashada iyadoo mahad balaaran ay u jeediyeen dawladda Soomaaliya, sigaar ah wasaaradaha Waxbarshada iyo arrimaha dibbadda iyo dawlada Shiinaha oo ay deeqdani ka heleen.

42 arday ayaa dawlada maamushay halka, 8-deeda kalena ay ardada ku heleen qaab Online ah oo ay safaaradana u ogalaatay sida ay mas’uuliyiinta safaarada ka heshay Wakaaladda SONNA.

W/D: Maxamed Cisman Cabdi “Black Cobra”

Daawo Sawirada Xaflada sagootinta maanta

ama guji English www.sonna.so/en

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...

Wasiirka Amniga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Dalalka G7 oo walaac xooggan ka muujiyey Rabshadaha ka socda Ethiopia

Shirka toddobada dal ee dunida ugu hodansan G7 ayaa...