Saaxiibada beesha caalamka oo walaac ka muujiyay qorshah la sheegay in dowlad goboleed cusub laga sameynayo gobolka Hiiraan

Date:

Muqdisho, 6 September 2017 – Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dowladaha Ethiopia, Talyaaniga, Sweden, Boqortooday Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa si dhow ula socda arrimaha ka dhacaya HirShabelle ka dib markii Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedku ku dhawaaqay inuu xilka ka xayuubiyay Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble 14kii bishii Agoosto.

Iyagoo garowsan in Md. Cosoble uu diiday hanaanka xil ka qaadidda, saaxibada Soomaaliya ee caalamka waxay dhammaan dhinacyada ugu baaqayaan inay sii wadaan dadaallada wax lagaga qabanayo arrintan muhimka ah iyadoo la raacayo hababka dastuuriga ah iyo kuwa sharciga ah ee u degsan, kana fogaadaan falalka wax u dhimi kara xoojinta hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada.

Iyadoo la eegayo maalgashiga weyn ee dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha ee lagu bixiyay hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada iyo dadaallada tayo dhiska ee hadda socda, saaxiibada caalamku waxay si gaar ah uga walaacsanyihiin iskudayga la sheegay in dowlad goboleed gooni ah lagu sameynayo gobolka Hiiraan.

Tallaabooyinka ay dhinacyadu iskood ugu dhawaaqaan oo aan asaas sharci lahayn, oo isla markaasna waxyeelleynaya dadaallada dhisidda dowlad goboleedyada iyo xasilinta ee hadda socda waxay keenayaan dhibaato waxayna abuurayaan welwel.

Saaxiibada caalamku waxay dhammaan dhinacyada ugu baaqayaan inay raacaan hanaanka sharci ee loo dejiyan in lagu dhaqmo, dastuurka HirShabelle iyo habraaca baarlamaanka ee u degsan. Saaxiibadu waxay ku adkeynayaan muhimadda ay leedahay in la ilaaliyo xasilloonida siyaasadeed ee lagama maarmaanka u ah in horumar dheeraad ah laga gaaro hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada iyo sii xoojinta habka federaalka ka jira Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...