Home Blog Page 1598

Afar dawladood oo xiriirka u jaray Qatar

0

Shan dawlad carbeed ayaa xiriirka u jaray dawladda Qatar kaddib markii ay ku eedeeyeen in ay taageerto argagixisada gobolka.

Dawladda Sacuudiga oo ah dawladda ugu weyn gobolka Carabta ayaa sheegtay in xiriirka ay toos ugu jartay Dawladda Qatar, warkaan ayaa lagu shaaciyey telefishinka dawladda Sacuudiga iyo wakaaladda wararka dalkaas.

Dawladaha, Imaaraadka, Maser iyo Baxreyn, ayaa iyaguna sheegay in xiriirka ay u jareyn dawladda Qatar.

Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa muddo 48-saacadood u qabatay in diblomaasiyiinta Qatar ee jooga dalkaas ay uga baxaan guud ahaan Imaaraadka Carabta

Laba Toddoobaad ka hor, waxaa la sheegay in la jabsadey Wakaaladda Wararka dalka Qatar, dadka qaar waxa ay rumeysan yihiin in xogta la helay ay arrintaas la xiriirto, iyadoo dawladaha ku dhaawaqay in xiriirka u jareyn Qatar ay ku andacoonayaan in gobolka ay Khatar ku tahay dawladda Qatar, isla markaana ay taageero buuxdo siiso argagixsada.

 

 

Madaxweyne Farmaajo oo Shaaciyey waxa ugu muhiimsan ee ay DF Xooga saari doonto seddexda bil ee soo socoto.

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo oo ka hadlayey banaan bax balaaran oo shalay lagu qabtay garoonka Kubadda cagta Banaadir isla markaana lagu taageerayey howlgalka Xasilinta Caasimadda ayaa sheegay Arinka ay DF xooga saari doonto Seddexda Bil ee soo socoto.

Mudane Farmaajo ayaa sheegay in ay uu mudnaanta Kowaad siin doono isla markaana si adag uga shaqeyn doonaan Seddexda Bil ee soo socoto sidii ay bulshadda Soomaaliyeed u heli lahaayeen Cadaalad ay kuwada Qanacsan yihiin.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale fariin adag u diray garsoorayaasha maxkamadaha asaga oo ku adkeyey in ay cadaaladda ka shaqeeyaan , qofkii cadaaladda dhinac marana waxa uu sheegay in uusan dowladda iyo shacabka toona Matalin isla markaana uu mudan doono in la  ciqaab.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa baahi weyn u qabo in ay helaan Cadaalad loo siman yahay oo aan kala saareyn bulshadda qeybaheeda kala duwan.

(Faalo)100-ka maalin maxaa u qabsoomay dawladda Soomaaliya ?

0

Waxaa 100 beri laga joogaa mudada talada madaxtinimo uu hayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federal-ka Soomaaliya, Maxamed Cabdulahi Farmajo, waxaan qormadan ku fiirinayaa waxa u qabsoomay dawladda uu isaga hormuudka u yahay iyo waxa aan u qabsoomin si gaara guulaha la taaban karo.

Mudada aan ka hadlaynaa waa wax kooban oo aan hal beeg wax qabad iyo wax qabad la’aan midna lagu xukumani Karin balse rajada la qabo ayaa ah in ay ka miro dhaliso waxa laga filayo.

Maxaa u qabsoomay Madaxweynaha iyo Xukuumadaba

Waxaa u qabsoomay oo ay heshay wax la helo waxa uga wanaagsan oo ah taageero Shacbiga Soomaaliyeed gudaha iyo dibbaddaba iyo tan beesha caalamka ah, waxaana si gaar ah Madaxweynaha u helay hal-hayskii ahaa “Ar Farmaajo ii geeyo”, taaso wiil reer Jowhar ka timid una dhaadhacday bulshada qaybaheeda kala duwan.

Safarkiisa Kenya waxaa meesha lagu soo afmeeray dhibaato Shacbiga Soomaaliyeed ku qabeen safarka oo hore loo mari jiray Wajeer, balse hadda duulimaad toos ah Mogadishu-Nairobi shaqaynayo, waxaa sidoo kale ay labada dawladood is faham badan iyo heshiis ku gaareen danaha labada dal iyo xiriirkooda, waxaana xusid mudan in Madaxweyne Kenyatta uu sheegay in shaqaalaha dawladda Soomaaliya ay bilaa Visa- la’aan ay geli karaan waddankaas.

Safarada Sacudiga, Emirate-ka, Turkiga, London, iyo dhamaan-ba dalalka kaleba waxa ay ahaayeen kuwa muhiim ahaa dawladda Cusub ee Soomaaliya, si gaar ah in Madaxweynaha, waayo waxa ay ahaayeen kuwa heer Madaxweyne ah oo aan marna looga maarmin in heshiishyada qaar ee lagu kala saxiixanaya, Dawladahan badidooda waxa la filayaa in ay dalka ka fuliyaan mashaariicyo hurumarineed, dhismaha Ciidanka Qalabka sida, is kashiga dhinaca amniga iyo la dagaalanka argagixisada sida.

Qaadista Is-baarooyin caqabad ku ahaa bulshada, Madaxweyne Farmajo safarkiisa uu bishii May 8-deedii uu ku tagay degmada Afgoye ee gobalka Shabeelada hoose, waxaa uu amar ku bixiyey in la qaado dhamaan is-baarooyin daad sanaa inta u dhaxaysa degmadaas iyo magaalada Muqdisho, waxaana amarkaasi uu noqday mid miro dhalay, waxaa la qaaday dhamaan is baarooyinka.

“Dhibaato weyn ayaan ku qabnay is baarooyinka yaalay inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgoye, waxaa nalooga qaadan jiray lacag badan, waxaa sidoo kale nooga lumi jiray wakhti, kuwii uga darnaa jawaano lacagta lagu guri jiray waa la qaaday, hadda laba is-baaro oo midna Ex-control Afgoye ah iyo mid duleedka Afgoye ayaa soo haray oo kaliya, dawladda wax muuqda ayey qabatay”, sidaas  waxaa SONNA u sheegay nin baabuurey iyo beeralayn ka ah Muqdisho iyo Shabeelada hoose.

Xasilinta magaalada Muqdisho- Waxaa magaalada caasimada ah dibbadda looga saaray in ka badan 3000 oo kamida ciidanka Xooga dalka, waxaana la geeyey Jiidaha hore ee dagaalka si gaara Xerada Bali doogle, waxaa magaalada Muqdisho ka socda hawl-gal la mahdiyey laguna xaqiijinayo amniga caasimada.

Ciidamada amaanka waxa ay fashiliyeen dhawr iyo toban fal argagixiso, waxaa sidoo kale ay qarxiyeen gaadiid laga soo buuxiyey walxaxa qarxa oo qaarkood laftooda ku waayeen sida qaraxii degmada Wadajir bishii ina soo dhaaftay ee May, waxay gaari kale ku fashiliyeen oo aan khasaaro ka dhalan 15-May, waxa ay asbuucan si nabbad gelyo u ku qarxiyeen qaraxyo la dhigay degmada Waberi ee gobalka Benaadir.

Ciidamada amaanka waxa ay ku guulaysteen in ay soo ururiyaan hub, waxa ay sidoo kale hub ka dhigis ay ku sameeyey ciidamo si sharci daro ah hub uga dhex haystay magaalada Muqdisho.

Intii ay hawl-galadan ay socdeen waxaa sidoo kale lagu soo qab-qabtay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa aad u soo dhaweeyey barnaamijka xasilinta magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaase xusid mudan in ay jireen shaqsiyaad si qaldan u fahmay barnaamijka.

“Aad baan uga farax-sanahay qorshaha xasilinta magaalada Muqdisho iyo hawl-galada amaanka lagu xaqiijinayo, wixii hub ah oo sharci daro ah hala guro, dawladda waa in aysan gor-gortan ka gelin mas’uuliyadeeda shaqo, waan ku taageer sanahay”, Saxiga Salaad Geedi Cali ayaa SONNA u sheegay.

Dakhliga dawladda oo kordhay :- Wasiirka Maaliyada dawladda Soomaaliya, C/raxman Ducale Beyle ayaa shaaca ka qaaday in dawladda dakhliga soo gala uu kordhay 60-kii casha ee ina soo dhaaftay, wax wayna laga qabtay musuqa, Mushaaradka Shaqaalaha dawladda iyo ciidankaba ay bixiyaan.

Su’aalaha ama dhaliilaha wax dhisaya ee la muujiyey  

Inkasta oo maalmaha yihiin 100 beri, haddana dad qaar oo bulshadeena ah waxa ay dawladda ka filayaan in ay ka sii dheerayso sida ay hadda tahay marka ay noqoto u adeegida bulshada, lana helo adeeg caafimaad, waxbarasho oo lacag la’aan ah, iyo biyo nadiif ah,  in dawladda awoodeeda isugu gayso xaqiijinta amaanka, waxaa sidoo kale ay jecel yihiin in wax laga qabto shaqa la’aanta, taasoo keentay in dhalinta qaar ay tiriyaan inta jeer ee Madaxweynaha uu safar ku aaday dibbadda, waxan filayaa in dawladda ay ka jawaabi doonto arrimahan.

Madaxda maamul-gobaleedyada:- Shirkii London waxaa ay madaxda maamulada gobalada ay balan qaaday in ay dawladda si buuxda u wada taageersan yihiin ayna la shaqaynayaan, taasi oo ah guul kale oo macno wayn u leh wada jirka, midnimada iyo wadashaqaynta.

Gunaanud

Waxaan ku soo gunaanuda qormadayda in aan Rome laguma dhisin maalin, 100 beri aan hal beeg kaga dhigi Karin dawlad curdun ah oo u baahan garab is-taaga shacabkeeda mar walba, waxaa sidoo kale muhiim ah in aan madaxda dawladda u gudbino talooyinka wax dhisaya, dhaliilaha waa ay wanaagsan yihiin haddii ay yihiin kuwa wax dhisayo, waxaa talo iga ah Madaxda ay tix gelisa dhaliilah loo soo jeediyo ay fuliso balamada ay ku qaadaan fagaarayaasha, waxan rajeynayaa in dawladnimada ay na deeqdo way nagu wada filan tahaye’.

Waxa Qoray: Ustaad Maxamed Cismaan Cabdi “ Black Cobra”

E-mail: Cobrasonna@gmail.com

Madaxa Arrimaha Ganacsiga Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan ayaa la kulmay Gudoomiyaha rugta Ganacsiga ee Dalka Suudaan.

0

Madaxa arrimaha Ganacsiga Safaardda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan Dr : Cabdi Xakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa Gudoomiyaha rugta ganacsiga ee Dalka Suudaan Cali Maxamed Axmed Xasan iyagoo  ka wada hadlay sidii xiriir shaqo oo adag u dhax marilaahaa labada Rug ee Ganacsi Soomaaliya iyo Suudaan loona mataaneen lahaa.

Dr : Cabdi Xakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa sheegay in Rugta Ganacsiga Suudaan Gudoomiyahooda uu Daneenayo Xiriir uu la sameeyo Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo Ganacsatadoodaba isuna dhaafsadaan Howlaha Quseeya Dhanka Ganacsiga Labada Dal.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Dalka Suudaan Cali Maxamed Axmed Xasan oo isna la hadlay Warhaabinta Qaranka ayaa tibaaxay in Suudaan iyo Soomaaaliya Dhanka taariikh ahaan marka laga hadlayo Xiriirkoodu aanan bilaaban mar dhow ayna ku hanweenyihiin ka Rug ahaan wixii Shaqo ah oo quseeya arrimaha Ganacsiga wax badan la qaban doonaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Dhanka kale Madaxa arrimaha Ganacsiga Safaardda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan ayaa sidoo kale booqday Bandhig Warshadeed ay soo Bandhigayeen qaar ka mid ah Warshadaha laga leeyahay Dalka Suudaan iyo Waxyaabaha ay Soo Saaraan isagoo Sheegay in Sudaan ku soo Wajahan yihiin Maalgaliyaal Ajaanib ah ka dib markii laga qaaday Xayiradii Saarneed Dhanka Dhaqaaalaha Wadanka Suudaan.

Kulanka ay wadaqaateen Madaxa arrimaha Ganacsiga Safaardda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan iyo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Dalka Suudaan ayaa ah mid lagu adkeenayo Xiriirka labada Dal gaar ahaan Dhanka Ganacsiga oo u muuqada mid miri dhali doona.

Yuusuf  Maxamed macalin (Yuusuf kashmiir)

Wadajir oo u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

0

Kulankii sagaallaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaran, isla markaana uu taabgelinayo maamulka gobolka Benaadir, waxaa ku tartamay degmooyinka X/jajab iyo Wadajir oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.

Labada degmo waxaa loo gudbiyey toddobada su’aal ee degma walba xaqa u leeyahay in la weydiiyo, waxaa qeybta koobaad ee tartanka lagu hakiyey afar su’aal oo wadarta guud ka dhigeysa siddeed su’aal, iyadoo intii nasashada lagu guda jiray la soo bandhigay warbixinnadii ka hadlayey taariikha fog ee ay degmooyinkaasi leeyihiin.

Dhammaadka tartanka iyo Natiijada Guddiga

Degmada X/jajab waxaa la weydiiyey toddoba su’aal waxa ay si sax ah uga jawaabbeen hal su’aal,  Lix waa ay iska qaldeen, wax ka faa’ideysi ahna ma helin, sidaa darteed guddiga waxa uu sheegay in degmada X/jajab ay uruursadeen laba dhibcood oo Kaliyah.

Natiijada Wadajir

Degmada Wadajir waxaa la weydiiyey iyaduna toddoba su’aal, si sax ah waxa ay uga jawaabbeen laba, shan waa ay iska qaldeen, hal su’aal si ka faa’ideysi ah ayeey uga jawaabbeen, sidaa darteed waxa ay heleen Lix Dhibcood (6 dhibcood), degmada Wadajir ayaana nasiib u yeelatay in ay u gudubto wareegga labaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee bisha Ramadaan.

Habeen dambe kulan tobnaad ee tartan cilmiyeedka waxa uu u dhaxeyn doonaa, degmooyinka Garbahaareey oo ah xarunta gobolka Gedo iyo degmada Hodan ee gobolka Benaadir.

 

Habeen dambe

Garbahaareey VS Hodan

 

 

 

 

 

 

 

 

DAAWO SAWIRRADA: – Banaanbaxa Maanta Ka Dhacay Muqdisho

0

Akhristayaasheenna Sharafta leh waxaan idiin soo gudbineynaa Sawirrada Banaanbaxa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay Madaxda sare ee dalka ka qeybgaleen.

Sawir qaade: – Cali Ducaale

Madaxweynaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhaweeyay Caabudwaaq

0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geele (Xaaf) iyo wafdi uu hoggaaminayay Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa si diiran loou soo dhaweeyay magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo uu wehliyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi, Wasiiro ka tirsan Galmudug iyo xubno kale ayaa waxaa socdaalkooda la xiriiray u kuurgelidda xaalada magaalada Caabudwaaq iyo sidii loo ogaan lahaa baahiyaha ka jirta degmada.

Madaxweynaha Galmudug iyo ku-xigeenkiisa ayaa odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ka dhageystay xaaladaha caafimaad iyo waxbarasho ee ka jirta magaalada, waxaana ay ku soo wareegeen qeybaha kala duwan ee magaalada, iyagoo socod ku soo maray qaar ka mid ah waddooyinka caanka ah ee magaalada Caabudwaaq, halkaasi oo ay gacan qaadeen qaar ka mid ah qeybaha bulshada oo watay boorar ay ku qornaayeen halkudhigyo lagu taageerayo socdaalka Madaxweynaha Galmudug.

Waa safarkii ugu u horeeyay ee Madaxweynaha Galmudug  iyo wafdi uu hogaaminayo uu ku tago magaalada Caabudwaaq tan iyo markii dhowaan xilka loo caleema saaray.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo ka hadlay waxqabadka Xukuumaddiisa

0

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka qeyb galay bannaan-bax lagu taageerayay 100-kii maalmood ee ay jirtay Dawladda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa ka hadlay labadii bilood ee ay jirtay Xukuumadda uu hoggaamiyo iyo wax yaabihii u qabsoomay, waxana uu si gaar ah diiradda ugu saaray Midnimada iyo Wadajirka ka dhaxeeya hay’adaha sare ee Qaranka, kalsoonida Shacabka, Dhaqaalaha, Amniga iyo abaarihii ka dhacay dalka.

Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre waxa ugu horeyn uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed taageerada ay dawladda u hayaan, wuxuna tilmaamay in waajib ay tahay in bisha ramadaan laga wada shaqeeyo danta guud ee dalka iyo dadka, gaar ahaan sugidda amniga, horumarinta caddaaladda, la dagaalanka musuq-maasuqa iyo gar-gaarka dadka danyarta ah.

Mudane Xasan Kheyre ayaa soo hadal qaaday sida ay xukuumadiisa uga go’an tahay in caqabadaha jira looga gudbo iskaashi dhex mara guud ahaan hay’adaha dawladda iyo bulsho weynta Soomaaliyeed.

“Caqabadaha iyo dhibaatooyinka ina horyaala waa kuwa ragaaday, dawladda kaliyana wax kama qaban karto, waxaa loo baahan yahay in dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada doorkooda ka qaataan, gaar ahaan aqoonyahanada, culimada, oday-dhaqameeyada, ururada samafalka, ganacsatada, haweenka iyo dhalinyarada, taas oo looga gudbi karo marka la helo midnimo, wadanino, wadashaqeyn iyo iskaashi dhex-mara dawladda iyo shacabkeeda”

Qorshaha Xukuumadda saldhigga u ah mar uu ka hadlayey Ra’iisul Wasaruhu ayuu tilmamay in ay kamid yihiin:

1)Kow- ka-guul-gaarista xasiloonida guud ee dalka, gaar ahaan sugidda amniga iyo la dagaalanka nabad-diidka,

2)Labo, dhisidda iyo meel-marinta cadaalad, garsoor hufan, karti, isla xisaabtan, daah-furnaan iyo ciribtirka Musuq-maasuqa.

3)SADDEX- kobcinta dhaqaalaha si loo ballaariyo wax-soo-saarka shaqo abuurka, maalgashiga iyo dib-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha kuwaas oo lagama maarmaan u ah la dagaalanka saboolnimada iyo xasiloonida darada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay arrimaha abaaraha ayaa yiri:

“Wallow illaahey nooga raayay Abaarihii iyo dhibkii, balse casharka aan ka baranay abaarta, wuxuu na tusayaa haddii aan isku tashano xukuumad iyo shacabba in aan ka hortagi karno aafooyinka abaaruhu keenaan. Anagoo ka duulayna mowqifka ah in aan isku tashano, waxaa noo suurto-galay: In aan gaarsiino deeqaha gurmadka dalka oo dhan, mudadaas abaartu jirta waxaa la qeybiyey lacag dhan shan million oo dollar oo si hufan u gaaray dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in la wiiqay mudo kooban argagixisada, isagoona tilmaamay in la xakameeyey qaraxyadii iyo hubkii lagu sitay caasimadda.

“Howlgalkii ugu horeeyey ee la fuliyey waxaa lagu qabtay kooxo dhagar-qabayaal ah iyo hub sharci darro ah oo loo adeegsan jiray gumaadka shacabka, waxaan ku guuleysanay in ciidamo badan xeryahoodii lagu celiyo, waxaan kaloo qaadnay jidgooyooyin sharci darro ah”ayuu yiri R.W Kheyre.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in mudadaa kooban ee ay jirtay Xukuumaddu uu dalku gaaray horumaro la taaban karo haddii ay tahay dhaqaalaha oo sara-u-kacay iyo hannaanka maaliyadda oo dib loo saxay, isla markaana la dardargeliyey kobcinta iyo maareynta ilaha dakhliga, taas oo dhalisay in uu sara u kaco dhakhliga dawladda, laguna guuleystay bixinta mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha dawladda.

Sida looga hadlay weerarkii London Bridge

0

Weerarkii ka dhacay bartamaha magaalada London oo ay u dinteen 6, qof ku dhowaad 50 kalena ay ku dhaawacmeen, hoggaamiyeyaasha dunida qaar ayaa siyaabo kala duwan uga hadashay dhacdadaasi..

Wararkii ugu dambeeyey waxa ay sheegayaan in Boliiska London ay toogasho ku dileen rag la rumeysan yahay in ay yihiin kuwii geystey weerarkii ka dhacay London Bridge.

Duqa magaalada London, Sadiq Khan, waxa uu ku tilmaamay fal wuxuushnimo ah, isla markaana London aysan u joogsaneyn kuwa caadeystay dhibaateynta dadka masaakiinta ah

Ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May, ayaa sheegay in weerarkii London ka dhacay uu ku filan yahay Uk, iyadoo soo qaadatay Kalmadda. ‘Enough Is Enough’.

Sidoo kale waxa ay  si cad u sheegtay in falkaasi argagixiso uusan hakin doonin doorashada guud ee khamiista soo socota ka dhici doonta dalka Britain.

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa yiri “US waxa ay sameyn doontaa wax walba oo karaankeeda ku aaddan taageerada UK kaddib weerarkii London Bridge ka dhacay iyo kuwii Manchester”.

Madaxweynaha cusub ee Faransiiska, ayaa tilmaamay in dowladdiisa ay cambaareyneyso Falkii London ka dhacay.

Laammaha amniga Britain, ayaa ku shirsan London, si loo qaado tallaabooyin adag oo amniga ka xiriira, xili toddobaadka soo socda ay dalkaasi ka dhici doonaan doorashooyin guud.

 

Wasaaradda Arimaha Guddaaha oo sheegtay in ay muhiim tahay in la qorsheeyo doorashada 2020.

0

Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa sheegtay in loo baahanyahay in laga heshiiyo qaabkii wax loo dooran lahaa Sanadka 2020.

Xoghayaha Jooogtada ah ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Prof Yaxye Cali Ibraahim ayaa xusay in doorashooyinkii hore ee dhacay ay ahaayeen kuwa ku dhacay qaabab kala duwan waxa uuna xusay in ay muhiim tahay in la qorsheeyo doorashadda Soo Socoto.

Prof Yaxye Cali Ibraahim ayaa si gaar ah hoosta uga xariiqan in il gooni ah loo yeesho meealaha aysan maamuladooda dhameys tirneyn isaga sheegay in ay muhiim tahay in loo dajiyo qorsho cad oo lagu wajihi doono doorashadda 2020.