Home Blog Page 1598

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Batrooka iyo Heshiiska Isu-celinta Maxaabiista ee India iyo Soomaaliya

0

Muqdisho, 07 September 2017 – Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa arrimaha amniga, ansixinta Hindise Sharciyeedka Batrooka, Heshiiska isu-celinta maxaabiista ee India iyo Soomaaliya iyo arrimo kale.

Wasiirka Amniga ayaa golaha siiyey warbixin dhanka amniga ah sheeegeyna in ammaanka uu aad u fiicanyahay, ayna socdaan dadaalo lagu sii xoojinayo.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ka warbixiyey diyaar garowga ciidanka XDS ee qiimeynta sidii ciidamada Soomaaliya ay ula wareegi lahaayeen ammaanka dalka.

Golaha ayaa waxaa la horkeenay Hindise Sharciyeedka Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida oo abuuri doona in la dhiso Hay’ada Xaqsiinta Ciidamada si ciidamada howlgabka ah, kuwa dhaawacma ee curyaama iyo agoontaba loo siin lahaa waxii ay xaq u leeyihiin. Golaha ayaa loo qeybiyey nuqulka Hindise Sharciyeedka si ay u soo darsaan oo kulamada danbe loo ansaxiyo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa golaha soo hordhigay Heshiis ay Dowladdaha India iyo Soomaaliya kala saxiixdeeen ee isu-celinta maxaabiista, oo suurtogelin doona in maxaabiista muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalka India la keeni doono dalkooda hooyo. Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey heshiiskan oo loo gudbin doono Baarlamaanka.

Wasiirka Batroolka ayaa Golaha u soo gudbiyey Dib u eegis lagu sameeyey Sharcigii Batroolka ee 2008dii. Dood dheer ka dib golaha wasiirradu ayaa ansixiyey. Sharcigan ayaa abuuraya Hay’ada Batroolka Soomaaliyeed iyo Shirkada Batroolka Qaranka Soomaaliyeed oo la howlgeli doonta shirkada caalamiga ah ee Shidaalka ee Soomaaliya ka howlgala.

Golaha ayaa isku raacay in Xeer Hoosaadka Golaha Wasiirada dib u eegis lagu sameeyo iyadoo loo xilsaaray guddi ka soo baaraandega. Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay Qorshaha Waxqabadka 6da bilood ee soo socota iyadoo la isku raacay in wasaarad walba ay soo gudbiso qorshaheeda si loola xisaabtamo.

Kama dambeysta tartanka degmooyinka oo la dheelli doonno xilli habbeen ah

0

Muqdisho (SONNA):- Madaxa cayaaraha maamulka gobalka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarroow Wiish, ayaa u xaqiijiyay wakaaladda wararka qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, in kama dambeysta koobka degmooyinka oo loo ballansanaa galabta in loo dhiggay habeen dambe.

Wiish, ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii muddo kaddib Muqdisho loogu ciyaari lahaa waqti habbeen ah, waxa uu intaa ku sii daray inay heer gabogabo ah ay mareyso shaqadda nalleeynta ee garoonka Banaadir.

“Maamulka gobalka Banaadir, waxaa ka go’an horumarinta kubadda cagta gobalka, waxaan go’aansanay in la dheello xilli habbeen ah, 80%, waxaan ku kalsoonnahay in waqti habbeen ah la ciyaaro kama dambeysta koobka degmooyinka gobalka Banaadir.” Xasan Wiish guddoomiyaha cayaaraha maamulka gobalka Banaadir ayaa warkan u sheegay SONNA.

Waberi iyo Hodan ayaa noqon doonno 30-sanno kaddib kuwa ciyaaro waqti habbeen ah.

FG: Halkan ka dhageyso Wareysiga Xasan Wiish

 

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo soo dhaweeyay Go’aankii Xukuumadda

0

Muqdisho (SONNA) Qaar ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa soo dhaweeyay go’aankii Xukuumadda Federaalka ah ee shalay, kuwaasi oo tilmaamay in Xukuumadda ay ku saxantahay go’aanka ay qaadatay.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, Xildhibaan Daahir Amiin  Jeesow iyo Xildhibaanno kale oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa soo dhaweeyay go’aanka Xukuumadda, waxaana ay tilmaameen in Xukuumaddu ay mas’uul ka tahay amniga dalka.

Xildhibaannadan ayaa xusay in arrinta ay ku timid heshiis ay kala saxiixdeen labada dowladood, ayna muhiim tahay in la dhaqan geliyo waxyaabihii lagu heshiiyay.

Mudanayaasha ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya aysan raali ka noqon doonin in Jamhuuriyadeeda ay ku dhuumaleystaan dad dambiyo kala duwan ka soo galay dalalkooda.

Xarun lagu daryeelayo agoonta oo la dhagax dhigay magaalada Kismaayo

0

Guddoomiyaha  Gobolka Jubbada Hoose iyo Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ayaa waxa ay maanta si wada jir ah u dhgax dhigay xarun lagu xanaaneen doono carruurta agoonta ah ee ku nool degaanada Jubbaland, waxaan xaruntaasi dhismaheeda iska kaashanayo dowlad goboleedka Jubaland iyo hay’adda agoonta ee Al-Saqaayaa.

Dhulka laga dhisaayo xarunta xanaanada carruurta ayaa waxaa horey bixiyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxmed Islaam, dhulkaas ayaa waxaa uu ku yaala duleedka waqooyi ee Degmada Kismaayo.

Ugu horeen waxaa goobta dhagax dhigay, isla markaana ka hadalay Deeq Sheekh Xasan oo ka mida ah masuuliyiinta Hay’adda Al-Saqaaya ayaa sheegay in xarunta loogu adeegi doono bulshada, gaar ahaan carruurta agoonta ah.

Guddoomiyha Degmada Kismaayo mudane Maxamed Ibaraahin Yuusuf Timo Jilic  ayaa sheegay in maamulka Degmada Kismaayo uu ahmiyad siinayo daryeelka carruurta agoonta ee ku nool magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha gobalka Jubbada Hoose Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Cali ayaa sheegay in Jubbaland ay kamid tahay meelaha ugu agoontaa badan maadaam dagaladii sokeeye ay dhibatooyin ku reebeen dadka iyo deegaanada Jubbaland.

     

Taliska qeybta 21aad oo kormeeray xarun ciidanka lagu tababaro

0

Taliyaha Qeybta 21aad ee Ciidanka  Xoogga Dalka iyo Sarakiil ka tirsan  ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa kormer ku tagaay dugsi lagu tababaro ciidanka oo ku yaala  duuledka magalada Cadaado ee Gobalka Galgaduud.

Cabdulaahi Aadan Xuseen Ciro Taliyaha Qeybta 21aad ee Ciidanka  Xoogga Dalka oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan AMISOM iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeeray  Dusiga tababarka ciidanka xoogga ee ku yaala deegaanka Gelinsoor, halkaasi oo ay warbixin kaga dhageysteen saraakiisha ciidamada ee goobtaasi ku sugan.

Taliyaha iyo xubnihii la socday ayaa ujeedka kormeerkoodu la xiriirtay u kuurgelidda ciidamada ku sugan dugsiga tababarka, waxaana ay saraakiisha codsadeen in xarunta dib u dayactir loogu sameeyo, maadaama iminka lagu tababaro ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug.

Taliyaha Qeybta 21aad ee Ciidanka  Xoogga Dalka Cabdulaahi Aadan Xuseen Ciro ayaa sheegay in dowladda ay wax ka qaban doonto dib  u dhiska xarunta oo uu arrintaasi u gudbin doono talisyada ka sareeya, si xarunta loou diyaariyo hanaankii uu lahaa dugsiga tababarka Gaas 11aad.

Xildhibaanno soo dhaweeyay go’aanka Xukuumadda

0

Qaar ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa soo dhaweeyay go’aankii Xukuumadda Federaalka ah ee shalay, kuwaasi oo tilmaamay in Xukuumadda ay ku saxantahay go’aanka ay qaadatay.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, Xildhibaan Daahir Amiin  Jeesow iyo Xildhibaanno kale oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa soo dhaweeyay go’aanka Xukuumadda, waxaana ay tilmaameen in Xukuumaddu ay mas’uul ka tahay amniga dalka.

Xildhibaannadan ayaa xusay in arrinta ay ku timid heshiis ay kala saxiixdeen labada dowladood, ayna muhiim tahay in la dhaqan geliyo waxyaabihii lagu heshiiyay.

Mudanayaasha ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya aysan raali ka noqon doonin in Jamhuuriyadeeda ay ku dhuumaleystaan dad dambiyo kala duwan ka soo galay dalalkooda.

Qalbi Dhagax… Qaranka iyo Dano siyaasadeed

0
Maalmahan waxay bulshada Soomaaliyeed aad u hadal hayaan arrinta Cabdikariin Qalbi Dhagax oo dhowaan loo dhiibay dowladda Ethiopia. Arrinta Qalbi Dhagax waxaa la siiyay xajmi ka weyn midka ay leedahay, waxaana la isku dayay in loo muujiyo khiyaano Qaranka laga galay.

Hadal haynta iyo hurinta arrinta Qalbi dhagax waxaa hormuud ka ah rag siyaasiyiin ah oo wada olole xoog leh oo loo fasiri karo iska hor keen shacabka iyo dowladdooda.

Aamusnaan usbuuc qaadatay  iyo rog rogid ka dib xukuumaddu shalay ayay hadashay oo diirka ka caddeysay sababihii ay Qalbi Dhagax u dhiibtay.

Waxayna sheegtay in Qalbi dhagax uu ka tirsanaa ONLF oo ah Jabhad dagaal kula jirta dowladda Ethiopia, isla markaana xiriir leh Alshabaab.

Heshiis Iskaashi Amni

Labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia, waxay horay ugu heshiiyeen in ay iska kaashadaan la dagaallanka argagixisada iyo Jabhadaha hubeysan ee khatarta ku ah amniga labada dal.

Heshiiskan oo dhacay sanadklii 2016 waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay  Xildhibaan Mahad Salaad oo ahaa Wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya, halka dhanka Ethiopiana uu u saxiixay  danjire Shamsudiin Axmed.

Qodobka saddexaad ee heshiiskan ayaa dhigayay in labada dal galeen waxa uu dhigayaa in ay si buuxda isaga kaashadaan la dagaallanka iyo cirib tirka kooxaha xag-jirka ah sida Alshabaab iyo UBO oo ay Ethiopia u taqaan ONLF.

Waxaa muuqata in mas’uuliyiintii  heshiiskaas saxiixay qaarkood ay hadda aad uga soo horjeedaan fulintiisa. Heshiis kasta oo labo dal galaan waa in la fuliyaa.

Wasiirkii saxiixay heshiiskaas waxaa laga doonayaa in uu fulintiisa difaaco, mowqif kasta oo kaas ka duwan ee uu qaato waa mid aan laga aqbali Karin.

Markii la saxiixayay heshiiskan wasiirkii dowladda Soomaaliya matalayay wuu ka dheregsanaa in Alshabaab ay tahay koox argagixiso, sidoo kale wuu ogaa in UBO loola jeedo ONLF. Sidaas darteed bulshada iyo dadka wax gartaa kama gadanayaan isla mas’uulkii heshiiska saxiixay in uu iska bari yeelo ama uu fasiraad khaldan siiyo.

Dowladnimo iy Beelnimo

Curfiga diplomaasiyadda kuma jirto in beeli ay heshiis la gasho dal shisheeye. Sidaas oo kale wasiir xil qaran haya beeshiisa kuma matali karo heshiis lala galayo dal kale.

Sidaas darteed doodda ah in heshiiskii May 2016-dii uu saxiixay Wasiir Mahad Salaad uu ahaa mid uu beel ku matalayay waa mid aan xujo laga dhigan Karin.

Qodobka 102 ee dustuurka dalka ayaa qeexaya shaqada wasiirka, wasiir ku xigeenka iyo Wasiiru dowlaha  Hoos ka eeg.

In uu beel matalo isagoo qaranka xil u haya ama uu hadda ku doodo in uu beel matalayay ayaaba khalad kale ah

Mar haddii aan ogaannay nuxurka heshiiskii labada dal galeen. Mar haddii aan ogaannay in heshiisku uu la xiriiray Alshabaab iyo UBO oo loola jeedo ONLF. Mar haddii ay labada dal u saxiixeen labo mas’uul oo idman. Waxaa hubaal ah in labada dal looga baahan yahay fulinta wixii ay ku heshiiyeen.

Su’aasha isweydiinta leh ayaa ah maxaa keenay isla mas’uuliyiintii heshiiska saxiixay ay iska bari yeelaan ama ay fasiraad kale ka bixiyaan? Maxaase keenay inay  dowladda ku qaadaan olole dadka looga hor keenayo.

Jawaabtu waa sahlan tahay; waa xaqiijinta dan siyaasadeed. Waxaa doc khaldan loo duwayaa dareenka shacabka , si loo wiiqo dowladnimada.

Laakiin shacabka Soomaaliyeed way ka qaan gaarsan yihiin in marba niman dan lihi ku owr kacsadaan.

W.Q: Saadaq Xuseen Jeeri

 

 

Taliska militariga Mareykanka ee Africa”Sedex Al-Shabaab ah ayaan ku dilnay weerar ka dhacday Bay

0

Muqdisho(SONNA) Ilaa sedex katirsan Maleeshiyada Shabaab ayaa lagu dilay Weerar ay geysatay diyaarad Drone ah oo uu Mareykanku leeyahay oo ka dhacay meel ka mid ah gobolka sida ay sheegeen saraakiil katirsan Militariga Mareykanka.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa oo War ka soosaaray dhacdadaasi ayaa sheegay in weerarkaasi oo qorsheysnaa uu dhacay aroornimadii talaadada ahayd.

Afhayeen u hadlay AFRICOM, Anthony Falvo, ayaa u sheegay wakaaladda wararka Mareykanak ee( AP) in meesha la duqeeyey aysan ka ag dhaweyn dad rayid ah – wuxuuna sheegay in weli aysan heyn magacyada ragga ka tirsan Al-Shabaab ee ku dhintay iyo darajadooda.

Waxa uu sheegay in maleeshiyada la beegsaday ay halis ku hayeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee gobolkaas ka howlgalaya kana dhowaa meesha ay duqeyntu ka dhacday.

Militariga Mareykanka Mareykanka ayaa fuliyay weeraro dhowr ah oo ka dhan ah Al-Shabaab tan iyo markii madaxweyne Donald Trump uu ansixiyay ballaarinta howlgallada Mareykanka ee Somalia ee ka dhanka ah Al-Shabaab kuwaasi oo lagu taageerayo Dowladda Soomaaliya.

Duufaan hor leh oo ku dhufatay Jasiiradda Puerto Rico oo Mareykanka hoostagta

0

Muqdisho(SONNA) Wakaaladda Mareykanka u qaabilsan dhanka saadaasha cimilada ayaa sheegay in Duufaanta Irma ay gaartay heerka ugu sareeya ee cabirka duufannada, taasi oo haatan lasheegay in ay  ku wajahantahay jasiiradaha Virgin,

Roobab xoogan oo dabeylo wata oo duufaataanta Duufaantan qeyb ka ah ayaa geystay burbur iyo saameyn xoogan oo dhanka korantada ah, iyo biyaha, waxaana Duufaantaasi la sheeegay in saacadiiba jarayso masaafo ah 295 km, jasiiradda Puerto Rico ee hoos timaada Maraykanka ayay duufaantaasi ku dhufatay.

Mas’uuliyiinta jasiiradaasi ayaa sheegay in dhowr maalmood ay dadka halkaa ku nool koronto la’aan noqon doonaan.

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donal Trump ayaa ku dhawaaqey xaalada deg deg ah oo lagu soo rogay goobihii ugu dambeeyey oo duufaantaasi ku dhufatay,waxaana soconaya dadaalo ku aadan sidii loogu gurman lahaa dadka duufaantu ay saameysay.

Dhanka kale Duufaanta Irma ayaa ugu horayn ku dhufatay waddanka labada jasiiradood ka kooban ee Antigua iyo Barbuda taasi oo qasaare naf iyo maalba geysatay.

Ra’iisul wasaaraha dalkaas, Gaston Brown ayaa sheegay in Irma ay waxyeelaysay boqolkiiba 95 dhismayaasha jasiiradahaasi, 1 qof ayaana lagu soo waramayaa in uu ku dhintay,

Kumanaan qoys oo kunool Jasiiraddaasi ayaa bilaabay in ay ka qaxaan guriyohooda,sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Dalkaasi Antigua iyo Barbuda..

Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa in lagu soo gaba gabeeyo shir amniga looga hadlayey oo u dhaxeeyey Maamulada Puntland iyo Galmudug.

0

Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa in lagu soo gaba gabeeyo shir amniga looga hadlayey oo u dhaxeeyey Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Shirkan ku saabsanaa arrimaha amniga ee Gobolka Mudug oo Gaalkacyo ka socday labadii cisho ee la soo dhaafay ayaa diiradda lagu saaray sidii bulshada gobolka ay uga wada qeyb qaadan lahaayeen sugidda amniga iyo ka hortagidda waxkasta oo abuuri kara colaad.

Shirka ayaa lagu wadaa in maanta laga soo saaro warmurtiyeed ku saabsan dhaqan galka waxyaabihii la isku raacay, iyadoo shirkan uu dabo sacdo heshiiski 22-kii  June labada dhinac ay kala saxiixdeen oo ka koobnaa todobo qodob, kaasi oo uu goob joog ka ahaa Wasiirka arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Juxa.