Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo qiimayn dhanka Maamulka iyo Maaliyadda lagu sameeynayo

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr iyo dhamaan Agaasime Waaxeedyada ee Wasaaradda ayaa la kulmay Benson Mutiso oo ka socday hay’adda Baker Tilly Merali’s oo ah hay’ad ay UNDP u xilsaaratay in ay qiimayn ku sameeyso dhamaan hay’adaha dawladda iyada oo la ogaanayo awoodda hay’adaha dawladda ee dhanka tayada maamulka iyo shaqaalaha. Qiimeynta Wasaaradda lagu sameeynayo ayaa socon doonta 3 maalin.

Agaasimaha Guud oo warbixin siinayay Benson ayaa u sheegay in Wasaaradda ay soo martay marxalado kala duwan, iyada oo ka soo gudubtay heer aysan lahayn wax xafiisyo ah iyo shaqaale tayo leh, markaa oo ay ahayd waqtigii la kala gooyay Wasaaradda Dastuurka iyo Wasaaradda Cadaaladda ee horaantii 2015.

Barnaamijkan oo lagu magacaabo HACT Assessment ayaa sadax sano ka hor laga sameeyay dalka, waxaana hadda lagu ogaanayaa heerka ay gaarsiinsantahay awoodda maamul iyo shaqaale ee dawladda.

Ugu dambayn, Wasaaradda ayaa waqtigan waxaa laga dareemayaa in ay sameeysay horumar dhanka maamulka iyo shaqalaha kadib hawlo baaxad leh oo bilooyinkii la soo dhaafay ay ka fulisay dalka iyadoo salka u dhigtay nidaam ku dhisan hufnaan, daah-furnaan, iyo islaxisaabtan.

-DHAMAAD- 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...