Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo qiimayn dhanka Maamulka iyo Maaliyadda lagu sameeynayo

Date:

Muqdisho(SONNA) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr iyo dhamaan Agaasime Waaxeedyada ee Wasaaradda ayaa la kulmay Benson Mutiso oo ka socday hay’adda Baker Tilly Merali’s oo ah hay’ad ay UNDP u xilsaaratay in ay qiimayn ku sameeyso dhamaan hay’adaha dawladda iyada oo la ogaanayo awoodda hay’adaha dawladda ee dhanka tayada maamulka iyo shaqaalaha. Qiimeynta Wasaaradda lagu sameeynayo ayaa socon doonta 3 maalin.

Agaasimaha Guud oo warbixin siinayay Benson ayaa u sheegay in Wasaaradda ay soo martay marxalado kala duwan iyada oo ka soo gudabtay heer aysan lahayn wax xafiisyo ah iyo shaqaale tayo leh markaa oo ay ahayd waqtigii la kala gooyay Wasaaradda Dastuurka iyo Wasaaradda Cadaaladda ee horaantii 2015.

Barnaamijkan oo lagu magacaabo HACT Assessment ayaa sadax sano ka hor laga sameeyay dalka, waxaana hadda lagu ogaanayaa heerka ay gaarsiinsantahay awoodda maamul iyo shaqaale ee dawladda.

Ugu dambayn, Wasaaradda ayaa waqtigan waxaa laga dareemayaa in ay sameeysay horumar dhanka maamulka iyo shaqalaha kadib hawlo baaxad leh oo bilooyinkii la soo dhaafay ay ka fulisay dalka iyadoo salka u dhigtay nidaam ku dhisan hufnaan, daah-furnaan, iyo islaxisaabtan.

—–DHAMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...