Home Blog Page 1596

Madaxweyne Trump” Maalin murugo leh ayay noqonaysaa hadii Pyongyang aan u adeegsano talaabo Militari”

0

Donal Jey Trump Madaxweyne Dalka Mareykanka  ayaa ugu hanjabay markale Kuuriyada Waqooyi talaabo military, isagoo sheegay in maalin murugo badan ay u noqoneyso Kuuriyada Waqooyi, haddii Mareykanku uu go’aan sado in talaabo military ah uu qaado.

Hadalkani ayuu jeediayay Madaxweyne Trump xili  uu garab taaganyahay Amiirka dalka Kuwait, Sheikh Sabah al-Ahmad Al-Sabah oo uu ku qaabilay magaalada Washington, su’aalana uga jawaabayay wariyeyaasha,waxaana uu yiri madaxweyne Donal Trump “waxaaan ku rajo weynahay in aanan awoodeenna Milatari u adeegsan doonin Kuuriyada Waqooyi,taasi oo ula jeedo in hadii uu adeegsado dhibaato badan ka imaan karto.

Madaxweyne Trump ayaa ka gaabsaday laba jeer oo la weydiiyay su’aal aheyd in la aqbali karro in Waqooyiga Kuuriya ay iska heysato hubkeeda Nukliyeerka laakiin la xakameeyo oo la cabsigeliyo,balse Mr Trump ayaa xusay in aan wax wada xaajood ah la gali doonaiin Waqooyiga Kuuriya.

Trump waxa uu ku dooday in 25kii sanadood ee la soo dhaafay, maamuladdii soo maray Mareykanka marka kasta oo ay wada xaajood la galaan kuuriyada waqooyi, ay maalinta xigtaa sii wadi jirtay shaqada bacriminta nukliyeerkeeda.

Dhanka kale Amiirka Dalka Kuwait iyo madaxweynaha Mareykank oo kulan ku yeeshey aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa ka wada hadlay sidii loo dejin lahaa xisadaha dhanka diblomaasiyadda ee u dhexeeya Qadar iyo qaar kamid ah wadamada Khaliijka.

Mr Trump ayaa taageeray dadaalada dhex dhexaadinta ah oo wadamadaasi ay ka dhex waddo Dowladda Kuwait, waxayna muujiyeen muhiimadda ay leedahay in wada hadal lagu dhameeyo qalaafaadyada jira.

Roobab dabeylo wata oo sababay qasaare naf iyo maal oo ka da’ay Gobolka Awdal

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Awdal ee Soomaaliland ayaa sheegay in Ugu yaraan 6 ruux oo ay ku jiraa caruur iyo dad waayeel ah ay ku dhintay roobab xooggan oo ka da’ay magaalada Dilla ee gobolka Awdal gelinkii dambe ilaa fiidkii xalay.

Roobabkaasi ayaa watay dabeylo xoogan iyo Dana doo sababay qasaare dhimasho iyo bur bur hantiyadeed,sida ay warbaahinta u sheegeen mas’uuliyiinta maamulka Gobolka.

“Roobabkani oo ka da’ay gobolkan Awdal qasaaro ayay geysteen,e ayay ku dhileen degmada Baki,3 kalena dhaawac weeye, magaalada borama 2 qof ayaa ku dhimatay, dabeylo iyo Danab ayaa wateen roobabka, qasaare hantiayeed ayaa jira”, sidaasina waxaa yiri Cabdi Nuur Sugaal guddoomiye kuxigeenka Gobolak Awdal.

Waxaa laga cabsi qabaa in qasaaraha uu intaasi ka sii bato, maadaama saameynta roobabkaasi dabaylaha watay ay ballaaran tahay.

Daadad ka dhashay roobab da’ayay ayaa la sheegay in ay jabiyeen balliyo ku yaalla dhanka sare ee magaalada Dilla, waxaana ay waxyeello u geysteen goobo ganacsi ah oo kuyaalay magaaladaasi.

Sanadihii ugu dambeeyey Gobolka Awdal wuxuu ka mid ahaa meelaha ay ka jireen abaarro saameeyay dad aad u fara badan,iyadoo Maamulka Gobolka Awdal uu bishii hore ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo dhinaca abaaraha ah, kadib markii afar qof ay abaar ugu dhinteen deegaano ka tirsan Gobolka Awdal.

Waxaa bar bar soconayay howlo loogu gurmanayay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee kunool deegaanada ay abaartu ku dhufatay ee Soomaaliland.

Ra’iisulwasaaraha oo Bankiga Adduunka kala Hadlay Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta la kulmay wafdi ka socday Bankiga adduunka oo hoggaaminayso haweeneyda ururkaasi u qaabilsan dalalka Somalia, Tanzania, Burundi iyo Malaawi Bella Bird. Waxayna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha dawladda iyo bangiga adduunka iyo sidii loo sii adeyn lahaa dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kulanka ku weheliyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), iyadoo intii uu socday kulankani la caddeeyey sida loogu baahan yahay in dhalinyarada Soomaaliyeed loo sameeyo barnaamijyo kor loogu qaadayo khibradooda si ay u helaan xirfado ay ku shaqeystaan, maadaama ay dhalinyaradu tahay laf-dhabarta dalkeena.

“Xukuumaddu waxay ka shaqeyn doontaa sidii ay dhalinyaradu u heli lahaayeen shaqo iyo nolol Wanaagsan, isla markaana loo yarayn lahaa shaqa-la’aanta haysata. In badan oo kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed wiilal iyo gabdhaba uma suurtagasho in marka ay dugisiyada sare iyo Jaamcadaha ka baxaan ay shaqooyin helaan.” ayuu yiri R/W Khayre.

Wakiilka Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Somalia, Tanzania, Burundi iyo Malaawi Bella Bird oo hoggaamineysay wafdigan ayaa boggaadisay horumarka dhanka Maaliyadda ee sameysay Dawladda Soomaaliya iyo sida ay meel adag isaga taagtay la dagaalanka musuq-maasuqa.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Prof C/laahi Sheekh Cali (Qaloocow) ayaa sheegay in ujeedka shirka uu ahaa sidii loo kordhin lahaa dakhliga waddanka, isla markaana dhalinyarada Soomaaliyeed loogu samayn lahaa shaqo abuur iyo xirfado ay noloshooda ku maareeyaan.

DHAMMAAD

Puntland oo marti galisay Shir looga hadlayo Hirgelinta Dowladaha Hoose Ee Soomaaliya ”Sawirro”

0

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socday Waasaradda Arrimaha gudaha, Federalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya, Madaxda Wasaaradaha Arrimaha gudaha ee Maamul Gobaleedyada iyo khuburo dhanka Dowladaha hoose iyo dhismaha goleyaasha deegaanka ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer miyiga Dowlad goboleedka Puntland C/laahi Cali Xirsi Tima-cadde, ayaa waxuu si kooban u soo qaatay hanaankii ay puntland u soo martay dhismaha Golayaasha deegaanka iyo Dowladaha Hoose.

Waxaa kalmado baraarujin iyo mahad celin ah ka soo jeediyay mas’uulyiintii ka socotay Maamul Gobaleedyada dalka, iyagoona Maamulka Puntland uga mahad celiyay soo dhoweynta iyo aqoon korarsigaan ay u sameysay Maamulada kale ee dalka ka jira.

Madaxdan ayaa lagu wadaa in inta ay joogaan Puntland ay tagi doonaan degmooyin kala duwan oo Puntland ka tirsan,  kuwaasi oo uu ka hirgalay hanaanka Dowladaha hoose.

 

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo maanta ka shiray Go’aankii Shalay Xukuumadda ay soo saartay

0

Muqdisho(SONNA) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sh/Cismaan Jawaari ayaa maanta shir-gudoomiyay kulan ay Guddiga joogtada ah ee Golaha shacabka ku yeesheen Magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlay go’aanki xukuumadda shalay ay ka qaadatay Qalabi dhagax, waxaana gudigu isku raacay in ajandaha ugu horreeya ee kulanka baarlamanka laga dhigo arrinta ku saabsan go’aanka xukuumadda Soomaaliya.

C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo ah xoghayaha guud ee golaha shacabka oo kulankaasi kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulanka guddiga joogtaha ee Goloha Shacabka looga hadlay go’aankii Xukuumadda iyo arrimo kale, wuxuuna tilmaamay in guddigu go’aamiyay in ajandaha ugu horeeya ee kulanka golaha shacabka ee sabtida uu noqdo go’aanka xukuumadda.

“Waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah, waxaase ugu muhiimsanaa go’aankii ka soo baxay golaha wasiirrada Lixdii Septembar, wuxuuna go’aankaasi noqonayaa ajandaha ugu horreeya ee kulanka baarlamanka ee sabtida” ayuu yiri xogahaya guud ee Baarlamanka mudane Buux

Kulanka oo ahaa kii 11-aad ee sidoo kale lagu sheegay in uu jiri doono Axdi ku saabsan Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka India, kaaso oo laga sugayo Xukuumadda, iyadoo marka la keeno golaha shacabka uu ka shaqeyndoono sharcina loo bedeli doono.

Ra’iisul wasaaraha oo Wafdi ka socda Bankiga Adduunka Xafiiskiisa ku qaabilay”Sawirro”

0

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta la kulmay wafdi ka socday Bankiga adduunka oo hoggaaminayso haweeneyda ururkaasi u qaabilsan dalalka Somalia, Tanzania, Burundi iyo Malaawi Bella Bird. Waxayna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha dawladda iyo bangiga adduunka iyo sidii loo sii adeyn lahaa dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kulanka ku weheliyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), iyadoo intii uu socday kulankani la caddeeyey sida loogu baahan yahay in dhalinyarada Soomaaliyeed loo sameeyo barnaamijyo kor loogu qaadayo khibradooda si ay u helaan xirfado ay ku shaqeystaan, maadaama ay dhalinyaradu tahay laf-dhabarta dalkeena.

“Xukuumaddu waxay ka shaqeyn doontaa sidii ay dhalinyaradu u heli lahaayeen shaqo iyo nolol Wanaagsan, isla markaana loo yarayn lahaa shaqa-la’aanta haysata. In badan oo kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed wiilal iyo gabdhaba uma suurtagasho in marka ay dugisiyada sare iyo Jaamcadaha ka baxaan ay shaqooyin helaan.” ayuu yiri R/W Khayre.

Wakiilka Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Somalia, Tanzania, Burundi iyo Malaawi Bella Bird oo hoggaamineysay wafdigan ayaa boggaadisay horumarka dhanka Maaliyadda ee sameysay Dawladda Soomaaliya iyo sida ay meel adag isaga taagtay la dagaalanka musuq-maasuqa.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Prof C/laahi Sheekh Cali (Qaloocow) ayaa sheegay in ujeedka shirka uu ahaa sidii loo kordhin lahaa dakhliga waddanka, isla markaana dhalinyardda Soomaaliyeed loogu samayn lahaa shaqo abuur iyo xirfado ay noloshooda ku maareeyaan.

 

 

Dekadda Boosaaso oo 26 sano kadib dayactir iyo ballaarin lagu sameeynayo ”Sawirro”

0

 

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Wasaradda Dekadaha gaadiidka Badda iyo la dagalaanka Burcad badeeda Dowlad goboleedka Puntland Siciid Maxamed Raage, oo shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa faah-faahin ka bixiyey qaabka uu u socdo mashruuca la xiriira balaarinta Dekadda weyn ee Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari.

Wasiir Siciid Maxamed Raage,  ayaa sheegay in ay qorshahooda koowaad uu yahay in dib udayactir lagu sameeyo dhismaha dekada Magaalada Boosaaso, oo uu sheegay in hadda dhismaheedu uu yahay mid duq ah una baahan dib u habeyn iyo balaarin, isagoo wasiirka Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab istaagan horumarka Dekadda Boosaaso, maadaama muddo 26 sano ah ay soo shaqeeynesay, islamarkaana la gaaray wakhtigi iyada la maalgalin lahaa.

Balaarinta Dekadda  Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari, ayaa saameyn u geeysanaysa Xaafadaha ku dhaw, oo ay degan yihiin dad ku nool Dabaqado kala duwan oo nolosha ah, waxaana uu sheegay  Wasiirka in dadkaasi  Dowlad goboleedka Puntland ay la tashiyo kala duwan la yeelan doonto, xal wanaagsan oo dhibaato aan ku heyn shacabkana la gaari doonno.

 

Waxgarad iyo Siyaasiyiin kahadlay arragtidooda ku aadan go’aanka Xukuumadda ee Qalbidhagax

0

Muqdisho(SONNA) Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad ayaa ka hadlay Arragtidiisa ku aadan Go’aanka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka qaadatay Arrinta Cabdi kariin Qalbidhagax, oo ah Sargaal ka tirsan Jabhada ONLF, isagoo nabadoonka sheegay in go’aankaasi uu soo dhoweynayo, uuna yahay mid lagu badbaadinayo Qarannimada Ummadda Soomaaliyeed.

Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in Qalbi dhagax uu kasoo jeedo Urur mucaarad ah, oo dagaal ku haya Dal dhisan, dowladda Soomaaliyana aysan gabbaad u noqon Karin, maadaama uu yahay Shaqsi aaminsan Fikrad ku saleysan Burburin, waxaana uu xusay in dalka Soomaaliya uu u joogay dhibaato iyo shar in uu maleego.

“Arrintaasi annaga waan soo dhoweyneynaa, Dowladuna mowqifka ay ka istaagtay waa mid sax ah oo loo baahnaa loogana fadhiyey waxaana leeyahay ma qabno in dadka Soomaaliyeed masiirkooda, dowladnimadooda iyo Soomaalinimada  in la lug gooyo, shaqsi aanan ogeyn wuxuu ku saleysan yahay iyo urur mucaad ah, oo dowladaha deriska ah dagaal kula jira, in gabbaad dowladda ay u noqoto  ma qabno sax inay tahay, mana taageereyno, waxaan leenahay marka dowladda way ku saxan tahay go’aankeeda” ayuu yiri Nabaddoon Xaad.

Sidoo kale Nabad doonka ayaa Xukuumadda Soomaaliya waxuu ku amaanay Maxaabiistii ay kasoo deysay Xabsiyada Ethiopia iyo dadaalada ay ugu jirto sidii xoriyadooda ay ku heli lahaayeen   kuwa ku harsan xabsiyada wadankaasi, Shacabka Soomaaliyeed ayuuna u sheegay in Dowladda ay ku taageeraan Go’aanada noocaan oo kale ah ee looga hortagayo Argagixisinimada.

Sidoo kale Salaad Cali Jeelle, oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed xilal kala duwanna kasoo qabtay dowladihii ku meel gaarka ahaa ayaa isna sheegay in uu taageersan yahay go’aanka Xukuumadda Soomaaliya, isagoo tilmaamay in Dowladda iyadoo tix galineyso hishiisyadii hore ee ay kala saxiixdeen Ethiopia iyo Dowladii hore ee Soomaaliya go’aankan ay qaadatay, si loo dhameystiro howlihii qabyada ahaa.

“Arrimihii maalmahan socday oo la hadal haayey ee ku saabsan Qalbi dhagax oo horana aan uga hadlay, shalay Dowladda waxay kasoo saartay bayaan cad oo shacabka soomaaliyeed ay kula hadleyso , runtii waxay carabka ku dhufatay hishiisyo hore oo dowladii ka horeeysay gashay oo dhigaayeen in dhibaatooyinka labada dal dadka kawada keeni kara in nabadgalyada wax u dhibaan la iska kaashado” ayuu yiri siyaasi Salaad Cali Jeelle.

 

Dowlad goboleedka Puntland oo go’aan kasoo saaray kala soocida Lacagta Shillinka Soomaaliga

0

Muqdisho(SONNA) Shir ay isugu yimaadeen Wasiirada Maaliyadda, Arrimaha gudaha Puntland iyo Xubno ka socday Bankiga ayaa maanta ka dhacay Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulkaasi, iyadoo shirkaasi looga hadlay diidmada iyo kala soocida lacagta shillinka Soomaaliga, oo waayadan jahawareer lacagta Sh. Soomaaliga ah ka taagnaa magaalooyinka waaweyn ee maamulkaasi.

Shirkaasi ayaa waxaa laga soo saaray Qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin:-

1:-Lacagta Sh. Soomaaliga waa astaan Qaran , dalkastana astaantiisa Qaran waa lacagtiisa , ciddii ka hor timaadana waa Qaran dumis.

2: Dowlad goboleedka Puntland lacagta Sh. So. waxay ku qaadaa Canshuurta waxayna ku bixisa a Musharooyinka ciidamada iyo shaqaalaha kale.

3: Shacabka reer Puntland waxaa laga doonayaa in ay lacagta Sh Soomaaliga ah qaataan, iyagoo aan kala gurin, sarrif kala duwana looma samayn karo, arrintaasi oo aan diin ahaan banaanayn
(Ribo).

4 Ha’yadaha dowladda goboleedka ee fulinta shaqadan qaybaha ku leh waxaa laga doonayaa in ay waajibkooda shaqo ka gutaan.

Madaxweynaha Jabuuti oo la siyay Abaalmarin Caalami ah.

0

Jabuti(SONNA)-  Madaxweynaha dalka Kazakhstan Nursultan Nazarbayev ayaa waxa u Madaxweynaha dalka Jabuti Ismaaciil Cumar Gelle uu guddoonsiyay abaalmarin caalami ah oo uu ku muteystay dadalka uu ka geystay horumarinta arrimaha Bangiyada islaamka ee dalkiisa  iyo guud ahaan midda caalamka intaba.

Sida ay faafisay Jariidada  Al-qaran ee ka soo baxday magaalada jabuuti cadadkeeda maanta oo khamiis ah soo baxay, ayaa waxaa Madaxweyne Geelle abaalmaritan caalamiga ah lagu gudoonsiyay xaflad ka dhacday magaala madaxda dalka Kazakhstan ee Astana,iyadoo ay munaasabadaasi ka qeyb galeen aqoonyahaano ku xeel dheer arrimaha Bangiyada islaamka.

Hadal uu munaasabadaa ka jeediyay Madaxweynaha Jabuti ismaciil Cumar geelle ayaa sheegay  in Bangiyada Islaamka ee dalkiisa  oo ay tiradoodu dhan tahay saddex Bangi  ay u surta gashay sanadkii 2006 –dii inay kalsooni weyn ka kasbadaan Suuqyada gudaha ee dalkaasi 20%.

Madaxweynaha Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle, ayaa intii uu joogay dalka Kazakhstan waxa uu wada hadallo  ku saabsan sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dalka Jabuti iyo Kazakhstan la yeeshay Madaxweynaha dalkaasi Islaamka ah Nursultan Nazarbayev.