Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo maanta ka shiray Go’aankii Shalay Xukuumadda ay soo saartay

Date:

Muqdisho(SONNA) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sh/Cismaan Jawaari ayaa maanta shir-gudoomiyay kulan ay Guddiga joogtada ah ee Golaha shacabka ku yeesheen Magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlay go’aanki xukuumadda shalay ay ka qaadatay Qalabi dhagax, waxaana gudigu isku raacay in ajandaha ugu horreeya ee kulanka baarlamanka laga dhigo arrinta ku saabsan go’aanka xukuumadda Soomaaliya.

C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo ah xoghayaha guud ee golaha shacabka oo kulankaasi kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulanka guddiga joogtaha ee Goloha Shacabka looga hadlay go’aankii Xukuumadda iyo arrimo kale, wuxuuna tilmaamay in guddigu go’aamiyay in ajandaha ugu horeeya ee kulanka golaha shacabka ee sabtida uu noqdo go’aanka xukuumadda.

“Waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah, waxaase ugu muhiimsanaa go’aankii ka soo baxay golaha wasiirrada Lixdii Septembar, wuxuuna go’aankaasi noqonayaa ajandaha ugu horreeya ee kulanka baarlamanka ee sabtida” ayuu yiri xogahaya guud ee Baarlamanka mudane Buux

Kulanka oo ahaa kii 11-aad ee sidoo kale lagu sheegay in uu jiri doono Axdi ku saabsan Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka India, kaaso oo laga sugayo Xukuumadda, iyadoo marka la keeno golaha shacabka uu ka shaqeyndoono sharcina loo bedeli doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo isu diyaarineysa ka qaybgalka ciyaaraha jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, mudane Maxamed Cabduqaadir...

Duqa muqdisho oo la kulmay safiirka Suudaan ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr....

Wasaaradda Warfaafinta iyo Jaamacadda Muqdisho oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Horumarinta Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Boliiska oo Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Nabadda iyo u Hiilinta Haweenka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...