Dowlad goboleedka Puntland oo goโ€™aan kasoo saaray kala soocida Lacagta Shillinka Soomaaliga

Date:

Muqdisho(SONNA)ย Shir ay isugu yimaadeen Wasiirada Maaliyadda, Arrimaha gudaha Puntland iyo Xubno ka socday Bankiga ayaa maanta ka dhacay Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulkaasi, iyadoo shirkaasi looga hadlay diidmada iyo kala soocida lacagta shillinka Soomaaliga, oo waayadan jahawareer lacagta Sh. Soomaaliga ah ka taagnaa magaalooyinka waaweyn ee maamulkaasi.

Shirkaasi ayaa waxaa laga soo saaray Qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin:-

1:-Lacagta Sh. Soomaaliga waa astaan Qaran , dalkastana astaantiisa Qaran waa lacagtiisa , ciddii ka hor timaadana waa Qaran dumis.

2: Dowlad goboleedka Puntland lacagta Sh. So. waxay ku qaadaa Canshuurta waxayna ku bixisa a Musharooyinka ciidamada iyo shaqaalaha kale.

3: Shacabka reer Puntland waxaa laga doonayaa in ay lacagta Sh Soomaaliga ah qaataan, iyagoo aan kala gurin, sarrif kala duwana looma samayn karo, arrintaasi oo aan diin ahaan banaanayn
(Ribo).

4 Haโ€™yadaha dowladda goboleedka ee fulinta shaqadan qaybaha ku leh waxaa laga doonayaa in ay waajibkooda shaqo ka gutaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...