Madaxweynaha dalka Kazakhstan Nursultan Nazarbayev ayaa waxa u Madaxweynaha dalka Jabuti Ismaaciil Cumar Gelle uu guddoonsiyay abaalmarin caalami ah oo uu ku muteystay dadalka uu ka geystay horumarinta arrimaha Bangiyada islaamka ee dalkiisa iyo guud ahaan midda caalamka intaba.
Sida ay faafisay Jariidada Al-qaran ee ka soo baxday magaalada jabuuti cadadkeeda maanta oo khamiis ah soo baxay, ayaa waxaa Madaxweyne Geelle abaalmaritan caalamiga ah lagu gudoonsiyay xaflad ka dhacday magaala madaxda dalka Kazakhstan ee Astana,iyadoo ay munaasabadaasi ka qeyb galeen aqoonyahaano ku xeel dheer arrimaha Bangiyada islaamka.
Hadal uu munaasabadaa ka jeediyay Madaxweynaha Jabuti ismaciil Cumar geelle ayaa sheegay in Bangiyada Islaamka ee dalkiisa oo ay tiradoodu dhan tahay saddex Bangi ay u surta gashay sanadkii 2006 –dii inay kalsooni weyn ka kasbadaan Suuqyada gudaha ee dalkaasi 20%.
Horjooge C/casiis Xasan Heybe oo maleeshiyada Shababaab u yaqaanaan (Bishaar) ayaa saaka isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed qeybta ku sugan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.
Taliyaha ururka 49-aad ee Guutada 9-aad ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo ku sugan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo Faarax Maxmed (Turbac) oo u waramay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa xaqiijiyay in horjoogahaasi uu isku soo dhiibay ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugan Gobolka Gedo.
Sida uu soo sheegayo wariyaha warbaahinta Qaranka ee Gobolka Gedo Cumar Ceyduruus Maxmed, Mas’uuliyiin iyo saraakiil katirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugan Gobolka Gedo ayaa ku soo dhaweeyey Degmada Baardheere, Horjoogahaasi oo Arggagixisada Shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada iyo miinooyinka ay Shabaab ka fuliyaan deegaano hoostaga Degmada Baraawe ee Shabeeladda Hoose balse isku dhiibay ciidamada Dowladda ee ka howlgala Gobolaka Gedo.
“Ninkan oo isku soo dhiibay ciidamada Xogga Dalka, wuxuu inoo sheegay in uu ka baxay Shabaab,islamarkaana uu ka soo laabtay fikradaha qaldan o ay aaminsan yihiin halkan ayuu joogaa,waxaan rajaynaynaa in kuwo kalena ay fahmi doonaan wadada saxda ah”, Ayuu yiri Taliye Turbac.
Tan iyo markii Dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqdey in ay cafis u fidinayso qofkasta oo ka soo baxay fikirka qaldan ee Shabaab,waxaa sii kordhayay tirada horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka isku soo dhiibaya Dowladda Soomaaliya,iyagoo u arka fursad ay ka faa’idaysan karaan.
Muqdisho(SONNA) Goobaha Ganacsiga ee magaalada Qardho ee Gobolka Bari Ayaa Saakay Ahaa kuwo Gabi Ahaanba Albaabada U xirnaa, Shacabka Usoo Adeeg Tagi Jiray Suuqayada Lagu Iibsho Qudaarta Hilibka Iyo Goobaha kale Ee Ganacsiga Ayaa Ku Waabariistay Xirnaasaha Goobahaasi.
Abaara 9;00 Subaxnimo Ayaa Shacabka magaalada oo Cabiraya Dareenkooda ayaa Socdaal Dheer Kusoo Maray Waddooyinka Waaweyn Ee Degmada Qardho kuwaasi oo ka soo horjeeda diidmada ku aadan lacagaha Shillin Soomaaliga ah.
Barxada Suuqa Weyn Oo Markii Danbe Ay Isugu Tageen Dibadbaxayaasha Ayaa Ugu Horeynba Halkaasi waxaa Kula Hadlay Guddoomiyaha Degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan Dheere wuxuuna Sheegay In Shillin Soomaaliga La Socodsiiyo, Dowladuna Ay Isla Qaadateen In Dhamaan La Adkeeyo Koontaroolada Lacagaha Ay Kasoo Galayaan.
“Marka hore waxaa idinka codsanaynaa in aad is dejisaan,lacagaha Shillin Soomaaliga waa la socodsiinayaa, dadka diidan talaabo ayaa laga qaadayaa waana isla afgaranay maamulka,waxaana la xakamayndoonaan lacagaha been abuurka ah ee suuqyada la soo gelinayo”, Ayuu yiri guddoomiyah Qardho.
Xaliimo Jawaasi oo Ku Hadlaysay Afka Dibadbaxayaasha Ayaa Sheegtay In Ay Doonayaan Lacagtooda Isku Soo Baxooda Ayeey Ku Sheegtay In Uu Yahay Mid Dantooda Ay Uga Hadlayaan Waxayna Eedamo Ay U jeediyeen Sariflayaasha Iyo Shirkadaha Waaweyn, kuwaasi oo ay ku tilmaameen in ay ka shaqeynayaan wax buslhada dhib ku ah.
Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay dowladda ku taageersan yihiin go’aankii ay qaadatay ee la xiriiray dhiibista Cabdikariin Qalbi Dhagax oo ka tirsanaa ONLF.
Nabaddoon Xaad oo u warramayay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay dowladdu ay qaadatay go’aan sax ah
“Ma qabno in dadka soomaaliyeed masiirkooda iyo dowladnimadooda iyo soomaalinimada in loo lug gooyo shakhsi aannaan ogeyn waxa uu yahay” ayuu Yiri Nabadoon Maxamed Xasan Xaad.
Xaad waxa uu tilmaamay in aysan suurto gal ahayn in Soomaaliya ay gabbaad siiso jabhad hubeysan oo dagaal kula jirta dal aan daris nahay, isagoo yiri “Annagu ma qabno dowladda Soomaaliya urur mucaarad ah oo hubeysan oo dowladaha dariska ah dagaal kula jira in ay gabbaad u noqoto”
Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad, waxa uu bulshada Soomaaliyee ugu baaqay inay dowladda ku garab istaagaan go’aanka ay qaadatay oo ah mid u daneynaya qarannimada iyo nabad gelyada dalka
Nabaddoon Xaad ayaa xusay maxaabiistii dhowaan dowladdu ka soo deysay xabsiyada Ethiopia, taas oo uu sheegay in ay ku timid iskaashi, heshiis iyo wada shaqeyn dhex martay Ethiopia, waxa uuna sheegay in ay haddana socdaan dadaallo dowladdu ku sii deyneyso maxaabiis kale oo Soomaaliyeed oo ku jjira xabsiyada Ethiopia.
“Dowladdu waxay xabsiyo ka soo deysay dad Soomaaliyeed oo Ethiopia, taasna waxaa keenay heshiis, isla shaqeyn iyo Is-faham”
Ugu dambeyntii Nabaddoon Xaad ayaa carrabka ku adkeeyay in ay mowqifka dowladdu ka qaadatay Qabi dhagax uu ahaa mid sax ah.
“Waxaan qireynaa oo aan ku dhiirraneynaa dowladdu mowqifkii ay ka qaadatay Qalbi dhagax in uu sax yahay, uuna yahay mid lagu badbaadinaayo jiritaanka ummadda soomaaliyeed” ayuu yiri Nabaddoon Xaad oo sheegay in ONLF ay tahay Jabhad hubeysan oo aan nabad ka shaqeyn.
Muqdisho(SONNA):–Maalmahan waxay bulshada Soomaaliyeed aad u hadal hayaan arrinta Cabdikariin Qalbi Dhagax oo dhowaan loo dhiibay dowladda Ethiopia. Arrinta Qalbi Dhagax waxaa la siiyay xajmi ka weyn midka ay leedahay, waxaana la isku dayay in loo muujiyo khiyaano Qaranka laga galay.
Hadal haynta iyo hurinta arrinta Qalbi dhagax waxaa hormuud ka ah rag siyaasiyiin ah oo wada olole xoog leh oo loo fasiri karo iska hor keen shacabka iyo dowladdooda.
Aamusnaan usbuuc qaadatay iyo rog rogid ka dib xukuumaddu shalay ayay hadashay oo diirka ka caddeysay sababihii ay Qalbi Dhagax u dhiibtay.
Labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia, waxay horay ugu heshiiyeen in ay iska kaashadaan la dagaallanka argagixisada iyo Jabhadaha hubeysan ee khatarta ku ah amniga labada dal.
Heshiiskan oo dhacay sanadklii 2016 waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay Xildhibaan Mahad Salaad oo ahaa Wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya, halka dhanka Ethiopiana uu u saxiixay danjire Shamsudiin Axmed.
Qodobka saddexaad ee heshiiskan ayaa dhigayay in labada dal galeen waxa uu dhigayaa in ay si buuxda isaga kaashadaan la dagaallanka iyo cirib tirka kooxaha xag-jirka ah sida Alshabaab iyo UBO oo ay Ethiopia u taqaan ONLF.
Waxaa muuqata in mas’uuliyiintii heshiiskaas saxiixay qaarkood ay hadda aad uga soo horjeedaan fulintiisa. Heshiis kasta oo labo dal galaan waa in la fuliyaa.
Wasiirkii saxiixay heshiiskaas waxaa laga doonayaa in uu fulintiisa difaaco, mowqif kasta oo kaas ka duwan ee uu qaato waa mid aan laga aqbali Karin.
Markii la saxiixayay heshiiskan wasiirkii dowladda Soomaaliya matalayay wuu ka dheregsanaa in Alshabaab ay tahay koox argagixiso, sidoo kale wuu ogaa in UBO loola jeedo ONLF. Sidaas darteed bulshada iyo dadka wax gartaa kama gadanayaan isla mas’uulkii heshiiska saxiixay in uu iska bari yeelo ama uu fasiraad khaldan siiyo.
Dowladnimo iy Beelnimo
Curfiga diplomaasiyadda kuma jirto in beeli ay heshiis la gasho dal shisheeye. Sidaas oo kale wasiir xil qaran haya beeshiisa kuma matali karo heshiis lala galayo dal kale.
Sidaas darteed doodda ah in heshiiskii May 2016-dii uu saxiixay Wasiir Mahad Salaad uu ahaa mid uu beel ku matalayay waa mid aan xujo laga dhigan Karin.
Qodobka 102 ee dustuurka dalka ayaa qeexaya shaqada wasiirka, wasiir ku xigeenka iyo Wasiiru dowlaha Hoos ka eeg.
In uu beel matalo isagoo qaranka xil u haya ama uu hadda ku doodo in uu beel matalayay ayaaba khalad kale ah
Mar haddii aan ogaannay nuxurka heshiiskii labada dal galeen. Mar haddii aan ogaannay in heshiisku uu la xiriiray Alshabaab iyo UBO oo loola jeedo ONLF. Mar haddii ay labada dal u saxiixeen labo mas’uul oo idman. Waxaa hubaal ah in labada dal looga baahan yahay fulinta wixii ay ku heshiiyeen.
Su’aasha isweydiinta leh ayaa ah maxaa keenay isla mas’uuliyiintii heshiiska saxiixay ay iska bari yeelaan ama ay fasiraad kale ka bixiyaan? Maxaase keenay inay dowladda ku qaadaan olole dadka looga hor keenayo.
Jawaabtu waa sahlan tahay; waa xaqiijinta dan siyaasadeed. Waxaa doc khaldan loo duwayaa dareenka shacabka , si loo wiiqo dowladnimada.
Laakiin shacabka Soomaaliyeed way ka qaan gaarsan yihiin in marba niman dan lihi ku owr kacsadaan.
Muqdisho(SONNA)Horjooge C/casiis Xasan Heybe oo maleeshiyada Shababaab u yaqaanaan (Bishaar) ayaa saaka isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed qeybta ku sugan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.
Taliyaha ururka 49-aad ee Guutada 9-aad ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo ku sugan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo Faarax Maxmed (Turbac) oo u waramay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa xaqiijiyay in horjoogahaasi uu isku soo dhiibay ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugan Gobolka Gedo.
Sida uu soo sheegayo wariyaha warbaahinta Qaranka ee Gobolka Gedo Cumar Ceyduruus Maxmed, Mas’uuliyiin iyo saraakiil katirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugan Gobolka Gedo ayaa ku soo dhaweeyey Degmada Baardheere, Horjoogahaasi oo Arggagixisada Shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada iyo miinooyinka ay Shabaab ka fuliyaan deegaano hoostaga Degmada Baraawe ee Shabeeladda Hoose balse isku dhiibay ciidamada Dowladda ee ka howlgala Gobolaka Gedo.
“Ninkan oo isku soo dhiibay ciidamada Xogga Dalka, wuxuu inoo sheegay in uu ka baxay Shabaab,islamarkaana uu ka soo laabtay fikradaha qaldan o ay aaminsan yihiin halkan ayuu joogaa,waxaan rajaynaynaa in kuwo kalena ay fahmi doonaan wadada saxda ah”, Ayuu yiri Taliye Turbac.
Tan iyo markii Dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqdey in ay cafis u fidinayso qofkasta oo ka soo baxay fikirka qaldan ee Shabaab,waxaa sii kordhayay tirada horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka isku soo dhiibaya Dowladda Soomaaliya,iyagoo u arka fursad ay ka faa’idaysan karaan.
Muqdisho(sonna)–Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Cabdullaahi Sh Cali Qaloocoow ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Bariga iyo bartamaha qaaradda Afrika Bella Bird.
Kulanka ay wada yeesheen Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga ka socda Bangiga Adduunka ee ay hogaaminaysay Bella Bird, waxay ka wada hadleen caawinta Soomaaliya iyo u kuurgalidda habsami u socodka hanaanka Maaliyadeed ee Dalka.
Mrs Bella oo maanta soo gaaratay Magaalada Muqdisho ayaa waxay Bangiga aduunka si gaar ah wakiil uga tahay Waddamada Tanzania, Burundi, Malawi iyo Somalia.
Wasiirka Amniga ayaa golaha siiyey warbixin dhanka amniga ah sheeegeyna in ammaanka uu aad u fiicanyahay, ayna socdaan dadaalo lagu sii xoojinayo.
Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ka warbixiyey diyaar garowga ciidanka XDS ee qiimeynta sidii ciidamada Soomaaliya ay ula wareegi lahaayeen ammaanka dalka.
Golaha ayaa waxaa la horkeenay Hindise Sharciyeedka Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida oo abuuri doona in la dhiso Hay’ada Xaqsiinta Ciidamada si ciidamada howlgabka ah, kuwa dhaawacma ee curyaama iyo agoontaba loo siin lahaa waxii ay xaq u leeyihiin. Golaha ayaa loo qeybiyey nuqulka Hindise Sharciyeedka si ay u soo darsaan oo kulamada danbe loo ansaxiyo.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa golaha soo hordhigay Heshiis ay Dowladdaha India iyo Soomaaliya kala saxiixdeeen ee isu-celinta maxaabiista, oo suurtogelin doona in maxaabiista muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalka India la keeni doono dalkooda hooyo. Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey heshiiskan oo loo gudbin doono Baarlamaanka.
Wasiirka Batroolka ayaa Golaha u soo gudbiyey Dib u eegis lagu sameeyey Sharcigii Batroolka ee 2008dii. Dood dheer ka dib golaha wasiirradu ayaa ansixiyey. Sharcigan ayaa abuuraya Hay’ada Batroolka Soomaaliyeed iyo Shirkada Batroolka Qaranka Soomaaliyeed oo la howlgeli doonta shirkada caalamiga ah ee Shidaalka ee Soomaaliya ka howlgala.
Golaha ayaa isku raacay in Xeer Hoosaadka Golaha Wasiirada dib u eegis lagu sameeyo iyadoo loo xilsaaray guddi ka soo baaraandega. Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay Qorshaha Waxqabadka 6da bilood ee soo socota iyadoo la isku raacay in wasaarad walba ay soo gudbiso qorshaheeda si loola xisaabtamo.
Inta aanan gudagalin dulucda Warbixintani marka hore aan isweydiino maxay yihiin Rohingaha, inteese degaan iyo maxay diin ahaan aaminsan yihiin?
Rohinga waa bulsho Muslin ah, ku nool Waadanka Myanmar (Burma) gaar ahaan gobolka Arakan,waxeyna ka yihiin bulshada dalkaasi qiyaas ahaan boqolkiiba 4%, tiradoodana waxaana lagu qiyaasaa hal malyan oo ruux.
Wadanka myanmar ama Burma ayaa ah dhul aay asal ahaan soo xukumi jireen hogaamiyaal Islaam ah, gaar ahaan gobolka Arakan waxana iskaga dambeeyay xukunka 48 Sultaan oo Muslimiin ah sida lagu wariyay taariikhda, balse maanta dadka muslimiinta ah ee ku nool waa kuwa aan loo ogoleen in aay noqdaan muwaadiniin u dhashay dalkaas, kadib markii aay dowlada soo saartay sharciga Citizenship Law 1982,waxaaana lagu hayaa isir-tir oo aay hogaamineeso dowlada myanmar, iyadoo mar soo saartay amar sheegaya in muddo seddex sano ah aysan is guursan Karin Musliimiinta Rohinga, taasoo lagu micneeyay u jeedka amarkaas in aysan tarmin oo aay dabar go’aan.
Bulshadaan waxaa faquuqaan kuwa haya kuwa aaminsan diinta budhismka iyagoo kala kulma dhibaato aad u baaxad weyn sida taariikhda lagu hayana kuwa faquuqa maaha kuwa asal ahaan myanmar deganaa, waxaana la sheegaa in ay ka yimaadeen dooxooyinka u dhaxeeya Hindiya,Nepal iyo Shiinaha.
Barakicin ,guryahooda oo la gubo,gowrac,dumarkoodoo la kufsado, ayaa lagu hayaa waagii baryaba, malahan meel aay u baxsadaan mana heystaan meel ay ku nagaadaan,waxeyna inta badan u qaxi jireen dalka Bangladesh, inkastoo loo diiday markii hore, balse markii dambe waa loo ogolaaday inay soo galaan Dalkaasi.
Gobolka Arakan waxaa waqooyiga kaga dhagan dalka Bangladesh waana ka mamnuuc in ay u baxsadaan,dhanka galbeedkana waxaa ka saran gacan biyoodka Bangal oo ay ku suganyihiin ciidanka Bangladesh iyo kuwa Thailand oo aan u ogaleen in ay ku safraan.
Sannadkii 1978-kii ayay ahayd wakhtigii ugu horeeyay ay dhibka xasuuqa ah lagu bilaabay Muslimiinta Burma ilaa iyo haatana waa mid aan ka joogsan, waxaana markaasi iyo wixii ka dambeeyay la jideystay in la boobo hantidoodii ,waxaa la gubay masaajido fara badan, waxaa loo diiday in ay Hanti yeeshaan, waxaa loo diiday in ay waxbartaan, waxaa loo diiday in ay jaamacado galaan, waxaa loo diiday in ay dibadda waxbarasho u aadaan.
Xasuuqa muslimiinta Burma maaha mid ay aad uga hadlaan saxaafadda caalamiga ah iyo hey’adaha u dooda xuuqda aadanaha,waxaana ka hadlay oo ka dhiidhiyay arbacadi la soo dhaafay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan waxuuna yiri ’’Ma awoodno in aan kaligood ka tagno muslimiinta Rohinga’’.Rohingya people wait outside the Kutupalong refugee camp to enter, cox’s bazar.
Madaxweynaha Dalkaasi, wuxuuna ka hadlay dhacdooyinka arxan darrada ee lagula kacayo Qowmiyadda Islaamka ah ee Rohinga, isagoo ugu baaqay in caalamku ay u kacaan sidii loo taageeri lahaa, “Waxa aad daawanaysaan xaaladda ay Burma Iyo dadka muslimiinta ahi ku sugan yihiin, waad aragtaan sida Guryahooda loo Gubayo” ayuu yiri, Madaxweyne Erdogan.
Sidoo kale hay’ada Qaramada midoobay ayaa horey u sheegtay in ay yihiin muslimiinta Burma dadka laga tira badan yahay ee maanta dhibaatada ugu badan ku jira.
Qiyaas uu sameeysay Qaramada Midoobay iyo Ururka Muhaajriinta ayaa sheegaya in ka badan 150. Kun oo qaxooti Rohinga ah ay ka soo talaabeen xuduudda waqoyiga Myanmar, iyagoo nafta kala soo talaabay Wadanka Bangaladhesh laba Usbuuc gudahood.
Wadadamada kale ee ka hadlay ayaa waxaa ka mid ah Dawlada Maldives, waxayna xiriirka iyadu u jartay Myanmar, waxaa kaloo ka hadlay arrintaasi xasuuqa Qowmiyadda Rohingaha Dawladda Iiraan iyo wadamo kale, waxaana la gudboon Xukumadaha Islaamka ah inay si weyn uga dhiidhiyaan waxyaabaha ka dhaca Wadanka Burma, loona gurmado Immaddaasi tabalaeysan.
W.D: C/laahi Ruush