Ra’iisulwasaaraha oo Bankiga Adduunka kala Hadlay Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta la kulmay wafdi ka socday Bankiga adduunka oo hoggaaminayso haweeneyda ururkaasi u qaabilsan dalalka Somalia, Tanzania, Burundi iyo Malaawi Bella Bird. Waxayna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha dawladda iyo bangiga adduunka iyo sidii loo sii adeyn lahaa dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kulanka ku weheliyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), iyadoo intii uu socday kulankani la caddeeyey sida loogu baahan yahay in dhalinyarada Soomaaliyeed loo sameeyo barnaamijyo kor loogu qaadayo khibradooda si ay u helaan xirfado ay ku shaqeystaan, maadaama ay dhalinyaradu tahay laf-dhabarta dalkeena.

“Xukuumaddu waxay ka shaqeyn doontaa sidii ay dhalinyaradu u heli lahaayeen shaqo iyo nolol Wanaagsan, isla markaana loo yarayn lahaa shaqa-la’aanta haysata. In badan oo kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed wiilal iyo gabdhaba uma suurtagasho in marka ay dugisiyada sare iyo Jaamcadaha ka baxaan ay shaqooyin helaan.” ayuu yiri R/W Khayre.

Wakiilka Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Somalia, Tanzania, Burundi iyo Malaawi Bella Bird oo hoggaamineysay wafdigan ayaa boggaadisay horumarka dhanka Maaliyadda ee sameysay Dawladda Soomaaliya iyo sida ay meel adag isaga taagtay la dagaalanka musuq-maasuqa.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Prof C/laahi Sheekh Cali (Qaloocow) ayaa sheegay in ujeedka shirka uu ahaa sidii loo kordhin lahaa dakhliga waddanka, isla markaana dhalinyarada Soomaaliyeed loogu samayn lahaa shaqo abuur iyo xirfado ay noloshooda ku maareeyaan.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...