Madaxweynaha Jabuuti oo la siyay Abaalmarin Caalami ah.

Date:

Jabuti(SONNA)-ย  Madaxweynaha dalka Kazakhstan Nursultan Nazarbayev ayaa waxa u Madaxweynaha dalka Jabuti Ismaaciil Cumar Gelle uu guddoonsiyay abaalmarin caalami ah oo uu ku muteystay dadalka uu ka geystay horumarinta arrimaha Bangiyada islaamka ee dalkiisaย  iyo guud ahaan midda caalamka intaba.

Sida ay faafisay Jariidadaย  Al-qaran ee ka soo baxday magaalada jabuuti cadadkeeda maanta oo khamiis ah soo baxay, ayaa waxaa Madaxweyne Geelle abaalmaritan caalamiga ah lagu gudoonsiyay xaflad ka dhacday magaala madaxda dalka Kazakhstan ee Astana,iyadoo ay munaasabadaasi ka qeyb galeen aqoonyahaano ku xeel dheer arrimaha Bangiyada islaamka.

Hadal uu munaasabadaa ka jeediyay Madaxweynaha Jabuti ismaciil Cumar geelle ayaa sheegayย  in Bangiyada Islaamka ee dalkiisaย  oo ay tiradoodu dhan tahay saddex Bangiย  ay u surta gashay sanadkii 2006 โ€“dii inay kalsooni weyn ka kasbadaan Suuqyada gudaha ee dalkaasi 20%.

Madaxweynaha Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle, ayaa intii uu joogay dalka Kazakhstan waxa uu wada hadalloย  ku saabsan sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dalka Jabuti iyo Kazakhstan la yeeshay Madaxweynaha dalkaasi Islaamka ah Nursultan Nazarbayev.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo maanta ka furmaya dalka

Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga...

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...