Madaxweyne Trump” Maalin murugo leh ayay noqonaysaa hadii Pyongyang aan u adeegsano talaabo Militari”

Date:

Donal Jey Trump Madaxweyne Dalka Mareykanka  ayaa ugu hanjabay markale Kuuriyada Waqooyi talaabo military, isagoo sheegay in maalin murugo badan ay u noqoneyso Kuuriyada Waqooyi, haddii Mareykanku uu go’aan sado in talaabo military ah uu qaado.

Hadalkani ayuu jeediayay Madaxweyne Trump xili  uu garab taaganyahay Amiirka dalka Kuwait, Sheikh Sabah al-Ahmad Al-Sabah oo uu ku qaabilay magaalada Washington, su’aalana uga jawaabayay wariyeyaasha,waxaana uu yiri madaxweyne Donal Trump “waxaaan ku rajo weynahay in aanan awoodeenna Milatari u adeegsan doonin Kuuriyada Waqooyi,taasi oo ula jeedo in hadii uu adeegsado dhibaato badan ka imaan karto.

Madaxweyne Trump ayaa ka gaabsaday laba jeer oo la weydiiyay su’aal aheyd in la aqbali karro in Waqooyiga Kuuriya ay iska heysato hubkeeda Nukliyeerka laakiin la xakameeyo oo la cabsigeliyo,balse Mr Trump ayaa xusay in aan wax wada xaajood ah la gali doonaiin Waqooyiga Kuuriya.

Trump waxa uu ku dooday in 25kii sanadood ee la soo dhaafay, maamuladdii soo maray Mareykanka marka kasta oo ay wada xaajood la galaan kuuriyada waqooyi, ay maalinta xigtaa sii wadi jirtay shaqada bacriminta nukliyeerkeeda.

Dhanka kale Amiirka Dalka Kuwait iyo madaxweynaha Mareykank oo kulan ku yeeshey aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa ka wada hadlay sidii loo dejin lahaa xisadaha dhanka diblomaasiyadda ee u dhexeeya Qadar iyo qaar kamid ah wadamada Khaliijka.

Mr Trump ayaa taageeray dadaalada dhex dhexaadinta ah oo wadamadaasi ay ka dhex waddo Dowladda Kuwait, waxayna muujiyeen muhiimadda ay leedahay in wada hadal lagu dhameeyo qalaafaadyada jira.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan

Abaalmarinta Waaxda Caddaaladda dowladda Maraykanka waxay bixineysaa abaalmarin gaareysa...

Senator Maxamed Cismaan Majiino oo laascanood kulan wadatashi ah la qaatay hoggaanka dhaqanka iyo waxgaradka

Senator Maxamed Cismaan Majiino oo ka mid ah masuuliyiinta...

Shirweynaha dhameystirka dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo oo maalintiisa labaad galay

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku guda jirto dhameystirka dhismaha...

Danjire Jabriil oo booqasho shaqo ku tagay gobalka Lamu

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa qayb ka ahaa wafdi...