Home Blog Page 1595

President Farmaajo: “We will pursue them, and we will defeat Alshabab terrorists.

0

President Mohamed Abdullahi Farmaajo has sent his condolences to the families and the people of Puntland following today’s ambush on a military camp in Af-Urur, near Galgala Mountains.

The president has termed the fallen soldiers as the true martyrs, as they died protecting their people and their country.

“ We are deeply saddened by the tragic loss of a number of our gallant soldiers in today’s attack in Af-Urur, Puntland. They fought hard and bravely for their country, to keep their people safe during this holy month of Ramadan. We will forever remember them, they are the real martyrs”

The president assured the citizenry that his administration would not show mercy in dealing with Alshabab terrorists who have no regard for the sanctity of life and the holy month of Ramadan.

“This once again proves that the enemy we are facing is dangerous, is bent on causing harm to the peace loving people of this country and must be fought with by all means. We must show no mercy in dealing with Alshabab”

President Farmaajo promised Alshabab would be pursued and would pay for today’s attack.

“We promise that Alshabab won’t get away with this. As of now, our troops are in hot pursuit of the enemy; they will pay for today’s attack. I am confident our forces would defeat this abhorrent enemy”

President Farmaajo spoke on the phone with the president of Puntland and assured him that the Federal Government would stand by the administration and people of the region.

END

Madaxweyne Farmaajo “Waan ka daba tageynaa, waana ka guuleysanaynaa argagixisada”

0

Muqdisho, 08 June 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul uga hadlay weerarkii bahalnimada ahaa ee ay kooxda argagaixisada ah e Al shabaab ay ku qaadeen xarun ay ciidamada Daraawiishta Puntland ay ku leeyihiin Af-Urur oo ka tirsan Degmada Gal-gala ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha isaga oo tacsi u diraya qoysaskii iyo guud ahaan qaranka ay ka baxeen shacabkii iyo Mujaahidiintii ku geeriyooday weerarkan argagixisada ah ayuu sheegay in ay yihiin shuhado dhiiggooda u huray difaaca dalka, dadka iyo diinta

“Waxaan aad uga tiraanyeysanahay geerida ku timid shacabkeena iyo ciidanka geesiyaasha ah ee ku baxay weerarkii tuulada Af-urur ee Degmada Gal-gala. Waxay u dagaallameen si geesinimo leh si ay u difaacaan dalkooda iyo dadkooda iyaga oo cibaadeysanaya bisha barakeysan ee Ramadaan.”

“Weerarkan wuxuu caddeyn u yahay khatarta ay leeyihiin kooxaha cadowga ah ee aan la dagaallameyno kuwaas oo doonaya in ay mar walba dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee nabadda jecel. Waxaan xoogeenna isugu geyn doonnaa sidii loo cirib tiri lahaa kooxaha argagixisada ah.”

“Waxaan ballan qaadeynaa in Al Shabaab aan looga hari doonin falkan foosha xun. Waxaa haatan haraadigooda ku daba jira ciidamada Daraawiishta Puntland. Waan ku kalsoonahay in ciidamadeennu ay soo afjari doonaan falalka burcadnimada ah ee ay kooxdan caadeysatay in ay maalin walba ku layso dad Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay taageero dhinac walba ah la garab istaagayso Puntland.

DHAMMAAD

Madaxweynaha Galmudug oo kormeeray xabsi laga dhisayo Gaalkacyo

0
Xabsi laga hirgelinayo duleedka  koofureed ee magaalada Gaalkacyo kuna fadhiya dhul dhan 500 mitir ayaa waxaa maanta  kormeeray  madaxweynaah Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf”.
Madaxweynaha Galmudug  oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka  gobolka Mudug ayaa kormeerkiisa  ku tegay dhismaha qabyada ah ee xabiga oo loogu tala galay in lagu xiro dadka galay danbiyada kala duwan.
Xaaf oo halkaasi  ka hadlay ayaa sheegay in maamulkiisu uu ku dadaali doono dhameystirka dhismaha xabsiga si loo helo meel danbiilayaasha lagu xiro.
Sidoo kale bulshada deegaanka ayuu ugu baaqay inay maamulka la shaqeyaan si loo gaaro horumur iyo nabad gelyo.
Waxaa uu sheegay in la soo wareejin doono  maxaabiista ku xiran deegaannad Somaliland iyo Puntland marka la dhameeyo dhismaha xabsigan.

Argagixisada Al-Shabaab oo Dab Qabadsiiyay Tuulada Busleey Daa’uud ee Gobalka Sh/Hoose

0

Wararka naga soo gaaraya Tuulada Busleey Daa’uud oo ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheeaya in Maleeshiyada Aragixisada ah ee Al-Shabaab ay bilaabeen inay Gubaan Guryaha ku yaala Tuuladaasi.

Dad ku sugan Busleey oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa u sheegay in Saaka ay ku waabariisteen iyadoo la gubayo Guryahooda, waxaana loo sheegay inay isaga guuraan dhammaan Tuuladaan.

“Haween Caruur iyo Dad waayeelo ah oo aanan Awood lahayn ayaa Guryahooda ka cararay ka dib markii la Gubay, waxaana haatan ay joogaan Geedo Hoos tooda, kuwo kalana waxay isaga baxeen Tuulada.”waxaa sidaa u sheegay Warbaahinta Qaranka qof ku sugan Busleey.

Argagixisada Al-Shabaab ayaanan wax sabab ah aanan u sheegin dadka degan degmada Janaale, kaliya marka laga reebo inay arkeen ayada oo la Gubayo Guryihii ay daganaayen.

Arxan laawayaasha Al-Shabaab ayaa horay waxay dab u soo qabad siiyeen deegaano badan oo ka tirsan Gobalka Shabeellaha Hoose, iyagoo Afduubtay Dad badan oo shacab ah, waxaana sidoo kale ay xoog dadka kaga qaateen Xoolihii ay dhaqanayeen.

Eng. Yarisow “Uganda oo naga aqbashay fudueynta Dal-Ku-Galka Uganda”

0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo maalmahan booqasho ku jooga dalka Uganda ayaa kulan la qaatay Ku-Simaha Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Uganda ahna Wasiiru Dowlaha Mr Obiga Kania. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah sida in Soomaalida loo fududeeyo dal-ku-galka dalka Uganda, sharciyada dal-ku-joogista iyo arrimo kale.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa ugu horeyn Wasiirka uga mahadceliyey qaabilaadiisa iyo sida dalka Uganda loogu soo dhoweeyey. Wasiir Yarisow ayaa warbixin kooban ka siiyey Mr Obiga Kania xaalada dalka, iyo horumarka ay dowlada ku tallaabsatay tan iyo 8dii Feberaayo.

Wasiir Obiga Kania ayaa Wasiir Yarisow uga mahadceliyey booqashadiisa, waxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey doorashadii 8dii February iyo sidii sida nabada laheyd oo ay Madaxdu u kala wareegeen Madaxtinimadii. Wasiir Kania ayaa sheegay in Dowlada Uganda ay diyaar u tahay inay sii xoojiso xiriirka wallaaltinimo ee labada dal.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa ka codsaday Wasiir Obiga Kania in Soomaalida loo sahlo oo loo fududeeyo Dal-ku-galka isagoo sheegay in tan iyo intii online laga dhigay dalbashada visaha ay adkaatay helisteeda, iyadoo ardey fara badan oo Jaamicadaha Uganda iska diiwaangeliyey ay ku adkaatay in dal-ku-galkii ay ku helaan waqtigii ay waxbarashadu bilaabaneysey. Sidoo kale Wasiir Yarisow ayaa ka codsaday Wasiir kania in ardeyda Jaamicadaha ka barta Uganda loo fududeeyo sharciyada dal ku joogista (Student Pass). Ugu danbeyntii Wasiir Yarisow ayaa ka codsaday in Soomaalida loo fududeeyo dal ku galka Uganda.

Ugu danbeyntii Wasiir Obiga Kania ayaa sheegay inuu dib u eegis ku sameyn doono oo Soomaalida loo fududeyn doono inay helaan Dal-ku-galka dalka Uganda, isagoo sheegay in Soomaalida ku sugan Uganda ay yihiin dad sharaf iyo karaama leh, bulshada Uganda ay aad u jecelyihiin. Sidoo kale waxuu ballanqaaday in ardeyda loo fududeyn doono student pass.

DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska
media@moi.gov.so

Maamulka Degmadda Hobyo oo soo dhaweeyey Heshiiska dowladdaha Soomaaliya iyo India.

0

Gudooomiyaha Degmadda Hobyo ayaa Si weyn usoo dhaweeyey in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku guuleysatay Heshiis lagu doonayo in dalka loo soo wareejiyo muwaadiniin Soomaaliyeed oo Dalka Dibadiisa ku xiran.

Gudoomiyaha ayaa aad ugu mahadceliyey Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Ra’isul Wasaaraha Dalka oo uu sheegay in ay howl wanaagsan qabteen madaama ay ku guuleysteen in muwaadiniin Soomaaliyeed oo dalka dibadiisa ku dhibanaa loo soo wareejiyo gudaha Dalka Soomaaliya.

Dhanka kale Salaad Xaashi diirshe oo ah Waalidka qaar ka mid ah Maxaabiista ku xiran Dalka India ayaa Soo dhaweeyey Talaabada ay qaaday Dowladda Soomaaliya asagoo xusay in ubadkooda ay halkaas aad ugu dhibanaayeen isla markaana marwalbo xaalad halis ah looga soo sheegi jiray.

Sidoo kale waxa uu sheegay in maxaabiista ku xiran dalka india aysan wada ahayn Burcad Badeed waxa uuna xusay in qaar badan oo ka mida ha ay ahaayeen kaluumeysto lagu xadgudbay isla markaana cadaalad daro lagu heystay.

Degmada Shibis oo u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

0

Habeenka Kow Tobnaad tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka ee uu maamulka gobolka Benaadir taabagelinayo waxaa ku tartamay degmooyinka Shibis iyo Deyniile oo ka wada tirsan gobolka Benaadir

Labada degmo qeybta hore ee tartanka waxaa la weydiiyey min afar su’aal, waxaa la galay nasasho yar, iyadoo kaddib lagu soo bandhigay warbixinnadii taariikhda degmooyinkaas ka hadlayey, waxaa loo gudbay qeybta labaad ee tartan cilmiyeedka.

Natiijada Deyniile

Degmada Deyniile ee gobolka Benaadir, waxaa la weydiiyey toddoba su’aal laba ka mid ah ayeey ka jawaabbeen shan waa ay iska qaldaan, wax ka faa’ideysi ahna ma helin, sidaas ayeey afar dhibcdood ku uruursadeen (4 dhibcood).

Natiijada Shibis

Degmada Shibis ee gobolka Benaadir, waxaa la weydiiyey toddoba su’aal iyaguna, waxa ay si sax ah uga jawaabbeen laba su’aal, hal ka faa’ideysi ah ayeey sidoo kale ka jawaabbeen, shanna waa iska qaldeen, sidaas ayeey ku uruursadeen Shibis Lix dhibcdood ( 6 dhibcood), degmada Shibis ayaana u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka ee bisha Ramadaan.

Habeen dambe waxaa tartan adag uu dhexmari doonaa degmooyinka C/casiis iyo Howl-wadaag oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.

 

 

 

 

 

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug oo si diiran loogu soo dhaweeyay

0
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, halkaasi oo uu kulamo kula qaatay qeybaha bulshada ee magaalada iyo maamulka Gobolka.Wafdiga ayaa markii ay gaareen magaalada Gaalkacyo waxa ay socod ku mareen goobo badan oo lagu soo dhaweeyay, iyagoo markii dambe u gudbay xarunta maamulka Gobolka ee Galmudug, halkaasi oo ay kulan looga hadlayay xaaladda magaalada ay kula qaateen maamulka Gobolka.Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa kula dar daarmay shacabka Gobolka Mudug inay ka shaqeeyaan Nabadda.

Waa socdaalkii labaad ee uu Madaxweynaha Galmudug uu ku tego qaar ka mid ah degmooyinka dowlad goboleedka Galmudug, iyadoo safarkiisa ugu horeeyay ku tegay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud tan iyo markii dhawaan xilka looga caleemo saaray.

Shirweyne looga hadlayay Siyaasadda Dhalliyarada Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

0

Shirweynahan ansixinta siyaasadda  Qaran ee Dhallinyarada ayaa waxaa ka soo qayb galay Ra’iisul wasaare ku Xigeenka xukuumadda Soomaaliya , wasiirka Wasaarada Dhallinyarada, Wasiir ku xigeenka  wasaaradda Dhallinyarada, Wasiirada dowlad Goboleedyada Ururrada Dhalliyarada ,Dhalliyarada Gobolka Banaadir Ururrada Arrimaha bulshda iyo Dhallinyaro ka kala socotay degmooyinka Goblka Banaadir ,

Shirweynahan manta furmay waxaa daah furay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed isagoo sheegay in boqolkiiba todobaatan  iyo Shan ay Dhallinyaro yihiin  Siyaasadda dalkana ay tahay sidii dhalliyarada Soomaaliyeed Wax Badan loogu Qaban laha.

“Dhalliyaradu waa mustaqbalka Berrito waa inay ka tashadaan aayahooda ka dowlad ahaanna waan garab taagannahay wax u qabashada dhalliyarada Soomaaliyeed” Ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed

dhan ka kale waxaa goobta ka hadlay wasiirrad Dowlad Gobolleedyada dalka iyagoo sheegay in ay muhiim tahay in siyaasadda Qaran loo helo Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka Dhalliyarada xukuumadda federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo gaba gabadii goobta ka hadashay ayaa sheegtay in talooyinka wanaagsan ee shirkan ka soo baxa la Uruurin doono  si loo jeheeyo siyaasadda Qaran ee  Dhalliyarada.

Wasiirka Warfaafinta oo booqday xarumaha UBC iyo UCC ee Kampala

0

Kampala, 7 June 2017 – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo booqasho ku jooga magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa booqday xarumaha Warbaahinta Bulshada ee Uganda (Uganda Broadcasting Corporation (UBC) iyo Golaha Warbaahinta & Isgaarsiinta Qaranka ee Uganda (UCC) si uu ugu kuurgalo howlaha muhiimka ah oo ay bulshada Uganda u hayaan si dalka Soomaaliya looga hirgeliyo Warbaahinta Bulshada iyo dhismaha Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliya.

Wasiir Eng. Yarisow oo ugu horreyntii booqday xarunta UBC oo ah Warbaahinta Bulshada Qaranka Uganda ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha xaruntaas oo uu uga warbixiyey xaaladda dalka Soomaaliya iyo gaar ahaan qorsheyaasha Wasaaradda Warfaafinta ee ku aadan sidii loo aasaasi lahaa Warbaahinta Bulshada Soomaaliyeed (Somali Broadcasting Corporation (SBC)) oo uu Xeerka Saxaafada siinayo sharciyadii loo baahnaa.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in abuurista Warbaahinta Bulshada ay muhiim u tahay Soomaaliya, iyadoo sare u qaadi doonta horumarka warbaahinta dalka, gaar ahaan xilli uu dalku isu diyaarinayo xisbiyada siyaasadda oo Warbaahinta Bulshada ay si dhexdhexaad ah ugu adeegi doonta xisbiyada dalka, siyaasadda iyo weliba, iyadoo qeybaha kala duwan ee bulshada fursad loo siin doono lagu horumariyo howlahooda ay bulshada u hayaan.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa sidoo kale intii uu joogey Kampala booqday Xarunta Golaha Warbaahinta & Isgaarsiinta Qaranka ee Uganda (UCC) bacdamaa Soomaaliya ay dhowaan abuuri doonto Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo ka howlgeli doona dhaqangelinta Xeerka Saxaafada isla markaasna la xisaabtami doona warbaahinta dalka iyo suxufiyiinta si loo hubiyo in howlaha ay u gudanayaan si waafaqsan nidaamka iyo shuruucda dalka. Wasiir Yarisow ayaa sheegay in booqashada xaruntan ay muhiim u aheyd si looga faa’iideysto oo loo arko sida ay u howlgalaan, caqabadaha heysta iyo horumarka ay ku tallaabsadeen mudadii ay jireen.

Wasiir Yarisow ayaa u arka booqashada labadan xarumood inay muhiim u tahay horumarka warbaahinta Soomaaliya.

DHAMMAAD