Home Blog Page 1595

Madaxweyne C/weli Gaas”Xafiiska UNSOM wax badan ayuu ka qabtey deegaanada Puntland

0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Madaxtooyadda Garoowe casho sharaf ugu sameeyey wefti uu hogaaminayo madaxa xafiiska UNSOM Puntland Mr. Howard Bell, waxaana ay muhiimadda casho sharaftani ahayd sagootin uu Madaxweynuhu u sameeyey  Mr. Howard Bell oo muddo xiliyeedkii shaqadiisu soo gebogebawdey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa waxaa ku wehelinayey kulankani casho sharafta ah masuuliyiin ka tirsan golayaasha dawlad Goboleedka Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Mr. Howard Bell uu waxbadan ka Qabtay hawlaha xafiiska UNSOM Puntland muddadii uu ahaa madaxa xafiiskaasi, Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in uu kaalin lixaadle ka qaatay hanaankii doorasho ee DFS gaar ahaan kuwii ka dhacayey Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne C/weli Gaas ayaa ku amaanay Mr. Howard Bell inuu yahay shakhsi ku suntan shaqo wanaag, daacadnimo, karti iyo aqoon, isla markaana masuuliyad gaara iska saara sidii uu u dardargelin lahaa una meel marinlahaa hawlihiisa shaqo ee ku aadan fullinta mashaariicaha horumarineed ee hay’adda UNSOM ka fulliso dawladda Puntland.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa madaxii hore ee xafiiska hay’adda UNSOM Puntland Mr. Howard Bell guddoonsiiyey hadiyaddo isugu jirey shahaado sharaf iyo sidoo kale abalmarin ahayd hiddiyo dhaqanka Soomaalida.

Guddoomiye Jawaari “Barlamaannada Afrika waxay isku raaceen wax u qabashada dhallinyarada”

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in ku heshiyeen Baarlamaannada Afrika sidii loo xoojin laha wax u qabshada dhallinyarada Qaaradda ku nool, loogana hortagi lahaa dhibta tahriibka.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa hoosta ka xariiqay in shirka dhawaan lagu soo gabo gabeeyay dalka Koonfur Afrika diiradda lagu saaray sidii dhallinyarada Afrika loo siin lahaa fursado shaqo, looga warqabi lahaa xaaladaha ay ku suganyihiin.

“Waxaa gaar ahaan loo soo qaatay arrimaha dhallinyarada Afrikaanka ah, Qaaradda Afrika waxaa ku badan dhallinyarada, waxayna u baahantahay in si gaar ah loo tixgeliyo, in loo wada duubta sidii dhallinyarada wax loogu qaban lahaa iyo Baarlamaanada Afrika ay dabagal ku sameeyaan Xukuumadahooda waxa loo qabtay dhallinyarada” ayuu yiri Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Booliska Gaalkacyo oo soo qabtay kooxo ka ganacsada maandooriye

0

Ciidamada booliska magaalada gaalkacyo ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa  ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan kooxo muddooyinkii u dambeeyay ay ciidamadu ku raad jogeen, kuwaasi oo ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.

Taliyaha Saldhigga ciidanka Booliiska magaalada Gaalkacyo Dhame Cawil Nuur Rooble ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan oo lagu baadi goobayay kooxaha ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya, waxaana uu intaa ku daray in ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan tiro ka mid ah kooxihi la baadi goobayay.

Taliyaha ayaa sheegey in howlgal ay sameeyeen ciidamada Boolisku ay baaritaano ku hayaan kooxahaasi, islamarkaana talaabo laga qaadi doono.

Ka ganacsiga Maandooriyaha ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey ku soo badanayay magaalada Gaalkacyo, waxana talaabadan ay qaadeen ciidamada Boolisku ay horseedeysaa in ay hoos u dhacaan falalka dhiiragelinaya dhibaatooyin ka dhex dhac bulshada dhexdeeda.

Midowga Yurub oo sheegay inuu bixiyay Mushaaraadka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

0

Kulankaan uu soo qaban qaabiyay Xafiiska Hormarinta Midawga Yurub u qaabilsan Soomaaliya oo ay ka qeyb gashay Safiirka Midawga Yurub u fadhiya Soomaliya Faroonika  loranse, masuuliyiin ka tirsan Dowlada uu mid yahay Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Hormarinta  Dhaqaalaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed G. C/xakiin Daahir Saciid Saacid ayaa maanta lagu qabtay Magalada Muqdisho.

Kulanka waxaa looga hadlay bixinta Mushaarka ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo sii wadida gunooyinka iyo mucaawinadii ay siin jireen Ciidamada Booliska.

Ugu horeyn waxaa kulanka ka hadlay Safiirka Midawga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Faroonika loranse oo sheegtay in ay ku bixiyeen Mushaarka Ciidamada Booliska rag iyo dumar lacag gaareysa Labo Milyan oo Dollarka Mareykanka, iyadoo guul ku tilmaantay dowlada cusub ee Soomaaliya in ay fureen adeegyo hormarineed oo faa’iidooyin badan ay ka heleen shacabka.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaal Maxamed xasan, oo Midowga Yurub uga mahadceliyay sida ay ugu dadaalayaan hormarka ciidamada booliska Soomaliyeed, isagoo sheegay in uu socdo qorshe lagu hormarinayo ciidamada Booliska sida in la siiyo Tababaro aad u sareeya iyo in loo keeno qalab tayo leh.

Intii uu socday kulanka waxaa la soo bandhigay qalab Booliska Soomaliya ka caawin kara sugida amaanka dalka.

Si kastaba kulankaan ayaa ahaa mid waxtar u leh ciidamada booliska Somaaliyeed maadaama la balanqaaday in mushaarka ciidanka booliska la bixiyo bil kasta.

Madaxweyne Farmaajo“Dr. Cabdiraxmaan waxa uu kaalin wayn ka qaatay sare u qaadista magaca Soomaaliya ay ku leedahay Caalamka”

0

Muqdisho, 16 Ogosto 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo xalay ku geeriyooday magaalada San Diego ee dalka Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay Marxuum Cabdiraxmaan diblumaasi ruug caadaa ah oo daadaal iyo wakhti dheer galiyey kobcinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Caalamka.

“Alle ha u naxariistee, Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Barre waxa uu ahaa shakhsi muddo dheer usoo shaqeeyey dalka. Marnaba ma ilaawi doonno kaalinta uu ka qaatay kobcinta maqaamka iyo magaca Soomaaliya ay ku leedahay caalamka.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Marxuum Cabdiraxmaan ayaa dowladdii dhexe kasoo qabtay xilal kala duwan sida Ra’iisul Wasaare K/xigeen, Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo muddo kor u dhaafaysa 10 sano uu soo hayey xilkaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marxuumka Alle uga baryey naxariis iyo dambi dhaaf, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo qaabilay mas’uul ka socday safaaradda Denmark

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa xafiiskiisa kula kulmay Xoghayaha koowaad ahna Qunsulka arrimaha Siyaasadda ee safaaradda Denmark ee Soomaaliya Adam Spliid, kulanka oo ay Agaasimaha Guud ku wehliyeen La-taliyayaal iyo Agaasime Waxaad ka tirsan Wasaaradda ayaa looga hadlay Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

Agaasimaha Guud ayaa warbixin ka siiyay Xoghayaha hawlaha bilooyinkii dambe u qabsoomay Wasaaradda oo ay kamid yihiin kulamada wadatashiga ah ee ay Wasaaradda la yeelatay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Sidoo kale, Mudane Zubeeyr ayaa sheegay in Wasaaradda ay wado qabanqaabada Shir-weynaha Qaran ee lagu daah furi doono Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka oo ay ka soo qaybgeli doonaan dad ka kala imaan doona gudaha iyo dibadda dalka.

Dhanka kale, Agaasimaha ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka go’antahay in Bulshada Rayidka ay door wayn ka qaataan Geedi-socodka oo noqon doona mid ku salaysan daah-furnaan.

Xoghayaha Koowaad ee Saafaradda Denmarka ee Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay warbixinta iyo sida loogu soo dhaweyay Wasaaradda, waxa uuna sheegay in uu la wadaagi doono Safiiradda Denmark ee Soomaalya si ay dawladiisa u taageerto hawlaha ay Wasaaraddu wado.

Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wadashaqayn dhexmarta labada dhinac.

Gudoomiye Jawaari oo ka hadlay shir uu uga soo qeybgalay dalka K/Africa

0

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay,  waxaana garoonka daiyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdishoa ku soo dhoweeyay Mudanayaal ka tirsan golaha shacabka iyo howlwadeennada golaha shacabka.

Prof.  Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo xafiiskiisa kula hadlay Raedi Muqdisho  ayaa sheegay in shirkii gudoomiyayaasha Baarlamaanada dalalka Afrika oo dhawaan lagu soo gaba gabeeyay Dalka Koonfur Afrika uu ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan.

Gudoomiye Jawaari ayaa tilmaamay in sidoo kale uu ka qeyb galay kulan gaar ah oo ay wada yeesheen gudoomiyaasha baarlamaanada waddamada Geeska Afirka oo ku saabsanaa sidii iskaashi u dhex mari lahaa baarlamaannada dalalkaasi.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah gudoomiyayaasha baarlamaannada dalal dhowr oo ay ka mid yihiin Kenya , Uganda, Suudaan iyo Rwanda.

Shirka Gudoomiyayaasha Baarlamaannada Afrika oo ah shir sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa looga hadlaa siyaasadda guud ee sharci dejinta dalalka Afrika iyo arrimaha horumarinta

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Midowga Yurub uga mahadceliyey garab-istaagooda Soomaaliya.

0

Muqdisho, 16 August 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo, iyadoo soo gaarsiisay warqad ay ka siday Midowga Yurub oo dawladda Federaalka loogu caddeynayey garab-istaaga iyo wadashaqeynta buuxda.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ugu horreyn ka mahadceliyey warqada, ballanqaadka iyo taageerada dhinac walba ah ayaa yiri: “Waxaan Safiirada iyo Midowga Yurub uga mahadceliyey warqada qoraalka oo ay ku caddeynayaan sida ay diyaarka ugu yihiin garab-istaaga dhan walba ah. Midowga Yurub waxey 2 Million oo Euro ay ku bixiyeen taageerada Booliiska, halka 2 Million oo kale ay ugu talogaleen in 1000 dhalinyaro ah shaqo loogu abuuro, 300 oo kamid ahna jidka 30ka lagu kabo iyo in Dowlad Goboleedyada la gaarsiiyo qeyb ka mid ah dhaqaalahaas.”

Safiirada Midowga Yurub Venonique Lorenzo ayaa sheegtay in Midowga Yurub ay garab istaagayaan dawladda, warqadan aan Ra’iisul Wasaaraha u keenayna waa caddeyn sida ay nooga go’antahay taageerada dowlada Federaalka. Jawaabtan ayaa ah codsi uu Ra’iisul Wasaare Khayre ka codsaday Midowga Yurub. Safiirada ayaa sheegtay inay kalsooni weyn ku qabaan Dowladda Federaalka iyo madaxdeeda, diyaarna u yihiin inay sii xoojiyaan taageeradooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay safiirada Midowga Yurub in taageeradooda loo isticmaali doono mashaariicda ay Dowladu qorsheysay, iyadoo ay jiri doonto isla xisaabtan dhab ah oo shillin walba meesha uu ku baxo la ogaan doono. Dowlada Federaalka wey ka go’antahay hirgelinta maamul wanaaga iyo isla xisaabtanka.

DHAMMAAD

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Xarigga ka jaray Dhismaha Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

0

Muqdisho, 16, Agoosto, 2017—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Maanta xarigga ka jaray dhismaha Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare oo dib-u- habeyn ballaaran lagu sameeyey, isagoo kormeeray qeybaha xaruntaasi ay ka koobantahay, isla markaana la dar-daarmay shaqaalaha Wasaaradda. Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeyb-galay wasiirro, Xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen Wasaaradda Waxbarashada iyo shaqaalaheeda iyagoo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay muujineyso in Soomaalidu ay wax qabsan karaan, door lixaad lehna ka qaadan karaan dib u dhiska dalka.

‘’Waa inaan u wada guntanaa dhamaanteen dhismaha dalkeena sida maanta idiin muuqata, waxaan xariga ka jarnay Wasaaraddii Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare oo ay dad Soomaaliyeed isku xilqaameen in dib loo dayactiro lana soo celiyo bilicdii ay lahayd”.ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay muhiimadda ay bulshadda Soomaaliyeed u leedahay Wasaaradda Waxbarashadu, isla markaana la doonayo in wax la baro caruurta Soomaaliyeed, si aqoontooda iyo garaadkooda loo kobciyo.

Ugu danbeyn, Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, ayaa sheegay in furitaanka Wasaaraddu ay tahay tallaabo wayn oo muujinaysa dib u soo kabashada amniga dalka taas oo abuuraysa in la horumariyo waxbarashadda, waxuuna balanqaaday in ay si caddaalad ku jirto u maamulayaan howlaha shaqo iyo deeqaha waxbarasho ee wadanku helo, loona qaybin doono dhamaan maamul goboleedyadda, si loo soo celiyo kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed, loona daraynsiiyo muhiimadda dawladnimo.

DHAMMAAD

Cabdiraxman Jaamac Barre oo ku geeriyooday Dalka Mareykanka

0

Alla ha u naxriistee waxaa xalay dalka Mareykanka ku geeriyooday Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Dowladii Dhexe ee Soomaaliya C/raxmaan Jaamac Barre.

Marxuumka oo in muddo ah xanuunsanayay ayaa waxaa uu ku geeriyooday magaalaad San Diego ee gobolka California ee dalkaasi Mareykanka sida ay eheladiisu xaqiijiyeen.

Geerida Cabdiraxman Jaamac Barre ayaa waxaa VOA-da u xaqiijiyey wiilka uu adeerka u yahay Diiriye Maxamed Siyad Barre oo hadda ku sugan gobolka Virginia. Marxuumka ayaa waayadan danbe xanuunsanayey.

Alla ha unaxriistee waxaa uu dalka ka soo qabtay xilal kala duwan, waxaana uu mar ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeen.

Sanadkii 1937 ayuu marxuumka ku dhashey magaalaad Luuq ee gobolka Gedo Da’diisu waa waxay ahayd 79, waa Walaalka madaxweynihii hore ee Soomaaliya  Max’ed Siyaad barre, isagoo inta badan wax barashadiisa aas aasiga ah uu ku qaatay dalka gudihiisa, 1960 ayuu waxbarashada PHD ka diyaariyay Jaamacad ku taala dalka Talyaaniga.

Marxuum C/raxmaan Jaamac Barre ayaa loo magacaabay xilka wasiirka arrimaha dibadda dowladdii Dhexe 1977, isagoo muddo kadib loo magacaabay ra’iisul wasaare ku xigeen 1987.

Waxaa uu ifka kaga tagay 15 Caruur ah kuwaasi oo isugu jira wiilal iyo Gabdho,