Home Blog Page 1594

Taliyeyaasha ciidamada oo soo saaray awaamiir dhinaca amniga iyo digniin cusub (Akhriso)

0

Taliyeyaasha Ciidamada Booliska, Nabadsugida, Milateriga iyo Wasiirka Amniga ayaa caawa soo saaray awaamiir culus oo ku aadan xasilinta Ammaanka Muqdisho, iyagoo u digay cid alla cidii ka hor-timaada in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Shir jaraa’id oo ay wadajir ugu qabteen caawa Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa ugu horeyn hadlay Taliyaha Ciidamada Nabadsugida C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo dareyska ciidanka xirnaa.

Taliye Sanbaloolshe ayaa sheegay in iska hor imaadkii maanta ka dhacay degmada Kaaraan aanu aheyn mid u dhaxeeya ciidamo, balse uu ahaa iska hor imaad dhex maray Ciidamada Xasilinta iyo Kooxo Burcad ah oo rabay inay raashin dhacaan, kuwaasoo uu xusay in gacanta lagu haayo.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in xakameyn fara badan la sameeyo, si looga hortago qaraxyada iyo amni darada, si buu yiri amniga u hagaago.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Milateriga Jen, Cirfiid ayaa isna sheegay in laga baxo dhamaan guryihii ay lahaayeen ciidamada xoogga dalka, isla markaana lagu baneeyo illaa 1-bisha July.

Taliyaha Ciidamada Booliska Jen. C/xakiin Daahir Saacid ayaa sheegay inay wixii hada ka dambeeya ay mamnuuc tahay dareyska ciidamada oo lagu dhex sito magaalada iyo askari hubeysan oo aan fasax heysan.

Waxaa uu xusay in la sameyn doono xafiis 48-ka saac soo socda lagu diiwaan geliyo ilaalada ay wataan Mas’uuliyiinta, isla markaana lagu siiyo aqoonsi iyo dhar gaar ah, sidoo kale aan la ogolaan doonin in magaalada ay ku socdaan ciidan aan aheyn kuwa xasilinta.

Halkan Hoose ka akhriso awaamiirta Ammaanka:-

1. Askarigii Magaalada Muqdisho qori ku dhex wataa tallaabo Sharci ayaa laga qaadaya waana la xiraya.

2. In Talaabo Sharci ah laga qaadayo cidii lagu arki dharka ama Dareeska Ciidanka Xooga Dalka oo aan Taliska ka tirsaneyn.

3. In Ciidan iyo Gaadiid aan Warqad Fasax wadan in aan lagu arki karin gudaha Magaalada Muqdisho.

4. Ciidamada Xasilinta ayaa sugaya amaanka Xarumaha Dowladda iyo amaanka guud ee Caasimada ciidan kale laguma arki karo Muqdisho.

5. In la Faarujiyo oo laga baxo guryaha ay leeyihiin Ciidamada Xooga Dalka ee ku yaalla Muqdisho 1 July ka dib Shacab laguma arki karo Guryaha Ciidamada Xooga.

6. In aan Cid loogu turin Howlgalada Xasilinta Caasimada iyo Hub ka dhigista cidii ka hor timaaddo Sharciga ayaa la horgeynaya.

Degmada Baydhaba oo u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka

0

Habeenkii ugu dambeeyey wareegga koobaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka ee uu maamulka gobolka Benaadir taabagelinayo waxaa ku tartamay degmooyinka Baydhaba oo ka tirsan gobolka Baay iyo Yaaqshiid oo ka tirsan gobolka Benaadir.

Qeybta hore ee tartanka, waxaa labada degmo la weydiiyey min afar su’aal, iyadoo kaddib qeybta nasashada lagu soo gudbiyey warbixinnadii ka hadlayey Taariikhda labada degmo.

Labada degmo ayaa dhammaadka tartanka isku dhinac dhacay oo la yimaadey mid sideed dhibcood, guddiga tartanka ayaa sheegay in loo baahan yahay su’aallo dheeri ah, si loo kala saaro tartamayaasha.

Natiijada Yaaqshiid

Degmada Yaaqshiid ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey toddoba su’aal, waxa ay si sax ah uga jawaabbeen afar su’aal, iyagoo helay siddeed dhibcood ( 8dhibcood).

Degmada Baydhaba

Degmada Baydhaba ee gobolka Baay, waxaa la weydiiyey toddoba su’aal, waxa ay iyaguna ka jawaabbeen shan su’aal oo afar ka mid ah ay toos uga jawaabbeen hal su’aalna ay si ka faa’ideysi ah  uga jawaabbeen, sidaas ayeey ku heleen toban dhibcood (10 dhibcood).

Caawa ayaa la soo gabogabeeyey wareeggii koobaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka, iyadoo habeen dambe lagu bilaabi doono wareegga labaad degmooyinka Warta-nabadda oo ka tirsan gobolka Benaadir  iyo degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweynaha Koonfurgalbeed oo dhagax dhigay garoon laga hirgelinayo Baraawe

0

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya oo gaaray magaalo xeebedka Baraawe ee caasimadda u ah Dowlad goboleed KGS  ayaa waxa ka mid ahaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya,  Guddoomiya Gobolka Shabellaha Hoose, Qunsulka Safaaradda Masar ee Soomaaliya, diblomaasiyin,  ganacsato iyo salaadinta ka soo jeedda KGS.

Ugu horeyn Madaxweynaha KGS iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa booqday goob loogu tala galay in laga dhiso garoon diyaaradeed,  xarunta Madaxtooyada KGS, isbitaalka magaaalda iyo Dekaddii  hore ee Baraawe, waxaana  Madaxweynaha KGS iyo guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ay si Wadajir ah u dhagax dhigeen garoon KMG ah oo ay yeeleneyso magaalada Baraawe.

Dhagax dhigga kaddib ayaa Wafdiga uu hogaaminayay Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya waxaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada, iyadoo munaasabad kooban oo lagu soo dhaweynayay wafdiga Madaxweynaha Koonfurgalbeed lagu qabtay xarunta Madaxtooyada

Suldaan Cali Ibraahim Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka KGS iyo Suldaan Cabdulle Baana-fuusi  ayaa booqashada iyo dhagaxdhigga garoonka ugu mahadceliyay Madaxweynaha KGS Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Gudomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Mudane Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa maamulka Degmada Baraawe iyo ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku amaanay sida ay u sugeen ammaanka magaada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KGS  Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa shegay in magaalada Baraawe uu u soo guuri doono Maamulka KGS  si taasi ay u suurta gashana ay muhiim tahay in Baraawe ay yeelato Garoon ay ku soo dagaan diyaaradah, isagoo sidoo kale sheegay in dhismaha Dekadda Baraawe ay qorshenayan in goordhaw la bilaabo.

Magaalada Baraawe ayaa caasimad u ah Dowlad Goboleedka KGS, iyadoo imanka uu maamulka ku shaqeyo si KMG ah  magalada Baydhabo waaxase la qorshenaya in maamulka KGS uu u soo wareego dhanka magaalada Baraawe.

Mohamed Ali Omar Jubba

Madaxweynaha Puntland oo Ku Dhawaaqay Guluf Dagaaleed oo Ka dhan ah Al-Shabaab

0

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 09 June 2017 shir Jaraa’iid oo uu ku qabtay qasriga Madaxtooyada Garoowe waxaa uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab, kaas oo lagaga safaynaayo Dhammaan Degaanada Puntland.

Dr Cabdiweli ayaa ugu horayn tacsi u diray eheladii, qaraabadii iyo qaran kii ay ka baxeen dhamaan intii ku nafweydey dagaalkii  shalay ay ciidamada  Puntland  la galeen argagixisada Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay degaanka Af-urur, waxaana uu ku bogaadiyey ciidamada Puntland sida geesinimada leh ee ay isaga difaaceen burcad dimeedkaasi Al-Shabaab.

“Sidaad lasocotaan waxaa shalay oo taariikhdu ahayd 08 June 2017 ay burcad dimeedka Al-shabaab kusoo qadeen weerar gaadmo ah tuulada Af-urur iyo xerada Daraawiishta ee Puntland, waxay weerareen dad muslimiin ah, cibaadaysanaya oo ku jira bil Ramadaan, waxaan bogaadinayaa oo amaan u soo jeedinayaa ciidamada Puntland ee sida geesinimada leh dadkooda iyo deegaankooda u difaacay, kuna shahiidey weerarkaas wuxuush nimada ah ee ay soo qaadeen wax matarayaasha Al-shabaab’’  ayuu yiri Madaxweynaha Puntland

‘’waxaan tacsi u dirayaa eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen ciidamada difaacayey dadkooda iyo saldhigooda ciidan, sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa eheladii iyo qaraabadii dadkii shacabka ahaa ee ay ku xasuuqeen tuulada Af-urur sharwada yaashu’’ ayuu yiri Dr Cabdiweli.

Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland ayaa ugu baaqay shacabka reer Puntland meelkastay oo ay joogaan inay u diyaar garoobaan dagaal adag oo ka dhan ah kooxda Ugus ee Al-Shabaab ee kusoo duuley deegaankooda, kaas oo lagaga sifaynayo kooxdaasi dhammaan degaanada Puntland, waxaana uu hoosta ka xariiqay in Puntland iyo shacabkeeduba ay ka wada qeyb qaadan doonaan dagaalkaasi ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inuu magcaabay guddi Wasiiro ah kuwaas oo ka shaqayn doona qiimaynta dhibta dhacday iyo gurmadka dadka wax yeeladu kasoo gaarey dagaal kaasi.

“waxaan shalay magcaabay guddi Wasiiro ah oo soo qiimeeya dhibta dhacday kana qayb qaata gurmadka dadka dhaawaca ah iyo dadkii wax yeeladu kasoo gaartey dhacdadaasi foosha xun’’ ayuu yiri Cabdweli Gaas.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay dawladda Fadaraalka Soomaaliya iyo beesha caalmka inay ku taageeraan dagaalka ay Puntland kula jirto kooxaha argagixisada ah.

“Waxaan ugu baaqayaa Dawladda Fadaraalka iyo beesha caalamka inay nagu tageeraan dedaalka adag ee aan kula jirno ladagaalanka sharwadayaasha usoo tafa-xaytey inay gumaadaan shacbiga Soomaaliyed’’ ayuu hadalkiis ku so gabo gabeeyay Madaxweynaha Puntland.

Tartan Qur’aan akhris ah oo lagu soo gaba gabeeyay Boosaaso

0

Mu’asasada Dacwada iyo Horumarinta ee Alminhaaj qaybta gobolka Bari ayaa si rasmi ah usoo gabagabeysay tartankii Qur’aan akhriska ee Ardayda Magaalada Boosaaso.

Xaflada lagu soo afmeerayay Tartanka Qur’aan Kariimka ee Ardeyda Magaalada Bosaso oo ka dhacday Masjidka Wayn ee Al- Rowda ayaa waxaa abaalmarinno kala duwan iyo lacag cadaan ah lagu gudoonsiiyay ardeydii kaalimaha hore ka galay tartanka.

Tartankaan lagu soo gaba gabeeyay magaalada Boosaaso ayaa ah tartan Qur’aan akhris ah oo sanad waliba bisha Barakeysan ee Ramadaan loo qabto ardayda magaalada Boosaaso, kaas oo ay ardayda ugu saraysa ay ugu gudbayaan tartanka guud ee magaalooyinka Puntland ee ka dhici doona magaalada Garoowe.

Goobta xafladda ayaa waxa ka soo qayb galay dadwayne aad u fara badan, waxaana ugu horayn hadalka lagu soo dhaweeyay Macalin Maxamed C/laahi C/axmaan oo ahaa xubin ka mid ah guddiga Garsoorka Tartanka Qur’aanka , isagoo ka hadlay qaabka ay wax u saxayeen, sidoo kale wuxuu sheegay in dhamaan ardaydii ka gayb gashay tartanka ay ahaayeen arday xul ah oo dadaal dheeraad ah lagu bixiyay Qur’aan baristooda.

Intaa kadib waxa hadalka qaaty Ustaad Cismaan Maxamed Cumar oo ahaa Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada tartanka Qur’aanka ee magaalada Boosaaso, waxa uuna ka waramay tirada ardayda sanadkan tartanka ka qayb qaadatay iyo tirada dugsiyada ay ka kala socdeen, iyo heerarka ay ku kala tartamayeen.

Waxa isna madasha xaflada hadlka qaatay Ustaad Xasan C/laahi Xasan Guddoomiyaha Mu’asasada Al-minhaaj qaybta gobolka Bari, wuxuuna ku dheeraaday ujeedooyinka laga leeyahay tartankan Qur’aanka kariimka ah ee sanad kasta la qabto, waxa uuna yiri isagoo ka hadlaya : “Ujeedooyinka aynu tartankan u qabano waxa ka mid ah inaynu sunada quraanka akhriskiisa, xifdigiisa iyo dhiiri gelintiisa ayaa ah hadafka koowaad ee aynu ka leenahay qabashada tartankan iyo inaynu ogaano halka ay dhalinyaradeenu ka marayaan xifdiga quraanka iyo inay is bartaan dhalinyarada dhigata dugsiyada kala duwan ee magaalada boosaaso, ee ku hawlan xifdiga quraanka kariimka’’.

Sheekh Axmed Yuusuf Daad, oo ah Guddoomiyaha guud ee tartanka Quraanka deegaanada Puntland, wuxuuna ka hadlay habka uu sanadkan noqon doono tartanka Qur’aanka heer Puntland.

Gabagabadii xaflada ayaa halkaasi waxa looga dhawaaqay ardaydii ku guulaysatay kaalmaha 1aad , 2aad iyo 3aad, ee sadexda qaybood ee lagu tartamayay oo kala ahaa 30-ka Jus ee Qur’aanka, 20 Jus , 10 Jus , iyo 5 Jus, iyagoo abaal marinno kala duwan lagu gudoonsiiyay.

Ardayda ku guulaysatayna kaalmaha koowaad ee afarta heer ee lagu kala tartamayay, ee u gudubtay tartanka heer puntland ee Garoowe, waxay kala ahaayeen:

30-ka Jus :-

C/lahi C/kariim Siciid, kana socday Dugsiga Ibnu Baaz.
20-ka Jus:-

1-C/shiid Jaamac Ismaaciil, kana socday Dugsiga Ibnu Baaz..

10-ka Jus:-

1-Khaalid Sh Daahir Awcabdi, kana socday Dugsiga Daru Al-Qur’aan.

5-Ta Jus:-

1-Ibraahim C/laahi Cali, kana socday Dugsiga Daru Al-Quraan.

Daawo Sare kac laga dareemay qiimaha Qudaarta iyo Hilibka ee suuqyada Muqdisho

0

Iyadoo lagu jiro bisha fadliga iyo kheyrka badan ee Ramadan ayaa hadana suuqyada magaalada Muqdisho waxaa laga dareemay sare u kac ku yimid qiimaha la iibiyo Hilibka iyo Qudaarta.

Qaar ka mid ah kuwa hilibka iibiya ayaa Radio Muqdisho u sheegay in sarakaca ku yimid qiimaha hilibka ay sabab u tahay xoolihii loo iib keeni jiray Muqdisho oo yaraaday, maadaama lagu jiro xilligii roobka, islamarkaana ay dadka xoola dhaqatada ah ay dhaqaaleysanayaan xoolahooda wixii uga soo haray abaarti.

Wasiirka amniga oo xalay kormeerray saldhigyada Muqdisho

0

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaalia Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa xalay kormeer ku tegay qaar ka mid ah saldhigyadda booliiska ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kormeerka wasiirka ayaa ku wajahnaa hubinta shaqada Ciimadamada Amniga  waxa uu ka hadlay qorshaha lagu xaqiijinayo ammaanka caasimadda iyo uruurinta hubka sharci darrada ah.

Saldhigyada booliiska ee wasiirku xalay tagey ayaa kala ahaa Saldhigyada  Kaaraan, Waabari, Shibis iyo Xamar Jajab, waxa uu soo indha indheeyay sida shaqadu u socoto, isagoo warbixin o ka dhageystay taliyayaasha saldhigyadaasi.

Wasiirka amniga ayaa sheegay in howlgalka hub uruurinta ah uu qeyb ka yahay qorshaha lagu xaqiijinayo amaanka guud ee caasimadda.

Wuxuu tilmaamay in habeen iyo maalinba ay ciidamadu wadaan howlgallo qorsheysan oo lagu sugayo ammaanka caasimada kaasoo socondoona tan iyo inta laga xaqiijinayo ammaanka guud ee dalka.

Dhanka kale wasiirka amniga ayaa ka tacsiyeeyey dadkii ku geeriyooday weerarkii argagixiso ee shalay ka dhacay tuulada Af urur,  ee buuraleyda Galgala ee gobolka Bari Puntland


Ciidamada Puntland oo si rasmi ah u soo afjaray dagaalki ka dhacay Galgala

0

Ciidamada dowlad goboleedka Puntland ayaa soo afjaray dagaalkii shalay ay maleeshiyaadka Shabaab ku soo tuulada  Af urur ee deegaanka Galgala gobolka Bari.

Xaaladda tuuladaasi ayaa saaka deggan kaddib markii ciidamada Puntland ay xaqiijiyeen ammaanka deegaankaasi, waxaana halkaasi gaaray cutubyo ka tirsan ciidanka Puntland .

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa la sheegay in ay halkaasi ku dileen dad rayid ah oo aan waxba galabsan, sidoo kale waxaa dagaalkaasi ku dhintay ciidamo ka tirsanaa Puntland oo aan tiradooda la sheegan, halka maleeshiyaadki argagixisada ay halkaasi uga carareen meyd farabadan.

Ciidamada dowladgoboleedka Puntland ayaa haatan isu diyaarinaya sidii ay usoo afjari lahaayeen haraadiga maleeshiyaadka argagixisada ah ee ku dhuumaaleysanaya buuraleyda Galgala ee gobolka Bari.

C/casiis oo u gudubtay wareegga labaad ee tartan çilmiyeedka warbaahinta Qaranka

0

Habeenkii laba iyo tobnaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, isla markaana uu maamulka gobolka Benaadir taabagelinayo, waxaa ku tartamay degmooyinka C/casiis iyo Howl-wadaag oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.

Qeybta hore labada degmo waxaa la weydiiyey afar su’aal degma kasta, waxaa kaddib la galay qeybta nasashada oo iyaduna lagu soo gudbiyey warbixinnadii ka hadlayey taariikhda labada degmo ay ku leeyihiin gobolka Benaadir.

Natiijada Howl-wadaag

Degmada Howl-wadaag ee gobolka Benaadir, waxaa la weydiiyey toddoba su’aal, waxa ay si sax ah uga jawaabbeen hal su’aal, laba si ka faa’ideysi ah ayeey u haleelleen, waxa ayna uruursadeen Lix dhibcood ( 6 dhibcood)

Natiijada C/casiis

Degmada C/casiis ee gobolka Benaadir waxaa iyaduna la hordhigay toddoba su’aal, waxa ay ka jawaabbeen laba su’aal shan waa ay qaldeen laba kale si ka faa’ideysi ah ayeey uga jawaabbeen sidaa darteed waxa ay heleen siddeed dhibcood ( 8 dhibcood), degmada C/casiis ayaana nasiib u yeelatay in ay u gudubto wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka.

Habeen dambe waxaa tartan adag uu dhexmari doonaa degmooyin Baydhaba oo ka tirsan goboka Baay iyo Yaaqshiid oo ka tirsan gobolka Benaadir.

Wareegga koobaad ee tartan Cilmiyeedka warbaahinta Qaranka habeen dambe ayaa la soo gabo-gabeyn doonaa INSHA ALLAAH.

 

 

Golaha Wasiirada oo anixiyey miisaaniyadda dowladda ee 2017-ka

0

Muqdisho, 8, June, 2017….Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre, waxana looga hadlay arrimo kala duwan oo kamd yihiin, ansixinta Miisaaniyadda sanadkan 2017, mowqifka Soomaaliya ee xiisadda diblamaasiyadeed ee gacanka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran dalal dhowr ah.

Ugu horeyntii Golaha Wasiirada ayaa ka dooday xisaab xirka miinasaaniyaddii hore iyo meel marinta miisaaniyadda 2017, waxana goluhu isku raacay ansixinta miisaaniyadda cusub oo ka kooban $246 Malyuun oo dollar, taasi oo dawladdu ku shaqeyn doonto inta ka dhiman sanadkan.

Golaha Wasiirada Xukuumadda ayaa sidoo kale ka dooday mowqifkii dawladdu ay ka qaadatay khilaafka diblamaasiyadeed ee u dhexeeya Qatar, Sucuudiga iyo dalalka Carbeed ee isbahaysiga la ah, waxana goluhu taageeray goaanka dhex dhexaadnimada ah ee dawladda Soomaaliya ka qaadatay arrinkaas, iyagoo bogaadiyey dadaalada socda ee xalka loogu raadinayo khilaafka labada dhinac.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa walaac ka muujiyey xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee Yaman iyo dhalinyarada ku xirran Liibiya, waxana goluhu sheegay in uu ku dadaali donaan sidii wax loogu qaban lahaaa samatabixinta dadkaas oo dhibaatooyin kala duwan haystaan. Sidoo kale waxaa Golaha Wasiiradu soo dhaweeyeen dhaqan gelinta heshiiskii dawladda Soomaaliya iyo Hindiya ku gaareen in dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkaas ku xiran dib loogu soo celiyo dalkoodii hooyo.

—-DHAMMAAD—-