Home Blog Page 1594

Argagixiso lagu toogtay Dalka Spain

0

Wararka  laga helaayo  Dalka Spain ayaa sheegaya in Howlgal ballaaran oo ay sameeyeen Ciidamada Booliska Dalkaasi ay ku toogteen 5 qof oo la sheeegay in ay wateen waxyaabaha qarxa, kuwaasi oo qeyb ka ahaa weerar loo adeegsaday gaari Dad la jiirsiyay.

Howlgalkaasi ayaa ka dhacay degmada loo dalxiistago  ee Cambrils, taasi oo kutaala Koonfurta magaalada  Barcelona ee xarunta dalka Spain.

Mas’uuliyiinta Maamulka  gobolka Catalonia ayaa sheegay in booliska Cambrils uu rasaas furay kaddib markii ay arkeen dadka weerrarka soo qaaday oo gaari jiirsiinaya dad marayay wadada hareeraheeda halkaasi oo ay ku dhaawacmeen ilaa 7 ruux oo shacab ah.

Saraakiisha Ammaanka dalkaasi Spain ayaa sheegay in falkani uu daba socodo,weerrar ay dad badan ku dhinteen kaasi oo xalay ka dhacay magaalada caasimadda u ah ee dalkaasi ee Barcelona.

Weerarkaasi waxaa ku geeriyooday dad gaaraya ilaa 13 qof halka ay ku dhaawacmeen 100 qof oo kale.

Warbaahinta caalamka ayaa baahinaysa in kooxaha argagixisada Daacish ay ku faaneen  gumaadkaasi shacab ee ka dhacay dalka Spain.

Ciidamada booliska ayaa xabsiga u taxaabay qof laga shakiyay, inkastoo aann la xaqiijin weli in uu gaarigaasi ku lug lahaa iyo in kale.

Sidoo kale booliska ayaa magacaabay qof labaad oo laga shakisan yahay oo ay ku sheegeen inuu asal ahaan ka soo jeedo Waqooyiga Afrika, kaas oo ay rumaysan yihiin inuu gaariga soo kiraystay.

Madaxweyne C/weli Gaas”Shacabka Puntland ha ilaashadaan nabadda iyo amnigooda

0

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka  Puntland Dr. Cabdiwali Maxmed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo  ayaa safar ugu ambabaxay  dalka Boqortooyada Sucuudiga, Safarka Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa ujeedada safarkooda waxaa uu la xiriira sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadka Xajka.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka  Puntland kula dardaarmay inay Ilaashadaan nabad gelyadooda iyo xasiloonidooda, isla markaana ay la shaqeeyaan ciidamadooda sugaya amaankooda, Madaxweynaha ayaa sidoo kale Alle ka baryey inuu nabad kusoo celiyo, dalka oo nabadana ay dib ugu soo laabtaan.

Weftiga Madaxweynaha oo ka dhoofay magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku wehelinaayey safarka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, iyo Murwadiisa iyo sidoo kale  mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada  Puntland, waxaana Madaxweynaha iyo weftigiisa garoonka diyaarada Boosaaso kusii sagootiyey maamulka gobolka Bari iyo degmada Boosaaso, taliska qeybta gobalka bari iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka hor inta aanu safrin lahadlay warbaahinta, ayaa sheegay faah faahin ka bixiyay ujeedka safarkiisa.

Waxaan  u ambabaxaynaa dalka Sacuudiga oo aniga iyo guddomiyihii Baarlamaanka Puntland iyo ummad kale oo reer Puntland-ah aanu u aadayno gudashada waajibaadka Xajka, Illahay waxaan ka baryayaa inuu naga aqbalo gudashada waajibaadka Xajka dhammaantayo, Insha Alla haddaanu tagnan, waanu soo ducaynaynaa in Illahay dalkayaga nabad noogayeelo, In Illahay horumarka iyo wanaagga noo siyaadiyo, In Illahay wixii dhib ah oo jira naga dulqaaado oo noo fududeeyo’’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawlad Goboleedka  Puntland ayaa ummaadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka  Puntland ka dalbaday inay usoo duceeyaan isaga iyo weftigiisa, isla markaana ay soocafiyaan, soona saamaxaan cid kasta oo wax tabanaysa haddii ay jiraan.

Xaaladda deegaanka Xeraale oo saaka deggan kaddib dagaal shalay ilaa xalay ka dhacay

0

Wariye C/kariin Axmed Bulxan oo Radio Muqdisho uga soo warama degmada Cabuudwaaq ayaa soo sheegaya in xaaladda deeganka Xeraale ay saaka deggantahay kaddib dagaal culus oo shalay ilaa xalay halkaasi ka dhacayay,  kaasoo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo maleeshiyaadka Ahlusunna.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii ay guul darreysteen wadahadallo u dhaxeeyay labada dhinac, waxaana xusid mudan in dadkii ku noolaa deegaankaasi ay hore uga barakaceen, lamana oga qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, waxaase la rumeysanyahay in qasaaraha ugu badani uu soo kala gaaray maleeshiyaadka halkaasi ku dagaalamaya.

xigasho: radiomuqdisho

Wasiirka Warfaafinta oo ka qeybgalay casho sharaf Muqdisho loogu sameeyey dalxiisayaal ka yimid China

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeybgalay casho sharaf loo sameeyey 27 dalxiisayaal Shiine ka yimid oo Muqdisho ku sugnaa maalmahan.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa u mahadceliyey shaqsiyaadkii suurtageliyey in 27ka Shiinaha ah inay Muqdisho u soo dalxiistagaan oo welbia geeyey goobo fara badan sida Liido, Jaziira, Xamarweyne, Tiyaatarka iyo goobo kale. Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa shaqsiyaadkii suurtogeliyey dalxiisayaashan Shiinaha ah ee keenay Muqdisho, tanoo ah tallaabo ku dayasho mudan, noogana baahan inaan caalamka tusno in Soomaaliya ay tahay dal nabad ah oo dalxiisayaasha caalamka ay iman karaan.”

Wasiir Eng. Yarisow oo la hadlay dalxiisayaashan ayaa yiri “Soomaaliya waxey ahaan jirteen dal ay caalamku u soo dalxiistagaan, waxaana idinka rabnaa inaad noqotaan safiiro noo suurtogeliya in dalxiisayaal kale ku soo dhiiradaan oo yimaadaan dalka, bacdamaa ay Soomaalidu ku wanaagsantahay soo dhoweynta, abuurista ganacsiga iyo iyadoo cimilada iyo goobaha dalxiiskaba ay diyaar u yihiin soo dhoweyntiina.”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa dalxiisayaasha u sheegay in Muqdisho ay ka furnaan jireen Makhaayado Shiinees leeyihiin oo caan ku ahaa raashinka Shiinaha, haddana ka codsaday dalxiisayaasha inay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dastuurka oo la kulmay Sarkaalka Arrimaha Siyaasadda ee Safaaradda USA

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa maanta la kulmay Elizabeth Shackelford oo ah Sarkaalka Arrimaha Siyaasadda ee Safaaradda Mareykanka (U.S. Mission to Somalia).

Labada mas’uul waxa ay ka wada hadaleen horumarka baaxadda leh ee muddo aad u yar gudaheed laga gaaray arrimaha Dastuurka gaar ahaan dhanka latashiyada qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ka qeybgelin loo dhanyahay ee ku aadan hanaanka dib u eegista Dastuurka.

Mudane Zubeeyr oo warbixin ka siiyay Elizabeth hawlaha ay Wasaaradda qabatay ayaa sheegay in Wasaaraddu ay diiradda saartay sidii loo heli lahaa fikradaha shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka, islamarkaana Wasaaraddu ay sameeysay kulamo wadatashi ah oo qaarkood ku qaabsoomay caasimadaha Dawlad Goboleedyada.

Elizabeth waxey aad u bogaadisay dadaalka ay Wasaaradda wado taasoo aad u soo jiidatay dhammaan indhaha iyo niyadda shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caala

mka, sidoo kale waxa ay sheegtay in shirka Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ee ka dhici doona dabayaaqada bisha September magaalada New York ee dalka Mareykanka qeyb ka mid ah looga hadli doono arrimaha siyaasadda Soomaaliya gaar ahaan Dastuurka.

Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyay Elizabeth iyo Safaaradda Mareeykanka ee Soomaaliya sida ay u daneeynayaan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

Guddoomiyaha G/Banaadir Taabit oo sharraxaad ka bixiyay wax-yaabihii u qabsoomay

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed,ayaa maanta sharaxaad ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay  Maamulka Gobalka iyo  qorshayaasha kutalagal ah ee la doonayo  in laga hirgaliyo Caasimadda Muqdisho.

Guddoomiyaha oo maanta ka qeybgalay kulanka golaha wasiirada  Xukuumada Soomaaliya oo uu shir gudoominaaye Ra’isul Wasaaraha Xukuumada  Mudane Xasan Cali Kheyre,ayaa xusay in  Maamulka Gobolka Benaadir uu u qabsoomay wax badan oo dhaxalgal ah.

Mudane Taabid,waxa uu qiray in la hirgaliyay  qorshayaal muuqda islamarkaana aan Caasimada horey looga qaban ,wuxuuna ka codsaday Dowlada Dhexe ee Soomaaliya in Maamulka Gobolka Banaadir loo kordhiyo dhaqaalaha soo gala  si  loo xaliyo howlaha Ballaraan ee maamulka hor yaalla.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir waa markii ugu horreysay ee uu Golaha Xukuumadda hor-dhigo Hiigsiga caasimadda iyo muujinta lakabyada  uu leeyahay isla xisaabtanka,isagooo soo bandhigay qorshe cusub oo lagu casriyeynayo Muqdisho.

7 kamid ah Al-shabaab oo xalay lagu diley degmada Jilib

0

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa amrey howlgal gaar ah oo lagu diley todobo kamid ah maleeshiyaadka Al-shabaab oo ku sugnaa degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe.

Howlgalka oo dhacay xalay ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidanka Kumandooska Soomaaliya oo kaashanaya kuwa saaxiibada caalamka.

”Ciidankeena amniga ayaa diley todobo kamid ah maleeshiyaadka argagaxisada Al-shabaab oo ay ku jiraan horjoogiyaal sare oo mas’uul ka ahaa qaraxyo badan oo ka dhacay magaalada Muqisho,” ayuu madaxweynaha ku yiri war qoraal ah.

Warkan, ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweyah jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ay ka go’an tahay  ciribtirka Al-shabab awooda ay u leyihiin in ay fuliyaan weerarada macnada darada ah oo ay la beegsanayaan shacabka Soomaaliyeed, bulshada bariga Afrika iyo guud ahaan caalamka.

Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey Sharicga La Dagaalanka Argagaxisada, laguna go’aamiyey in Dhabaha Diyaaradaha ku soo degaan 150 mitir aan la degi karin iyo arrimo kale.

0

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Sharciga la Dagaalanka Argagaxisada, go’aan laga gaaray dhismayaasha u dhow dhabaha diyaaradaha ku soo degaan, warbixino laga dhageystay Guddoomiyaha Gobolka Benadir iyo Hanti-Dhowrka Guud ee Qaranka iyo arrimo kale.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada oo sheegay si garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Adan Cadde uu u noqdo mid hela aqoonsiga caalamiga ah loo baahanyahay in la banneeyo 150 mitir dhan walba ee dhabaha diyaaradaha ku soo degaan (runway). Dood dheer ka dib, Golaha Wasiirada waxey go’aamiyeen in si deg-deg ah looga guuro oo loo banneeyo 150 mitir.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, ahna Duqa Muqdisho, Mudane Taabit Cabdi Maxamed ayaa Golaha Wasiirada siiyey warbixin ku aadan horumarka 100kii maalmood ee Maamulka Gobolka uu ku tallaabsaday sida xasilinta amniga, nadaafada, dhismaha waddooyinka sida 30ka, Xawo Casir, awood-siinta dumarka, dhiirigelinta dhalinyarada, is-dhexgalka bulshada, daahfurka aragtiwadaaga Maqaamka Muqdisho iyo arrimo kale. Golaha Wasiirada ayaa Guddoomiye Taabit ku ammaanay dadaalkiisa una ballanqaaday wadashaqeyn buuxda oo dhanwalba ah.

Hanti-Dhowrka Guud Mudane Maxamed Maxamud Cali ayaa warbixin kooban ka siiyey Golaha Wasiirada xaalada xafiiskiisa, qorsheyaasha uu rajeynayo inuu ku horumariyo xafiiska. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyada la dagaalanka musuqmaasuqa, kuna amray Hanti-Dhowrka Guud inuu qaado tallaabo kasta oo lagula jihaadayo la dagaalanka musuqmaasuqa si loo helo isla xisaabtan dhab ah.

Golaha Wasiirada ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyey Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Argagaxisada oo Wasiirka Amniga uu Golaha horey ugu soo gudbiyey. Sharicgan ayaa muhiim u ah soo celinta amniga, nabadeynta iyo ciribtirka kooxaha argagaxisada ah oo shacabka dhibaatooyin u geysta.

Golaha Wasiirada ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedyada Batroolka iyo kan Istaatiistikada oo Wasiirada Batroolka iyo Qorsheynta ay warbixno kooban ka siiyeen Golaha Wasiirada muhiimada sharciyadan. Golaha ayaa soo akhrisan doona sharciyadan si kulamada danbe looga doodo, loona ansixiyo.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Golaha siiyey warbixin la xiriirta waxqabadkii 100kii maalmood ee Xukuumada ugana mahadceliyey Golaha Wasiirada dadaalkoodii dhaxalgalka ahaa oo suurtogeliyey in muddo kooban ku qabsoomaan howlo fara badan oo muhiim u ah dalka. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ka codsaday Golaha Wasiirada inay ka howlgalaan qorsheyaashooda 9ka bilood ee soo socda.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa ka tacsiyeeyey Geeridii Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo dalka xilal kala duwan ka soo qabtay horeyna u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda, Wasiirka Maaliyada iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeen. Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa sheegay inuu socdo wadahadal qoyska oo looga hadlayo in Meydka la keeno Muqdisho si aas qaran loogu sameeyo iyo in kale.

DHAMMAAD

Rooboow maxay shacabka iyo Dowladdu ka filayaan? {FAALLO}

0

Inta aanan guda galin dulucda Faallada bal marka hore aan wax ka xusno waan Nin ceynkee ah Shiikh Mukhtaar:-Sheekh Mukhtaar Cali Rooboow Naaneysta uu Kooxdiisu hore ku lahaa ayaa aheyd Abuu-Mansuur, inta aysan is khilaafin waxaa uu ahaa Guddoomiye ku xigeenka Kooxda Al-shabaab, waxaa uuna ka mid ahaa aas-aasayaashii Kooxdaasi, balse waxa uu u soo noqday Afhayeen, waxaana lagu tilmaamaa in uu yahay midka kaliya ee ka nool Madaxdii Ururkaasi aas-aastay, isagu waxa uu tababar ku soo qaatay Wadanka Afqanistaan.

Dowladda Mareykanka ayaa Shiikh Mukhtaar ku dartay Liiska dadka la dul dhigay Madaxooda 6-dii bishii June sanadkii 2012-kii, waxaana ka mid ahaa dadkaasi Hoggaamiyihii hore ee Kooxdaasi Axmed Godane, Ibraahim Afqaan, Fu’aad shongole iyo Rag kale, balse markii dambe waa laga saaray Shiikh Mukhtaar Liiskaasi, kaasi oo ahaa codsi ay Dowladda Federaalka Soomaaliya soo jeedisay.

Dadweynaha Soomaaliyeed aayaa aad isu weydiiayay islamarkaana sugayay hadalka ku saabsan aayaha dambe ee Shiikh Mukhtaar, balse shalay ayuu ka soo muuqday Hotel ka mid ah Hoteelada Magaalada Muqdisho, waxa uuna halkaasi ku qabtay Shir jaraa’id, kaasi uu ku caddeeyay in uu ka baxay kooxdaasi, isagoo tilmaamay inuu soo kala dhex galay Qilaaf ku salaysan Caqiidada.

Sheekh Muqtaar ayaa yiri “Waxaan u cadaynayaa dhammaan Umadda Soomaaliyeed iyo Caalamka inaan ka baxay xubina ka ahayn Al-Shabaab Mudo Shan Sano iyo Todobo Bilood ka hor, sababta aan uga baxayna ay tahay, kala duwanaan faham iyo khilaaf Caqiiddo ku qotoma oo ku saabsan Arrimo aanan Diinta Dadka iyo Dalka u adeegayn.”

Sheekha ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Dowladda Sooomaaliya iyo Saaxiibada Beesha Caalamka kaalintii ay ku lahaayeen in heerkaan ay wax soo gaaraan, waxaana uu intaa ku daray inuu wada hadal u socdo dowladda oo uu marti ugu yahay Magaalada Muqdisho, isagoo rajeeyay in Wadahadalkaas is-faham waxgal noqda ay ku soo dhammaadaan.

Ugu dambayntii Sheekh Muqtaar ayaa mar kale uga mahad celiyay dowladda, Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda sida diiran ay ugu soo dhooween Magaalada Muqdisho, isagoo rajo ka qaba inuu u gogol xaaro nabad waarta.

Hadalkii Shiikh Mukhtaar kadib waxaa iyana War-saxaafadeed soo saaray Xukuumadda Soomaaliya waxaana lagu yiri:- “Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa aasaas u ah in shakhsigii ka waantooba falalka argagaxisnimada ah, doonayana inuu ka qeyb qaato nabadeynta dalka in lasoo dhaweeyo,sidaasi darteed, Dowlada Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa Mukhtar Roobow Cali oo Muqdisho jooga, xaqiijiyeyna inuu ka baxay kooxda Al-Shabaab”.

War-saxaafadeedka waxaa kaloo lagu xusay in iyada oo laga duulayo cafiskii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ay dowladdu ballanqaadeysaa inay soo dhoweyneyso cid walba oo ka tanaasusha fikirka Al-Shabaab.

Dowlada Federaalku waxay u mahad u celisay cid walba oo ka qeybqaadatay, kaalinna ka geysatay wadahadalka lala wado Roobow, gaar ahaan bulshada qeybaheeda kala duwan iyo saaxiibada Beesha Caalamka.

Dhinaca kale War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu amaanay dadaalada dowladda Soomaaliya ay ka geysatay in uu isku soo dhiibo dowladda federaalka Soomaaliya Sh. Mukhtaar Roobow.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay taageereyso qorshaha Soomaaliya ay hoggaaminayso oo lagu bahdilayo saameynta Al-shabaab, isla markaana lagu sameynayo is-faham iyo isku soo dhowaansho, taasi oo ay ka mid tahay isu soo dhiibidda xubnaha sar sare ee Al-shabaab, dib-u-heshiisiinta, kor u qaadista dowladnimada iyo gaarsiinta adeegyada bulshada.

Warkaasi ka soo baxay Dowladda Mareykanka waxaa uu dowladda Soomaaliya ku boorinayaa in ay sii waddo dadaalada jidka u xaareya in xubnaha Al-shabaab ay diidaan falalka guracan ee argagaxisada ku saleysan, kuna soo biiraan nabad dhisidda iyo barwaaqeynta guud ahaan Soomaaliya.

Shariif Xasan Shiikh Aaden Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa isna sheegay Maanta in Mukhtaar Rooboow tallabada uu qaaday ay tahay mid lagu farxo, wuxuuna intaasi raaciyay in uu aqlabay dhammaan dalabyadii ay u soo jeedisay Dowladda soomaaliya, waxaa kale ee uu ku tilmaamay arrintaasi guul u soo hoyatay Shacabka soomaaliyeed.

Haddaba maxaa laga filaa Shiikh Mukhtaar Rooboow maadaama uu hadda ku sugan yahay Magaalada Muqdisho, maxayse u taraysaa Dowladda Soomaaliya?, su’aalahaasi ayaa jawaabahooda u dhacayaa in Rooboow looga baahan yahay in uu dagaal dhab ah la galo Kooxdiisii hore, kana qeyb qaato gulufka lagu ciribtirayo Maleeshiyaadkaasi, tan kale Dowladda wax weyn ayuu u tarayaa maadaam uu ahaa Madax ku xigeenkii Ururkaasi, islmarkaana dagaal uu dhex maray Ciidankiisa iyo kuwa Al-shabaab.

W.Q:- C/llaahi Ruush

600 qof oo muhaajiriin ah oo laga badbaadiyay

0

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ciidamadeeda oo kamid ah howlgalka Midowga Yurub ee ilaalada biyaha caalamiga ah, ay bad baadiyeen ilaa 600 qof oo muhaajiriiin ah Afrikaan ah, kuwaasi oo u tahriibayay Qaaradda Yurub.

Ciidamada  badda ee dalka Spain oo watey 15 maraakiib, dooman iyo diyaarado ayaa ku guuleystay in ay bad baadiyaan dadkaasi oo ka soo safray Qaaradda Afrika, kuwaasi oo soo marey wadanka Maroco oo deris dhow la ah wadanka Spain.

35 kamid ah dadka la bad baadiyay ayaa ahaa carruur aad u yer yer,waxaana la rumeysan yahay in badda ay ku hafteen ama ay ku dhinteen ilaa 120 qof oo kale.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in  muhaajiriin gaaraya 9,000 oo qof ay gaareen dalka Spain sanadkan gudihiisa.

Hay’adda caalamiga ah ee socdaalka adduunka IMO ayaa sheegtay in 100,000 qof oo tahriibayaal ah ay ka soo gudbeen dalka Liibiya, kuwaasi oo gaaray wadanka Talyaaniga, tan iyo bilowgii sanadkan.

IMO ayaa intaasi ku dartay in dad gaaraya 2,242 muhaajiriin ah ay ku dhinteen intii lagu guda jirey howlaha tahriibka ilaa horaantii sanadkan, ayadoo bishii June 5,000 oo qof laga soo bad baadiyay badda Mediterraneanka ee isku xirta Qaaradaha Afrika iyo Yurub.