FAALLO: Safarkii Xag-jirnimada

Date:

Muqdisho(SONNA)- Warbixin ay Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca Horumarinta ee UNDP soo saartay ayay ku sheegtay in sababaha ugu weyn ee dhallinyarada Afrika ku riixaya in ay ku biiraan kooxaha xagjiriinta ah ay ugu wacan tahay saboolnimada, shaqo la’aanta iyo fursadaha nolosha oo aan soo gaarin.

Warbixintan oo ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah oo ay soo saarto Hey’adda UNDP ee QM u qaabislan dhanka mashaariicda horumarinta, ayaa lagu soo bandhigay kulan ka dhacay magaalada Newyork ee xarunta QM, taasoo ay ku tilmaanatayXog uruurin iyo wareysi lala yeeshey ,ilaa 495 dhallinyaro ah oo ku biiray UIrurada Alshabaab oo jooga Soomaaliya iyo Boko Haram oo iagu ka howgala Dalka Nayjeeriya, taasi oo hey’adda UNDP wadday muddo ku dhow 2 sano, ayaa muujinaysa in sababaha ugu badan ay ka mid yihiin duruufo badan, sida iyagoo ka baqaya in loo awood sheegto ama dhibaatooyin kale.

Warbixinta ayaa sheegtay in ilaa 6 wadan oo ka mid ah Africa ay saameeyeen rabshadaha argagixisanimada ku dhisan, waxaana ka mid ah, Burkina Faso, Cameroon, Côte d’Ivoire, Nigeria, Somalia iyo Uganda sida daraasaadkaasi lagu sheegay, waxayna Warbixintu baaq loogu soo jeediyay Dowladaha in ay dib u eegis ku sameeyaan howlgalada millitary ee dhacaya, si looga gaashaanto, xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Warbixinta ayaa aad loogu xusay in Dhallinyarodu helin fursado wax barasho, islmarkaana ay jiraan dhibaatooyin kale oo ka dhashey dhaqaale la’aan qoysaska, taasi oo u sahlaysa in dhallinyarada looga faa’idaysto arrimahaasi oo is biirsaday.

Agaasimaha hay’dda UNDP Abdoulaye Mar Dieye oo warbixintaasi ka jeediyay xarunta QM ee magaalada Newyork ayaa sheegay inta badan bulshooyinka ku nool Qaaradda Africa ay ku nool yihiin nolol aad u hooseysa, wuxuuna si toos u ah u sheegay in ay bar bar socdaan sida uu sheegay shaqo la’aan baahsan oo heysata dhallinyaradda wadamada Afrika intooda badan.

Warbaxinta ayaa loogu magic daray Safarkii Xagjirnimada ayaa xog ururinta ayaa saldhig u ahaa su’aalaha ku aadan, duruufaha qoysaskooda,fursadaha koriimada iyo Waxbarashada iyo aqoontoodi diimeed iyo fikrad ahaan wax ay aaminsan yihiin, kuwaasi oo qeyb ka ah wax yaabaha horseeda in dhallinta ku nool wadamada Aftica ay kooxaha hubaysan ay ku biiraan.

Hey’adda UNDP ayaa sheegtay in dad lagu qayaasayo 33,300 qof ay naftoodi ku waayen rabshadaha Argagixisanimo, intii u dhexeysay 2011 ilaa 2016 ,weerarada Bokoharaam kaliya ayaa waxaa ay sababeen dhimashada 17,000 iyo barakacaya 2.8 milyen kuwaasi oo u qaxay waddamada deriska ah, iyadoo dhinaca kalena ku xustay Warbixintu Wadamada Kenya iyo Nigeria ayaa la sheegay in sidoo kale rabshadahaasi hubeysan ay saameeyeen dalxiiskii iyo maalgashigii tooska ahaa ee Wadamada dibadda uga imaanayay.

Haddaba maxaa laga dhaxli karaa Warbixintaa ay soo saartay UNDP-da?, waxaa dhab ah in Dhallinyarada qaarkood ay u galaan Xag-jirnimada duruufo kala gadisan oo ay ka mid yihiin Waxbarasho la’aan, shaqo la’aan, nolosha oo ay la qabsan waayeen iyo kuwa kale, waxaa looga fadhiyaa Dowladda dhexe iyo Maamul-goboleedyada in ay dhallinta u abuuraan Waxbarasho lacag la’aan ah, siiyaanna fursado shaqo iyo waliba dhinaca diinta oo laga wacyi galiyo, waana socotaa oo waa tii uu Raiisul-wasaaraha Dalka ku amray Guddoomiyaha Gobolka banaadir inuu shaqo siiyo in ka badan Kun Dhallinyado ah.

Waa dhab in haddii dhallinta loo abuuro furasdahaasi ay kooxaha xag-jiriintu aysan duufsan Karin dhallinta, kuwa hadda ku jiraana ay ka soo bixi lahaayeen, tani ayaa haddii ay suurogasho waxaana so af-jarmaya lahaa Safarkii Xag-jirnimada iyo tahriibta, taasi oo ay og yihiin khatarta ay ku jiraan iyo dhibta ka soo gaari karta intaba.

W.D: C/laahi Ruush

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...