Hey’adda UNDP oo soo saartay daraasaad ku saabsan xag-jiriinta

Date:

Muqdisho(SONNA) Hey’adda UNDP ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa soo saartay Warbixin cusub oo ay ku sheegtay in sababaha ugu weyn ee dhallinyarada Afrika ku riixaya in ay ku biiraan kooxaha xagjiriinta ah ay ugu wacan tahay saboolnimada, shaqo la’aanta iyo fursadaha nolosha oo aan soo gaarin.

Warbixintan oo ah  tii ugu horreysay ee nooceeda ah ay soo saarto  Hey’adda UNDP ee QM u qaabislan dhanka mashaariicda horumarinta, ayaa lagu soo bandhigay kulan ka dhacay magaalada Newyork ee xarunta QM.

Xog uruurin iyo wareysi lala yeeshey ,ilaa 495 dhallinyaro ah oo ku biirey Alshabaab iyo Boko Haram, taasi oo hey’adda UNDP wadday muddo ku dhow 2 sano, ayaa muujinaysa in sababa ugu badan ay qeyb ka yihiin duruufo badan sida iyagoo ka baqaya in loo awood sheegto ama dhibaatooyin kale.

Wakaaladda wararka SONNA oo soo xiganaysa warbixnta UNDP ayaa sheegtay in ilaa 6 wadan oo kamid ah Africa ay saameeyeen rabshadaha argagixisanimada ku dhisan, waxaana ka mid ah, Burkina Faso, Cameroon, Côte d’Ivoire, Nigeria, Somalia iyo  Uganda sida daraasaadkaasi lagu sheegay.

Warbixinta waxaa baaq looga soo jeediyay Dowladaha in ay dib u eegis ku sameeyaan howlgalada millitary ee dhacaya, si looga gaashaanto, xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Warbixinta ayaa aad loogu xusay in Dhallinyarodu helin fursado wax barash,o waxaa sidoo kale jira dhibaatooyin kale oo ka dhashey dhaqaale la’aan qoysaska, taasi oo sahlaysa in dhallinyarada looga faa’idaysto arrimahaasi oo is biirsaday.

Agaasimaha hay’dda UNDP Abdoulaye Mar Dieye oo warbixintaasi ka jeediyay xarunta QM ee magaalada Newyork ayaa sheegay inta badan bulshooyinka ku nool Qaaradda Africa ay ku nool yihiin nolol aad u hooseysa,waxaa bar bar socda sida warbixinta lagu sheegay shaqo la’aan baahsan oo heysata dhallinyaradda wadamada Afrika intooda badan.

Xog ururinta warbixinta ayaa saldhig u ahaa su’aalaha ku aadan, duruufaha qoysaskooda,fursadaha koriimada iyo waxbarashada iyo aqoontoodi diimeed iyo fikrad ahaan wax ay aaminsan yihiin, kuwaasi oo qeyb ka ah wax yaabaha horseeda in dhallinta ku nool wadamada Aftica ay kooxaha hubaysan ay ku biiraan.

Hey’adda UNDP ayaa sheegtay in dad lagu qayaasayo 33,300 qof ay naftoodi ku waayen rabshadaha Argagixisanimo, intii u dhexeysay 2011 ilaa  2016 ,weerarada Bokoharaam kaliya ayaa waxaa ay sababeen dhimashada 17,000 iyo barakacaya 2.8 milyen kuwaasi oo u qaxay waddamada deriska ah.

Wadamada Kenya iyo Nigeria ayaa la sheegay in sidoo kale rabshadahaasi hubeysan ay saameeyeen dalxiiskii iyo maalgashigii tooska ahaa ee wadamada dibadda uga imaanayay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...