Roobab dabeylo wata oo sababay qasaare naf iyo maal oo ka da’ay Gobolka Awdal

Date:

Muqdisho(SONNA) Wararka ka imaanaya Gobolka Awdal ee Soomaaliland ayaa sheegay in Ugu yaraan 6 ruux oo ay ku jiraa caruur iyo dad waayeel ah ay ku dhintay roobab xooggan oo ka da’ay magaalada Dilla ee gobolka Awdal gelinkii dambe ilaa fiidkii xalay.

Roobabkaasi ayaa watay dabeylo xoogan iyo Dana doo sababay qasaare dhimasho iyo bur bur hantiyadeed,sida ay warbaahinta u sheegeen mas’uuliyiinta maamulka Gobolka.

“Roobabkani oo ka da’ay gobolkan Awdal qasaaro ayay geysteen,e ayay ku dhileen degmada Baki,3 kalena dhaawac weeye, magaalada borama 2 qof ayaa ku dhimatay, dabeylo iyo Danab ayaa wateen roobabka, qasaare hantiayeed ayaa jira”, sidaasina waxaa yiri Cabdi Nuur Sugaal guddoomiye kuxigeenka Gobolak Awdal.

Waxaa laga cabsi qabaa in qasaaraha uu intaasi ka sii bato, maadaama saameynta roobabkaasi dabaylaha watay ay ballaaran tahay.

Daadad ka dhashay roobab da’ayay ayaa la sheegay in ay jabiyeen balliyo ku yaalla dhanka sare ee magaalada Dilla, waxaana ay waxyeello u geysteen goobo ganacsi ah oo kuyaalay magaaladaasi.

Sanadihii ugu dambeeyey Gobolka Awdal wuxuu ka mid ahaa meelaha ay ka jireen abaarro saameeyay dad aad u fara badan,iyadoo Maamulka Gobolka Awdal uu bishii hore ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo dhinaca abaaraha ah, kadib markii afar qof ay abaar ugu dhinteen deegaano ka tirsan Gobolka Awdal.

Waxaa bar bar soconayay howlo loogu gurmanayay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee kunool deegaanada ay abaartu ku dhufatay ee Soomaaliland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo xilka la wareegay

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka...

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Isku Dayga Israa’iil ee Xadgudubka Madax-bannaanida JFS

Guddiga Midowga Afrika ayaa muujiyey walaac xooggan, waxayna si...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ayaa maanta billaabay aqoon-isweydaarsi soconaya muddo toddobaad ah.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) ayaa maanta...

Munaasabad lagu dhaarinayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha Koonfur Galbeed oo ka dhacday Baydhabo

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...