Roobab dabeylo wata oo sababay qasaare naf iyo maal oo ka da’ay Gobolka Awdal

Date:

Muqdisho(SONNA) Wararka ka imaanaya Gobolka Awdal ee Soomaaliland ayaa sheegay in Ugu yaraan 6 ruux oo ay ku jiraa caruur iyo dad waayeel ah ay ku dhintay roobab xooggan oo ka da’ay magaalada Dilla ee gobolka Awdal gelinkii dambe ilaa fiidkii xalay.

Roobabkaasi ayaa watay dabeylo xoogan iyo Dana doo sababay qasaare dhimasho iyo bur bur hantiyadeed,sida ay warbaahinta u sheegeen mas’uuliyiinta maamulka Gobolka.

“Roobabkani oo ka da’ay gobolkan Awdal qasaaro ayay geysteen,e ayay ku dhileen degmada Baki,3 kalena dhaawac weeye, magaalada borama 2 qof ayaa ku dhimatay, dabeylo iyo Danab ayaa wateen roobabka, qasaare hantiayeed ayaa jira”, sidaasina waxaa yiri Cabdi Nuur Sugaal guddoomiye kuxigeenka Gobolak Awdal.

Waxaa laga cabsi qabaa in qasaaraha uu intaasi ka sii bato, maadaama saameynta roobabkaasi dabaylaha watay ay ballaaran tahay.

Daadad ka dhashay roobab da’ayay ayaa la sheegay in ay jabiyeen balliyo ku yaalla dhanka sare ee magaalada Dilla, waxaana ay waxyeello u geysteen goobo ganacsi ah oo kuyaalay magaaladaasi.

Sanadihii ugu dambeeyey Gobolka Awdal wuxuu ka mid ahaa meelaha ay ka jireen abaarro saameeyay dad aad u fara badan,iyadoo Maamulka Gobolka Awdal uu bishii hore ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo dhinaca abaaraha ah, kadib markii afar qof ay abaar ugu dhinteen deegaano ka tirsan Gobolka Awdal.

Waxaa bar bar soconayay howlo loogu gurmanayay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee kunool deegaanada ay abaartu ku dhufatay ee Soomaaliland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...