Hay’adda UNDP oo soo saartay daraasaad ku saabsan sabaha dhalinyarada Africa ay ugu biiraan kooxaha xaq-jiriinta

Date:

Hay’adda UNDP ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa soo saartay Warbixin cusub oo ay ku sheegtay in sababaha ugu weyn ee dhalinyarada Africa ku riixaya in ay ku biiraan kooxaha xagjiriinta ay ugu wacan tahay saboolnimada, shaqo la’aanta iyo fursadaha nolosha oo aan soo gaarin.

Warbixintan oo ah  tii ugu horreysay ee nooceeda ah ay ee ay soo saarto  Hay’adda UNDP ee QM u qaabislan dhanka mashaariicda horumarinta, ayaa lagu soo bandhigay kulan ka dhacay magaalada Newyork ee xarunta QM.

Xog u ruurin iyo wareysi lala yeeshey ,n ilaa 495 dhalinyaro ah oo ku biirey Alshabaab iyo Boko Haram taasi oo hay’adda UNDP wadday muddo ku dhow 2 sano, ayaa muujinaysa in sababa ugu badan ay qeyb ka yihiin duruufo badan sida iyagoo ka baqaya in loo awood sheegto ama dhibaatooyin kale.

Wakaaladda wararka SONNA oo soo xiganaysa warbixnta UNDP ayaa sheegtay in ilaa 6 wadan oo kamid ah Africa ay saameeyeen rabshadaha argagixisanimada ku dhisan, waxaana kamid ah, Burkina Faso, Cameroon, Côte d’Ivoire, Nigeria, Somalia iyo  Uganda sida daraasaadkaasi lagu sheegay.

Waxaa war bixinta baaq looga soo jeediyay Dowladaha in ay dib u eegis ku sameeyaan howlgalada military ee dhacaya, si looga gaashaanto, xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanah.

Dhalinyarodo ma helin fursado wax barasho waxaa sidoo kale jira dhibaatooyin kale oo ka dhashey dhaqaale la’aan qoysaska taasi oo sahlaysa in dhalinyarada looga faa’idaysto arrimahaasi oo is biirsaday.

Agaasimaha hay’dda UNDP Abdoulaye Mar Dieye o warbixintaasi ka jeediyay xarunta QM ee magaalada Newyork aya sheegay in ka bar oo bar bulshooyinka ku nool Qaaradda Africa ay ku nool yihiin nolol aad u hooseysa,waxaa bar bar socda sida warbixinta lagu sheegay shaqo la’aan baahsan oo haysata dhalinyaradda wadamada Africa intoodi badan.

Xog u rurinta warbixinta ayaa saldhig u ahaa su’aalaha ku aadan, duruufaha qoysaskooda,fursadaha koriimada iyo waxbarashada,iyo aqoontoodi diimeed iyo fikrad ahaan wax ay aamin sanyihiin kuwaasi oo qeyb ka ah wax yaabaha horseeda in dhalinta ku nool wadamada Aftica ay kooxaha hubaysan ay ku biiraan.

Hay’adda UNDP ayaa sheegtay in dad lagu qayaasayo 33,300 qof ay naftoodi kku waayen rabshadaha Argagixisanimo, intii u dhexeysay 2011 ilaa  2016 ,weerarada Bokoharaam kaliya ayaa waxaa ay sababeen dhimashada 17,000 iyo barakacaya 2.8 milyen kuwaasi oo u qaxay wadamada deriska ah.

Wadamada Kenya iyo Nigeria ayaa la sheegay in sidoo kale rashadahaasi hubaysan ay saameeyeen dalxiiskii iyo maalgashigii tooska ahaa ee wadamada dibadda uga imaanayay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐰𝐞𝐝𝐞𝐧 𝐮 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧...

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo booqday xarunta taliska ciidanka xudduudaha ee dowladda Ciraaq

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Dekadda Muqdisho oo yeelatay khad toos ah oo isku xiraya Soomaaliya iyo Shiinaha

-Dekadda Magaalada Muqdisho waxaa shalay si toos ah ugu...