Dowladda Soomaaliya iyo Madaxda Hayโ€™adda ICAO oo ku heshiiyay wareejinta Maamulka Hawada Soomaaliya

Date:

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulisa Hawada ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar oo uu ku weheliyo Maareeyaha Guud ee Hayโ€™adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yusuf Jaalle) iyo ku xigeenka maareyaha Axmed Macalin Xasan ayaa soo soo gaaray magaalada Montreal ee dalka Canada, halkaasi oo xarun u ah Hayโ€™adda caalamiga ah ee adduunka u qaabilsan duulista Hawada ee loo soo gaabiyoย  (ICAO)

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa ugu horeyn kulan gaar ah la qaateen xoghayaha guud ee hayโ€™adda duulimaadyada rayid ICAO haweenadeyda lagu magacaabo Dr Fang Lie iyo saraakiil sare sare oo ka socday hayโ€™ada ICAO, waxaana shirkan oo looga hadlay qorshaha looga soo rarayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya maamulka hawada Soomaaliya sidii loo dadejin lahaa in sanadkan gudihiisaย  maamulka hawada si toos ah loogu soo wareejiyo maagaalada Muqdisho.

Xogahaha Guud ee hayโ€™adda ICAO Dr Fang Lie ayaa sheegtay in Wasiirka iyo wafdigiisa ay yeesheen wadahal miro dhal ah iyo in sida uguย  dhaqsaha badan hayโ€™ada FISS ee hadda gacanta ku haysa adeega duulimaadyada Soomaaliya in magaalada Muqdisho lagu soo wareejiyo oo halkaas shaqada maamulka hawada Soomaaliya xarun u noqoto.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad ayaa u sheegay Warbaahita Qaranka in kulanka uu la yeeshay madaxda hayโ€™adda duulimaadyada rayidka Adduunka ee ICAO uu ku soo dhaamaday guul iyo isgarad.

Galankii dambe markii shirka dib laysugu soo noqday ayaa si rasmi ah loo kala saxiixday heshiiska qorshaha soo warjeejinta hayโ€™ada FISS oo hadda magaalada Nairobi ku maamusha adeega hawada Soomaaliya,heshiisan waxaa si wadajir ah u wada saxiixay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Omaar iyo agaasimaha xafiiska farsamda iyo iskaashiga ee haโ€™ayda ICAO Ivan Galan ,

 

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Muxyadiin Jaamac Muuse Montreal Canada

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo maanta ka furmaya dalka

Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga...