Dowladda Soomaaliya iyo Madaxda Hay’adda ICAO oo ku heshiiyay wareejinta Maamulka Hawada Soomaaliya

Date:

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulisa Hawada ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar oo uu ku weheliyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yusuf Jaalle) iyo ku xigeenka maareyaha Axmed Macalin Xasan ayaa soo soo gaaray magaalada Montreal ee dalka Canada, halkaasi oo xarun u ah Hay’adda caalamiga ah ee adduunka u qaabilsan duulista Hawada ee loo soo gaabiyo  (ICAO)

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa ugu horeyn kulan gaar ah la qaateen xoghayaha guud ee hay’adda duulimaadyada rayid ICAO haweenadeyda lagu magacaabo Dr Fang Lie iyo saraakiil sare sare oo ka socday hay’ada ICAO, waxaana shirkan oo looga hadlay qorshaha looga soo rarayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya maamulka hawada Soomaaliya sidii loo dadejin lahaa in sanadkan gudihiisa  maamulka hawada si toos ah loogu soo wareejiyo maagaalada Muqdisho.

Xogahaha Guud ee hay’adda ICAO Dr Fang Lie ayaa sheegtay in Wasiirka iyo wafdigiisa ay yeesheen wadahal miro dhal ah iyo in sida ugu  dhaqsaha badan hay’ada FISS ee hadda gacanta ku haysa adeega duulimaadyada Soomaaliya in magaalada Muqdisho lagu soo wareejiyo oo halkaas shaqada maamulka hawada Soomaaliya xarun u noqoto.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad ayaa u sheegay Warbaahita Qaranka in kulanka uu la yeeshay madaxda hay’adda duulimaadyada rayidka Adduunka ee ICAO uu ku soo dhaamaday guul iyo isgarad.

Galankii dambe markii shirka dib laysugu soo noqday ayaa si rasmi ah loo kala saxiixday heshiiska qorshaha soo warjeejinta hay’ada FISS oo hadda magaalada Nairobi ku maamusha adeega hawada Soomaaliya,heshiisan waxaa si wadajir ah u wada saxiixay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Omaar iyo agaasimaha xafiiska farsamda iyo iskaashiga ee ha’ayda ICAO Ivan Galan ,

 

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Muxyadiin Jaamac Muuse Montreal Canada

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...