Qoysas barakacayaal ah oo la gaarsiiyay deeq raashin ah

Date:

Raashinka gargaarka ah ee loo qaybiyay qoysaskan ka soo barakacay abaarihii sanadkaan ka dhacay dalka ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ugu deeqday dowladda Turkiga, waxaana ay gaarayaan dadka ka faa’iideystay ku dhawaad 10 kun oo qoys, waxaana gaarsiiyay raashinka mas’uuliyiin ka tirsan guddiga gurmadka abaaraha Qaranka iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed .

Dadkaan la gaarsiiyay Raashinka macaawinada ah oo badankoodu ka soo barakacay gobollada Koonfur Galbeed, isla markaana ku nool degaanada Garasbaaley iyo ceelasha Biyaha ee Duleedka Muqdisho.

Guddoomiyaha degaanka Garasbaaley ayaa ka hadlay raashin qaybinta waxaana uu xusay in dadkaasi ay si weyn ugu baahi qabeen raashinkaa la gaarsiiyay isla markaana ay dhowr jeer ka maamul ahaan codsiyo ku aadan in wax loo qabto u gudbiyeen maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Maaliyadda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Aadan Sate ayaa uga mahadceliyay maamulka Garasbaaley sida ay ula tacaaleen xaaladda dadka ku soo barakacay deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed.

“Dadkaan waa dadkii ka soo barakacay Koonfur Galbeed gaar ahaan Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool waxaana ay ka soo barakaceen abaartii sanadkaan ku dhufatay dalka, raashinka maanta aan u qaybineyno waa kun iyo shan boqol oo tan oo Koonfur Galbeed la siiyay goobaha kale ee aan ka qaybineyno waxaa ka mid ah Ceelasha biyaha iyo goobo kale “ayuu yiri mudane Cabdiraxmaan.

Raashinka la gaarsiiyay wax badan kama tari karo dadkaan marka la eego daruufaha ay ku nool yihiin hase yeeshee dhowr maalin ayuu dabka u shidi karaa waxaana dadkaas sidii loo bad badai lahaa noloshooda u istaagay markii ay soo barakaceen Bulshada ku nool Gobolka Banaadir .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...