Shacabka degmada Yaaqshiid oo aragtidooda ka dhiibtay dib u dhiska iyo maqaamka caasimadda

Date:

Shacabka degmada Yaaqshid ayaa aragtidooda ka dhiibtay Sida ay tahay in loo wajaho arrimaha Maamulka, ammiga, siyaasadda, dhaqaalaha, dhismaha waddooyinka degmadaasi  iyo maqaamka Muqdisho.

Barnaamijkaan oo qeyb ka ah olalaha aragti wadaagga ee hiigsiga Caasimadda oo uu ka qeybgalay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa bulshada degmadaasi waxa ay soo jeediyeen dhowr arrimood oo ay ka mid tahay.

Dhismaha waddooyinka degmada Yaaqshid si la mid ah degmooyinka kale,   in laga gudbo nidaamka hadda ay ku yimaadaan guddoomiyaasha degmooyinka iyo gobolka loona gudbo in shacabka ay soo doortaan,  in Maamulka gobolka uu raadiyo xaqa Muqdisho ay leedahay in ay matalaad ku yeelato Dowladda.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshid   Axmed Xassan Maxamuud “Geeddoow” ayaa sheegay in ay ku shaqeynayaan rabitaanka Shacabka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa faahfaahiyay ujeedada olalaha aragti wadaagga Hiigsiga Caasimadda., isaga oo sheegay in ahmiyad ay siinayaan rabitaanka Dadka si ay ugu shaqeeyaan.

Dhan kale  Waaxyaha ay ka kooban tahay degmada Yaaqshid ayaa Xassan Xuseen Maxamed u doortay Guddoomiyaha Cayaaraha degmada, kaasi oo ku soo baxay doorasho uu goobjoog ka ahaa Maamulka oo ka dhacday Xarunta degmada Yaaqshid.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...