Suxufi:Noqo mid wax dhisa (Qormo)

Date:

Saxaafaddu waa muraayad laga  daawado  horumarka dhaqan dhaqaale ee ka muuqda ilbaxnimada  iyo xadaaradda soo jireenka ah ee kala dhexeeya bulsho weynta caalamka ee mudada fog ku noolaa dunidaan

Labaatankii sano ee u dambeeyay gudaha dalka Soomaaliya waxaa ka ka hanaqaaday saxaafad xor ah oo ay taabagalinteeda iska kaashadeen aqoonyahanno isugu jiray dad wax ku bartay dalka iyo kuwo kale oo ku soo barbaabaray dibadda isla markaana doorbiday in ay wax ka baddalaan warbaahinta Soomaalida oo muddo badan ku soo jirtay gacan mileteri iyo caburin xad dhaaf ah.

Warbaahinta Soomaalida oo dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay ku bilaabatay qaab ganacsi iyo kuwo laga lahaa dano  siyaasadeed , waxa ay soo saareen suxuufiyiin badan oo kaalin muhiim ah ka qaatay geedi socodka nabadda iyo rajo soo celinta umadda.

Xilligaan waxaa la oran karaa warbaahinta Soomaaliya,waxa ay ku tallaabsatay horumar lixaad leh ,kadib kolkii qeybaha bulshadu ay heleen saxaafad xor ah oo ay ku gudbin karaan fikradaha isdiidan,kuwa wax dhisaya iyo iyo kuwa kale ee lagu dhaliilayo hogaamiyaasha umadda.

Inkastoo warbaahinta Soomaaliya ay gaartay guulo wax ku ool ah haddana waxaa muuqda dhaliillo ka imaanaya qaar kamid ah suxuufiyiinta ka howlgala gudaha dalka iyo dibadda,kuwaas oo u qaatay in saxaafadda lagu soo bandhigi karo qoraallo ama hadallo laga dheehan karo wax dumin,caadhifad iyo nin jecleysi.

Iyadoo la dareemayo in doorka  saxaafadda uu yahay mid qiimo weyn  ku leh bulshada dhexdeeda xillgaan,qaladaadka dhinaca warbaahinta ah ah ee ay galaan suxuufiyiinta ama madaxda xarumaha,waa kuwo si toos ah u taabanaaya shaqada ay u hayaan bulshada isla markaana sumcad xumo ku abuuraya kalsoonida kala dhexeysa dadka,

Hadabba maxay ka dhigan tahay in aad wareysato ruux qaran dumis ah ama qof doonaya in uu dhalliil been ah u sameeyo dowladda,arintaasi waxaa lagu macneyn karaa si xun wax u sheeg sixi waa ka daran yahau waayo adiga ayaa u fududeeyay in la isticmaalo aaladda warbaahinta oo xilliyada qaar noqota mid wax lagu dumiyo.

Inta badan ma kuu muuqdaan in aad difaacdo dowladda ,adigoo eegaya maslaxadda dadka iyo dalka oo waqtigaan ka soo gudbaya marxaladdii burburka,mase waxaad dooneysaa in dib loogu laabto nidaamkii qabiilka iyo kala fogaamta Soomaalida?

Isku day in aad dhexdhexaad ka noqoto hardanka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda,iskana ilaali in aad la safato garab,waxaana haboon in aad hakiso ama joojiso qoraal ama hadal kasta oo ka hor imaanaya danta dadka iyo dalka.

U diid  warbaahintaada in ay adeegsadaan cid kasta oo daneyneysa in ay kiciyaan mowjado qabiil iyo kuwo u xusul duubaya in la wiiqo dowladda curdunka ah ee laga filayo soo celinta karaamadii ay lahaayeen dadka iyo dalka.

Suxuufigu waa in waxa uu gudbinaayo uu latashiyo kala sameeyo madaxda  si meesha ay uga baxdo tayo xumo soo wajahda qaab dhismeedka waxsoosaarka warbaahinta, iyadoo maanka la galinaayo in dadka lala hadlaayo ay yihiin aqoonyahan ,kuwo kula siman iyo kuwo kaa liita.

Suxufiga dhabta ah waa midka ka shaqeeya horumarka dadka iyo dalka ee ma aha kan u adeega dad  gaar ah isla markaana buunbuuniya ceebaha iyo dhaliilaha lagu tilmaamo  hogaamiyaasha qaar ,waxaana mudan in aad adeegsato  qaab asluubeysan oo aad ku gudbin karto dhibaatooyinka jira.

Xusuusnoow saxaaafadda aad ku howlgaleyso  waa seef laba afla ah, macnaha waxaa loola jeedaa cid ayaad ku dulmin kartaa ha noqdaan shaqsiyaad, mas’uuliyiin ,dowlad ama hogaamiyaal bulsho marna wax ayaad ku dhisi kartaa sida horumarka dadka iyo dalka, Hana  ku sifoobin  aalad ay adeegsadaan dadka fidno abuurka ah ee u taagan fulinta dano  gaar ah iyo kuwo shisheeye.

Waxaa lama huraan ah in dowladda iyo madaxda shirkadaha warbaahinta ay u howlgalaan sidii tababarro aqoon kororsi ah oo la xiriira xirfadda saxaafadda loo siin lahaa shaqaalaha qeybaha warbaahinta,iyadoo sidoo kale ay waajib  tahay in jagooyinka loo magacaabayo  tifatirayaasha iyo madaxda barnaamijyada ay noqdaan kuwo aqoon iyo waayo aragnomo  durugsan u leh Saxaafadda.

Ogoow haddii la garab-maro anshaxa saxaafadda in ay ay jiraan hey’ado garsoor oo awood u leh in ay kaa qaadaan tallaabo sharci ah oo horseedi kara in lagu soo taago maxkamad, kadibna aad halkaa ku weydo magacii iyo sumcaddii aad laheyd,mana ahan wax xun sheeg waxyaabaha uu suxufigu ku gaaro maqaam.

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...