Kuweyt iyo Turkiga oo kala saxiixday Heshiis.

Date:

Ankara- (SONNA)- Labada dal Turkiga iyo Kuwet ayaa kala saxiixday heshiisyo la xiriira iskaashiga dhinacyada amniga iyo horumarinta kaabaysha dhaqaalaha, ka gadaal markii uu booqasho martiqaad ah uu dalka Turkiga ku tagay Ra’iisul Wasaaraha  dalka Kuweyt Shekh Jabir Al-mubaarak Al-sabaax

Dhinaca Dowladda Tirkiga waxaa heshiiskaasi u saxiixay Madaxweynaha dalkaasi  Rajab dhayib Ordagan, halka Dowladda Kuweytna  uu u saxiixay Ra’iisul Wasaare  Shekh Jabir Almubaarak Alsabaax,iyadoo qodobada heshiisyadaasi ay laba hogaamiye qalinka ku duugeen ay ka mid yihiin wax wada qabsiga dhinacyada  dulimaadka diyaaradaha Rayidka ah,Canshuuraha, Isgaarsiinta iyo waliba dhinaca kala faaideysiga  aqoonta iyo waaya aragnimada Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada labadaasi dal.

Booqashada uu Ra’iisul Wasaaraha dalka Kuwait  ku tagay dalka Turkiga ayaa imanaysa xiili Dawladda Kuweyt ay waddo dadallo lagu qaboojinayo xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladda Qadar iyo Kuwa Khaliijka.

Dowladda Turkiga  ayaa  doonaysaa in xiisadda ka aloosan wadamada Khaliijka qaarkood iyo Dowladda Qadar loo maro hab dibolomaasi ah oo  wada hadal iyo isfaham ah lagana fogaado inay ku lug yeeshaan arrintaasi faragelin kale ee quwado shesheeye.

Sida laga warqabo Dowlada Turkiga iyo Kuweyt ayaa leh xiriir aad u wanagsan  oo ku dhisan istaraatiijiyada iskaashiga laba dhinac  iyo waliba tan wadamada  Islaamka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata kaarka codeynta

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...