Home Blog Page 1576

Madaxweynaha Soomaaliya oo shacabka ugu baaqay in Alle loo laabto maadaama dambiyo kala duwan la galay

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay salaadii Jimcaha Masjidka Shuhadaa ee ku yaala Xarunta Madaxtooyada ayaa shacabka ugu baaqay in ay Alle u laabtaan oo ay dambi dhaaf weydiistaan.

Khudbadda salaadda Jimcaha ayaa waxay ku saabsanayd ahmiyadda Garsoorka iyo Cadaalladda, waxaana akhrinayay khudbadda Jimcaha Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in cadaalladdu ay tahay mid Wanaagsan maalinta qayaamahana la is waydiinayo loona baahan in Madaxda iyo Shacabkaba ay ku dadaalaan sidii cadaallad looga shaqayn lahaa .

“Waxaa loo baahan yahay in arrimaha maxkamadaha lagu dadaallo sidii loo hubin lahaa, cadaallada waa shayga ugu muhiinsan adduunyada oo maalinta Aaqirana lays waydiinayo” ayuu yiri Sheekha

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya  Avv, Ibraahin Iidle Suleebaan  ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan cadaalladda, wuxuuna madaxda iyo shacabka u soo jeediyay inay u duceeyaan  garsoorka.

“Khudbadda maanta waxay ku saabsanayd cadaaladda, waxaana loo baahan yahay in lagu dadaalo garsoorka si dalkeena Soomaaliya uu uga baxo bur burka xagga garsoorka” ayuu yiri Ibraahim.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay masjidka Shuhadaa ee xarunta Madaxtooyada ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in Alle u laabtaaan oo ay dambi dhaaf weydiistaan.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in lala shaqeeyo dowladda Soomaaliya si dalka uu horay ugu socdo lana ilaaliyo amaanada ,cadaalladda iyo dadka danyarta ah.

“Dalkan aniga iyo dhowr iyo toban Wasiir kaliya wax kama qaban karno, waxaa loo baahan yahay in dowladda lala shaqeeyo si bur burka looga baxo, waxaa jira kooxo ka shaqeeya had iyo jeer bur burka dalka oo habeen iyo maalin u soo jeeda sidii dalka loo bur burin lahaa” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Shir looga hadlayay amniga oo lagu qabtay xarunta Degmada Heliwaa

0

Wasiirka Amniga Gudaha, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, saraakiisha ciidanka booliska, Nabad sugidda iyo guddoomiyeyaasha 17-ka Degmo ee gobolka ayaa ka qeyb galay kulan lagu qabtay xarunta degmada Heliwaa, kaasi oo looga hadlayay amniga caasimadda iyo sidii Bulshada Soomaaliyeed loogu wacyi gelin lahaa ka qeyb qaadashada Amniga Caasimadda.

Shirka oo ahaa kii ugu horeeyay ee ay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir la qaatan Guddomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed ayaa waxaa kaloo diiradda lagu saaray dar dargelinta howlaha la xiriira dib u soo celinta bilicdii ay caasimaddu lahayd.

Guddoomiyaha degmada Heliwaa Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in xarunta degmada Heliwaa lagu qabto shirkii ugu horeeyay ee ay yeeshaan Guddoomiyaha cusub ee gobolka iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka, waxaana uu xusay in tani ay muujineyso horumarka amni ee ka jirta degmada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa guddoomiyaha cusub ee degmada Heliwaa ku bogaadiyay waxyaabihii uu degmada ka qabtay muddada yareyd ee uu joogay, waxaana uu balan qaaday in uu la shaqeyn doono maamulka degmada.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in ciidamada amniga looga baahanyahay inay xoojiyaan Nabad gelyada,  isla markaana ay ka hortagaan cidkasta oo dhibaateyneysa shacabka, waxaana uu intaa raaciyay inay xoogga saari doonaan degmooyinka daafaha ku yaala si amniga caasimadda loo xajiijiyo.

Shirkaan ayaa ujeedkiisa uu ahaa isbarasho iyo u kuurgelidda xaaladda guud ee degmada Heliwaa, waxaana shirka kaddib Guddoomiyaha Degmada Heliwaa, Guddoomiyaha Gobolka, Wasiirka Amniga iyo wafdigii la socday ay kormeer ku tageen dhoor goobood oo ka tirsan Degmada sida Isgoyska Ex-Koontarool Balcad iyo meelo kale oo aad ufarabadan.

Kulan looga hadlay wax ka qabashada abaarta ka jirta dalka oo lagu qabtay Minneapolis

0

Kulan loogu hadlayey sidii abaaraha Soomaaliya wax loogu qaban lahaa ayaa  lagu qabtay Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota, Kulankani oo ay soo qaban qaabiyeen Senator Amy Klobucher oo Gobolka Minnsota u matasha Aqalka Sanet-ka iyo Tom Emmer oo Congresska Mareykanka u matala Gobolka Minnesota ayaa waxaa shirkaasi ka soo qeyb galay hey’adaha Samafalka iyo horjoogayasha jaaliyadda Soomaalida waxaana loogu hadlay sidii gacan deg deg ah loogu geysan lahaa Abaaraha Soomaaliya oo la sheegay in ay saamaysay in ka badan 6 Milyan oo Qof.

Ugu horreyn Senator Amy Klobucher oo la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay in madaxweynaha maraykanka uu jaray 17 bilyan oo doolar oo loogu tala galay Gargaarka caalamiga ah taasi oo saamayn xoogan ku yeelan doonto dadkii heli jiray gargaarkaasi. waxayna sheegtay in ay dhawaan u dirtay dhambaal Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

“17 bilyan waa arrin laga walaaco marka aad aragto lacag intaasi la eg waa 17 bilyan oo doolar taasi oo ka go’ayso miisaaniyadda wasaradda arrimaha dibadda iyo sanduuqa kaalmada maraykanka isla markaana lacagtaasi loo kordhinayo ciidamada, mana diidani in aan yeelano ciidamo awood leh balse sida ugu wanaagsan oo saaxiibo caalami ah lagu kasban karo ayaa ah in la caawiyo marka ay kuu baahan yihiin oo dadkooda ay dhimanaya”. ayuu yiri ator Amy Klobucher.

Sidoo kale Amy Klobucher oo maanka ku heysta in gobolkani ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan Maraykanka isla markaana ah dadka ay matasho ayaa sheegtay
in halkani ku noolyihiin  Soomaali badan oo qoysaskooda iyo saaxiibadooda ay ku nool yihiin dallkii ay ka soo hayaameen waxanaa muhiim ah in la taageero oo la badbaadiyo marka ay kuu baahan yihiin.

Dhanka kale Wakiilka Gobolka Minnesota Tom Emer ee aqalka kongerska Maraykanka ayaa sheegay in ay  muhiim tahay in la taageero lana gargaaro dadka abaaraha ku heyso bariga Afrika wuxuuna warka intaasi ku daray in uu aaminsanyahay in kooxaha argagixisada ah sida Al-shabaab ay ka faa’ideysan karto dhibaatooyinka nuucan oo kale ah.

ugu danbeyntii ayaa waxaa sidoo kale la kulmay Abdirizaak Abdi  oo ah  madaxa  hey’ada gargaarka ee Hon Africa  wuxuna qabaa in xiligani ay muhiim tahay in la gargaaro dadka Soomaaliyeed oo u dhimanaya Cunto iyo biyo la’aan.

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo qadka Telefoonka kula hadlay dhiggiisa Turkiga

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed “Farmaajo” ayaa khadka teleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyay Madaxweyne Erdoğan iyo Shacabka Turkigaba natiijada aftida dhacday maalintii Axadda 17 April 2017, taas oo ay shacabka Turkigu si aqlabiyad ah ugu codeeyeen nidaamka siyaasadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u sheegay dhiggiisa Mudane Erdoğan in najiitda aftidu ay sii xoojin doonto cilaaqaadka ka dhexeeya labada dal iyo iskaashiga labada dhinac.

Labada Madaxweyne ayaa si kooban ugu wadahadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada badan iyo taageerada arrimaha bini’aadannimo oo ay Dowladda Turkigu u fidisay bulshada Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Madaxweyne Erdogan ayaa u sheegay Madaxweyne Farmaajo in Dowladda iyo Shacabka Turkigu ay mar waliba garab taagan yihiin Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, Turkiguna uu yahay saaxiib dhow oo Soomaaliya ay isku halleyn karto. Madaxweyne Erdogan ayaa ugu dambeyn Allah uga baryay Soomaaliya in uu ka dulqaado abaaraha iyo colaadda.

Dowladda Federaalka oo Imaaraadka uga mahadcelisay gurmadka Abaaraha dalka

0

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa si kal iyo laab ah uga mahadcelisay Dowladda iyo Shacabka Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) oo maalinta Jimcaha aheyd iclaamiyey u gurmadka abaaraha dalka ka jira oo dhammaan TV-yada Imaaraadka ay si toos ah (live) ugu ololeynayaan in shacabka Imaaraadka uu lacago u ururiyo Abaaraha Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo kulan gaar ah la qaatay Safiirka Imaaraadka  u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Al-Othman ayaa ugu horeyn uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee dalka Imaaraadku uu u fidiyo Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo weliba gaar ahaan qorshaha ololaha lacag ururinta ee maalinta Jimcaha ah ee 21ka April 2017 oo dhammaan telefishinada dalka Imaaraadka ay si toos ah (live) lacag ururin ugu sameynayaan u gurmadka abaaraha Soomaaliya saacadaha 1da duhurnimo ilaa iyo 7da fiidnimo.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Soomaaliya ma iloobi doonto cid kasta oo u soo gurmata waqtigan xasaasiga ah oo ay shacabka Soomaaliyeed la tacaalayaan abaaro ba’an oo laga cabsi qabo in macluul ay dalka ka dilaacdo. Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) oo si toos ah u gar-gaara shacabka tabaaleysan ee u baahan gar-gaarka waan uga mahadcelineynaa u gurmadka waqtigan xasaasiga ah iyo u asteynta maalinta Jimcaha ee 21ka April 2017 ee dhammaan TV-yada dalka Imaaraadka ay Olole lacag ururin u sameynayaan dadka abaarahu aafeeyeen oo la filayo in 100 milyan oo lacagta Imaaraadka ah in la ururiyo.”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed oo in muddo ahba kaalin firfircoon ka qaadanayey u gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen inay sii labo jibaaraan dadaalkooda oo ay Ololaha Imaaraadka ee lacag ururinta ay si xoog leh uga qeybqaataan.

R/wasaare Khayrre oo Turkiga uga mahadceliyey taageerada kabka Miisaaniyadda Dowladda Federaalka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa si kal iyo laab ah ugu mahadceliyey Dowladda Turkiga oo ka dhabeysay ballanqaadkeedii ahaa inay kabto miisaaniyada Dowladda Federaalka.

Dowladda Turkiga ayaa Dowladda Federaalka ku wareejisey kabka miisaaniyada 5 bilood oo ay bishiiba kab uga dhigeyso miisaaniyada 2 milyan oo dollar. Deeqdan kabka miisaaniyada ee Dowladda Turkiga ugu talo gashay Soomaaliya ayaa lagu shubay Khasnada Dowladda Dhexe ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, tanoo la waafajinayo nidaamka Maamulka iyo Maareynta Maaliyada Dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka hadlayey arrinkan ayaa yiri “Dowladda Turkiga waa wallaal dhab ah oo jira oo fahamsan daruufaha Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, sidaas daraadeed waxaan si kal iyo laab ah uga mahadcelineynaa taageeradooda kabka miisaaniyada Dowladda oo ay 5 bilood na siiyeen oo bishiiba ay tahay 2 milyan oo dollar. Tani wallow aysan dhameystireynin baahida Dowladda iyo tan shacabka, haddana waa bilow wax weyn noo tareysa.”

“Dowladda Federaalka si ay shacabka ugu sheegto xaqiiqda dhabta ah ee maaliyada ayaan iclaamineynaa inay lacagtaas na soo gaartay si shacbka uu noola xisaabtamo annagana aan uga dhabeyno ballanqaadkii ahaa inaan u adeegeyno shacabka oo aan la wadaageyno xaaladeena maaliyadeed iyadoo ay dhab naga tahay inaan hagaajino maamulka iyo maareynta maaliyada si aan shacabka uga helno kalsooni marwalba ah. Deeqdan kabka miisaaniyada ahna waxaan khasnada dowladda ugu shubnay waa in shacabka ay si toos ah noola xisaabtamaan oo aan tusaale fiican u noqono si dalka loo gaarsiiyo horumar iyo barwaaqo.” RW Khayre ayaa sidan yiri

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu danbeyntii yiri “in kabka miisaaniyada Turkiga aysan wada dabooleynin baahida guud ee miisaaniyada, haddana waa bilow, waxaana ka codsaneynaa wallaalaha beesha caalamka inay sidoo kale kaalintooda ka qaataan kabka miisaaniyada inta ay dowladdu ka gaareyso isku filaansho dhanka dhaqaalaha ah.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo qadka telefoonka kula hadlay Madaxweyne Erdogan ayaa ugu hambalyeeyey guushii aftida shacabka turkiga. Madaxweyne Erdogan ayaa isna dhankiisa u sheegay Madaxweyne Farmaajo in Dowladda iyo Shacabka Turkigu ay mar waliba garab taagan yihiin Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, Turkiguna uu yahay saaxiib dhow oo Soomaaliya ay isku halleyn karto. Madaxweyne Erdogan ayaa ugu dambeyn Allah uga baryay Soomaaliya in uu ka dulqaado abaaraha iyo colaadda.

Danjire Xuseen Xaaji Axmed oo la kulmay wasiirka arimaha gudaha ee Koonfurn Sudan

0

Danjiraha dowlada Soomaaliya ee wadanka Koonfur Sudan mudane Xuseen Xaji Axmed oo ay wehliyaan  Diblomasiyiinta Safaarada ayaa maanta kulan la qaatay wasiirka arimaha gudaha wadankan Koonfur Sudan Michael
Chiangjiek Geay kaasi oo ay kawada hadleen arimo dhowr ah oo quseeya jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool guud ahaan wadanka Koofur Sudan.

Waxaan inti kulanka uu socday la isla meel dhigay sidii looga hortigi lahaa dadka tahriibka ah kuwaasi oo marin ka dhigteen wadankan iyo sidii meel looga soo wada jeesan lahaa muqalisiinta wax tahriibiya.

Danjire Xuseen Xaji Axmed ayaa sheegay in kulamadan ay noqondoonaa mid joogta ah waxa uuna intaasi raaciyay in ay ku dadaalayaan sidii loo badbaadin lahaa dhalinyarada soomaaliyeed ee ku la’anaya saxaraha iyo

Boqorka Sacuudiga oo la kulmay Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka

0

U adeegaha labada Xaram ee shariifka ah, ahna Boqorka dalka Sacuudi Careebiya Boqor Salmaan Bin C/casiis Ala Sacuud, ayaa kula  kulmay magaalada Riyad Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka James Mattis, oo haatan booqasho ku maraya wadamo ka tirsan Bariga dhexe.

Wakaladda Wararka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in kulankaasi dhex maray labada masu’ul ay uga wada hadleen arrimaha horumarinta cilaaqaadka iyo saaxibtinimda labada dal Mareykanka iyo Sacuudiga gaar ahaan  dhinaca difaaca iyo guud ahaan dhacdooyinka arrimaha Caalamka siiba tan bariga dhexe iyo wadamada kale ee Carbeed.

Bayaankaa laga soo saaray Xarunta Pentagon ee Mareykanka  ayaa lagu sheegay in Xoghayuhaha Gaashaandhigga Mareykanka James Mattis,  sidoo kale booqan doono dalka Masar isagoo Madaxda dalkaasi kala arrinsan doono xagga qadiyadda amniga ee mandiqadda,kadibna uga sii baqooli doono Israel halkaaso oo uu kula kulmi doono dhigiisa Gaashaandhigga ee Israel iyo waliba R/wasaaraha Israel.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in 22-ka bishan uu James Mattis u tegi doono dalka Qadar oo saaxib dhaw la ah Mareykanka,kadibna waxa uu imaan doonaa dalka Jabuuti, isagoo la kulmi doono Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxayna ka wada hadli doonaan sidii Mareykanka taageero dhanka amniga ah ugu fidin lahaa mandiqadda.

WD/Mukhtaar

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Maareynta Maaliyadda, Qorshaha ka hortaga Musuqmaasuqa iyo arrimo kale

0

Muqdisho, Abriil 20, 2017—–Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Maareynta Maaliyadda, Amniga Qaranka, Xuquuqda Shaqaalaha, Qorshaha ka hortaga Musuqmaasuqa iyo arrimo kale.

Ugu horeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada maareynta maaliyadda si shaqaalaha rayidka iyo ciidamada ay u helaan xaquuqdooda, isla markaasna loo labo jibaaro aruurinta canshuuraha, iyadoo lala dagaalaayo waxii musuqmaasuq ah ee jira. Warbixin dheer ka dib Golahu waxey isla garteen in si deg-deg ah loo mideeyo nidaamka dakhli uruurinta, si shaqo abuur loogu sameeyo dhallinyarada, in la sameeyo lacagtii shilin Soomaaliga iyo in maamul wanaag lagu saleeyo nidaamka dakhli uruurinta dalka.

Warbixinta amniga ayaa lagu sheegay in dhowaan uu bilaabanayo howlgal ciidan oo ka dhan ah kooxaha argagaxisada ah, iyadoo la diyaarinayo ciidanka isla markaasna laga howlgalayo sidii waddooyinka gobollada la isagu furi lahaa si shacabka loo gaarsiiyo gargaarka ay u baahan yihiin isla markaana loogu fududeyn lahaa isu socodka iyo ganacsiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin dheer ka bixiyey shirkii Madaxda Qaranka iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo uu sheegay in si wanaagsan la isagu afgartay dhammaan arrimihii laga hadlay ayna muuqato yididiilo iyo kalsooni wadashaqeyn buuxda leh. Waxaana la isla gartay in 3dii biloodba mar ay kulmaan, lagana wada howlgalo sugida amniga dalka oo dhan, iyadoo ciidanka la wada qarameyn doono dhowaan.

Wasiirka Shaqada & Horumarinta Bulshada ayaa warbixin dheer ka bixiyey xaalada shaqaalaha rayidka ah, iyadoo la qiray xaalada adag ee shaqaalahu ku howlgalaan, laguna ammaanay dulqaadkooda iyo howlkarnimadooda, ayaa golahu waxuu ballanqaaday in xaquuqda shaqaalaha laga howlgalo, iyadoo la hagaajinayo maamulka iyo maareynta shaqaalaha, si loo kordhiyo xirfadooda oo wax-soosaarkoodu kor u koco, oo dowladu ay hesho dakhli keeni kara in dhallinyarada loo sameeyo shaqo-abuur.

Wasiiru-Dowlaha Maaliyadda oo ka warbixiyey qorshaha ka hortaga Musuqmaasuqa ayaa sheegay in la diyaariyey nidaam looga hortagayo lunsashada hantida Qaranka, si loo joogteeyo mushaaraadka shaqaaalaha rayidka ah, in baaris iyo dabagal joogta ah lagu sameeyo sidii loo joojin lahaa musuqmaasuqa oo cidii lagu helo sharciga la horgeyn doono. Sidoo kale waxaa la isla gartay in wacyigelin baahsan la sameeyo oo bulshada looga digayo khatarta ay leedahay musuqmaasuqa si loo ciribtiro bulshada ay door uga qaadato. Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuqmaasuqana waxaa lagu heshiiyey in la dardargeliyo oo la ansixiyo.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha ayaa ka warbixisay xaaladda Wasaaradda iyo booqashadii uu Guddoomiyaha Xiriirka Africa ku yimid Soomaaliya. Waxeyna u mahadcelisay dhammaan intii kaalinta wanaagsan ka qaadatay booqashada iyo labadii cisho ee uu joogay dalka, tanoo soo celisay sumacadii iyo karaamadii Isboortiga dalka, isla markaasna Guddoomiyaha Xiriirka FIFA uu isna soo booqan doono dalka.

Ugu danbeyntii Wasiirada Haweenka & Arrimaha Xaquuqul Insaanka ayaa warbixin ka bixisay qorshaha dhismaha Guddiga Xaquuqul Insaanka iyadoo la isla gartay in la dardargeliyo hirgelinta qorshaha dhismaha guddigan oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

—DHAMMAAD—-

fikradaha lagu soo bandhigay Bar. TEDx Muqdisho, Live SNTV

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, hiigsigeyga waa in Muqdisho ay noqoto mid ka mid ah magaalooyinka adduunka ugu horreeya, waxaan dhiiragelinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee Muqdisho uga shaqeeya Iskaa Wax u Qabso.

Waxaan u mahacelinayaa dadka dedaallada Muqdisho lagu dhisayo sameeyey ee bilaabay, waxaana u istaagi doonnaa dhammaanteen sidii aan uga wada qeyb-qaadan lahayn dhismaha caasimaddeenna Somaaliyeed.

Barnaamijka Iskaa Wax u Qabso, waxaa lagu dhisay caasimadaha dalalka Suuriya iyo UK, kuwaas oo horey ugu bururay dagaalladii  dalalkaas ka sooo dhacay, waxa  uu intaa raaciyey in uu dhiiragelinayo  howshaan oo Muqdisho aad muhiim ugu ah.

Wasiirka Howlaha guud iyo Guryeynta Cabaas Siraaji, aaa TEDx Muqisho ka jeediyey khudbad, waxa uu ka sheekeeyey taariikhda noloshiida.

“waxaan ku noolaa xerada qaxootiga adduunka ugu weyn ee Dha-dhab dlaka kenya, halkaas ayaan ku soo barbaaray, runtii waxaa ka jirtay xaaladda, adag, heerarka waxbarasho oo dhan ilaa jaamacadda, Gaarisa iyo Nairobi ayaan ku soo qaatay, hey’adda Q.M beeraha  qaabilsan ayaan shaqo ka helay sannadkii 2011-kii oo ay dalku ka jiree abaaro ba’an, waxaa muhiim ah inaan micno u yeelno taariikhdaas, si aan dadkeyga iyo dalkeyga uga faa’ideeyo, waa midda ugu abuurta inaan yeesho hammi siyaasadeed, taasoo  aan ogaa in ay caqabado badan kala kulmi doono”  ayuu yiri wasiirka howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya.

Ujeedada arrintaasi waxa uu ku tilmaamay in ay sidii  uu uga qeyb-qaadan lahaa isbadelka ka socdey dalka, annigana waxaan ku dedaalay sidii aan u baraarujin  lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed, isbadelkii siyaasadeed ee doorashooyinkii Soomaaliya ka dhacay ayaana keeentay inaan maanta halkaan soo gaaro, waa tusaale ay sameeyeen dhallinyarada Soomaaliyeed ayuu raaciyey wasiirka Howlaha Guud ee Soomaaliya Cabaas Siraaji.

Naciima Abwaan Qorane, ayaa TEDx Muqdisho iyaduna ka jeediyey khudbad, waxa ay diiradda saartay,  sida ay lagama-maarmaan u tahay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay qaataan doorkooda oo ay badbaadiyaan dalkooda, iyagoo dhan walba u  istaagaya horumarinta, ilaalinta iyo sare u qaadidda magaca Soomaalida, Gabey ay kula hadleyso dhallinyarada ayeeyna madasha ka jeedisay.