Home Blog Page 1576

Ganacsiga yar yar ee Magaalada Muqdisho oo Hormar badan sameynaya

0

Muqdisho (SONNA) Sanadihii  ugu dambeyay waxaa soo hagaagaya Ganacsiga Dalka gaar ahaan Ganacsiga yar yar oo ay Samaysanayaan Dhalinyaro Wax ka barta goobaha Waxbarasho sida Jaamacahada, Dugsiyada iyo Xarumo Farsamo, iyagoo ka faa’idaysanaya “Hal” abuurkooda.

Ganacsatada dharka ku iibiya hareeraha wadooyinka Suuqyada Magaalada Muqdisho ayaa waxay ay sheegayaan in ganacsigooda  Sanadkaan uu yahay mid aad u wanaagsan islamarkaana ay ka helaan nolol maalmeedkooda ayna ku maareeeyaan Nolosha Qosaskooda.

Faarax Maxamed Nuur oo ka mid ah Ganacsatada ku nool Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka  kana mid ah dhalinta wax ka barata Muqdisho oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in ay faa’ido wayn ku qabaan Ganacsigooda marka uu eego Xaalada shaqo la,aan ee Dalka ka jirta waxaa uuna “yiri” waa in ay ku dhiiradaan dhalinyaradu dib u dhiska Dalka iyo ka faa,idaysiga Hal abuurkooda”.

Hadaba C/qaadir Cali Axmed oo ka tirsan Warbaahinta Qaranka Soomaaliya oo u kuurgalay Ganasiga yar yar oo ay samaysteen dhalinyaro ku nool Magaalada Muqdisho ayaa ka diyaarinyay warbixintaan.

Halkaan hoose ka dhageyso Warbixin Wariye C/qaadir Cali Axmed

Guddoomiyaha Maxkmadda Sare oo Shaqada ka Joojiyey 18-Garsoore

0

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa soo saaray wareegto shaqada uu kaga joojiyey 18 Garsoore oo ka hawl gala maxkamadaha gobolka Benaadir iyo degmooyinka hoos-yimaada.

Lix Garsoore oo Xeer Madaxweyne ku magacawnaa ayaa ka mid ah Garsooreyaasha shaqada laga joojiyey waxa ayna kale yihiin; Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Benaadir, Guddoomiyeyaasha Maxakamadaha Degmooyinka Cabdicasiis, Xamar Jajab iyo 3 Garsoore oo ka hawl gala Maxkamadda Gobolka.

Waxaa kale oo shaqada laga joojiyey 3 Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Racfaanka Gobolka, Guddoomiyaasha maxkamadaha degmooyinka Shangaani, Yaaqshid, Dharkeynley, Xamarweyne, Dayniile iyo 4 Garsoore oo ka tirsan maxkamadaha degmooyinka Xamar Jajab, Dayniile, Yaaqshid iyo Dharkeynley.

Tallaabadan uu qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa waxaa looga gol leeyahay in laga dhabeeyo ballan qaadkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib u habayn lagu sameeyo nidaamka Garsoorka dalka oo muddo dheer shacabku ay si wayn u dhaliilsanaayeen.

Guddoomiyaha Maxkmadda Sare oo Shaqada ka Joojiyey 18-Garsoore

0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa soo saaray wareegto shaqada uu kaga joojiyey 18 Garsoore oo ka hawl gala maxkamadaha gobolka Benaadir iyo degmooyinka hoos-yimaada.

Lix Garsoore oo Xeer Madaxweyne ku magacawnaa ayaa ka mid ah Garsooreyaasha shaqada laga joojiyey waxa ayna kale yihiin; Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Benaadir, Guddoomiyeyaasha Maxakamadaha Degmooyinka Cabdicasiis, Xamar Jajab iyo 3 Garsoore oo ka hawl gala Maxkamadda Gobolka.

Waxaa kale oo shaqada laga joojiyey 3 Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Racfaanka Gobolka, Guddoomiyaasha maxkamadaha degmooyinka Shangaani, Yaaqshid, Dharkeynley, Xamarweyne, Dayniile iyo 4 Garsoore oo ka tirsan maxkamadaha degmooyinka Xamar Jajab, Dayniile, Yaaqshid iyo Dharkeynley.

Tallaabadan uu qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa waxaa looga gol leeyahay in laga dhabeeyo ballan qaadkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib u habayn lagu sameeyo nidaamka Garsoorka dalka oo muddo dheer shacabku ay si wayn u dhaliilsanaayeen.

Shil sababay geerida gabar Soomaaliyeed iyo dhaawaca Wariye Axmed Jaaket oo ka dhacay Mareykanka.

0

Dhacdadani ayaa timid markii ay isku dheceen gaari nuuca raaxadda ah oo ay saarnaayeen Wariye Jaakad iyo gabadha Geeriyootay  uu ku dhacay gaari Tareen ahaa kaasi oo wadada si xowli ah u marayay, waxaana Jaaket uu sheegay in sababta keentay ay tahay in ay jiraan waddooyin Tareen iyo kuwa caadiga ah oo isdhexmara meelaha qaar, taasi oo shilkaasi keentay.

Wariye Axmed C/raxmaan Jaaket ayaa faah faahiyaya sida shilkaasi uu u dhacay isagoo kujira isbitaal ku yaala Gobolkaasi Wisconsin ee Mareykanka.

“Gabdha waxaan isku baranay meel lagu barto shuruucda qaadashada kaararka muwaadinimada, waxay I aragtay anigoo socoda, waxaan u sheegay in aan u socdo Bangi, markaasi ayaay is oo qaaday,inta aan soconay ayaa wadada waxa soo galay Tareen oo ku dhacay gaarigeena dhankak gabadha,waxaan isku dayay in aan gaariga ka boodo balse waan awoodi waayay, madaama aan dhaawacmay,waxyar ka dibna waxan arkay gabadhii gaariga igu wadday oo Meyd ah”, Ayuu yiri wariye Axmed Jaaket.

Wariye Axmed C/raxmaan Jaaket ayaa sheegay in goobtaasi ay soo gaareen Boolis iyo dadweyne kale,kuwaasi oo meesha ka qaaday dhaawaciisa,waxaana uu haatan kujiraa isbitaal ku yaala Gobolkaasi Wisconsin.

Shilalka ka dhacay dalka Mareykanka ayaa ah kuwo halistoodi leh,iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo shil ay waxyeelo ka soo gaarto muwaadiniin Soomaaliyeed uu ka dhoco Mareykanka,waxaana loo aanaynayaa wadooyinka qaar oo ah labo waddo oo isdhexmara ayna wada isticmaalaan Tareenada iyo kuwa kale ee caadiga ah.

Xigasho:VOA

Guddiga doorashad Kenya”Uhuru iyo Railla keliya ayaa ku tartamaya dorashada 17 October dhacayso”

0

Saameyntii ka dhalatay go’aankii maxakamadda sare ee dalka Kenya ka qaadaya natiijada doorashadii uu ku guuleystay Uhuru Kenya ayaa noqotay mid gilgishay dareenka shacabka reer Kenya iyo guud ahaan caalamka.

Hadal haynta ugu badan ayaa noqotay in dalka Kenya uu noqdo wadankii ugu horeeyey oo katirsan Qaaardda Africa oo uu qaato go’aan kaasi lamid ah, taasi oo horey uga dhacday qura wadamo fara ku tiris ah oo katirsan Qaaradaha kale ee Dunida.

Madxweyne Uhuuru Kenyata iyo Railla Odinge ayaa labaduba isku diyaarinayaa in ay galaan doorasho mar kale laqabta, kadib markii guddiga doorashada dalka Kenya uu soo saarey jadwalka doorashada, oo loo iclaamiyay in la qabto 17 bisha October.

War qoraal ah oo kasoo baxay IEBC ayaa lagu sheegay in musharixiinta kala ah Raila Odinga ee isbahaysiga NASA ee mucaaradka ah iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ee xisbiga Jubilee oo kaliya ay u tartami karaan doorashada, maadaamaa labadoodu ahaayeen kuwii go’aanka maxkamadda lagu saleeyay.

Xisbiyada ayaa durba bilaabay ololaha doorashada, iyada oo uu dastuurka qabo in muddo 60 maalmood ah gudahood doorasho lagu qabto laga bilaabo maalinta ay maxkamad laasho natiijada.

Arrinta ugu weyn oo weli taagan murankeedi ayaa ah in madaxweyne Uhuru Kenyata uu diiday in isbedel lagu sameeyo guddiga doorashada, halka Railla Odinge uu aaminsanyahay in uusan la jaanqaadi Karin guddigaasi marxaladda siyaasadeed ee taagan.

Malaayiin taageerayaasha labada dhinac ayaa bilaabay olole uu midkasta ku doonayo in uu ku helo gusha doorashada mar kale la go’aamiyay doonin.

Faah Faahin ku saabsan Wadahadaladii Puntland iyo Galmudug ee Magaaladda Gaalkacyo.

0

Shirkani oo ujeedkiisu yahay amba qaadista xoojinta nabadeynta bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug,iyo deegaanada hoosyimaada oo ay ka jireen dhibaatooyin soo noq noqday ayaa ka soconaya magaalada Gaalkacy.

Waxaaa goob joog ah madasha shirkan dib u heshiisiineed madaxweyen ku xigeenka Galmudug Max’ed Xaashi Cabdi iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji C/llaahi Cumar Camey,kaasi oo la filayo in laga soo saaro go’aano ku aadan nabad ku wada noolaanshaha bulshooyinka Galmudug iyo Puntland ee deegaanadaasi wada dega.

Shir Jaraa’id oo ay ku wada qabteen Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo gelinkii dambe ee Isniintii ayay labada madaxweyne ku xigeen waxay ku faah faahiyeen ujeedada shirkaasi.

“Maxmed Xaashi Cabdi , Waxaan halkani u nimid aniga iyo madaxweyen kuxigenka Pntlan, in aan amba qaadno hehsiisyadii nabadda ee Gaalkacyo, sida aad la socotaan Gaalkacyo waa magaalo soomaaliyeed oo labada shacab ay ku wada noolyihiin,waxaana ka wada hadlaynaa dib u eegista wixii ka qabsoomay heshiisyadii hore, runtii magaaladu nabad ayay u baahantahay,waxaa jiray arqalado soo laa laabtay, diyaar ayaan u nahay nabadda waxaan ka codsanaynaa Qurba joogta in ay kaalintooda ka qaataan nabadda.” Ayuu yiri madaxwyen kuxigeenka Galmudug.

“Waxaanu ka sii wada hadlaynay waxyaabaha loo baahanyahay ee nabadda hirgelinteeda ah,siida uu sheegay Maxamed Xaashi Cabdi, intaasi ayan isla soo hadal qaadnay, waan isku afgaranay,waxaa loo baahanyahay mas’uuliyada waxyaabihii la isla gartay ah,wadashaqeyn ayaa loo baahanyahay qofkaska wuxuu u baahanyahay nabadda,wadadii ayaanu haynaa,waxaana ugu baaqeynaa shacabka labada maamul ee walaalaha ah in ay nabadda ka wada shaqeeyaan”, Sidaasina waxaa yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Waxaa muuqanaysa ifi faalo nabadeed oo ay ku wada noolan karaan bulshada ku nool magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada kale,islamarkaana la soo afjaro rabshadaha soo laalaabtay,horey waxaa u jirey heshiisyo nabadeed, kuwaasi oo waxtar u noqday bulshada labadda dhinac.

Shil sababay geerida gabar Soomaaliyeed iyo dhaawaca Wariye Axmed Jaaket oo ka dhacay Mareykanka.

0

Muqdisho(SONNA) Dhacdadani ayaa timid markii ay isku dheceen gaari nuuca raaxadda ah oo ay saarnaayeen Wariye Jaakad iyo gabadhaasi iyo gaari Tareen ahaa kaasi oo wadada si xowli ah u marayay, waxaana Jaaket uu sheegay in sababta keentay ay tahay in ay jiraan waddooyin Tareen iyo kuwa caadiga ah oo isdhexmara meelaha qaar, taasi oo shilkaasi keentay.

Wariye Axmed C/raxmaan Jaaket ayaa faah faahiyaya sida shilkaasi uu u dhacay isagoo kujira isbitaal ku yaala Gobolkaasi Wisconsin ee Mareykanka.

“Gabdha waxaan isku baranay meel lagu barto shuruucda qaadashada kaararka muwaadinimada, waxay I aragtay anigoo socoda, waxaan u sheegay in aan u socdo Banggi, markaasi ayaay is oo qaaday,inta aan soconay ayaa wadada waxa soo galay Tareen oo ku dhacay gaarigeena dhankak gabadha,waxaan isku dayay in aan gaariga ka boodo balse waan awoodi waayay, madaama aan dhaawacmay,waxyar ka dibna waxan arkay gabadhii gaariga igu wadday oo Meyd ah”, Ayuu yiri wariye Axmed Jaaket.

Wariye Axmed C/raxmaan Jaaket ayaa sheegay in goobtaasi ay soo gaareen Boolis iyo dadweyne kale,kuwaasi oo meesha ka qaaday dhaawaciisa,waxaana uu haatan kujiraa isbitaal ku yaala Gobolkaasi Wisconsin.

Shilalka ka dhacay dalka Mareykanka ayaa ah kuwo halistoodi leh,iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo shil ay waxyeelo ka soo gaarto muwaadiniin Soomaaliyeed uu ka dhoco Mareykanka,waxaana loo aanaynayaa wadooyinka qaar oo ah labo waddo oo isdhexmara ayna wada isticmaalaan Tareenada iyo kuwa kale ee caadiga ah.

XiGasho:VOA

Guddiga doorashad Kenya”Uhuru iyo Railla keliya ayaa ku tartamaya dorashada 17 October dhacayso”

0

Muqdisho(SONNA) Saameyntii ka dhalatay go’aankii maxakamadda sare ee dalka Kenya ka qaadaya natiijada doorashadii uu ku guuleystay Uhuru Kenya ayaa noqotay mid gilgishay dareenka shacabka reer Kenya iyo guud ahaan caalamka.

Hadal haynta ugu badan ayaa noqotay in dalka Kenya uu noqdo wadankii ugu horeeyey oo katirsan Qaaardda Africa oo uu qaato go’aan kaasi lamid ah, taasi oo horey uga dhacday qura wadamo fara ku tiris ah oo katirsan Qaaradaha kale ee Dunida.

Madxweyne Uhuuru Kenyata iyo Railla Odinge ayaa labaduba isku diyaarinayaa in ay galaan doorasho mar kale laqabta, kadib markii guddiga doorashada dalka Kenya uu soo saarey jadwalka doorashada, oo loo iclaamiyay in la qabto 17 bisha October.

War qoraal ah oo kasoo baxay IEBC ayaa lagu sheegay in musharixiinta kala ah Raila Odinga ee isbahaysiga NASA ee mucaaradka ah iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ee xisbiga Jubilee oo kaliya ay u tartami karaan doorashada, maadaamaa labadoodu ahaayeen kuwii go’aanka maxkamadda lagu saleeyay.

Xisbiyada ayaa durba bilaabay ololaha doorashada, iyada oo uu dastuurka qabo in muddo 60 maalmood ah gudahood doorasho lagu qabto laga bilaabo maalinta ay maxkamad laasho natiijada.

Arrinta ugu weyn oo weli taagan murankeedi ayaa ah in madaxweyne Uhuru Kenyata uu diiday in isbedel lagu sameeyo guddiga doorashada, halka Railla Odinge uu aaminsanyahay in uusan la jaanqaadi Karin guddigaasi marxaladda siyaasadeed ee taagan.

Malaayiin taageerayaasha labada dhinac ayaa bilaabay olole uu midkasta ku doonayo in uu ku helo gusha doorashada mar kale la go’aamiyay doonin.

Puntland iyo Galmudug”Waxaan u baahanahay nabad waarta”+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA) Shirkani oo ujeedkiisu yahay amba qaadista xoojinta nabadeynta bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug,iyo deegaanada hoosyimaada oo ay ka jireen dhibaatooyin soo noq noqday ayaa ka soconaya magaalada Gaalkacy.

Waxaaa goob joog ah madasha shirkan dib u heshiisiineed madaxweyen ku xigeenka Galmudug Max’ed Xaashi Cabdi iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji C/llaahi Cumar Camey,kaasi oo la filayo in laga soo saaro go’aano ku aadan nabad ku wada noolaanshaha bulshooyinka Galmudug iyo Puntland ee deegaanadaasi wada dega.

Shir Jaraa’id oo ay ku wada qabteen Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo gelinkii dambe ee Isniintii ayay labada madaxweyne ku xigeen waxay ku faah faahiyeen ujeedada shirkaasi.

“Maxmed Xaashi Cabdi , Waxaan halkani u nimid aniga iyo madaxweyen kuxigenka Pntlan, in aan amba qaadno hehsiisyadii nabadda ee Gaalkacyo, sida aad la socotaan Gaalkacyo waa magaalo soomaaliyeed oo labada shacab ay ku wada noolyihiin,waxaana ka wada hadlaynaa dib u eegista wixii ka qabsoomay heshiisyadii hore, runtii magaaladu nabad ayay u baahantahay,waxaa jiray arqalado soo laa laabtay, diyaar ayaan u nahay nabadda waxaan ka codsanaynaa Qurba joogta in ay kaalintooda ka qaataan nabadda.” Ayuu yiri madaxwyen kuxigeenka Galmudug.

“Waxaanu ka sii wada hadlaynay waxyaabaha loo baahanyahay ee nabadda hirgelinteeda ah,siida uu sheegay Maxamed Xaashi Cabdi, intaasi ayan isla soo hadal qaadnay, waan isku afgaranay,waxaa loo baahanyahay mas’uuliyada waxyaabihii la isla gartay ah,wadashaqeyn ayaa loo baahanyahay qofkaska wuxuu u baahanyahay nabadda,wadadii ayaanu haynaa,waxaana ugu baaqeynaa shacabka labada maamul ee walaalaha ah in ay nabadda ka wada shaqeeyaan”, Sidaasina waxaa yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Waxaa muuqanaysa ifi faalo nabadeed oo ay ku wada noolan karaan bulshada ku nool magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada kale,islamarkaana la soo afjaro rabshadaha soo laalaabtay,horey waxaa u jirey heshiisyo nabadeed, kuwaasi oo waxtar u noqday bulshada labadda dhinac.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Puntland oo talaalaysa saddex Milyan oo Neef

0

Muqdisho(SONNA) Kooxahaani dhakhaatiirta ah ee ay dirtay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee dowlad goboleedka Puntland ayaa dawayn iyo tallaalid u samayn doona malaayin xoolo ah oo ku dhaqan deegaanada Puntland, laga dawayn doono cuduro kala duwan oo ay jadeecadu gu horayso.

Agaasimaha Caafimaadka Xoolaha ee Puntland Dr C/rixman Maxamed Xaji {Xunbul} ayaa tilmaamay in talaalkan uu faa’ido badan u leeyahay xoolaha madaama ay jiraan xanuun xoolaha ku dhaca, kuawasoo looga dabiibayo tallaal iyo daawayn wada socda.

Dr. Abshir Siciid Yusuf oo ka socday Hay’ada FOA oo iyada barnaamijkaan si gaar ah uga taageerta Puntland wuxuu  sheegay in sanooyinkii  ugu dambeeyay ay talaaleen malaayiin Xoola ah, iyagoo bartilmaamedkoodu yahay Cudurada faafa.

Dr Abshir ayaa xusay in kooxahan Wasaaraddu dirayso in ay talaali doonaan sedex Milyan oo neef, ayna ka talaali doonaan laba cudur oo ah kuwa faafa waxaana xanuunada laga talaalayo xoolaha uu sheegay in ay yihiin jadeecada iyo xanuunada kale ee faafa.

Wasiirka Xananada Xoolaha ee dowlad goboleedka Puntland  C/laahi Shiikh Axmed waxa u dardaaran u jeediyay dhakhaatirta Xananada xoolaha kuna booriyay in loo naxariisto reer guuraaga xilliga ay ku guda jiraan dawaynta xoolaha.

Xoolaha waa laf dhabarta dhaqaalaha guud ee Soomaalida, iyadoo sanooyinkii u dambeeyay ay dhaceen abaaro saameeyay nolasha xoolo badan oo ay nooli ka heli jireen reer guuraaag Soomaaliyeed.