Guddiga Taakuleynta Ciidamadda oo daah furay Barnaamijkooda.

Date:

Muqdisho(SONNA):–Shiikh Nuur Baaruurd Gurxan oo ah Gudoomiyaha Gudiga Taakulaynta Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka war bixiyay Waxyaabihii u qabsoomay Guddiga tan iyo markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday, isagoo sheegay in la daahfuray Barnaamijka Taakuleynta Ciidamada Qalabka Sida.

Sheekh Nuur ayaa u mahadceliyay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool wadamada Caalamka isagoo tilmaamay inay ka imaanayaan jaaliyada Soomaaliyeed codsiyo ku aadan Taakulaynta Ciidamada.

 

‘Waxaan u mahadcelinaynaa Jaaliyadda soomaaliyeed ee ku Nool Dalka dibadiisa kuwaasoo Xili walaba Nalal Soo xirira sidii ay u Taakuleyn lahayeen Ciidanka Qaranaka soomaliyeed ,Barnaamijkeena taakuleynta Ciidamadda waa la daah furay.” ayuu yiri Seekh Baruud Gurxan

Gudoomiyaha Gudiga Taakulaynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa dhanka kale soo hadal qaaday inay qorshaha guddiga ay tahay ka warqabida iyo garab istaaga Ciidamada Naafada qaranka iyo Qoysaskooda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday Guddi loogu talo galay taakulaynta Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...