Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Kismaayo uga qeyb galay kulan dadweynaha lagu fahamsiinayey shuruucaha dalka

Date:

Barnaamijkan  wacyi galinta ah oo dhammaan  dad weynaha dowlad goboleedyada dalka oo  lagu fahamsiinayo shuurucda dalka oo uu ka mid yahay hannaanka shaqo ee xeer ilaalinta guud ee qaranka ayaa maanta ka furmay magaalada kismaayo  ee xarunta kumeel gaarka ah dowlad goboleedka Jubbaland.

Kulankaan waxaa ka qayb galay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr  Axmed Cali Dahir ,xeer ilaaliyaha maxkamadda  gobolka  Jubbada hoose Cabdicasiis Maxamed sheikh Maxamed Abdi oo kamid ah garsoorayaasha maxkamadda racfaanka iyo marti sharaf kale oo qaybaha bulshada laga soo xulay.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaran Dr Axmed Cali Daahir oo daah furay kulankaan wacgi giant iyo sare u qaadista fahamka nidaamka shaqo ee xeer ilaalinta qaranka ayaa sheegay in ujeedada kulankaan ay tahay sidii bulshada loo fahamsiin laha cadaaladda iyo habka shaqo ee hay’adaha garsoorka dalka.

Xeer ilaaliyaha Gobolka Jubbada hoose, Cabdicasiis maxamed ayaa dhankiis sheegay in muhiim tahay in wacyi galinta shacabka la joogteeyo ay sahli karto baraaruga shacabka iyo doorka ay ku leeyihiin ka shaqeynta cadaaladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...