Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Kismaayo uga qeyb galay kulan dadweynaha lagu fahamsiinayey shuruucaha dalka

Date:

Barnaamijkan  wacyi galinta ah oo dhammaan  dad weynaha dowlad goboleedyada dalka oo  lagu fahamsiinayo shuurucda dalka oo uu ka mid yahay hannaanka shaqo ee xeer ilaalinta guud ee qaranka ayaa maanta ka furmay magaalada kismaayo  ee xarunta kumeel gaarka ah dowlad goboleedka Jubbaland.

Kulankaan waxaa ka qayb galay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr  Axmed Cali Dahir ,xeer ilaaliyaha maxkamadda  gobolka  Jubbada hoose Cabdicasiis Maxamed sheikh Maxamed Abdi oo kamid ah garsoorayaasha maxkamadda racfaanka iyo marti sharaf kale oo qaybaha bulshada laga soo xulay.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaran Dr Axmed Cali Daahir oo daah furay kulankaan wacgi giant iyo sare u qaadista fahamka nidaamka shaqo ee xeer ilaalinta qaranka ayaa sheegay in ujeedada kulankaan ay tahay sidii bulshada loo fahamsiin laha cadaaladda iyo habka shaqo ee hay’adaha garsoorka dalka.

Xeer ilaaliyaha Gobolka Jubbada hoose Cabdicasiis maxamed ayaa dhankiis sheegay in muhiim tahay in wacyi galinta shacabka la joogteeyo ay sahli karto baraaruga shacabka iyo doorka ay ku leeyihiin ka shaqeynta cadaaladda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...