Home Blog Page 1575

Jabuti iyo Rwanda oo kala saxiixday heshiisyo

0

Labada dal Jabuti iyo Rwanda ayaa kala saxiiday heshiisyo ka kooban shan qodob, oo ay ka mid yihiin maalgashiga, dhinacyada dibolomaasiyayda, horumarinta Isgaarsiinta iyo in la abuuru guddi wadajir ah oo ka shaqeeya fulinta qodobada lagu heshiyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuti Mudane Ismaciiil Cumar Gelle oo hadal gaaban ka jeediyay munaasabadaasi ay laba dal ku kala saxiixinayaan heshiisyadaasi ayaa ka hadlay waxtarka heshiisyada noocan ,wuxuuna sheegay in Afrika ay awood u leedahay  inay si quman uga faaideystay kheyraadkeeda dihin oo weli si quman looga faaiddeysan.

Dhinaca kale Madaxaweynaha dalka Rwanda Paul Kagame oo isna munasabadaasi ka hadlay ayaa sheegy in labada dal Jabuti iyo Rwanda ay wadaagaan hadaf qura oo ah dhismaha Qaaradda Afrika oo amnigeedu sugan yahay kana  fog dagaallo.

Madaxweynaha Rwanda waxa uu uga mahadceliyay Dhigiisa Jabuti sida diiran iyo hab maamuuska sare  leh ee loogu soo dhaweeyay Jabuti.

WD/Mukhtaar

Isbahaysiga Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee Mareykanka oo shir laba maalmood ah Minnesota ku qabtay

0

Kooxda la talinta ee Tayo iyo Isbahaysiga Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee Mareykanka ayaa shir laba maalmood socday ku qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Shirkan oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa diirada lagu saaray is bedelka siyaasadeed ee dowladda cusub ee Mareykanka iyo saameynta uu ku leeyahay Soomaalida ku dhaqan dalka Mareykanka.

Haddaba shirkan oo aad iyo aad uga duwanaa shirarkii iyo kulamadii horay looga bartay in qabtaan Soomalida Mareykanka degan, ayaa waxaa goobtii uu shirku ka dhacay lagu soo bandhigay dood wadaag iyo aqoon is-weydaarsiga ku saleysan waayo aragnimadda, Islaam naceybka kusii kordhaya dalka Mareykanka iyo waliba sharicyadda cusub iyo siyaasada Madaxweynaha dalka Mareykanka D. Trump ee sida gaarka ah u saameeynaya bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka.

Hamse Warfa oo isagu ah hogaamiyaha Kooxda la talinta ee Tayo iyo Isbahaysiga Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee Mareykanka oo shirka furay ayaa marka koobaad u mahadceliyey dhamaan dadkii ka soo qayb galay shirka. Hasme ayaa sidoo kale dadweynihii tirada badnaa ee iyagu ka soo qaybgalay shirka uga waramay ahmiyada shirka loo qabtay.

Madaxdii iyo Aqoon-yahaniintii shirkan lagu martiqaaday waxaa ka mid ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka mudane Ahmed Awad, Duqii hore ee Magaalada Minneapolis R.T., iyo Aqoonyahan Faisal Roble oo isagu ah maamulaha xafiiska Qorsheeynta ee Magaalada Los Angeles.

Sidoo kale shirkan ayaa waxaa ka qaybqaatay qudbado iyo hadalo qaali ahna ku soo bandhigay dhallinyaro aqoonyahaniin Soomaaliyeed ah oo iyagu ka kala yimid gobolada kala duwan ee dalka Mareykanka. Hogaamiyeyaashan da’da yar ayaa waxaa kamid ahaa Ramla Saahid, Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda PANA, Horseed Nuux, Agaasimaha Masaajidka Abubakar Assiddiq ee magaalada Ohio, Ismahan Warfaa, Agaasimaha Iskaashiga iyo Iskuxirka Bulshada ee Hay’adda PANA, iyo Abdiraxman Mukhtar oo isagu ah maamulaha barnaamijka Dhalinyarada iyo Qoyska ee xarunta Brian Coyle ee magaalada Minneapolis.

Shirkan oo mowduucyo muhiim ah looga hadlay diiradana lagu saaray ayaa waxaa kale oo lagu soo bandhigay filim kooban oo ka hadlaya waxqabadka wanaagsan ee ay qabtaan qaar kamid ah bulshadda Soomaaliyeed ee iyagu ku dhaqan dalka Mareykanka gaar ahaan gobolka Minnesota.

Wasiirka Dhalinyarada Oo Kulan La Qaadatay Ururrada Dhalinyarada Dalka Qaarkood

0

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa kulan wadatashi iyo is dhageysi ah la qaadatay ururrada dhalinyarada dalka ka jira qaarkood.

Kulankan waxaa Wasiirka ku wehliyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Axmed Cumar Islow ayadoo kulankana looga hadlay xoojinta xiriirka Wasaaradda ay la leedahay dhalinyarada Soomaaliyeed iyo u diyaar garowga xuska munaasabadda dhalinyarada ee 15ka May.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Mudane Axmed Cumar Islow oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay yihiin xoogga bulshada islamarkaana Wasaaraddu ku dadaali donto sidii dhalinyarada kaalinta ay xaqa u leeyihiin lagu heli lahaa.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo kulanka ka hadashay ayaa dhalinyarada ku dhiiri gelisay iney doorkooda bulshada qaataan mar walbana Wasaaaraddana ay garab buuxa u tahay, sidoo kalena waxa ay ka hadashay in dhowaan ay magacaabi doonto guddi ka shaqeeya qaban qaabada munaasabadda 15ka May islamarkaana looga baahan yahay in ururrada dhalinyarada ay kaalintooda qaataan.

Ugu dambeyntii qaar ka mid ah dhalinyarada ka qeybgalay kulanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin fursadda ay Wasaaradda Dhalinyarada u siisay in la dhageysto aragtidooda.

Deeq ay soo dhiibeen marwada madaxweynaha iyo duqa Muqdisho oo loo qeybiyay bukaanno ku jira isbitalka Deyniile

0

Deeq gargaar ah oo ka koobneyd dhar iyo lacag ayaa waxaa la gaar siiyay ku dhawaad 200 haween ah oo qaba xanuunka isku furanka ah,  kuwaas oo lagu dabiibayay isbitaalka Deyniile ee Magaalada Muqdisho waxaana deeqadani soo dhiibay Marwada Madaxweynaha J.F Soomaliya iyo Guddoomiyaha Gobalka Banadair ahna Duqa Magaalada Muqdisho iyadoo loo wakiishay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir.

Deeqdan la gaarsiiyay bukaannada ku jira Isbitaalka Deyniile waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaan Hibo Aadan oo ka mid ah mudanayaasha Barlamaanka Dalka Switzerland waxeyna mas’uuliyiintan qeyb qeyb u booqden qeybaha uu ka kooban yahay isbitaalka iyagoo dhaqaatiirta isbitaalka Deyniile ka wareestay xaaladda bukaannada iyo baahida ka jirta isbitaalka.

Caasha Shaacur, Deeqa Cabdiqaadir Axmed iyo Sahra Maxamed Amiin oo isbitaalka ka hadlay ayaa ugu baaqay dadka wax heeysta in ay gacan ka geeystan caawinaadda dadka Soomaliyeed ee u baahan adeegyada caafimad.

Xildhibaan Hibo Aadan oo ka mid ah Baarlamaanka Dalka Switzerland ayaa ballan qaadday in dowladda Switzerland ay kala hadli doonto sidii loo caawin lahaa bulshada Soomaliyed ee u baahan adeegyada caafimadka.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir Jawaahir Baarqab oo warbaahinta la hadashay ayaa tilmaamtay in deeqdan ay soo dhiiben marwada madaxweynaha iyo duqa magaalada Muqdisho.

 

Raashin gargaar ah oo loo qeybiyay qoysas ku nool Dhuusamareeb

0

Raashin gargaar ah ayaa laga qeybiyey Magaalada Dhusaamreb kaas oo loogu talagalay dadka Abaaruhu saameeyeen waxa ayna deeqdani ka timid waddanka Sucuudiga.

Raashinkan waxaa wakiil ka ahaa Hay’adda Al-xamlatul Wadaniyah Alsucuudiyah waxaana ka faa’iideystay 500 oo Qoysas danyar ah kuwaasoo u badnaa dadka ku ceyrtoobay Abaarta.

Dadka raashinka loo qeybshay ayaa dhowaan soo gaaray magaalada Dhuusamareeb kaddib markii ay xoolihii ay dhaqanayeen uga dhamaadeen abaarta.

Gudoomiyaha Degmada Dhusamareb Macalin Nuur Cilmi Cabdulle ayaa sheegay in deegaanka ay ka jirto abaar daran iyo biyo la’aan isagoo xusay in raashinkan la gaarsiiyay dadkii ugu baahida badnaa ee ku soo barakacay Dhuusamareeb, wuxuuna u mahadceliyey ciddii soo gaarsiisay.

Qaar ka mid ah Dadkii raashinka la siiyey ayaa dhinacooda ka mahadceliyay waxa ayna sheegeen inay aad ugu baahnaayeen uuna ku soo aaday waqti aay aad u dhibaateysnaayeen.

Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha oo la kulmay Madaxa UNHCR ee Soomaaliya

0

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha, dib u heshiisiinta iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa maanta kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR u qaabilsan Soomaaliya Mss Carolina Van, kaasi oo ka dhacay xarunta Hay’adda Qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka.

Wasiiru dowlaha iyo wafdiga ka socday UNHCHR waxa ay kormeereen xarunta hay’adda oo xiligaasi ay ka socotay shaqo oo wax loogu qabanayay muwaadinin Soomaaliyeed oo dalkooda dib loogu soo celiyay, kuwaasi oo laga kala keenay Wadamada Kenya, Yemen iyo Jabuuti.

Guddoomiyaha hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Axmed Cabdikariin Nuur ayaa sheegay in muwaadiniinta dib loogu soo celiyay dalkooda si wanaagsan loogu shaqeeyo.

Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR u qaabilsan Soomaaliya Mss Carolina Van ayaa sheegtay inay gacan ka geysanayaan sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka jira dalka.

“UNHCR waxa ay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato abaarta ka jirta Soomaaliya, isla markaana aan u kuurgalno deegaannada ugu daran ee ay abarta ka jirta, aniga oo kaashanayna dhamaan hay’adaha aan shaqo wadaaga nahay ee Qaramada Midoobay” ayay tiri Mss Carolina Van

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha, dib u heshiisiinta iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa bogaadiyay howlaha loo hayo dadka dib loogu soo celiyo dalkooda Hooyo.

“Runtii aad baan ugu faraxsanahay howsha ay hayaan, haddii aan anahay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha gudaha waan bogaadineynaa, waan xoojineynaa wada shaqeynta naga dhexeyso anaga iyo hay’adda UNHCHR” ayuu yiri Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha.

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dowladdu ay xoogga saareyso u gurmashada dadka ay abaartu saameysay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah dowlad goboleedka Koonfur galbeed ayaa sheegay in dowladda ay ahmiyadda koowaad siineyso sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay abaartu saameysay.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Difaaca Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Drs Maryan Qaasim Axmed, Wasiirka Caafimaadka Drs Fawziya Abiikar Nuur, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Xaaji Cali Sheekh Maxamed Nuur, Wasiir ku-xigeenka caafimaadka Mudane Xuseen Cismaan Xuseen iyo Wasiiru dowlaha Ganacsiga Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka iyo Aqalka sare.

Madaxweyne Farmaajo oo ay soo dhaweeyeen Madaxda dowlad goboleedka Koonfur galbeed ee Soomaaliya, qeybaha bulshada iyo ciidamada qalabka sida ayaa shacabka u sheegay in dowladdu ay dadaal u gashay u gurmashada dadka ay abaarta saameysay, ayan sii wadayaan in loo gurmado dadka ku xoolo beelay abaarta.

Madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay shacabka ku nool deegaannada Koonfur galbeed inay la shaqeeyaan ciidamada si looga dulqaado kooxaha dhibaateynaya shacabka, isagoo intaa ku daray in amniga uu ka midyahay tiirarka ay dowladdu qorsheyneyso inay wax badan ka qabato.

“Aan iska kaashano sidii wax looga qaban lahaa amniga, dowladdu waxaa ka go’an inay xoogga saarto arrimaha amniga, si gar gaar loo gaarsiiyo meelaha ay ka jirto abaaraha, waxaana aan diyaar u nahay inaan wax ka qabano abaaraha ka jirta dalka” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa inta ay ku suganyihiin magaalada Baydhabo waxa ay u kuurgeli doonaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta magaalada, gaar ahaan dhanka beni’aadanimada iyo amniga.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo tababbar loogu qaaday Dalka Ingariiska

0

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaliya  ayaa manta tababbar loogu qaaday Dalka Ingariiska, waxaana garoonka ku sii sagootiyay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Gaashaanle Sare Maxamed Adam Jimcaale ( Koofi)

Saraakiishan maanta tababbarka u baxay ayaa waxaa lagu soo tababbari doonaa Garoomada diyaaradaha dalka Ingariiska, gaar ahaa garoomada London ,  Manchester iyo Birmingham.

Wadamada Dernmark, Norwey  iyo Rwanda ayaa tababbaro nuucan oo kale ah waxa ay horay u siiyeen saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaana uu dalka Ingariiska qeyb ka noqonaa Wadamada dalkooda ku soo tababbaray saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Eng. Yarisow “UK waxey door hoggaamineed ka qaadatay inay Soomaaliya uga ololeyso caalamka.”

0

Muqdisho, 23 April 2017 – Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa shalay kulan dheer la qaatay Safiirka UK ee Soomaaliya David Concar oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin horumarinta warbaahinta dalka, Shirka London ee 11ka May iyo arrimo kale.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa Safiirka UK uga mahadceliyey doorka hoggaamineed ee UK ay ugu ololeyneyso caalamka sidii Soomaaliya wax loogu qaban lahaa si dalka loo nabadeeyo oo dowlad wanaag loo hirgeliyo. Eng. Yarisow ayaa yiri “UK waxey door hoggaamineed ka qaadatay inay Soomaaliya uga ololeyso caalamka si indhaha caalamku ay ugu soo jeestaan arrimaha Soomaaliya. Sidoo kale UK waxey si aad ah uga ololeysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo sanooyinkii la soo dhaafay ay soo saareen qaraarro fara badan oo Soomaaliya looga taageerayo arrimo fara badan.”

Safiirka UK David Concar ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada warbaahinta ay ka qaadan karto sidii Soomaaliya ay u noqon laheyd dal horumaray oo nabad ah. Safiirka UK ayaa ballanqaaday in dowladda UK ay garab taagantahay sidii Dowlada Federaalka iyo shacabka loo garab-istaagi lahaa waqtigan xasaasiga ah, gaar ahaan sidii loo horumarin lahaa warbaahinta dalka.

Eng. Yarisow ayaa ugu danbeyntii la wadaagay safiirka qorshaha iyo siyaasada Wasaarada Warfaafinta ay ku dooneyso inay ku horumariso warbaahinta dalka iyo sdii suxufiyinta Soomaaliyeed loo garab istaagi lahaa si ay waajibaadkooda ugu gudan lahaayeen si xirfadi ku jirto oo shacabka loogu gudbinayo horumarka dalka ka jira.

DHAMAAD

Kulan soo dhaweyn ah oo loo sameeyay guddoomiye ay iska dhex doorteen ardayda Soomaaliyeed ee dalka Pakistan

0

Ardayda wax ka barata Jaamacadaha dalka Pakistan ayaa kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Guddoomiyaha ururka Midnimo oo ah guddoomiye cusub oo ay dhawaan iska doorteen, kaasi oo ka shaqeynaya horumarinta waxbarashada ardayda Soomaaliyeed.

Munaasabad si heer sara ah  loo soo agaasimay  ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Dalka Pakistan sida  Diblomaasiyiin safaaradda Soomaaliya ee Pakistan, Aqoonyahano, , Arday iyo dhammaan Qeybaha Bulshada ee ku nool Dalka Pakistan.

Ka qeyb galayaashii munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin la shaqeynta guddoomiyaha cusub ee ay ardayda doorteen, waxaana ay kula dar daarmeen in uu si cadaalad ah ugu adeego ardayda wax ka barata dalka Pakistan, iyagoo u mahadceliyay guddoomiyihii hore Maxamed Cabdi Guuleed (Baafow)

Guddoomiyaha cusub ee dhawan loo doortay Ururka Midnimo Axmed Maxamed Xasan (Shuutaaye) ayaa sheegay in uu u istaagi doono sidii ardayda ay u heli lahaayeen agabyada waxbarashadooda, uuna ka shaqeyn doono isu keenidda ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Pakistan.

Xafladda ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan iyo ruwaayado ka turjumaya dhaqanka Soomaaliyeed