Madaxweyne Farmaajo oo Villa Somalia ku Casuumay Qorayaal Soomaaliyeed”Sawirro

Date:

Madaxweynha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay casho sharaf u sameeyey qalinlayda Soomaaliyeed ee ka qayb galay bandhigga Buugaagta Muqdisho 2017.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadiyad ahaan loo guddoonsiiyey buugaag iyo farshaxanno lagu soo bandhigay carwada buugaagta muddadii sadexda maalmood ah ee ay furnayd.

Qorayaasha ka qayb galay casho sharafta ayaa la wadaagay madaxweynaha caqabadaha ku xeeran wax qorista iyo soo bandhigiddeeda, iyagoona uga mahadceliyey Madaxweynaha dhiiri galinta uu u sameeyey.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa kula dar daarmay qoraayaasha in ay sii wadaan dadaalkooda maadama wax qoristu ay aasaas u tahay nolasha. Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu bogaadiyey dadkii soo abaabulay carwadaan iyo dadaalkii dheera oo ay ku bixiyeen sidii ay bulshadooda ugu adeegi lahaayeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....