Madaxweyne Farmaajo oo Villa Somalia ku Casuumay Qorayaal Soomaaliyeed”Sawirro

Date:

Madaxweynha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay casho sharaf u sameeyey qalinlayda Soomaaliyeed ee ka qayb galay bandhigga Buugaagta Muqdisho 2017.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadiyad ahaan loo guddoonsiiyey buugaag iyo farshaxanno lagu soo bandhigay carwada buugaagta muddadii sadexda maalmood ah ee ay furnayd.

Qorayaasha ka qayb galay casho sharafta ayaa la wadaagay madaxweynaha caqabadaha ku xeeran wax qorista iyo soo bandhigiddeeda, iyagoona uga mahadceliyey Madaxweynaha dhiiri galinta uu u sameeyey.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa kula dar daarmay qoraayaasha in ay sii wadaan dadaalkooda maadama wax qoristu ay aasaas u tahay nolasha. Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu bogaadiyey dadkii soo abaabulay carwadaan iyo dadaalkii dheera oo ay ku bixiyeen sidii ay bulshadooda ugu adeegi lahaayeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANZANIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...